Saturday November 18th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

History: Miyaad Taqaan,Magacyada iyo Deegaanada 11-kii Mujaahid ee Fuliyay Hawlgalkii Birjeex!!

2
Tuesday April 14, 2015 - 09:54:38 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 7227
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 6 0
  • Share via Social Media

    History: Miyaad Taqaan,Magacyada iyo Deegaanada 11-kii Mujaahid ee Fuliyay Hawlgalkii Birjeex!!

    Sida inbadan laga waramay, hawlgalkii Birjeex ee lagu furtay, Mujaahid C/laahi Askar Barkhad, wuxuu dhacay 11-Apr-1983.Haddaba hawlgalkaas oo aad inbadan Tilifeeshinada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida inbadan laga waramay, hawlgalkii Birjeex ee lagu furtay, Mujaahid C/laahi Askar Barkhad, wuxuu dhacay 11-Apr-1983.Haddaba hawlgalkaas oo aad inbadan Tilifeeshinada

History (BurcoOnline) 14.04.2015 Sida inbadan laga waramay, hawlgalkii Birjeex ee lagu furtay, Mujaahid C/laahi Askar Barkhad, wuxuu dhacay 11-Apr-1983.Haddaba hawlgalkaas oo aad inbadan Tilifeeshinada iyo Jaraa,idka iyo Idaacadaha ka maqashaeen, Koob iyo Tobankii nin ee fuliyay runtii Magacyadooda iyo taariikhdooda si fiican looma xusin, muhiimad saa u weyna lama siinin, in nimankaas magac-yadooda oo dhamaystiran iyo nin waliba meesha uu ku danbeeyay laga waramo. waxaase loogu abaal-guday in inbadan oo niman kaas ka mida Magacyadooda la bedelo, ama Magac-keliya oo aan magac labbaad la socon laga sheego, iyadoo weliba qaar nool yihiin. Mujaahidiintaa Magacooda la bedelay amaba meeshaba laga tuuray waxaa ka mida Muj:Cabdi Ciid Faarax, oo maanta nool kana mid ah Madaxda Sirdoonka Gobolka Saraar ee Somaliland.



Haddaba Mujaahid Cabdi Ciid Faarax oo ay ii suurto gashay inaan Sanadkii hore helo, xog-waran yarna kala yeesho hawlgalkaas iyo Magacyada Mujaahidiintiii hawlgalkaas fulisay , ayaa wuxuu haddalkiisa ku bilaabay"'Adeer horta intaynaan hawlgalkaas ka hadlin, waxaa ka horeeyay oo ay ahayd in hawlgal magaalada Hargeysa laga fuliyo,kaas oo runtii, markii danbe baaq-saday, sababtuna waxay ahayd kala shaki Mujaahidiinta soo kala dhex-galay,waxaana la isla qaatay in beryo lakala nasto hawlgalkana la baajiyo ilaa inta wax kala miir-mayaan. Iyadoo taasi jirto ayaa waxaa la qabtay Mujaahid C/laahi Askar, runtiina qabashadiisu aad ayay noo taabatay oo aanu uga naxnay, ragse talo kama dhamaatee, habbeenkii la qabtay, habeenkii xigay ayaa Mujaajid Ibraahim Koodbuur noo soo jeediyay in aanu C/lahi la baxno" Wuxuu kaloo intaas ku sii daray Mujaahid Cabdi Ciid Faarax "' la bixidaas la soo jeediyay, runtii aad ayaanu ugu guuxnay, waxaanuna haysaney labbaatan Qori, oo aanu markii hore doonayney inaanu ku fulino hawlgalkii Baaqsaday, Wuxuuna Mujaahid Ibraahim Koodbuur isku dayay inuu labbaatankaas Qori uu u helo labbaatan-nin. Wayse suuroobi weydey,waxaanuna ku qancinay, in tirada-baddan ee billaa tayada ah ay ka wanaagsan tahay Tirada-yar ee tayada lihi,Wuuna nala qaatay, waxaanuna go'aan sanay inaanu hawlgalkaas fulino, qorshahayagu wuxuu ahaa markii hore inaanu habbeenimadkii tobanka bisha afaraad 1983-kii, fulino hawsha, wayse noo suurtoobi weydey sabbabo baddan oo jira awgeed, waayo dhawr nin oo halgalka ka qayb qaadan lahaa ayaanu weyney''.


Mujaahid Cabdi Ciid Faarax oo haddalka sii wataa wuxuu yidhi"'Gallabnimadii bisha April 11-ka ahayd,Saacaduna Shantii iyo badhkii oo wax yar la,ahayd, ayaanu ka dhaqaaqnay Guri jeelka Dhexe ee Hargeysa u dhawaa,waxaanuna isu Qaybinay labba Qaybood, Qayb Aan anigu hogaaminaayay oo Afar ahayd Hawshayaduna waxay ahayd inaanu albaabka shishe ee Miiska ee Galbeed xiga aanu tagno oo Gaadhka halkaa jooga khaarajino. iyo Qaybta kale oo Sideed ahayd, waxaanuna waddanay labba baabuur, Hotalka Togdheer markaanu Ag-marayno ayaa Gaadhigii aan anigu Madaxda u ahaa ee aanu Afarta ku saarnayn Hash-kadeeyay oo bakhtiyay,markaa gaadhigii kale ayaa nagu soo noqday, intii uuna soo noqon-se nin ka mida Afartii aanu gaadhiga ku saarnayn ayaa yidhi, dad inala riixa ayaan u yeedhaya, dibse noogumuu soo noqon! Markii gaadhigii raga kale saarnaayeen nagu soo noqday waanu riixnay wuuna noo is-taadhmay, halkii ayaanuna ka sii soconay, kooxdayadii Afarta ahaydna,waxaanu noqonay Saddex keliya illeen waakii ninku naga baxsadaye, labbadii gaadhina anaga ayaa horeyney intaanu sii soconay, si ay kooxda kale noo ogaato hadii gaadhigu naga xumaado mar-labaad, markiise aanu miiska wax yar u jirnay ayuu gaadhigii kale na dhaafay oo albaabka Bariga xiga ee laga soo galo Xerada isku beegay, anaguna kii galbeedka ayaanu isku beegnay, Gaadhigiina bilaa Bireeg ayuu ahaa hore ayuu noogi istaagi waayay, Dirqi-se ayuu ku joojiyay Kur-libaax oo gaadhiga waday.


Wuxuu intaa ku sii daray Cabdi Ciid"Markii aanu saa isu taagnay ee gaadhiga ka boodnay ayaa Afar-nin oo gaadh ka aha meeshu naga shakiyeen, mid ka mida ayaana Xabad nagu soo riday! Markaa waxaa dhacday in Bambo ef wan ahayd ( F One), in aan ku tuuray si ay u salba-bakhaan, midba meel ayuu ka booday, markaas ayaanu rasaastii dabbada u qabanay ilaa iyo gudaha ayaanuna sii baacsanay! Si fiican ayaanuna albaabkii laga baxaayay markiiba gacanta ugu sii dhignay. Kooxdii kalena waa jibkoodii way soo guteen markiiba, wixii xerada ciidan ku jirayna waxay noqdeen, wax dhinta iyo wax dhaawacma iyo in cagaha wax ka dayda. Anagana waxaa Meeshii nagaga Shahiiday Mujahid Biixi X.Xassan,Markiiibana Waanu ka baxnay xeradii, Duleedka Masalaha ayuu gaadhigu nagaga Xumaaday, illaahayse wuu noo hagaajiyay oo markiiba waanu ka dhaqaaqnay, isla habeennimadiina xuduuda ayaanu ka talawnay, anagoo Subaxdii danbe ku waabariisanay Magaalada Xarshin,halkaas oo aanu ku Aas-nay Mujaahid Siciid oo maydkiisu Gaadhiga noo saarna"


Haddaba Mujaahid Cabdi Ciid Faarax, wuxuu kale oo inooga waramaya koob iyo tobankaas Mujaahid magacyadooda iyo deegaanka ay ka soo jeedeen, wuxuuna u kala horeysiiyay sida tan.


1.Muj: Ibraahim Maxamed Ismaciil (Koodbuur). wuxuu ahaa hogaamiyahayagii wuxuuna ahaa Maskaxdii hawsha hageysey,runtiina isaga la,aantii wax badan noomay qabsoomeen. Deegaan ahaana Koonfur-Bari Hargeysa ayuu ka soo jeeday, ama Sallaxleyba. alle ha u naxariistee 1987-kii ayuu dhintay.


2.Muj: C/salaan Turki,oo ahaa ninkii ay wada socden C/lahi Askar, runtiina door weyn oo fir-fircoon hawshaas la bixida ku lahaa maantana nool. Deegaan ahaan wuxuu ka soo jeedaa Galbeedka Burco.


3.Muj: Biixi Xaaji Xassan,oo isna maalintaas nagaga Shahiiday Xerida Birjeex dhexdeeda, alle ha u naxariistee, Deegaan ahaan wuxuu ka soo jeeday Galbeedka Burco.


4.Muj; Siciid Cabdi Yasiin,oo ahaa darawalkii Gaadhiga illaa Xarshin gaadhsiiyay, Sida uu sheegay Cabdi Ciid,''Ninkan Muj;Siciid Cabdi Aadan, isagoo dhaawac ah ayuu gaadhiga ilaa iyo Xarshin wedey, cidina may ogayn dhaawiciisa, markii aanu xarshin gaadhnay ayanu ogaanay,kuluu dhaawac fudud ahaa, wuxuu kaloo Cabdi Ciid ii sheegay in Muj Siciid Cabdi Aadan uu ahaa nin calool adag, oo raganimo baddan, illaahay ha u naxariistii 1988-kii ayuu dhintay, Deegaan ahaana wuxuu ka soo jeeday Bali-Gubadle.


5.Muj: Siciid Axmed Dhigane, oo isagana isla maalintii hawlgalku socday ku dhaawac may Xerada Birjeex dhexdeeda. Wuxuuna ii sheegay Mujaahid Cabdi ciid, in Siciid Axmed Dhigane xabada uu u dhintay ay kaga dhacday lugta bidix qaybteeda sare ee Bawdada jartayna hal-bowlaha, midina waxay kaga dhacday lugta qaybta hoose, lakiin taas halbawlaha kaga dhacday ayuu u dhintay. wuxuuna geeriyooday lix-saacadood ka dib markii hawl-galku fulay, oo ku beegan labbadii habeenimo, waxaana lagu aasay Magaalada Xarshin. Deegaan ahaana wuxuu ka soo jeeday Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag.


6.Muj: Cabdi Ciid Faaraxoo iminka nool ahna ninka warbixintan aynu ka qornay,Maalintaasna qaabil sanaa albaabka Galbeed ee Miiska inuu safeeyo, maanta wuu nool-yahay wuxuuna degen yahay, Caynaba,, Deegaan ahaana wuxuu ka soo jeedaa Degmada Gar-adag, ee Gobolka Sanaag.


7.Muj; Aadan Maal Caqli, isna maanta wuu nool yahay, wuxuuna degen yahay Hargeysa, Deegaan ahaana wuxuu ka soo jeeday Galbeedka Hargeysa.


8.Muj: Saleebaan Siciid, illaahay ha u naxariistee 1988-kii ayuu dhintay, Deegaan ahaana wuxuu ka soo jeeday Degmada Shiikh ee Gobolka Saaxil.


9.Muj; Axmed Warsame Maloosh. illaahay ha u naxariistee wuxuu dhintay 2002. Deegaan ahaana wuxuu ka soo jeeday Bariga Burco.


10.Muj: Maxamed Xuseen Geedi (Kur-libaax). illaahay ha u naxariistee wuxuu dhintay 1991-kii, Deegan ahaana wuxuu ka soo jeeday Bariga Burco.


11.Muj; Ibrahim Maxamed Carab. illaahay ha u naxariistii wuxuu dhintay 1988-kii waana ninkii labaad ee maalintaas Dirayska Ciidamada Sitay, marka laga yimaado Ibraahim Koodbuur.. Waana ninka Xabada ugu horaysa ridaya, marka ay gaadhka dhaafaan kooxdii uu ku jiray ee Sideeda ka koobnayd, wuxuuna ku jiraa shaqsiyaadkii soo jeedinta hawlgalka lahaa. Deegaan ahaana wuxuu ka soo jeeday Bariga Burco.


Intaas ayay ku dhan-yihiin Koob iyo tobankii nin ee Hawlgalkii Birjeex Fuliyay, wuxuuna Mujaahid Cabdi Ciid Faarax haddalkiisa ku

soo Gabagabeeyay "'Xaasha''e Nin libin kaa Xistiyay Xumihii waa yaab" Nimanka anagoo 11 nin ah, Magacyadayada Laaxinka geliyay

amma qaar ka mida ka tegeyba, Sidee bay, Shantii kun ee Mujaahid ee Gudaha Soo galay 1988-kii ugu Caddaalad falayaan magacyadooda iyo taariikhdoodana u qorayaan ?"' Ragga taariikhdii SNM, isku hawlaya inay qoraan, Runta haka sheegaan, rag mujaahidiina oo meel ku wada dhimanaayayna inay kala jeclaystaan maaha qaarna taariiikhdooda aasaan, qaarna ay sheegaan, ee Qof walba maalintuu lahaa iyo halgankiisii iyo wixiiuu wanaag tarayba si fiican haloo qoro oo yaan laga xistiyin, lakiin in la duudsiyo meesha ma qabato.

W/q Suleyman Yusufdhakhtar
Facebook.com/ Suleymanyusufdhakhtar

Bidvertise..

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO