Sunday April 23rd, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Halkan Ka Daawo: Sawiro/AKHRISO Tariikhiya Ilaahay Ha uu Naxariiste Sh.Axmed Sh.Maxamed Walaaleeye, oo Taagan Tiirkii lagu Toogan Laha Shiikhani waa Hogaamiyihii Culimadii Somaliyeed ee la laayay Maanta oo kale 23.jan.1975

0
Thursday January 23, 2014 - 23:59:53 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 9248
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 3
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Daawo: Sawiro/AKHRISO Tariikhiya Ilaahay Ha uu Naxariiste Sh.Axmed Sh.Maxamed Walaaleeye, oo Taagan Tiirkii lagu Toogan Laha Shiikhani waa Hogaamiyihii Culimadii Somaliyeed ee la laayay Maanta oo kale 23.jan.1975

    Halkan Ka Daawo: Sawiro Tariikhiya Ilaahay Ha uu Naxariiste Sh.Axmed Sh.Maxamed Walaaleeye, oo Taagan Tiirkii lagu Toogan Laha Shiikhani waa Hogaamiyihii Culimadii Somaliyeed ee la laayay Maanta oo kale 23.jan.1975

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Halkan Ka Daawo: Sawiro Tariikhiya Ilaahay Ha uu Naxariiste Sh.Axmed Sh.Maxamed Walaaleeye, oo Taagan Tiirkii lagu Toogan Laha Shiikhani waa Hogaamiyihii Culimadii Somaliyeed ee la laayay Maanta oo kale 23.jan.1975




Geeridu waa
xaq waana mid ina sugaysa dhammaanteenba inkasta oo saacadda la qaban doono qof
ogi aanu jirin. Haddana waa wax aynu wada filayno oo qof diidani aanu jirin.

Maalin
kasta mid inaga mid ahaa ayaa tegaya oo

aynu habaaska iyo ciidda ku soo rognaa. Hal-doorkii bulshada ee magaca iyo
milgaha dhexdeena ku lahaa ayaynu cidla kaga soo dhaqaaqnaa oo aynu iilka ku
adkaynaa.



Inkasta
oo maalinta aynu maqalno hebel baa dhintay aynu wada naxno, haddana waa dareen
inteena badan subaxda dambe aynaan lasoo toosin oo inaga ba’a oo aynu
muddo yar dabadeedba iska ilowno.



Geeriduse
waa arrin u baahan kol walba in aynu maankeena ku hayno. Waxay ahayd in aynu
isweydiino meesha aynu hayaanka u nahay ee aynu geediga ku furayno. May ahayn
in aynu isku hawlno adduunyadan dhibta ah ee rafaadka ah. Waxay ahayd in aynu
nafta ugu sheekayno oo aynu u hambaasno una riyaaqno nolosha dhabta ah ee
raasamaalka leh.



Waxay
ahayd in aynu ku werwerno kuna darsano qorshe-hawleedkeena oo aynu mar walba
xasuusano geerida.



Habeenimadii
salaasadii ee taariikhda islaamku ahayd 20-kii bishii rabiicul-awal sanadka
1434-ka oo ku beegan 21-kii bishii kowaad sanadka miilaadiga 2014-ka.
Waxa si’heer
qaran ah xabaalaha degaanka Toon ee magaalada Hargaysa u dhaw loogu
aasay illaahay
qabriga haw nuuree Sheekhii haybadda weynaa ee ilayska u siday
Culimada Qaadiriyada ah ee
Soomaalida. Allow kuu naxariiso waa Sh.Axmed Cali-weerar Maxamed Sharma’arke.
Waxaanu Sheekhu ku geeriyooday habeenimadii Axaddii ee taariikhda islaamku
ahayd 18-kii rabuucul-awal,Magaalomadaxda dalka Jabuuti oo dhakhtar caafimaad
loo geeyey. Ugu horrayn waxaanu mahad balaadhan u diraynaa Badhasaabka Jabbuuti
mudane Muumin Axmed Sheekh iyo Sarkaal ka tirsan waaxda Cashuuraha Jabbuuti
mudane Yaxye Muuse Cige iyo waliba ganacsadaha weyn Axmed Aw-Siciid Geeddi oo
ka qayb qaatay soo qaadistii meydka Sh.Axmed Cali-weerar.

Haddii Alle idmo waxaynu qormadeenan
ku faaqidi doonaa Taariikh Nololeedkii Sh.Axmed Cali-weerar.



Aynu
u kala qaadno dhawr qodob oo kala ah:



1-
Barbaariddii Sh.Axmed Cali-weerar

2-
Sh.Axmed Cali-weerar iyo Hooyadii Diidan X.Aadan

3-
Sh.Axmed iyo Aabihii Cali-weerar

4-
Haybaddii iyo Tarantii Sh.Axmed Cali-weerar





BARBAARIDII
SH.AXMED CALI-WEERAR (1929-kii--2014-kii)



SH.Axmed
wuxuu ku dhashay degaanka Awaare ee itoobiya sanadkii 1929-kii.

Waxaanu ku
barbaaray miyiga xilligaas oo ay nolosha soomaalidu miyiga u badnayd oo aanay
jirin magaalooyinka waaweyn ee aynu maanta ku noolahay. Qaybtii hore
ee noloshiisa
wuxuu ku soo qaatay noloshii raacatada ahayd ee ragguna uu hawsha xoolaha u
qaybsanaa haweenkuna hawsha guriga iyo caruurta ay u xil-saarnaayeen; waxaanu
ka soo qaatay kaalin dahab ah oo uu kaga tilmaannaa dhalinyaradii ay isku filka
ahaayeen. Waxaanu qoyskoodii u buuxiyey kaalintii haweenka iyo ragga labadaba
ee reer-guuraagii qoysaska soomaalidu ay isu qaybin jireen. Allow u naxariiso
anaguna ergaanu u nahay ee naga aqbal {Aammiin}.



SH.AXMED
CALI-WEERAR IYO HOOYADII DIIDAN X.AADAN



Diidan X.Aadan
waxay ahayd Sh.Axmed Cali-weerar hooyadii. Allow kuu naxariiso iyaduna way
inaga hoosaysaa. Lagama sheekayn welina lama sheegin haweenay soomaaliyeed oo
quruxdii Diidan X.Aadan oo kale leh. Diidan waxay ahayd haweenay magaceeda
laysu tebiyo oo qurux marka la sheegaayo iyada lagu hal-qabsado. Wuxuu
magaceedu gaadhay degaanno badan oo dhulka soomaalida ka mid ah. Intii ay madax
bannaanayd rag badan ayaa u ku hamiyey inay guursadaan oo uu calafku siin
waayey. Suugaantii loo tiriyey ee lagu aammaanayna tiro laguma soo koobi karo.
Inkasta oo dadkii qaybay ay madheen haddana meerisyada bulshada dhexdeeda ku
sii hadhay waxa ka mid ah:

Dumar waa ama daa

Ama Diidan ka guurso

Faras waa ama daa

Ama daabad ka fuul



Yuusuf Cawad-dhuulana
waa kii lahaa:

Ma’Qamaasha iyo Diidan bay Qamarna noo
raacday

Ma’haween midii qurux leh baan qaybi
nagu seegin

Qadar dhacay ma Nuur laagadhaa qadanki
hoomaayey

Ma’qadiimigii baanu nahay qaadi jiray
geela

Mar haaddaanu qiimiga adduun qayb
walba u joognay

Qatinaye ninkii doonayow qaado dabadeeda



Dhammaantoodba
illaahay haw naxariistee waxay Cali-weerar iyo Diidan isu dhaleen sideed iyo
gabadh.

Sh.Axmedna
wuxuu ku dhalasho xigay jaamac Cali-weerar oo yaraan ku dhintay
Dhacsad Cali-weerarna
wuxuu ahaa curadkoodii, isaguna wuu inaga hooseeyaa Allow u naxariiso anaguna
ergaanu u nahay ee naga aqbal {Aammiin}.







Sh.Axmed
wuxuu hooyadii u qaban jiray hawsha inantu ay hooyadeed u qabato iyo hawsha
inanku uu hooyadii u qabto ladaba. Alle haw naxariistee wiil iyo gabadhba isaga
ayaa Sh.Axmed hooyaddii u wada ahaa. Iga raali ahaada haddaan idinku dheereeyey.

Waa su’aale haddaba
sidee buu hooyadii wiil iyo gabadhba ugu wada ahaa? Hawraar soomaaliyeed baa
ahayd "Dhegta ayaa ka war dheer ishaaduse waa kula fil”.



Waasida
la’yidhiye Diidan X.Aadan muddo badan ayaanay wiilal mooyaane gabadhba dhalin..
Dabadeedna Sh.Axmed wuxuu hooyadii u buuxiyey
kaalintii inantu ay geli lahayd.



- Wuxuu
u lisi jiray Adhiga

- Wuxuu
u soo diiri jiray Maydhaxda

- Wuxuu
u soohi jiray Xadhkaha

- Wuxuu
u soo bixin jiray Dhigaha

- Wuxuu
u dhisi jiray Aqal-soomaaliga

- Wuxuu
u soo guri jiray Yacayga

- Mararka
qaarkoodna wuxuu la’samayn jiray Kebeda iyo Cawska.

Waxba yaanan
hadalka idunku dheerayne wax kasta oo ay inantu hooyadeed u qaban lahaydba
isaga ayaa u qabtay. Igama aha buunbuunin, maxaayeelay ma’nin dhintay
baa buunbuunin
u baahan, maxayse u tari” taana warcelinteeda idinka aan idiin dhaafo. Miyaan
idinku dheerey iga raali ahaada.



Xididka
dhigaha marka uu helo ee uu soo qodo inta aanu goyn ayuu u yeedhan jiray kolba
dumarka u odhow ee xoolaha la’jooga ama hawl kale ku foogan. Kolkaasuu ku odhan
jiray xididkan ii qiyaasa inta dhigta noqonaysa . Dabadeedna kolka ay u
qiyaasaan ayuu la soo bixi jiray dhigta. Haddii uu markaa dhawr dhigood la’soo
baxo waxa dhaqan u hayd inuu wax ka siiyo
mid ama laba waxay doonaan ha’noqdaane. Allow u naxariiso annaguna ergaanu u
nahay ee naga aqbal{Aammiin}.



Tanina waa
arrin kale oo ka sii daran. Maydhaxda marka uu soo diirtana hablaha beesha ee
ay isku degaanka yihiin ayuu u keeni jiray oo sidii dhaqanka u ahayd inta uu
heshiis lagalo ayuu odhan jiray "Walaalayaal hablahow maydhaxdan inoo calaaliya
oo duf iyo badhoof xadhkaha iyo kebdaha aynu ka samaysano inooga dhiga
damabadeedna inoo qaybiya oo badhna qaata badhna isiiya. Dabadeedna qaybtiisa
ayuu in ka mid ah xadhkaha ka soohi jiray inta kelana kebeda iyo Cawska ayuu
kula samayn jiray hooyadii iyo dumarada kale ee caawinaaya. Allow u
naxariiso annaguna
ergaanu u nahay ee naga aqbal {Aammiin}.



Miyaan idinku
dheereeyey iga raali ahaada.







Intaa dabadeed
hooyadii Diidan X.Aadan sida dhibicda roobka oo kale ayey Sh.Axmed ducada kaga
dhigtay, kamay baaqanine ifka ayuu ku helay, dad iyo duunyo mar keliya ayuun
baa illaahay u maansheeyey. Bad iyo berriba warasadiisii ayuu illaahay
ku barwaaqeeyey.
Waxa laga yaabaa inta dhoofka ku kala maqan ee baduhu ay kala xidheen qaarkood
in aanay weli is arag. Inta joogtaana waa qayro balaadhan oo wiil iyo gabadhba
leh. Reer adduunyo waase reer aakhiro {Allow dhawr oo isha iyo intii muruxsan
gaashaan dheeg wiyileed ah uga dhig} Aammiin.



Taasina waa
tacabkii uu dhigtay. Waa ducadii hooyadii oo aan habeenna u soo dhixin. Nin
waliba wixii uu waalidkii dhigtay ayuun baa u yaala, intase garanaysaa way
inagu yar tahay. Taana illaahay hayna garansiiyo {Aammiin}.Haddaan idinku
dheereeyey iga raali ahaada.



Intaa kadib Sh.Axmed
Cali-weerar
waxay hooyadii u samaysay suugaan layaableh oo isugu jirta ammaan, dhiirigelin
iyo duco oo aan ahayn male-awaal oo si dhab ah laabteeda uga soo go’day. Waxa
ka mid ahaa buraanburkan. Macnaha meerisyadiisa marka aad dhuuxdana haddii
taqaanay sheekh Axmed Cali-weerar waxa hubaal ah inaad garwaaqsan doonto. Maxaa
yeelay isaga oo doob ah oo aan xillo
yeelanin ayay buraanburkan u tirisay.



Waxaanay ugu
sii ducaysay Innamo badan, Cimri dheer, haybad iyo guul uu ku noolaado.Inkasta
oo suugaantaasi ay luntay oo dadkii hayey ay madheen, haddana meerisyada
hal-qabsiga noqday ee weli la xasuusan yahay waxa ka mid ah:

Waa mid weynaadayoo wiilal aada dhalay

Waa mid sodoh ii noqdoo eebe igu
sandahay

Waa mid inan ii noqdoo aqalka ii
dhexyaal

Waa mid cawrala-darbaneey laygu
dandayey

Waa mid ninkii ii xun iyo nacaba iga
xasladay

Waa mid guulaystayoo eebe igu galaday

Waa mid weynaadayoo waayo badana jiray



Sheekh Axmed
Cali-weerar hooyadii Diidan X.Aadan qaybtii dambe ee nolosheeda waxa isugu
darsamay taws iyo gabow dabadeedna xaal adduun baa iskaga darsamay kolkaasay
dhul yaal noqotay. Allow kuu naxariiso {Aammiin}. Dabadeedna sidii dhaqanka u
ahayd ee naxariista badnayd ee waalid adeeca ahayd ee uu hooyadii ugu
samo-fali jiray ayuu
markaana kama xaragoonine u xanaannayn jiray.

Cid kalena kumuu aamini jirin kol ay xaaskiisa ku tahay
isaga uun baa ku werweri jiray daryeelka hooyadii.. Allow kuu naxariiso
{Aammiin}.











SH.AXMED IYO AABIHII
CALI-WEERAR MAXAMED SHARMA’ARKE



Illaahay haw
naxariistee Cali-weerar waxa uu ahaa
deeqsi faxal ah, waa sida naanaystiisa ka muuqata’e waxa uu ahaa geesi gaashaan
qaad ah oo aan wadnihiisu galowda aqoon,karti iyo quruxna inta ragga lagu
majeerto ayuu ku caan ahaa.



Xilliga
Cali-weerar noolaa waxa uu ahaa xilli shiddo iyo dhibaato badan leh oo kol
walba wadnaha farta lagu wada hayo. May hawl yarayn ninku inuu gabadh qurux leh
guursado oo qoys magac leh ka soo jeeda.



Wuxuu ahaa
xilli adag oo ay raganimadu ku astaamaysan tahay awoodda muruqiisa
iyo ridada warankiisa nin
waliba wixii uu ku goosan karo. Maxaayeelay dumarka ayaa laka dhacaayey , geela
iyo fardahana waa la’kala qaadaayey, mararka qaarkoodna ceelka iyo carshinta
ayaa laysku dilaayey oo la’kala qabsanaayey. Xilliga sidaa ahaa nin rageed kelyo
adag leh ayuun baa ka soo bixi jiray oo waxa uu hiyiga geliyo soo taabi jiray.



Habeenkii
gaafka ahaa ee arooskii Cali-weerar ayaa la’yidhi dhalinyaradii gabyi jirtay
arooska yaanay soo gelin. Dabadeedna waa rag ilma’adeer ah oo caanaha wada
dhami jiraye kolkii waagu baryey ayaa lays dacaayadeeyey, kaftan hoose oo aan
turxaan lahayn ayaa laysku tuurtuuray. Dabadeedna dhalinyaradii xalay arooska
loo diiday ayaa tidhi "Arooskii xalay waxa ka gabyey Xaashi Maxamed Sharma’arke
oo yidhi waxaan ammaanayaa Cali-weerar iyo Diidan oo wuxuu yidhi :

Cali-weerar cadaa

Alla Diidan cadaa

Arooskeenu cadaa

Faraskiisu cadaa



Kaasina
hadalkii Xaashi muu ahayn. Maxaayeelay Xaashi wuxuu ahaa nin geedka looga
yeedho oo hadal yaqaan ah.

Xaashi Maxamed
iyo Cali-weerarna walaalo ayey ahaayeen oo labadoodaba waxa dhalay
Maxamed-fadhiid Sharma’arke Aadan. Xaashi ayaana ka weynaa

Cali-weerar,
illaahay dhammaantoodba haw naxariistee {Aammiin}



Waxa la yidhi
wadaad caan ahaa oo la’odhan jiray Sayid Maxamuud Aw-Cali Qabax ayaa beeshii
saldanada ahayd ee Isaaq xoolo u soo doontay , waa sida la’yidhiye
Sayid Maxamuud
Aw-Cali Qablax madal uu xoolo ka yaboohinaayo ayuu Cali-weerar isa soo taagay.
Dabadeed Sayid Maxameuud Aw-Cali Qablax ayaa yidhi: "Yaa loo duceeyaa oo ku
yaboohay boqol qaalmood oo wada ina
Mayliig ah”.







Dabadeedna
Cali-weerar baa yidhi: "Sayid Maxamuudow qaalinta kowaad anigaa ku yaboohay”
kolkaasuu Sheekhii intuu u duceeyey guddoon yidhi.

Mar labaad
ayuu haddana Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax yidhi: "Yaa loo duceeyaa oo qaalinta
labaad ku yaboohay” Markaasaa la’hadli waayey dabadeedna Cali-weerar
baa yidhi "Qalinta labaadna
aniga”.



Mar saddexaad
ayuu sidii oo kale Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax yidhi: "Yaa loo duceeyaa oo
qaalinta saddexaad ku yaboohay”. Markii saddexaadna Cali-weerar baa yidhi”Aniga
ayaa ku yaboohay”. Waa yaab iyo dheygag, waa arrin aan maankooda dad badan u
daadagaynin oo inta garashada yari ay u qaadan doonaan buunbuunin iyo naaxnaaxin
aan run ahayn. Waase xaal gobeed oo uu waayeelka dad aqoonka ahi garwaaqsan
karo.



Arrintu markay
halkaa marayso ayuu Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax isaga oo Cali-weerar
la’yaaban ku yidhi: "Inshaa allaahu tacaalaa ee dadka ducada haka wada qaadan”
dabadeedna intuu dhabarka ka dhirbaaxay ayuu ku yidhi” inshaa Allaahu taacaalaa
mid sidayda oo kale ah ayaan kuugu duuceeyey”. Waayeelkii arrintan ka
sheekeeyeyna
waxa uu yidhi Sh.Axmed Xilligaa ayuu calool galay, ducadii wadaadkana waa la
aqbalay.



Dhammaantoodba
way inaga hooseeyaan. Allahayow u naxariiso annaguna ergaanu u nahay ee naga
aqbal{Aammiin}.

Iga raali
ahaada idinku dheereeyey.



HAYBADDII IYO TARANTII
SH.AXMED CALI-WEERAR



Illaahay haw
naxariistee Sh.Axmed Cali-weerar wuxuu ahaa Sheekh magaciisu gaadhay degaanno
badan oo ay soomaalidu ku nooshahay. Wuxuu lahaa weji iftiimaya oo had iyo goor
farxadi ka muuqato, daymada indhuhuna aanay daalin; wuxuu lahaa cod lab oo doob
weyni saldhig u tahay.



Qasaa’idka
marka uu qaadaayana lama luloon jirin oo lagama daali jirin. Wuxuu lahaa sawd
ku soo jiidanaya oo aad dhegaha lasii raacayso. Qasaa’id badana Nebi Maxamed
buu u sameeyey(C.S.W). waxaanu qoray kitaab la’yidhaa (Jaamic-Madxul
Rasuul-Wasaalixiin} oo ka kooban asmaadii illaahay iyo qasaa’id Nebi
ammaan ah oo
aan weli ladaabacin. Intii taqaanay ayuun baan xasuusinayaa inta maqashay ee
aan aragna waxaan isleeyahay ugama wada sheekayn karayo ee wax xoogaa uga
taataabo oo u yara guud mar.



Wuxuu lahaa
gacan furan oo waxay soo qaado durbadiiba sii bixisa, iyo haybad aan la’hor
istaagi jirin. muu aqoon wax dhigshada,
yamxeerinta iyo ka dayrinta xaaladaha nolosha, had iyo goorna waa lagu soo
hiran jiray oo la’martiyi jiray. Uma baahna ammaan badan taana yaan ku
fogaanin.





Si’gaar
ahaaneed wuxuu ugu roonaa waayeelka tabaalaysan iyo dadka jilicsan ee maatida
ah. Allow kuu naxariiso {Aammiin}. Wuxuu ahaa xog-ogaal xigtada jecel oo
qaraabada xidhiidhiya. Wuxuu lahaa hadal u badan ammaan, dhiirigelin iyo carrab
ducadu ka qoyan tahay oo qalbiga qofka wax u taraya.



Xilligii
ingiriiska ayuu Sh.Axmed magaalada hargaysa yimid dabadeedna1947-kii
ayuu ka mid noqday askartii ingiriiska.
Waxaanu maamuli jiray saadka iyo baatroolka askarta, waxaanu ka tirsanaa
guutadii la’odhan jiray Soomaali iskoot. Dabadeedna xilligaa ayuu ka qayb galay
siyaaradii Sh.Yuusuf Alkawnayn ee

Aw-barkhadle
lagu dhigi jiray oo uu kula kulmay Sh.Xuseen Nuuriye. Dabadeedna
shaqadii askarinimada
ahayd ayuu ka tagay xilligaas oo ay taariikhdu ahayd 1957-kii. Waxaanu raacay
xertii Sh.Xuseen Nuuriye oo Qaadiri ahaa isagaana macalin u noqday oo Quraanka
iyo Cilmiga diintaba u dhigay. Sh.Xuseen Nuuriye wuxuu isaguna ku
aasan yahay Lafta
boqor oo ku taala Gebilay. Sh.Xuseena wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.Maxamuud Macilin
Cumar oo isaguna Nagiile ku aasan,Sh.Maxamuudna wuxuu Sheekhiisu ahaa
Sh.C/salaan
X.jaamac oo isaguna Jigjiga ku aasan, Sh.C/salaana wuxuu Sheekhiisu ahaa
Sh.C/raxmaan-Saylici oo isaguna Qulunquul ku aasan, Sheekh C/raxmaan-Saylicina
wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.Ismaaciil Maqdishi oo isaguna Muqdisho ku aasan,
Sh.Ismaaciilna wuxuu Sheekhiisu ahaa Sayid Xamse oo Canfari ahaa, Sayid Xamsena
wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.Caydaruus Al-Cadami oo isaguna Cadan ku aasan,
Sh.Caydaruusna wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.C/qaadir-Jaylaani. Sidaasaanay daraqiidu
u sii soconaysaa ilaa ay ka galayso Sayid Cali.

Xertii
Sheekhuna waxay kala joogtaa dhammaan degaanka soomaalidu degto oo dhan.



Haddaba intii
uu noolaa Sh.Axmed Cali-weerar wuxuu guursaday sagaal haween ah, waxana u
tarmay oo ay ubad isu dhaleen lix ka mid ah haweenkii u dhaxay. Haweenaydii ugu
horraysay oo Cibaado Axmed mire la’odhan
jirayna wuxuu guursaday sannadkii 1955-kii. Lixda bahood ee u tarmayna waxay
kala ahaayeen: Cibaado Axmed Mire , Maryama Cumar Xasan,

Sahra Xasan Jaamac-dhegjar, Hibo
Aadan-guunje,

Maryama Biixi-Dhegoole iyo Deeqa Xaashi Shire oo ahayd minyaradii ugu
dambaysay.

Sh.Axmed caruurtii
uu dhalay iyo intii ay sii dhaleen kolka laysku daro inta nooli wadar ahaantood
waa boqol iyo shan iyo toban qof (115-qof). Waa
beel balaadhan, waxaanay wiilashiisu ku kala nol yihiin dalka gudihiisa
iyo dibiddiisaba. Waxay kala joogaan : Soomaaliland
,Itoobiya(killalka Shanaad) Kiiniya ,
Jabbuuti, Soodaan, Baxrayn, Ingiriiska, Dheenmaarig iyo Fiilaan.



Sh.Axmed
Cali-weerar illaahay haw naxariistee wuxuu ka mid ahaa culimadii
waaweynayd ee ka
soo qayb qaadatay dib u xorayntii dalka ee kaga qayb gashay ducada iyo
dhaqdhaqaaqa
diimeed. Dad badana wuxuu sii baray Qur’aanka kariimka ah, waxaanu kaalin weyn
ka qaatay faafinta diinta islaamka.





Gebogebo

Ugu dambayn waxaan
tacsi u dirayaa ummadda islaamka ah ee uu ka baxay Sh.Axmed Cali-weerar si’gaar
ahaaneedna waxaan uga tacsiyaynayaa boqolka iyo shan iyo tobanka qof ee uu
ilaahay ka beeray. Waxaan leeyahay wadar ahaanteenba illaahay beddel kheyr qaba
kaalintiisii haynoogu beddelo. Dhammaanteenna wuu inaga baxaye illaahay samir
iyo iimaan haynaga siiyo. {Aammiin,Aammiin.Aammiin). Innaalillaahi wa innaa
ilayhi raajicuun.



W/Q/DIYAARIYEY: MAXAMED AXMED-BEDEL X.MAXAMUUD

{Macalin Jaamacadda Hargaysa Suugaanta ka dhiga,barnaamij
soo saarha Fanka iyo Suugaanta Radio Hargaysa}

EMAIL:Qalin-maal@hotmail.commob: +0634112442
Dhammaad
Heeco


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Barnaamij Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Mashaariicda Ururka Qurba Joogta Gurya Samo Ka Hiir Geliyey Degaanka Dhagax Dheer Ee Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo: Wassirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxamoud Adan Jama Galaal Iyo Wasiirul Dawlaha Xanaanada Xoolaha oo Dawooyin Iyo Dhakhaatrir Gaadhsiiyay Degmooyinka Qorilugud Ballidhiig Iyo Xaaji Saalax
Halkan Ka Daawo; Wariye Cabdiraxman Tirikko oo Wareysi Xiiso Badan La Yeeshay Siyaasiyad Aamina Saado oo Ka Tirsan Ururka NOW Kana Hadashay Arrimo Badan oo Xiiso Leh
Halkan Ka Daawo:Madaarka Burco Oo Maanta Si Rasmiya Loo Bilaabay Dhismihiisa iyo Bulshada Oo Si Weyn Usoo Dhaweeyay...
Halkan ka Daawo:"Sidee Somaliland Iyo Khaatumo U Heshiin Karaan"Wareysi Xiiso Badan Oo Lala Yeeshay Xildhibaan Seleban Cali Koore Oo Ka Tirsan Golaha Baarlamanka Somaliland.
Halkan Ka Daawo: Dhamaan Bulsho Weynta Reer BURCO oo Si Mideysan Ugu Baaqday Xukummada Somaliland Inay Sii Dayso Samafale Cabdimaalik Muse Coldoon
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Cajiiba oo Laga Diyaariyay Muhiimada Saldhiga Military ee Berbera Laga Hirgelinayo Iyo Faidada Weyn ee Somaliland UGu Jirta Haddi ay Tahay Aqoonsi Iyo Tageero Military
Halkan Ka Daawo; Barnaamij Full Ah Xafladi Balaadhnayd ee Soo Dhoweynta Suldaan Ibraahin Adan Ismaacil ( DAL-DAL)
Halkan Ka Daawo; Haween Weynaha Qurbo Jooga Ka Soo Jeeda Degaanada Dhoqoshey Ballidhiig Iyo Xagal oo Madaxweyne Axmed Silaanyo Si Wehelinimo Ku Jirto ugu Diray Codsi Dheer Isago Degaanadi uu Ku Dhashay Ila Hadda Waxba uu Qaban
Halkan Ka Daawo: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Si Adag Uga Hadlay Mashariicda Berbera Laga Wado Digniin uu Diray Ragga Suuqa Wareegaysanaya ee Ka Hadlay Saldhiga Military ee Berbera Laga Sameynayo ( Iska Hadlow Ina Igarre) Dalka Dowlad aya Ka Talisa
WAREYSIYO