Saturday March 25th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Travel UniQe
eurosomtravel.com/

Beesha Aadan Madoobe iyo Daraawiish Part 1

5
Wednesday January 14, 2015 - 10:22:29 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 4045
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Beesha Aadan Madoobe iyo Daraawiish Part 1

    Ugu horayn Inta aynaan ka haddal Beesha Aadan Madoobe iyo Daraawiish, bal aynu in yar Is dul-taagno Taariikhda Beesha Aadan Madoobe Ka hor Daraawiish.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Ugu horayn Inta aynaan ka haddal Beesha Aadan Madoobe iyo Daraawiish, bal aynu in yar Is dul-taagno Taariikhda Beesha Aadan Madoobe Ka hor Daraawiish.

History (BurcoOnline) Ugu horayn Inta aynaan ka haddal Beesha Aadan Madoobe iyo Daraawiish, bal aynu in yar Is dul-taagno Taariikhda Beesha Aadan Madoobe Ka hor Daraawiish. iyo Xidhiidhkii ka dhaxayn jiray beesha Aadan Madoobe iyo Ingiriiska, iyo Heshiisyadii Ingiriiska lala galay qaybtii uu Aadan Madoobuhu Ku lahaa ,si aynu Qoraalada danbe ee aynu kaga hadli doono Aas-aaskii Daraawiishta iyo Qaybtii uu Aadan Madoobuhu ku lahaa Wax uga ogaano.


Waxaa jirta Taariikhiyan Beesha Aadan Madoobe waxay degi jirtay dhulka Xeebta ee ku teedsan Bada-Cas. Siiba Magaaladii la odhan jiray Ceel-daraad. Magaaladaas oo u dhaxaysa Magaalada Berbera iyo Magaalada Karin.Raadkii uu Magaaladaas Aadan Madoobuhu kaga tegeyna weli wuu ka sii muuqda, sida Qalcadii Caanka ahayd ee Ceel-daraad oo weli dhisan ama taagan.Deganaan-shiiyaha Xeebta ay Beesha Aadan Madoobe degenayd,waxay u suurto gelisay inay xidhiidh la yeeshaan dhulka Carabta siiba Magaalada Caddan,iyo Magaalooyinkii kale ee Xeebaha Yemen ku yeelay Sida Mukula iyo Magaaladii qadiimka ahayd ee Shixir.

Haddaba waxaa dhacday Qarnigii Sagaal iyo Tobnaad kala badhkiisii in rabshado iyo dagaalo ka dhex abuurmaan Beesha Adan Madoobe iyo Beeshii ay Wallaalaha ahaayeen ee Yeesif oo markaa lahayd ama Degi jirtay Magaaladii Caanka ahayd ee Karin.Dagaaladaas ama rabshadahaas oo daba-dheraday ayaa keenay in aakhirkii Beesha Adan Madoobe gubto Magaalada KARIN, Sannadii 1869-kii.

Karin Gubnay Annana Gosanoo Nala Gumaadyay dheh
Sidii Gaaladiibay Warmaha Nagu Garaaceen dheh ... Abwaan Dirir Warsame.

Markaa waxaa dhacday in Beel-weynta Habar Jeclo ay Aadan Madoobaha ku sifeeyeen niman xaalad abuur ah, oo qaxar iyo qulqulad reerka kula dhex jira.Taasina waxay keentay in Beesha Habar Jeclo isugu tagto Aadan Madoobihii.Waana ta keentay in Aadan Madoobihii Xiligaas dhawr qaybood u kala jaboQayb Dhulbahante u gasha, Qayb Habar Yonis u gasha,Qayb Habar Awal u -gasha Qayb Caddan degta iyo Inyar oo Habar Jeclada ku sii dhex hadha!!

Beesha Aadan Madoobe iyo Heshiisyadii Ingiriiska lala Galay.

Runtii Beesha Aadan Madoobe iyo Ingiriiska Xidhiidh-koodu wuxuu bilaabmay Markii Ingiriisku Caddan Soo degay, lakiin heshiiskii ugu horeeyay ee Aadan-Madoobe iyo Ingiriiska dhexmara wuxuu ahaa kii lagu joojinaayay ka ganacsiga Adoonta ama dadka la iibiyo.Kaas oo dhacay 1855-kii, Wuxuu ingiriisku la galay heshiis beelihii Xeebaha degi jiray ee xidhiidhkana la lahaa. Wuxuuna Si resmi ah Beesha Aadan Madoobe, oo ka mid ahayd beelihii uu Xidhiidka la lahaa ingiriisku
Heshiis ula galay19-Oct-1855-kiiwaxaana metelaayay Aadan Madoobaha oo heshiiska u saxeexay laba nin oo la kala odhan jiray Yusuf Cisman iyo Axmed Abokor Maxamed liibaan. Ingiriiskana waxaa heshiiska u saxeexay Badhasaabkii Magaalada Caddan,Brigadier W.M.Coghlan.eeg Buuga. A Collection Of Treaties Engagements And Sanads, Page-128. Qaybta beelaha heshiiska lala galay beesha Ceel-daraad. Markaa iyagoo ixtiraamaya heshiiskas, laga bilaabo maalintaas Beesha Aadan Madoobe Dooni ay leedahayna lama soo saarin dad iib ah, Meel ay degen tahayna lagama soo rarin dad iib ah,Sidaas ayayna ku joojisay ka ganacsiga dadka.

Heshiiskii labaad ee Aadan Madoobuhu Qaybta ka ahaana waa Hashiiskii dhex- maray Ingiriiska iyo Beelaha Somaliland dega, kuwoodii Reer Xeebeedka ahaan jiray.Hashiiskaas wuxuu Ingiriisku Beesha Habar Jeclo la gelaya26-12-1884-kii. Heshiiskana jifada ugu badan ee heshiiska ku saxeexani waa Aadan Madoobaha.Waxayna magacyadoodu kala yihiin nimankii Aadan Madabaha u Saxeexay Heshiskan.

1. Cabdulle Maxamed
2. Aadan Maxamed
3. Aadan Cawad
4. Faarax Cismaan
5. Yusuf Aaadan
6. Aadan Yuusuf
7. Xasan Maxamed
8. Xasan Cali
9 Xasan Guuleed.
10. Jamac Cabdi.

Heshiiskii Saddexaad ee Aadan Madoobuhu qaybta ka ahaana waa Heshiiskii dhex
maray Ingiriiska iyo Beelaha Somalilnd. Heshiiskan oo ahaa kii ugu danbeeyay ee rasmigana ahaa wuxuu ingirisku la galay Beesha Habar Jeclo,01.Feb.1886-kii Jifadda ugu badan ee uu heshiiskana la galay waxay ahayd Beesha Aadan Madoobe, guud ahaana Beelihii Somaliland ee heshiiska -saxeexay, Beesha inta ugu baddani Saxeexday waa Aadan Madoobaha, waxaana Saxeexay 14 qof oo Magac-yadoodu kala ahaayeen Sida tan.

1. Cabdalla Maxamed
2. Shiine Yaaxeer (Shinua Yehiar, ayaa buuga ugu taal)
3. Guutale Nuur
4. Cabdille Maxamed
5. Cashuur Muunye
6. Jamac Cabdi
7. Axmed Guuleed
8. Cali Maxamed
9. Faarax Gooje ( Farah Guja ayaa buuga ugu taal)
10. Maxamed Axmed
11. Cali Axmed
12. Xasan Faarax
13. Cali Yuusuf
14. Cali Nuur.

Lasoco Qormadda labaad iyo Beesha Aadan Madoobe iyo Daraawiish.


Raad-raaca heshiisyada.
A Collection Of Treaties
Engagements And Sanads,


W/Q. Suleyman Yusufdhakhtar

Facebook.com/ Suleymanyusufdhakhtar

Heeco

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan ka Daawo:"Sidee Somaliland Iyo Khaatumo U Heshiin Karaan"Wareysi Xiiso Badan Oo Lala Yeeshay Xildhibaan Seleban Cali Koore Oo Ka Tirsan Golaha Baarlamanka Somaliland.
Halkan Ka Daawo: Dhamaan Bulsho Weynta Reer BURCO oo Si Mideysan Ugu Baaqday Xukummada Somaliland Inay Sii Dayso Samafale Cabdimaalik Muse Coldoon
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Cajiiba oo Laga Diyaariyay Muhiimada Saldhiga Military ee Berbera Laga Hirgelinayo Iyo Faidada Weyn ee Somaliland UGu Jirta Haddi ay Tahay Aqoonsi Iyo Tageero Military
Halkan Ka Daawo; Barnaamij Full Ah Xafladi Balaadhnayd ee Soo Dhoweynta Suldaan Ibraahin Adan Ismaacil ( DAL-DAL)
Halkan Ka Daawo; Haween Weynaha Qurbo Jooga Ka Soo Jeeda Degaanada Dhoqoshey Ballidhiig Iyo Xagal oo Madaxweyne Axmed Silaanyo Si Wehelinimo Ku Jirto ugu Diray Codsi Dheer Isago Degaanadi uu Ku Dhashay Ila Hadda Waxba uu Qaban
Halkan Ka Daawo: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Si Adag Uga Hadlay Mashariicda Berbera Laga Wado Digniin uu Diray Ragga Suuqa Wareegaysanaya ee Ka Hadlay Saldhiga Military ee Berbera Laga Sameynayo ( Iska Hadlow Ina Igarre) Dalka Dowlad aya Ka Talisa
Daawo Riig Biyood Dib U Habeyn Ay Xukumadu Ku Samaysay Iyo Warbxinihii Ugu Danbeeyay Ee Dhismaha Wadada Burco -Ceerigaabo
Halkan Ka Daawo: Qurbo Jooga Galbeedka Sanaag oo Dhaliil Xoogan uu Soo Jeediyay Xukummada Somaliland Iyo Guddida Abaaraha Sheegayna Inay Dadki Bakhtiyaya Ila Hadda Waxba La Gaadhsiin
Halkan Ka Daawo:Ururka Kaalme Kuwan Oo Guri U Dhisay Ninkii Silsiladu Lugta Goysay,Cabdle Oo Caafimaaday Iyo Arin Layaaba Oo Uu Dalbaday Ninkii Waalna Jiray+Maxay Tahay
HALKAN KA DAAWO HEES LOOGU TALO GALYA SHIRKADA BEEYADA EE ASLI MAYDI
WAREYSIYO