Sunday February 19th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Travel UniQe
eurosomtravel.com/

MAXAA KA JIRA IN KALA BADH BEESHA TOLJECLE AHI TAHAY ADAN MADOOBE ( BLACK ADAM)…

0
Tuesday April 15, 2014 - 11:04:53 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 2611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAA KA JIRA IN KALA BADH BEESHA TOLJECLE AHI TAHAY ADAN MADOOBE ( BLACK ADAM)…

    Beesha Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-Madoobe), inteedii dagaalkii sukeeye ee qarnigii 19aad iyadu Galbeed uga soo haajirtey, ayaa sida la wada ogyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Beesha Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-Madoobe), inteedii dagaalkii sukeeye ee qarnigii 19aad iyadu Galbeed uga soo haajirtey, ayaa sida la wada ogyahay

Beesha Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-Madoobe), inteedii dagaalkii sukeeye ee qarnigii 19aad iyadu Galbeed uga soo haajirtey, ayaa sida la wada ogyahay, ee taariikhdu-ba ay innoo bayaamisey, ayaa iyadu aasaaskii is-bahaysigan Toljecle, kaalin mug leh ka qaadatay.

 

Beesha Ugaadh Aadan (Aadan Madoobe) ka hor, beel Toljecle ah, oo Galbeed laga yaqaanney i, ma aanay jirin. Jilibbadan Toljecle ee haddeerna, jilib waliba beel kale ayuu mag-wadaag la lahaan jirey. Waxana mag ay magac Toljecle ku wada bixiyaan ugu horeysey, markii ay beesha Ugaadh Aadan (Aadan Madoobe) ay magacan Toljecle, ay kula bahoobeen.

Is-bahaysigan oo dhaqan-galay qarnigii 20aad, ayay iyadu – waa beesha Ugaadh Aadan Galbeed e – ay horseed ka ahayd, oo ay iyadu bud-dhig u ahayd. Waxa ay beeshani ahayd: maskaxdii iyo muruqii uu Toljecle-han maantu uu ku dhismay, ee uu ku hana-qaaday. Waayo, beesha Ugaadh Aadan Madoobe-Galbeed, ayaa iyadu tira ahaan iyo deegaan ahaan-ba ugu badnayd.

Hoggaan ahaan, ama madax-dhaqameed ahaan-na, iyada – waa beesha Ugaadh Aadan e – ayaa Toljecle u arrimin jirtey, oo (chief) Caaqil Yuusuf Nuur (Cadde) iyo (Baalabaad) Iimaan Wacays (Iimaan Toljecle), oo labadoodu-ba beesha Ugaadh Aadan ahaa, ayaa iyagu garta goyn-jirey.

Ugaadh Aadan

Sawirkan Hoose Waa Beeshe Ugadh aadan ee Bahwadaagta la ah kuna jirta Toljecle deegaankeeduna yahay Gobolka Maroodijeex ilaa jigjiga, Waana Ugaadh Adan Mohamed Abokor

Ugaadh

Haddaba sida guud ahaan, ay beesha Aadan-Madoobe oo idil i, ay u kala deegaanka noqotay, ayay inteeda Galbeedna ay u kala ood noqotay. Tusaale ahaan, waxa Ugaadh Aadan ah, oo aan haddana maanta Ugaadh Aadan lagu tirinnin: reer Dhuxul, jifo ay dadka badhkood reer Siciid ku tiriyaan iyo qaar kale oo badan.

Waqtigan is-bahaysigu uu Galbeedka ka samaysmay, ayaa ku beegan xilligii ay beesha Habar Toljecle ama Toljecle, ay magacii iska baddaleen, ee ay Habar Jecle la wada baxeen. Waayo, intii aanu magaca Habar Jecle soo bixin, waxa beesha loogu wada yeedhi-jirey – waa marka magaca Habar Toljecle la soo gaabiya e: Toljecle.

Waxana taas u dalliil ah:

Dirir Warsame – Yeesif Maxamed


Toljecluhu ninkii maag is yidhi, waa muslimiyaaye.

Maxamed Nuur Fadal -Nuux Maxamed
Toljeclaha dhawaaqii la yidhi, waxan ka dhiifraacay.

Maxamed Aadan Caws (Yawle) – Habar Yoonis
Toljeclaha dacalkayga
Dagmadiisu hawaartee
Nabadda u dihanaaya
Dood yar baan u tiraabay.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan – Ogaadeen
Toljeclaha muraadkayga iyo, masafadayda ula taga.

Axmed Jaamac Cali (Caad-leef) – Aadan Maxamed
Toljecluhu ramaaskiyo ka badan, roobkan Xays helaye.

Ugu ma danbeyn:
Magacyadu waa ay is-bad-baddali karayaan, laakiin abtirsiintu waa mid, oo waa halkeeda.

Mohamed Sheekh Daahir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo; Haween Weynaha Qurbo Jooga Ka Soo Jeeda Degaanada Dhoqoshey Ballidhiig Iyo Xagal oo Madaxweyne Axmed Silaanyo Si Wehelinimo Ku Jirto ugu Diray Codsi Dheer Isago Degaanadi uu Ku Dhashay Ila Hadda Waxba uu Qaban
Halkan Ka Daawo: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Si Adag Uga Hadlay Mashariicda Berbera Laga Wado Digniin uu Diray Ragga Suuqa Wareegaysanaya ee Ka Hadlay Saldhiga Military ee Berbera Laga Sameynayo ( Iska Hadlow Ina Igarre) Dalka Dowlad aya Ka Talisa
Daawo Riig Biyood Dib U Habeyn Ay Xukumadu Ku Samaysay Iyo Warbxinihii Ugu Danbeeyay Ee Dhismaha Wadada Burco -Ceerigaabo
Halkan Ka Daawo: Qurbo Jooga Galbeedka Sanaag oo Dhaliil Xoogan uu Soo Jeediyay Xukummada Somaliland Iyo Guddida Abaaraha Sheegayna Inay Dadki Bakhtiyaya Ila Hadda Waxba La Gaadhsiin
Halkan Ka Daawo:Ururka Kaalme Kuwan Oo Guri U Dhisay Ninkii Silsiladu Lugta Goysay,Cabdle Oo Caafimaaday Iyo Arin Layaaba Oo Uu Dalbaday Ninkii Waalna Jiray+Maxay Tahay
HALKAN KA DAAWO HEES LOOGU TALO GALYA SHIRKADA BEEYADA EE ASLI MAYDI
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan oo Ku Saabsan Shidaal Baadhisti oo Dib Looga Bilaabayo Somaliland
Halkan Ka Daawo:WARBIXIN Mahadhooyinkii Xasuusta Ku Reebay Dadweynaha Reer Burco Sanadkii 2016 Iyo Muuqaaladii Ugu Quruxda Badna Ee Ka Hirgalay Sanadka 2016-2017
Halkan Ka Daawo: Wasiir Cadaani Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay Iyo Xubno Shaqaalihisa Ka Mida Oo Cisbitaalka Hargaysa Yaala Oo Uu Ka Hadlay Waxa Uu Ka Og Yahay.
Halkan Ka Daawo: Wariye Cabdimaalik Muse Coldoon oo Wareysi Exclusive ah La Yeeshay Qoyski Mucjisado BURCO Ku Dhacday ee Raashinko Is Bedelayay
WAREYSIYO