Thursday May 25th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Taariikh-nololeedka Mid Ka Mid Ah Mujaahidiintii Ugu Hor-tallaabay SNM Oo Shalay Hargeysa Ku Geeriyooday

1
Sunday January 17, 2016 - 18:34:14 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 2024
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Taariikh-nololeedka Mid Ka Mid Ah Mujaahidiintii Ugu Hor-tallaabay SNM Oo Shalay Hargeysa Ku Geeriyooday

    "Siddaan Laysu Baran Bay U Tahay SAYIDIYOOW Marage"-Tuduc Ka Mid Ah Gabaygii Abwaan Gaarriye Ee Saxansaxno Oo Marxuumku Ku Jiray Mujaahidiin Uu Abwaanku ku Hal-qabsaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
"Siddaan Laysu Baran Bay U Tahay SAYIDIYOOW Marage"-Tuduc Ka Mid Ah Gabaygii Abwaan Gaarriye Ee Saxansaxno Oo Marxuumku Ku Jiray Mujaahidiin Uu Abwaanku ku Hal-qabsaday


Hargeisa (BurcoOnline) 17.01.2016 Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo xubnaha kale ee hoggaanka xisbiga oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbigu waxay tasi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku timi Mujaahid Maxamed Axmed Sayidi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa shalay (16/01/2016). Mujaahid Maxamed Axmed Sayidi waxa uu ka mid ahaa aqoonyahankii halgamayaasha waawayn ahaa ee ururkii SNM, uguna hor tallaabay, kaas oo dhallinyaradnimadiisii caan ku ahaa kubadda cagta, isla markaana markii Somaliland madaxbannaanideeda la soo noqotay ka mid noqday Golihii Wakiillada ee ugu horreeyey Jamhuuriyadda Somaliland. Mudane Muuse Biixi iyo masuuliyiinta KULMIYE waxay ku tilmaameen marxuumka mujaahid wayn oo door wayn ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta Somaliland iyo dib-u-heshiisiintii iyo nabadayntii dalka, waxaanay Alle uga baryeen inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan shacabkana inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.


Taariikh Nololeedkii Mujaahid Seyidimujaahid seyidi

Alla ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Axmed Sayidi Waxaa uu ku dhashay deegaanka Xiis Xarrago ee gobolka sanaag, wuxuu wax ku bartay magaalada cadan oo uu ka bilaabay waxbarashadiisi, waxana uu ka baxay dugsiyadii Ingiriisku maamuli jiray ee cadan ku yaalay. Markuu dhammaystay waxbarashadiisii waxa ka soo shaqeeyey shirkaddii British petroleum (BP] . Sidoo kale waxa uu ahaa ciyaar yahan kii ugu caansanaa somalidii cadan joogtay oo uu kula baxay RABAL KURRAH ee kooxdii AFRICAN STAR. Oo uu ka ahaa CAPTAIN. Intaa dabadeed waxa uu u soo wareegay Somaliland british protectorate , 1959 waxa uu noqday wakiilkii diyaaradda Aden airways oo iman jirtay Somalia. Markii ay socotay gobanima doonku waxa uu ka mid ahaa dadkii ka tirsanaa xisbigii NUF . Sidoo kale waxa uu kasoo shaqeeyey dawladihii kala dambeeyey ee ka dhismay Somalia Waxa uu kasoo hawl galay wasaradda xanaanada xoolaha. Markii uu u adkaysan waayey dhibaatada uu ku hayo kacaankii siyaad barre dadweynaha waxa uu go aansaday in uu ka goosto, waxana u u dhoofay dalka suuudiga Waxayna halkaa ka Aasaaseen ururkii Dhaq dhaqaaqa wadaniga ummada soomaaliyeed SNM. Xilalka uu SNM kasoo qabtay waxa ka mid ahaa xog hayihii jabhadda SNM Sidoo kale waxa uu noqday xubin fir fircoon oo golaha dhexe ee SNM ah. Xorayntii dalka waxa uu watay ciidankii galay magaalada Ceergaabo guuto ka mid ah sanadkii 1989. Xorayntii dalka ka bacdi waxa uu ka mid noqday baarlamaankii ugu horeeyey ee Somaliland. Alla ha u naxariistee Muj. Seyidi waxaa uu ka mid ahaa xubno mujaahidiin ah oo ku jiray maansadii Saxansaxo ee Abwaan Gaarriye AHUN, taas oo uu ku hal-qabsaday sida ka muuqata tuducan oo odhanaya "Siddaan laysu baran bay u tahay Siyidiyow marage”.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Heeco

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:DUCMANTERY Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Gurigii Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu Taaga Jamhuuriyada Soamaliland Sanadkii 1991
Halkan Ka Daawo: Fanaanka Weyn ee Cabdijabaar Al Khaliiji oo Hees Cusub oo Loogu Talo Galay 18 MAY Hadda Daawaha Ka Soo Rogay Heestan oo Loogu Magac Daray ( DHARAAR WEEYE SUNTAN)
Halkan Ka Daawo : Warbixin Dhismaha Wadada Sanaag Iyo Togdheer Oo Wakhtigan Bulshadu Si Weyn Ugu Raysatay Dadka Ku Safra Wadada Iyo Bulshada Degaanadaasi Oo Si Weyn U Mahadiyay Mashruuca Guuleystay Ee Wadadaasi
Halkan Ka Daawo: Jaaliyada Habar jeclo Iyo Subeer Awal oo Kulan London Iskugu Yimi Kaga Tashanayaan Sidi Hawlaha Xisbiga KULMIYE Loo Dardar Gelin Laha
Halkan Ka Daawo:Gudoomiyaha Degmada DHOQOSHEY Oo Ka Warbixiyay Mashaariic Horumarineed Oo Xukuumadu Ka Wado Degmada Dhoqoshey+Muxuu Ka Yidhi 18ka MAY Ee La Joojiyay
HALKAN KA DAAWO: QOYSAS ROOBAB KA DA AY GOBALKA SANAAG XOOLIII ABAARAHA UGA HADHAY KA MADHIYEEN IYAGA OO XAALAD ADAG OO DHANKA NOLOSHA KU JIRA UNA BAAHAN TAAKULO
Halkan Ka Daawo:Warbixin Laga Diyaariyay Raxmaadka Eebe Ee Ka Da,ay Inta U Dhaxaysa Degmooyinka Garadag Iyo Ceel Afweyn Ee Gobolka SANAAG
Halkan Ka Daawo:Warbixin Naxdin Badan Oo Laga Diyaariyay Dadka Xooluhu Ka Dhamaadeen Ee Kunool Gobolka Togdheer,Iyo Xukuumada Oo Ay Ka Codsadeen Gurmad Deg Dega
Halkan Ka Daawo:Barnaamij Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Mashaariicda Ururka Qurba Joogta Gurya Samo Ka Hiir Geliyey Degaanka Dhagax Dheer Ee Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo: Wassirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxamoud Adan Jama Galaal Iyo Wasiirul Dawlaha Xanaanada Xoolaha oo Dawooyin Iyo Dhakhaatrir Gaadhsiiyay Degmooyinka Qorilugud Ballidhiig Iyo Xaaji Saalax
WAREYSIYO