Saturday March 25th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Travel UniQe
eurosomtravel.com/

HISTORY 05-02-1920-kii Dhimashadii Xaaji Suudi Shabeele‏‏‎ ee Taleex Iyo Weerarki INgriiska

0
Friday February 06, 2015 - 10:22:20 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 4671
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    HISTORY 05-02-1920-kii Dhimashadii Xaaji Suudi Shabeele‏‏‎ ee Taleex Iyo Weerarki INgriiska

    Galabnimadii 05-Feb-1920-kii waxaa duleedka magaalada Taleex ka dhacay Dagaalkii ugu danbeeyay ee dhaxmara Daraawiishta iyo Gumaystihii Ingiriiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Galabnimadii 05-Feb-1920-kii waxaa duleedka magaalada Taleex ka dhacay Dagaalkii ugu danbeeyay ee dhaxmara Daraawiishta iyo Gumaystihii Ingiriiska Sawirka Ninka bidix taagan weeye Axmed Warsame (Xaaji Suudi)


Taleex (Burcoonline) 06.02.2015 Galabnimadii 05-Feb-1920-kii waxaa duleedka magaalada Taleex ka dhacay Dagaalkii ugu danbeeyay ee dhaxmara Daraawiishta iyo Gumaystihii Ingiriiska. Dagaalkaas oo saacado doora socday, waxaa lagu jabiyay daraawishtii sayid Maxamed waxaana lagu dilay Abaanduulihii Daraawiishta Ibraahim Cali Xasan (Ibraahim Buqul), iyo Darwiishkii Caanka ahaa ee Sayid Maxamed Gacantiisa Midig ahaa 21-ka Sano, Darwiish Xaaji Suudi SHabeele.


Xaaji Suudi Shabeele wuxuu ku dhashay Duleedka magaalada Beer, Sanadii 1858-kii Xaajiga isagoo yar ayuu Cadan geeyay Aabihii. Halgaas oo uu ku bartay Diinta iyo Afafka Sida Carabiga, Ingiriisada, Hindiga iyo Sawaaxiliga. Wuxuu u shaqayn jiray Ciidamadii badda ee Ingiriiska oo uu turjumaan u ahaan jiray, wuxuuna Saarnaa Markab dagaal oo la odhan jiray HMS Ranger. Markabkaas oo uu Madax ka ahaa nin la odhan jiray Sir William Hewitt.

Xaaji Suudi meelo badan ayuu u raacay Sir William Hewitt oo uu turjumaan u ahaan jiray, wuxuuna la socday maalintii uu Suakin ka degay ninkaasi feb.1884. wuxuu kaloo u raacay ergadii uu ninkaasi hogaaminaayay ee la kulantay Boqorkii Xabashida ee Xiligaas King Johannis. Xaaji Suudi Markii danbe ee uu ka hadhay markabkaas wuxuu dhawr jeer madax u noqday Safaro yurub yaanku Dhulka Somalida iyo Guud ahaanba beriga Africa ay ku Sahaminayeen.

Xaaji Suudi wuxuu Markii danbe degey magaalada Caddan halkaas oo uu Xer-diinta ah madax ugu ahaan jiray, wuxuuna noqday waddaad Suufi ah oo diintu ku dheertahay, Xertiisuna Ciyaarta Daraawiishta ee iswareejinta iyo digrigooda Meel fog laga soo maqlo, sida uu buugiisa kaga hadlaayo Qoraaga Gregory, J. W. (John Walter), 1864-1932, The Great Rift Valley : being the narrative of a journey to Mount Kenya and Lake Baringo : with some account of the geology, natural history, anthropology and future prospects of British East Africa (1896). Mar uu Xaaji Suudi iyo Xertiisa ku booqday Magaalada Caddan. markaas oo uu suudi ka codsaday inuu Safarkaas uu East Africa ugu baxayo uu u raaco oo uu Madax u noqdo (Headman), Xaaji Suudina wuu ka aqbalay oo Safarkaas isaga u madax noqday kaxeeyayna.

Xaaji Suudi Safaro danbe oo badan ayuu madax u noqday, markii danbena wuxuu ka mid noqday Aas-aasayaashii Daraawiishta, isagoo isagu Magaca Darawiishta iyo Duubka Cad oo aad iminkaba aragtaan ee uu Xidhan yahay iyo Tusbaxaas uu sito ee KUUK,ga ah, Daraawiishtii ku amray inay qaataan. Xaaji Suudi Qoraalo badan iyo Buugaag baddan ayaa ka waramaya taariikhdiisa daraawiish ka hor iyo ka diba. Rag badan oo ingiriisa oo ay sxb ahayeena dagaalo ayay iskaga horyimadeen markii danbe, ragaas waxaa ka mida ninka la yidhaahdo Malcolm Mcneill, ninkaas oo uu Suudi madax u ahaa Safar uu Somaliland ku maraayay 1895-kii Markii danbena ay iskaga horyimadeen Goobihii Dagaalka ee Ingiriiska iyo Daraawiishta Dagaalku ku dhex maray Sida AFbakayle Fridhidin, Cagaarweyne Beerdhiga. Ninkaas Buugiisa In Pursuit of the Mad Mullah isagoo kaga waramaya Xaaji Suudi wuxuu odhanayaa"His chief adviser, known as Haji Sudi, was in reality my old headman, Ahamed Warsama, who had been with me during my trip in 1895. The very day I arrived in Aden in 1901 I heard that he had gone over to the Mullah, and on arriving in Berbera I made many inquiries as to the truth of this report, and found out that it was undoubtedly the case.the Mullah got as an adherent a man whose experience of the world, and of the British Sahib and his ways, was of the greatest use to him, Haji Sudi having been headman to various expeditions, and having also spent some time as interpreter on an English man-of-war. In addition to Somali he could speak English, Hindustani, Arabic, and Swahili, so he was not a man whose services could be lightly dispensed with. It has often made me think with regret of the many times I could have blown this rascal’s head off in 1895 if I had only known! At the same time he might have done the same to me, if he had only known what the future was to be.

Turjumaaddu waa sidan:La-taliyiisa sare, oo loo yiqiin Xaaji Suudi, xaqiiqdii wuxuu ahaa ninkii horjoogaha ii ahaa, Axmed Warsame oo ila socday socdaalkaygii 1895. Maalintaan soo gaadhay Cadan 1901 ayaa la ii sheegay inuu Sayidka u galay, markaan Berbera soo gaadhayna aad baan warkiisa u raadiyay in arrinkani dhab yahay, waxaana la ii sheegay inay xaajadu sida la sii sheegay tahay, shaki la’aan. Wadaadku ku hantay taabici adduunyada iyo dhaqanka Ingiriisba khibrad u leh waayo Xaaji Suudi wuxuu Horjooge ka ahaa Safarro badan oo Ingiriis Somaliland ku sahamiyeen markii horena Turjumaan ka ahaa Minawaar(markab dagaal) Ingiriis. Intaa waxa u dheeraa inuu ku hadli jiray Ingiriisiga, Hindiga, Carabiga iyo Sawaaxiligaba, marka nin la sahashan karo ma ahayn. Waxaan isku ciil kaambiyaa inaanan ninkaa madaxa ka toogan 1895 haddaan ogahay inuu fallaagoobayo. Laakiin isba hadduu mustaqbalka ogyahay malaa waa I dili lahaa.

Dhinaca kale hadaynu eegno bal in dawladii ingiriiska xageeda cafis u yaalay suudi iyo in kale bal aynu yara jaleecno, warqad uu qoray waaligii Somaliland J. Hayes - Salder, Sanadii 1901,Official History of the Operations in Somaliland. 1901 - 1904 Vol. I p. 54, warqadaas oo uu kaga hadlaayo afarnin oo daraawiishta ka tirsana Xaaji Suudina ku jiray, wuxuu la la damacsanaa ingiriisku."'In the unlikely event of the Mullah offering to surrender, in his case and in that of the following-Ahmed Warsamah know as Haji Su- di), Deria Arale, and Deria Gure-only an unconditional surrender should be accepted, no guarantee of any kind as to future treatment being given. Nur, the late Sultan of the Habar Yunis, may be guaranteed his life.

Waxaa loo turjumi karaa:Iyadoo aan loo malaynayn marnaba in Wadaadku isdhiibo, haddana isaga iyo kuwa raacsan oo kala ah : Axmed Warsame oo loo ya- qaan (Xaaji Suudi): Diiriye Carraale iyo Diiriye Guure waxa qur ah oo laga oggolaan karaa isdhiibid aan shuruud lahayn; wax sugan oo bal-lanqaad ah oo noloshooda dambe laga siin karaa ma jirto. Ha yeeshee Nuur oo ah Sudaanka Habar Yoonis, nabadgelyada naftiisa waa loogu ballan qaadi karaa.

Halkana waxaa ka cad inuu ragii dilka ku xukunaa ahaa, Markii ay dhamadeen dagaladaas oo uu baddankooda Xaaji Suudi Abbaanduule ka ahaa.Darawiishi waxay u guurtay Ilig iyo Bari, halkaas oo ay qalcado ka samaysteen, haddaba markii ay ingiriisku bada ka duqeeyeen ilig ee ay qabsadeen Cajaaibka halkaas ay ku arkeen waxaa ka mida adkaanta Qalcadii ilig oo hore u dumi waydey, markii ay waraysteen dadkana cida dhistay qalcadan, waxay u sheegeen inuu dhisay Xaaji Suudi Shabelle nin la yidhaahdo, had iyo jeerna qalcada iyo Waddooyinka la maraayoba isaga naqshadeeda iyo farsamadeedaba bixiyo,warbixintaasna ka akhriso halkan Somaliland 1905-13 - The Soldier's Burden.

Xaaji Suudi Markii danbe ee Daraawiishi kala jabtay, ee Collaada ka kacday warqadii Shiikh Saalax soo diray ay kala jebisay, Xaaji Suudi wuxuu ka mid ahaa Garabkii Sayid Maxamed, wuxuuna runtii ahaa ninkii Dagaalka ku qaaday, dadkii Xarunta ka tegey ee xoolaha la baxsaday, isagoo xoolihiina xoog ku soo celiyay inbadan oo dadkii fakaday ahna cagta mariyay. Xaajigu Markii danbe ee loo soo wareegay Taleex iyo Nugaalna wuxuu ahaa ragii qaybta wayn ka qaatay in Qabiilo baddan oo Saraar iyo Ceerigaabo degaa ay ku soo biiraan daraawiishta. Eeg Qoraalada Folio 81 :Haji Sudi spreading Dervish propaganada in jidali.
Refernce: ADM 137/10/3. August 1914. Markii danbena Xaaji Suudi Wuxuu ka mid ahaa dhawr iyo labaatankii nin ee Waaligii Somaliland, Mr Archer uu Dilkooda lacagta ku bixinaayay sanadii Dec.1919-kii, Isagoo ahaa Qofka labaad ee lacagta ugu badan lagu doonaayay marka laga yimaado Sayid Maxamed Cabdale. Xaaji Suudi waxaa lagu dilay, Maalintii diyaaradahana ragii gartay diyaaradaha ayuu ka mid ahaa ee lahaa waar bahasha ka yaaca oo qalcadaha ka hoos gala waa diyaarade yayna idin layne!!!.

Xaaji Suudi illaahay ha u naxariistee Waxaa lagu dilay Duleedka Magaalada Taleex 05.Feb.1920. Halkaas ayuuna ku soo af-go-ay, Halgankii 21-ka sano socday ee uu qaybta ka ahaa, ninka labaad ee ugu mudana ahaa halgankaas.

Xaaji Suudi Taariikhdiisu intan kuma eekee, intani waa Xus iyo Xusuus aan u hibeeyay, sanad guurada Shan iyo Sagaashanaad ee ka soo wareegtay markii uu shahiiday. Lakiin insha allah Taariikh intan ka badan oo faah-faahsan ayaan dhawaan idiin soo gudbinaya oo Xaaji Suudi ku saabsan.

F.G. Sawirkan warbixinta la socdaa wuxuu ku jiraa buugaas the Great Rift Valley ee xaga sare iyo xagan hoose ee raad-raacaba ku xusan, waxaa la qaaday 1892 waxaana lagu qaaday Caddan, warbixin ayaana sawirka la socota, Taariikhda Xaji Sudi iyo wadaadnimadiisa ka hadlaysa, isaga iyo Ducaale Idirisba oo ah ninkaas la sawiran oo uu qoruhu ku sheegaayo inay Isu Seedi yihiin, lakiin ka loo seediga yahay muu sii faah-faahin, pageka 352 ka eeg sawirka iyo warbixintaba.

Raad-raac

The Mad Mullah Of Somaliland

Official History of the Operations in Somaliland. 1901 - 1904 Vol. I p. 54,

Folio 81 :Haji Sudi spreading Dervish propaganada in jidali.
Refernce: ADM 137/10/3. August 1914

In Pursuit of the Mad Mullah


The Great Rift Valley : being the narrative of a journey to Mount Kenya and Lake Baringo : with some account of the geology, natural history, anthropology and future prospects of British East Africa (1896).


Suleyman Yusufdhakhtar

Facebook.com/Suleyman Yusufdhakhtar
Baynani@hotmail.com

Heeco


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan ka Daawo:"Sidee Somaliland Iyo Khaatumo U Heshiin Karaan"Wareysi Xiiso Badan Oo Lala Yeeshay Xildhibaan Seleban Cali Koore Oo Ka Tirsan Golaha Baarlamanka Somaliland.
Halkan Ka Daawo: Dhamaan Bulsho Weynta Reer BURCO oo Si Mideysan Ugu Baaqday Xukummada Somaliland Inay Sii Dayso Samafale Cabdimaalik Muse Coldoon
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Cajiiba oo Laga Diyaariyay Muhiimada Saldhiga Military ee Berbera Laga Hirgelinayo Iyo Faidada Weyn ee Somaliland UGu Jirta Haddi ay Tahay Aqoonsi Iyo Tageero Military
Halkan Ka Daawo; Barnaamij Full Ah Xafladi Balaadhnayd ee Soo Dhoweynta Suldaan Ibraahin Adan Ismaacil ( DAL-DAL)
Halkan Ka Daawo; Haween Weynaha Qurbo Jooga Ka Soo Jeeda Degaanada Dhoqoshey Ballidhiig Iyo Xagal oo Madaxweyne Axmed Silaanyo Si Wehelinimo Ku Jirto ugu Diray Codsi Dheer Isago Degaanadi uu Ku Dhashay Ila Hadda Waxba uu Qaban
Halkan Ka Daawo: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Si Adag Uga Hadlay Mashariicda Berbera Laga Wado Digniin uu Diray Ragga Suuqa Wareegaysanaya ee Ka Hadlay Saldhiga Military ee Berbera Laga Sameynayo ( Iska Hadlow Ina Igarre) Dalka Dowlad aya Ka Talisa
Daawo Riig Biyood Dib U Habeyn Ay Xukumadu Ku Samaysay Iyo Warbxinihii Ugu Danbeeyay Ee Dhismaha Wadada Burco -Ceerigaabo
Halkan Ka Daawo: Qurbo Jooga Galbeedka Sanaag oo Dhaliil Xoogan uu Soo Jeediyay Xukummada Somaliland Iyo Guddida Abaaraha Sheegayna Inay Dadki Bakhtiyaya Ila Hadda Waxba La Gaadhsiin
Halkan Ka Daawo:Ururka Kaalme Kuwan Oo Guri U Dhisay Ninkii Silsiladu Lugta Goysay,Cabdle Oo Caafimaaday Iyo Arin Layaaba Oo Uu Dalbaday Ninkii Waalna Jiray+Maxay Tahay
HALKAN KA DAAWO HEES LOOGU TALO GALYA SHIRKADA BEEYADA EE ASLI MAYDI
WAREYSIYO