Monday June 26th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Waxyeellada, Walafka Iyo Waraabaynta Wasiirka Waxbarashadu Qiil Ma Leh!

0
Monday January 09, 2017 - 14:06:17 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxyeellada, Walafka Iyo Waraabaynta Wasiirka Waxbarashadu Qiil Ma Leh!

    Waxyeellada, Walafka Iyo Waraabaynta Wasiirka Waxbarashadu Qiil Ma Leh!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Waxyeellada, Walafka Iyo Waraabaynta Wasiirka Waxbarashadu Qiil Ma Leh!

Waxa ay ahayd badhtamihii bishiiDisember 2016ka markii ay Xisbiga WADDANI dammaanad-qaadeen waxbarashada carruurta qoys ubadkooda laga soo eryay dugsiyada dawladda, kuwaas oo aabbahoodna yahay askari ku maqan furinta hore ee Gobolka Sool. Waanu ku bogaadinaynna masuuliyadda ay dusha u riteen xisbiga WADDANI, waayo waxa ay culays ka furteen qoys muwaaddiniin ah oo dhabarkooda la saaray culays aanay qaadi karin.

Waxa se ayaan-darro ah in uu tallaabadan sas iyo salal ka qaaday ninka ku magacaaban Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cabdillaahi Dheere), oo eed iyo af-legaaddo isugu daray hooyadii iyo carruurtii dhibbanayd"Gabadhaas iyo carruurteedu way isku shaqaystaan. Miyay Guddoomiyaha Gobolka u yimaaddaan haddii dugsiga laga soo ereyay” ayaa ka mid ahaa weedhihii qaawanaa ee ku weeraray hooyada iyo ubadkeeda, isaga oo ka dhigaya kuwo ku dawarsada in dugsiyada laga soo eryay.

Haddaba Cabdillaahi Dheere waxa aan u sheegayaa in lacagta laga qaado dugsiyada hoose/dhexe ee Somaliland ay soo martay heerarkan


1997: 2000 SL/SH

2000: 5000 SL/SH

2010: 7000 SL/SH

Iyada oo ardayda laga qaado 7000 SL/SH ayuu KULMIYE talada la wareegay, waxaanu si aan laga fiirsan u sheegay in bilaash laga dhigay dugsiyada dawladda, taasi waxa ay sababtay in ay shaqada ka tagaan macallimiin badan oo aan gunnada dawladda qaadan jirin. Isla markaana ay ku sigtaan in albaabbada loo laabo dugsiyada dawladda.

Markii ay dhawr bilood lacag la’aan ahaayeen iskuuladdu waxa la soo rogay in Khamiista ardayda laga qaado 3000 SL SH oo lagu magacaabay nadaafad, taas oo wadarta lacagta bisha la qaado ka dhigaysa 12,000 SL SH. Imakana waxa waajib in dugsi kastaaba uu ardayga ka qaado 17,000 SL SH, waa lacag laba jeer iyo dheeraad ka badan intii la qaadi jiray xilligii UDUB.

Lama odhan karo Wasiir Cabdillaahi Dheere kama war hayo lacagtan miisaanka leh ee ay maamuleyaasha iyo macallimiintu gurtaan, laakiin indhaha ayuu iska soo ridayaa. Ku darso, iskuullada bilaashka lagu sheegayaa waa waxqabadyada ugu waaweyn ee ay sheegtaan Xukuumadda iyo Xisbiga uu Cabdillaahi Dheere ka tirsan yahay ee KULMIYE.

Masuulkan waxa aanu leennahay haddii uu dherigaagu cad iyo feedho yahay, ha ku wiirsan maxasta iyo maatida Somaliland ee aad masuulka u tahay. Waxa aanu ugu baaqaynnaa in uu u kuurgalo xaaladaha rasmiga ah ee ka jira dugsiyada uu dawladda masuulka ugu yahay.

Ugu dambayntiina waxa aanu xaal iyo raalli-gelin siinaynnaa cid kasta oo dhibsatay deelqaafka Wasiir Cabdillaahi Dheere, si gaar ah waxa aanu xurmo u huwinaynnaa hooyadii uu Cabdillaahi Dheere calyada ku saydhay oo aanu leennahay "ma geydid dulmiga iyo af-xumada, hooyo gob baad tahaye dulqaado”.

Maxamed Aadan Jaamac

Xoghayaha Dalladda Bareyaasha Qaranka Somaliland

maxdjaamac@gmail.com

Bidvertise


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Shirkad Cusub oo Lagu Magacaabo Tijaaro oo Wadanka China Lagaga Furay Iyado Kuu Fududeynaysa Ganacsigaaga Iyo Ganacsiga CHINA
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Iyo Guddida Guud ee Beelweynta Habar Jeclo oo Sheegay INaanay Ogolaan Doonin Dadka Shirarka MIdnimo Iyo Kuwa Dhalinyarada Ku Baaqaya
Halkan Ka Daawo:DUCMANTERY Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Gurigii Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu Taaga Jamhuuriyada Soamaliland Sanadkii 1991
Halkan Ka Daawo: Fanaanka Weyn ee Cabdijabaar Al Khaliiji oo Hees Cusub oo Loogu Talo Galay 18 MAY Hadda Daawaha Ka Soo Rogay Heestan oo Loogu Magac Daray ( DHARAAR WEEYE SUNTAN)
Halkan Ka Daawo : Warbixin Dhismaha Wadada Sanaag Iyo Togdheer Oo Wakhtigan Bulshadu Si Weyn Ugu Raysatay Dadka Ku Safra Wadada Iyo Bulshada Degaanadaasi Oo Si Weyn U Mahadiyay Mashruuca Guuleystay Ee Wadadaasi
Halkan Ka Daawo: Jaaliyada Habar jeclo Iyo Subeer Awal oo Kulan London Iskugu Yimi Kaga Tashanayaan Sidi Hawlaha Xisbiga KULMIYE Loo Dardar Gelin Laha
Halkan Ka Daawo:Gudoomiyaha Degmada DHOQOSHEY Oo Ka Warbixiyay Mashaariic Horumarineed Oo Xukuumadu Ka Wado Degmada Dhoqoshey+Muxuu Ka Yidhi 18ka MAY Ee La Joojiyay
HALKAN KA DAAWO: QOYSAS ROOBAB KA DA AY GOBALKA SANAAG XOOLIII ABAARAHA UGA HADHAY KA MADHIYEEN IYAGA OO XAALAD ADAG OO DHANKA NOLOSHA KU JIRA UNA BAAHAN TAAKULO
Halkan Ka Daawo:Warbixin Laga Diyaariyay Raxmaadka Eebe Ee Ka Da,ay Inta U Dhaxaysa Degmooyinka Garadag Iyo Ceel Afweyn Ee Gobolka SANAAG
Halkan Ka Daawo:Warbixin Naxdin Badan Oo Laga Diyaariyay Dadka Xooluhu Ka Dhamaadeen Ee Kunool Gobolka Togdheer,Iyo Xukuumada Oo Ay Ka Codsadeen Gurmad Deg Dega
WAREYSIYO