Monday August 21st, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Somali Flags
eurosomtravel.com/

DOORASHO KU DIGASHO AHI DALKEENU MA U BAAHAN YAHAY MISE UMA BAAHNA??"" Qalinkii:PRO:Sulaiman Salah Ibrahem Hargeisa Somaliland.

0
Monday January 09, 2017 - 09:44:06 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DOORASHO KU DIGASHO AHI DALKEENU MA U BAAHAN YAHAY MISE UMA BAAHNA??"" Qalinkii:PRO:Sulaiman Salah Ibrahem Hargeisa Somaliland.

    DOORASHO KU DIGASHO AHI DALKEENU MA U BAAHAN YAHAY MISE UMA BAAHNA??"" Qalinkii:PRO:Sulaiman Salah Ibrahem Hargeisa Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
DOORASHO KU DIGASHO AHI DALKEENU MA U BAAHAN YAHAY MISE UMA BAAHNA??"" Qalinkii:PRO:Sulaiman Salah Ibrahem Hargeisa Somaliland.

Tan iyo sanadkii la soo dhaafay 2016 waxaa inta badan ka jiray deegaamadda Jamhuuriyadda

Somaliland abaar aad iyo u xun ina baahsan oo ay ku fiday galbeed ilaa barri,inkastoo isku duubni

Qaran ay ka yeesheen M/waynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane :Axmed Maxamed Maxamuud

(Siilaanyo) sahcabwaynaha reer Somaliland,Culimaaudiinka, sadexda gole qaran,iyo Sadexda

Xisbul qaran oo ay mihiimaddu ahayd sidii loogu gurman lahaa inkastoo abaarta ka jirta

afarta gobol ee

Barriga Somaliland ay weli xaaladda abaartu aanay is bedelin afarta gobol ee

saaxil,togdheer,sool

Iyo Sanaag xoola dhaqataddii 90% ay u hayaameen hawda togdheer ee dhinaca

xuduudaha xiga,

Iyo gobolka bari ee caasimaddiisu tahay boosaaso oo masaafo 300 km ay u dhaafeen dhinaca

xeebaha koonfur barri, waa baartii ugu layaabka badnayd waa abaartii ugu imtixaanka

badnayd

Oo Allaah(Swt) adoomihiisa ku ciqaabayo dambi ay galeen ha noqoto Zinaddii oo la

xalaashaday oo

Noqotay wax iska caadiya oo hoteladdii hurdada la isla imanayo,iyo guryo waawayn oo itoobiyaan

Wash-man ama ilaaliye ka yihiin oo xoogaa lacag ah loo tuurayo dadkii guryahaas lahaana ay qurbaha

Ku maqan yihiin ama guryo waawayn oo loogu talo galay,Xashiishaddii ,Qamrigii oo suuqyadda

Yaala oo qofkii u baahan wakhti badan aanay ku qaadanayn,goobaha habeenkii lagu wada

casheeyo ama Zaanigu gabadha uu doonayo inuu ka Zinaysto wuxuu ku odhanayaa waxaad

tagraa cadaani cafeteria,meheraddaasi waxay noqotay meherad ay isugu yimaadaan dumarka

jidhkooda ka ganacsadda waa laga yaabaa gabadh war ma qabto ahi yadda iyo caruurteeda ay u

casho tagaan,

Wuxuu weliba can ku yahay kuwa wejiga fawaaxishka leh ee aan xumaanta qarsanayn dusha

sare ayaa

Lagu wada cashaynayaa,kuwa isleh dadka ayaa idiin arkayana by mobile ayuu kula soo

hadlayaa ama

Sagaalka habeenu ayuu ku hor sugayaa meel ka durugsan cadaani si dadka uu ka dhuumanayaa iska ilaaliyo ,miyaanu ku xisaabtamayn in Allaah(Swt) uu arkayo waxyaalahaas jira ee ragga isu tagaana

Ay u dheer yihiin haddana arki maysid golayaal qaran ama sadexda xisbi qaran oo ka damqanaya oo

Cod-dheer M/waynaha kula hadlaya sidii fawaaxishkaas iyo fusuqaas umaddo fara badan oo

inaga horeeyey Allaah(Swt) ku halaagay,fawaaxishkaas waxaa faafiya hay’addo gaalo ah oo

weliba waxay aad

U adeegsadaan dumarkii iyo raggii aydhiska qabay oo badankoodii loo iibiyey gawaadhi indho

cadde ah,noohooyin waxaana todobaadkiiba la siiyaa dollarkii ay ku hawlgeli lahaayeen iyo

shidaal bilaash ah,

Weliba Somaliland meesha ugu aydhiska badan uguna zinadda badani waa hargaysa oo ay

xooga saareen mar haddii ay u dhan yihiin dadka ku nooli dadka goboladda kale waxaana loogu talo galay

Mustaqbalka in Somaliland aydhisku noqdo 70% oo wadankaasi ka mid noqdo wadamadda la

dabar goynayo sida ay cudurka aydhiska ugu faafiyeen uguna guulaysteen wadamadda koonfur

afrika,saambiya,malaawi, sinigaal,ugandha,tansaaniya, itoobiya iyo Kenya .

Somaliland waxay u baahan tahay Ciidamo nadiif ah oo aan balwad lahayn oo ay u

fududaanayso

Sidii ay ula dagaalami lahaayeen dadka fawaaxishka faraha kula jira iyo hay’adaha soo adeegsanaya

Xabsiyadda lagu guri lahaa laguna xukumi lahaa ugu yaraan toban sano oo xadhig ah oo ay u dheer tahay

Ciqaab joogto ah oo aan loo ogolayn wax raaxo ah oo uu xabsiga ka dhexhelo.

Waxaan aad iyo aad u soo dhowaynayaa kulankii doorashadda komishanka qaranku isugu

yeedhay 07/1/2017 oo ahayd maalin sabti ah,komishanka qarankaoo aad iyo aad uga

warbixiyey in dadkii codayn lahaa ee kala ah gobolka awdal,maroodi-jeex,saaxil, togdheer,sool

Iyo sanaag60%ay dadkaasi ka hayaameen deegaamaddii ay ka codayn lahaayeen dadkaas

Oo u badan reer guuraa ama xoolo dhaqato,komishanku si caqliyana ayuu arrintaas goboladda

Uga xog waramay waxaana aad iyo aad uga damqaday labadda xisbul mucaarad oo in badan

Xisbigakulmiyeku eedayn jirayinay daba ka riicaan dhigaatooyinka colaadaha hadalkaasi

wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay markii labadda xisbul mucaaraday siu miisaameen

Doorashadda M/tooyaddaoo la qabto xilliwadanku aad ugu ildaran yahay abaaro aad u xun

Oobaahsan oo xoolihii dhamaadeen dadkiina dhaxan iyo xanuuno deris la noqdeen

damiirkooduwuu siin waayey inay afarta gobo lee barrigaay ka dhigaan shacabwayne aan

Qiimougu fadhiyin afkoodana way soo marin kari waayeen sida caqli xumadda ka soo yeedhay

Murashaxa Xisbiga KulmiyeMudane Muuse Biixi Cabdi oo damiirkiisa xumiu jidayno wixii

dhamaanaya waxba kaama gelin haddii goboladda barriqof keliyi ku soo hadho waa inaynu

Gacana ku gurmano gacanna ku codayno,shaqsigaas oo hadafkiisu yahay maalina ha noqotee

Saacadna ha noqotee mar uun waa in lagu yidhaahdo M/waynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Mudane Muuse Biixi Cabdi,waxaan aad iyo aad ugu hambalyeeynayaa labadda xisbul mucaarad

Sidawanaagsan ee gobonimadda leh,ee lexjecladda leh ee ay u damqadeen afarta gobo lee

Barriga Somaliland ee abaaruhu hayaan oo ay isku raaceen inaanay munaasib ahayn in

dadkeenaabaaruhu hayaan lagu digto oo la yidhaahdo doorasho ha dhacdo,labaddaas

Murashax si wanaagsan oo shacabwaynaha reer Somaliland ugu diirsadeen ayey ku hadleen,

Waxaan muuse biixi cabdi u soo jeedinayaa muusoow kursiga M/tooyadda inaad maanta

Murashax ka noqotid dan ayaa ku biday in M/wayne Axmed-Siilaanyoraggiiuu ka xushay

H/awalsadex nin ayey ahaayeen oo miisaankooda leh 1-xasan yoonis habane,2-ibraahim

maygaag samatar,3-cali maarshaal, Allaah(Swt) ha u naxariistee sadexdoodiiba waxaa soo

Gaadhay Axmed-Siilaanyo oo M/wayne ah ibraahim maygaag samatar marxuumkaasina

Wuxuu geeriyooday 2011,Muuse biixi haddii uu u tudhi waayo kana damqan waayo sida ay uga

Damqadeen labadda xisbul mucaarad murashaxiintoodu murashax c/raxmaan cirro iyo

murashax faysal cali waraabe,muuse wuxuu ku biyo cabi doonaa inaanu cod ka heli doonin

Afarta gobo lee barriga Somaliland oo labadda xisbul mucaarad xisbiga ay dantoodu ku jirto

U codayn doonaan,kulmiyena halkii udub martay meel ka xun uu mari doono,haddii uu ku

Xisaabtamayo dadkan faraha badan ee goboladda dalka ka kala yimi ee hargaysa ku sugana

Ha u fadhiyin inay cod ku siiyaan waxay la damqanayaan walaaladooda goboladda barri ee

Abaaruhu haystaan,waxaan golahaguurtidaka codsanayaa inayxaaladda wadanka lagu

Jiro ay shirwayne deg-deg ah isugu yimaadaan waxyaalahadoorashadda dib u dhigi karana

Ay u sharxaan oo ay farwaawayn ugu qoraan xisbiga kulmiye 1-colaad,2-cuduro,3-abaaro,

4-roob dabaylo wata oo khasaarihiisu badan yahay.

Golaha guurtidana waxaan ka codsanayaa inay ugu yaraan laba sano ama sadex sano

Doorashadda M/tooyadda dib loogu dhigo inta raxmadda Allaah(Swt) ee aynu rajaynayno

Goboladda barri iyo Goboladda galbeed Raxmadda Allaah iswada gaadhayso wadankuna

Insha-Allaah uu noqdo wadan barwaaqaddiisu wada xidhiidhsan tahay.


Bidvertise


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
Halkan Ka Daawo: Shirkad Cusub oo Lagu Magacaabo Tijaaro oo Wadanka China Lagaga Furay Iyado Kuu Fududeynaysa Ganacsigaaga Iyo Ganacsiga CHINA
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Iyo Guddida Guud ee Beelweynta Habar Jeclo oo Sheegay INaanay Ogolaan Doonin Dadka Shirarka MIdnimo Iyo Kuwa Dhalinyarada Ku Baaqaya
Halkan Ka Daawo:DUCMANTERY Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Gurigii Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu Taaga Jamhuuriyada Soamaliland Sanadkii 1991
Halkan Ka Daawo: Fanaanka Weyn ee Cabdijabaar Al Khaliiji oo Hees Cusub oo Loogu Talo Galay 18 MAY Hadda Daawaha Ka Soo Rogay Heestan oo Loogu Magac Daray ( DHARAAR WEEYE SUNTAN)
Halkan Ka Daawo : Warbixin Dhismaha Wadada Sanaag Iyo Togdheer Oo Wakhtigan Bulshadu Si Weyn Ugu Raysatay Dadka Ku Safra Wadada Iyo Bulshada Degaanadaasi Oo Si Weyn U Mahadiyay Mashruuca Guuleystay Ee Wadadaasi
WAREYSIYO