Friday January 20th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Travel UniQe
eurosomtravel.com/

"Timir la waayaaba tawsi korodhay" Boqor Indha-Aarre

0
Tuesday April 26, 2016 - 15:12:08 in Somali History by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Timir la waayaaba tawsi korodhay" Boqor Indha-Aarre

    Indha-Aarrihii hore miyuu, alifyo dheeraaday Maantana la eeddii miyaa nalaga eegaayey. Siciid Ayaanle (AHUN)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Indha-Aarrihii hore miyuu, alifyo dheeraaday Maantana la eeddii miyaa nalaga eegaayey. Siciid Ayaanle (AHUN)

Indha-Aarrihii hore miyuu, alifyo dheeraaday
Maantana la eeddii miyaa nalaga eegaayey.

Siciid Ayaanle (AHUN)

Hoygasuugaantu wuxuu idiin soo gudbinayaa sheeko illaa 200 sannadood in ka badan laga joogo oo ku saabsan Boqorkii Indha-Aarre oo muddo badan xukumayey deegaanno ka mid ah gobolka baaxadda leh ee Sanaag. Waa taariikh gabaabsiday hadal-haynteeduna waayahan danbe iska danbasowday hayeeshee aannu jeclaysannay inaannu inta yare e aannu ka hayno taariikhdaas aadka u durugsan inaan idinla wadaagno.

Soomaaliduwaxay ku andacoodaan inay lee yihiin dhaqan suubban oo salka ku haya hiddo fac weyn oo diinta Islaamka qaadashadeediina sii xoojisay. Marka laga soo tago sheegashooyinkaas ee runta loo dhaadhaco waxaad ogaanaysaa inay Soomaalidu weligeedba sida ay maanta tahay iyo si ka sii xun ay isu colaadin jireen isuna gumaadi jireen.

ColaadahaBeelaha Reer Sh Isxaaq ee waaweyni isla beegsadaan waxaa ka xumayd kana xeel dheerayd dagaalada jilibba, jilibka cid u xiga uu la beegsan jirey ee ay adduun iyo dadba ku waayi jireen. Agoomaynta iyo asayda dumarka raggoodii caqli xumada ku lumay ciiddan way ka badnaayeen iyadoo maalinba heer joogtay.

Annagoosi gaar ah u soo qaadanayna Beesha Habar Jeclo oo uu ka dhashay ninka cinwaanka kore ku qorani bal aan sarka-xaadinno oo dib u milicsanno taariikhda. Colaadaha beeshan dhexdeeda isku wanjashay waxaa ugu caansan tii Yeesif & Aadan Madoobe oo iyagoo rag, maal iyo xadaaradba ka hodan ah hoos u soo celisay ee ay ku curad waayeen. Waxaan taas ka dhicin colaadihii soo noqnoqday ee Axmed Faarax & Daahir Faarax oo colaaddii"walaallaleykeliya ku waayey boqollaal halyey oo shan-shan nin oo wada walaalo ah iyo ka badan oo labada dhinac ah la is garab dhigay. Qormadaneenna waxan haddaba maanta ku eegaynaa colaadahaas caanka ah mid ka waqti fogeyd, kana ujeed duwanayd, kana riiq dheerayd oo dhex martay labada jilib ee Axmed Faarax & Iidle Faarax oo ka tirsan 11ka qabiil ee Faarax Biciide ka kooban yahay.

QabiilkaBiciide oo ciidan camaaryaley noqday aadna u tarmay ayaa xilli ku aaddan 1780kii waxa u kacay nin Boqor ah oo ku can baxay"Indha-Aarre. Magac laga miskiin maaha ee waxaad akhristoow magacaa ka dhandhansanaysaa inuu ninkaasi ahaa nin aan nixin oo eegmadiisa-libaax qofka ay kulmaan cabsi baan ku ridda. Ma ahayn nin Biciide wada doortay ee waxa caleema saartay Axmed Faarax Biciide asna jilibkiisii kuma ekaane qabiil kasta oo awooddiisu gaadhi karo wuxu ku qasbay inay xukunkiisa soo hoos galaan. Waxa kale oo dadkii xukunkiisa ku hoos jirey ugu dray oo ku qasbay inay bixiyaan maal cashuur oo kale ah oo boqortooyadu ku shaqayso.

Deegaankauu maamuli jirey Boqor Indha-Aarre waxa hoos imaan jirey dekedo dhawr ah oo bucshurooyin laga soo dejin jirey waxna laga dhoofin jirey. Dekedahaasi waxay bari u xigey marsada Xiis dhanka Galbeedna illaa Conqor iyo magaallooyin baabaay oo kale oo labadaas u dhexeeyey. Cashuurtii Boqorku waxay gaadhay tuulooyinkii xeebta oo markaas waxa ugu badan ee laga soo dejiyaa ahaayeen timirta oo aad looga jeclaa geyiga Soomaaliyeed. Indha-Aarre markuu rogrogay waxay la noqotay inuu safar walba ka qaado"mintimir ah (min=2 kaaradood ama goosaradood).

BoqortooyadiiIndha-Aarre way xididdaysatay balse cadaadiskii uu dadka saaray ee adkaa iyo hantidii cashuurta ahayd ayay ka gilgisheen beesha Reer Iidle oo ay qolada Boqorka wada dhasheen. Waxa la sheegaa in safar xeebta ka soo degey maalin maalmaha ka mid. Safarkaasi markuu xeebtii ka tegey oo aan degmaduu ku wajahnaa gaadhin ayaa la tebey inaan la wadin Minkii timirta ahaa ee Boqorka oo malaa markii hore qolaba qolo ku eegtay. Maxaynu yeelnaa iyo aan noqonno oo tuuladii ka soo iibino cashuurtii Boqorka ayaa la isla gartay markaasaa dib loo jihaystay. Nin safarkii ka mid ah oo ragannimo u dhashay oo Abyan Weled-baas la odhan jirey ayaa ku dhaartay inaan la noqon cashuur danbena aanay bixinayn Reer Iidle. Raggu kala nugule intii werwerka boqorku ku mudnaa ayay xoog ku soo wadeen wayna guryo yimaaddeen iyagoon wadin wixii looga bartay.

Beeshawar iskuma seeggana ee Boqorkii oo safarka yimid og ayaa soo faray inay keenaan timirtii Boqortooyadu lahayd. Reer Iidle oo laba iyo tobankiisa qabiilba rag ka buurxo ayaa markay is tusaaleeyeen inay diyaargaroobeen oo ay iska dhicin karaan ilaalada boqorka ayay direen nin la odhan jirey Jibriil oo lagu naanaysi jirey Waxaro-wade oo ahaa nin aan maankiisu taam ahayn balse dadku nacas ku sheegaan waxayna fareen in reer Iidle goaansadayinaan cashuur danbe safar iyo maal ay leeyihiin toonna aanay ka bixin. Ninka ay direen way dhagreen oo ma ahayn nin dareemi kara khatarta ay geliyeen iyaguse waxay ku xisaabtameen in haddii Indha_Aarre nin dilayo uu ninkoodaa nacaska ah dilo.

Ninkiifarriinta Boqorka loo faray markuu Indha-Aarre hor yimi ayuu u sheegay farriintii Abyan Weledbaas ee ahayd"Timirdanbe ma jirayso. Boqorkii Indha-Aarre si xad-dhaaf ah intuu u cadhooday ayuu yidhi kelmed illaa maanta caan noqotay oo colaaddaas lagu xasuusto oo ahayd"Timir la waayaaba tawsi korodhay. Boqorkii wuxuu markiiba amray in ninka farriinta siday laga kor dhaqaajiyo sidiibaana la yeelay oo ninkii miskiinka ahaa ayaa ilaaladii boqorku gawrac ugu jiideen. Nimankii Reer Iidle ayaa mag ka doonay boqorkii Indha-Aarre isna wuxu ku jawaabay"Nacaskiihebel ahaa inaad Boqorka maag ka weydiinaysaan ma moodayne haddaa samri weydiin rimadoow qaata. Hadalkaas aan qumanayni wuxuu soo dedejiyey iska hor-imaad labada qolo dhexma iyadoo xaal noqday in labada qolo isku quustaan waxana warmihiina loo soofeeyey colaad aan maxsuulkeeda cidina saadaalin karin. Labada reer tiro ahaan waa isu dhigmeen laakiin Indha-Aarre waxaa u dheeraa boqornimada oo ilaalo badan oo u dagaal gasha ayuu lahaa.

Soomaaliduwaxay tidhaahdaa"Ilaahaygef waa kaa yeedhsiiyaa, kaagamase tagoee nimankii reer Iidle oo diyaar ahaa ayaa weerar kediso ah oo aan la filayn ku qaaday qalcaddii boqorka halkaasna waxay ku gawraceen Indha-Aarre iyo ilaaladiisii oo aan kuba tashan weerar sidan u qorshaysan. Dilkii Indha-Aarre wuxuu bilaabay colaad fogaatay aadna u dheeraatay oo wiilkii bilawgii colaadda calool galay uu ka qayb qaatay dagaalkii oo weli socda. Waxa sida la weriyo labadan reer is dilayeen 30 sannadood muddo lagu qiyaasay oo libintu marba qolo u meeraysay.

Waqtigaaslabada reer dagaallamayaan ragga iska soo hor jeedaa ma ahayn kuwo abtirsiimo ahaan aad u kala fog oo ilmaadeer 4aad illaa 6aad ayay raggaasi isu ahaayeen sida la sheego. Waxa la weriyaa in laba wiil oo labada reer u kala dhashay laakiinse isku meel ku soo koray malaha qaraabo kalena isu ah ayaa midkood iyo koox uu ku jiraa waxay qabteen kan kale. Wiilkii wuu ku nayaayiray inaanu inaadeerkiis oo ay aad isugu dhawaayeen aanu dili doonin markaasuu dhawr jeer soo xasuusiyey tolnimadii ka dhaxaysay. Wiiilkii qabtay kan kale oo jidhiidhicooday hayeeshee walaalhiis iyo ilmaadeeradiiba colaaddan ku idlaadeen waxay la noqotay inaanu sii deyn saaxiibkiis hayeeshee wuxuu ku yidhi war ku deyn mayo kolleybae ku dili kari mayo ado I soo eegayee iga sii jeedso intaanu waranku ku cuskan. Isagoo intaas gabay ugu jeedinaya islamarkaan xusaya inay sheekadu saaxiib iyo ilmaadeerba dhaaftay ayuu ku yidhi;

Cabdiyoow tolnimo waa jirtee, waydinkii jaray’e


Waataad jar dheer kala baxdeen, jixinjixeenniiye
Anna haatan inan kaa jidh naxo, waa halaan jirine
Dabadeed ad soo joogsatide mar iga sii jeeso.
Jannadana Allaa kuu hayee jidhida iimaanso.

Waxakale oo la weriyaa in maalin maalmaha ka mid ah laba nin oo Reer Iidle ah oo midkood qolada Axmed Faarax aad u raadinaysay la godoomiyey. Ninkaasi markuu arkay inuusan badbaadayn gees walbana loo galay oo lagu soo kedinayo ayuu ninkii la socday damcay inuu badbaadiyo. Wuxuu ninkii u sheegay in isaga lagu horrayn doonoe marka la I qabto buu yidhi waxaad tidhaahdaa"Colaaddabaninka hurinayey ninkanuu ahaaye waa Ilaah mahaddii haddii aad qabateen oo maantay Iidle & Axmed heshiinayaane ilmaadeerayaaloow ha sii deynina. Sidii bay arrini u dhacday ninkiina hadalkii buu yidhi markuu arkay ninkii saaxiibkiis oo lagu murmayo anaa dilaya iyo aniga ii daaya. Hadalkii ninku sheegay niman badan baa u qushuucay oo inkastoo niman diideen misana waxa batay ragga yidhi ha la daayo mid xaqiiqa buu sheegaye. Ninkii markii la sii daayey ee uu socday illaa meel aan cago lagaga soo gaadhayn ayuu nimankii sii daayey u dhawaaqay oo yidhi"Intawiil hal naaskeed gaadha naga nool yahay colaaddeenu joogsan maysoka dibna intuu cararay ayuu beeshiisii u galay oo ciidan u aara saaxiibkiis isku dubariday.

Xilliku aaddan 1840-meeyadii oo ay colaaddii labada reer meeshii ugu xumayd gaadhay ayaa rag badani ka goeen Axmed Faarax Biciide oo la dhigay togga Agluub la yidhaahdo. Dagaalka Axmed Faarax ragga doorka ah looga laayey Reer Iidle waxa ku weheliyey qolooyin kale oo qaraabonimo, abtinnimo iwm ugu soo hiiliyey. Waxa la sheegaa in Nin Dhulbahante ahaa oo caan ka ahaa beeshisa ay u timid gabadh Reer IIdle ah oo la soo caydheeyey aabaheedna malaha ku lumay colaaddaas. Odaygii Maxamuud Garaad (Dhulbahante) wuxuu damcay inuu tolkiis dagaalka wax ka geliyo laakiin tolkiis intiisii badnayd waa diidday inay labada qolo u kala hiiliyaan. Odaygaasi wuxuu yidhi "Inan qaawan baa ii timi oo dagaalka ka hadhi maayo" sidaasuuna ku kaxaystay wixii tolkiis ka raacay oo la saftay qoladii Reere Iidle. Markii khasaarihii dagaalku batay ayay Axmed Faarax waxay is tuseen in colaaddani soo afjaranto oo labadan reer mid xoolaha iyo dumarka u hadho kan kalena aakhiro loo diro. Waxay galeen diyaar garoow aanay u kala hadhin oo nin kastoo reerka ka mid ah oo waran riddayn karayey aan laga tegin. Axmed Faarax oo ah boqollaal ciidan ah ayaa Reer Iidle oo diyaar ahaa caasha saaray waxaana goobtaas ka dhacay dil aan hore loo arag oo markii ragga intii noolayd dayoobeen ayaa qoladii lagu soo duulay dibugurasho samaysay si ay u badbaadsadaan maatada iyo caruurta. Isla maalinta arrintani dhacayso ayaa waxa goobtii yimi ciidan dardartoodii qaba oo xasuuq dhici lahaa baajiyey;

 

Kite Fiqi;

IbraahimFiqi Yuusuf Cali oo ku magac dheeraa"Kite FiqiWuxuu ahaa nin geesi ah oo Reer Yoonis iyo Cumar Jibriil oo isku deegaan ahi ay u doorteen abbaanduule. Wuxuu ahaa nin ka soo jeeda qoys culimo ah oo tolkood magac iyo qadarin ku leh. Wuxuu ahaa nin hoggaamiye ah oo aan xirfaddiisa dagaal hore loo arkin dadkii uu ka dhashayna iyagoon suaalo badan is weydiin ay u doorteen inuu u noqdo hoggaamiye duullaan. Wuxuu ahaa aftahan geeraarka oo waqtigiisii xoog lahaana ku maansoon jirey. Wuxuu ahaa nin tolkiis la tashada oo wax ku ah laakiin go'aan adag leh oo aan caloolyowga aqoon. Wuxuu ahaa nin aan dagaalka iska gelin oo nabadda iyo tolnimada aad u jecel. Ma ahayn nin weerara dadka uu tamar yaraanta ku tuhmo mana ahayn nin dadka iska laaya ee sida taariikhda dagaalladuu galay muujinayso wuxuu ahaa nin Soomaalidi joogtay waagaas ka garasho sarreeyey oo dagaalka aan u aqoon xasuuq ee u yaqaannay xarraga-qaadasho. Weli ma uu dilin maxbuus uu qabtay, collaadahana kuma dheerayn jirin illaa lagu kelifo. Wuxuu ahaa nin abhis badan oo aan xumaha ku degdegin. markuu waayeelay ee niman tolkiis ka mid ahi laandheeranimo u sheegteen oo taladii ku qabsadeen ma uu noqon axmaq macangag ah ee wuxuu ka fadhiistay taladii loo egmaday isagoon ku dagaallamin tolkiisna isku jebin. Ninka sifahaas iyo in badan oo aannaan koobi karin leh ayaa Ilaahay shinbir uga soo dhigay colaaddii lagu riiqmay ee reeraha walaalaha ah ee Faarax Biciide ka dhex aloosmay.

Kite Fiqi oo in muddo ahba dagaalkan labada reer dhibayey ayaa kaxaystay Ciidan lixaad leh oo fardooley ah afkana saaray carro Biciide. Wuxuu goobtii dagaalka gaadhay iyadoo rag badani goay hase yeeshee Reer Iidle la hinqiyey oo lala damcay inaan waxba loo reebin. Ciidankii buu labadii beelood kala dhex dhigay durbadiibana waxa ku muusannaabay Axmed Faarax oo xanuunkii raggii badnaa ee ka leday dhibayo guushii ay 30ka sannadood naawilayeenna ay sheedda uga muuqato. Kite Fiqi ma ahayn nin baydhbaydha ee wuxuu dhoollatus ku sameeyey goobtii dagaalka oo uuradu kor u kacday ciidankuu watay laxaadkiisa iyo dardartiisa. Wuxuu ogaysiiyey labadii qolo , siiba nimankii Axmed Faarax, in qoladii waran danbe fiiqda uu cagta marinayo. Markii dagaalkii joogsaday ee ciidamadii la kala qaaday ayuu geed weyn u dallaalimeeyey labadii dhinac guddiyo aan labada reer ahaynna wuu saaray si ay arrinka uga soo baaraandegaan. Guddigii la saaray rag dhawr ah oo xigmad, xilkasnimo iyo xaakinnimo lagu tuhmayey bay iska xuleen oo inta doc loo saaray ayaa taladii labada reer iyo magtii loo kala qaadi lahaa la guda galay. Qola walba intii nin ee ka maqnayd oo ciiddaa ka badan ayay ku andacoodeen.

QoladiiAxmed Faarax ee aan raalliga ka ahayn dagaalka la joojiyey ayaa guddigii nin ka mid ah oo ay qaraabaysteen kula heshiiyey in go'aanka guddiga intaan lagu dhawaaqin uu la socodsiiyo si ay talo uga qaataan intaan geedka weyn la iman. Ninkaas waxa lagula ballamay maaddaama aan loo ogolayn inay la hadlaan inta hawshu socoto in haddii go'aanka guddigu yahay mid dhankooda u xaglinaya uu ushiisa garabka soo saarto haddii kale se uu usha soo jiido. Baaqan lagu heshiiyey guddigu ma ogeyn. Markii taladii muddo la wadwaday ee tabashadii labada qoloba la fiirshey ayuu Kite Fiqi guddigii u sheegay inaanay suurogal ahayn in mag loo kala qaado reero dhimasho intan leegi ku kala dhacday wuxuuna xeeriyey in"Duudsilaga soo qaado wixii curad dhintay.

Gudigiimarkay goaankaas"Duudsigaqaadatay ayay geedkii oo labadii qolo iyo guddigii weyneyd ee goaanka ku dhawaaqiisa lahayd fadhiyo soo abbaareen. Ninkii guddi hoosaadka la saaray ahaa ee lala ballansanaa ushiisii ayuu soo jiiday taasoo qoladii Axmed Faarax u iftiimisay in go'aanka la gaadhay uusan ahayn mid anfacaya. Durbadiiba intaanu guddigii geedkii soo gaadhin ayay maryaha boodhka ka tunteen oo shirkii ka dareereen. Markii gudidii geedka timi ayaa nin raggii geedka fadhiyey guddidana ka mid ahaa yidhi

"Waarwaa kee ninka 4ta taagani dhaqaaqday, afarta socotaana istaagtay ee naga warramay. Idamka Ilaahay waxa la sheegaa in ninkii sirta guddiga dhiibay geedkii isagoo jooga nabarkii geeridu qabtay muddo yar oo maalmo lagu sheegayna uu sii noolaa.

Kite Fiqi nimankii Axmed Faarax buu siiyey digniin kama danbays ah iyo inay naftoodu kaga badbaadayso keliya iyagoo geedka ku soo noqda. Go'aanka iyaguu siiyey laakiin wuxuu dhaar ku maray inaanu waxba ula hadhayn haddaanay geedka ku soo noqon, go'aanka qaadan kuna qancin. Axmed Faarax waxay Kite ku eedeeyeen inuu hiil wado oo uu Reer Iidle badbaadinayo laakiin arrintaas gaashaanka ayuu u daruuray maadaama labada reerba u sinnaayeen Kite wax kale oo uu qolo ugu hamrado ama dhinaca u saaraana aysan u jirin aan ahayn kala badbaadinta dhiigga walaalaha isku bahaloobay.

Xeerkiiduudsiga ee Kite Fiqi sidii buu ku dhaqan galay labadii reerna sidii bay ku aqbaleen. Kite Fiqi wuxuu labadii qolo u kala xukmiyey oo qolaba siiyey deegaan aysan dhaafi karin. Axmed Faarax oo wax tabanayey ayuu Kite u xukmiyey inay qaataan wax Allaale iyo wixii deegaan Beeyo ee Biciide lahaa halka uu Reer Iidle-na u xukmiyey dhulka bannaan ee Koonfurta uga rogan buuraha Golis. Axmed Faarax sidii bay go'aankii si rasmi ah ugu qanceen mahadnaqna uga geysteen goobtii illaa maantana Beeyada Biciide oo Gobolka Sanaag ugu badan waxa leh reerkaas inyar mooyaane. Colaaddii 30-ka sannadood soo noqnoqnaysay ee Iidle Faarax iyo Axmed Faarax halkaas ayay ku soo afjrantay labadii reerna maalintaasay bilaabeen inay noloshoodii dib u kabkabtaan ammaana ku seexdaan.

Waxala sheegaa in Axmed Yare oo awoow ugu toosnaa Caaqilkii Maxamed Xaaji Ducaale uu maalintaas bilaabay inuu ugaadhsado beelihii deriska ahaa ee ka hiilin jirey, basaasi jirey ama boqonta goyn jirey intii ay nimanka walaalahood is dilayeen. Rag badan oo qolooyin badan leh ayaa la sheegaa inay gacantiisa ku baxeen oo mid mid ugu doontay deegaankoodii.

Sannadihiikontomeeyadii ayaa Gabyaagii Siciid Ayaanle tiriyey tixda aan inta yar ka soo qaadannay ee aannu qormadan ku bilawnay. Wuxuu Siciid Ayaanle oo Reer Iidle ahaa ka hadlayaa nin Ibraahim la odhan jirey oo qolada kale wax yeeshay xaal-marinna aanay ka keenin. Wuxuu ku eedaynayey Maxamed XaajiDucaale Axmed Yare inuu wado wixii awoowayaashiisii hore ay isku dileen isagoo leh maantana ma Timirtii baad naga doonaysaan.

 

Afka waxanu buuraba miyay, nala ahaan waydey
Ma Ibraahim ciisaa Jibriil ula ekoonaaday
Indha-Aarrihii hore miyuu alifyo dheeeraaday
Maantana la eeddii miyaa nalaga eegaayey.

D H A M A D

Boga Tariikhda Ummada Somaliyeed ( HOYGASUUGAANTA)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


HALKAN KA DAAWO HEES LOOGU TALO GALYA SHIRKADA BEEYADA EE ASLI MAYDI
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan oo Ku Saabsan Shidaal Baadhisti oo Dib Looga Bilaabayo Somaliland
Halkan Ka Daawo:WARBIXIN Mahadhooyinkii Xasuusta Ku Reebay Dadweynaha Reer Burco Sanadkii 2016 Iyo Muuqaaladii Ugu Quruxda Badna Ee Ka Hirgalay Sanadka 2016-2017
Halkan Ka Daawo: Wasiir Cadaani Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay Iyo Xubno Shaqaalihisa Ka Mida Oo Cisbitaalka Hargaysa Yaala Oo Uu Ka Hadlay Waxa Uu Ka Og Yahay.
Halkan Ka Daawo: Wariye Cabdimaalik Muse Coldoon oo Wareysi Exclusive ah La Yeeshay Qoyski Mucjisado BURCO Ku Dhacday ee Raashinko Is Bedelayay
Halkan Ka Daawo: Hees Iyo Ciyaar Jaandheer aad Uu Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo: Wareysi Xiiso Badan oo Shabakada BurcoOnline News La Yeelatay Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer By Wariye Khaliil
Halkan Ka Daawo: Shabakada Burcoonline News oo Wareysi La Yeelatay Gudoomiyaha Degmada Dhoqoshey oo Ka Warbaxiyay Xaalada Abaaraha ee Degmadaasi By Wariye Cabdi Tiriko
Halkan Ka Daawo: Wareysi Xiiso Badan oo Shabakada Burcoonline News La Yeelatay Xooghaya Guud ee Xisbiga UCID Md Yuusuf Googooye oo Arrimo Badan oo Xiiso Leh Ka Hadlay By Wariye Cabdi Tiriko
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE: NAXDIN Xaalada Abaaraha Bariga Somaliland oo Lagu Tilmaamay Mid La Mid Ahayd Abaarti (Daba-dheer) iyo Xaalada Degaanadaasi oo Wariyaashi Argagax iyo Naxdin Ku Riday
WAREYSIYO