Saturday November 18th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Faallo Muddo-Kordhinta iyo Xisbiyada

0
Monday January 09, 2017 - 14:24:35 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo Muddo-Kordhinta iyo Xisbiyada

    Faallo Muddo-Kordhinta iyo Xisbiyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo Muddo-Kordhinta iyo Xisbiyada
Tan iyo intii Somaliland dhidibada loo taagay, marxaladado iyo xukuumado

kala xaalado ah baa xukunka soo qabtay. Wixii ka dambeeyay maalintii

dastuurka Somaliland loo codeeyay 2001 dii loona soo gudbay Xisbiyada

badan iyo dimuqraadiyadda waxaa isasoo tarayay fulin la'aanta qodobo

badan oo dastuurka ah, qodobada uu ka kooban yahay dastuurkeenu mid


kaad eeg-taba sidiisii looma fulinin ee waa la jabiyay. Uma socdo inaan ka

hadlo qodobada uu ka kooban yahay dastuurka ee la jabiyay ee waxaan u

socdaa inaan wax ka idhaahdo sida xukuumadda markaa talada haysaa ay u

adeegsato qodobka muddo kordhinta ee dastuurka ku xusan iyo sida ay

xisbiyada mucaaridka ahi uga fal-celiyaan muddo kordhintaas.

Xukuumaddu waxay kordhisteen muddo ku dhaw laba sannadood, muddo-

kordhinahaas may tilmaamayn qodobada uu dastuurku sheegay in loo

kordhin karo sida uu caddaynayo

(Qodobka 83(5) "Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha

nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-

xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa

Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya

muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi

karto.

Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ba, kordhintan bilaa sababta ah way u

khushuuceen oo way soo dhaweeyeen iyagoo ku dadka ku qancinaya inay

dadweynaha u sawiraan sababo inta caqliga-lihi aanay ku qanacsanayn,

guul-wadayaashuna u riyaaqeen. Markii qodobkan dastuuriga ah la jabiyay,

xisbiyada mucaaridka ahi iyaga laftoodu aad ugamay qaylinin muddo

kordhintaas sababtoo ah doorasho iyo inay Madaxweyne Siilaanyo oo la

filyay inuu soo noqdo wakhtigaas teeramkiisa labaad diyaar umay ahayn inay

la tartamaan.

Midda kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ah Guddoomiyaha Xisbiga

WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (CIRRO), isagu

muddo kordhintan wuu la qabsaday oo isagaa bilaa-sharci ku-fadhiyay shan

sanno oo dheeraad ah. Xisbigiisuga wuxuu iskaga faraxsanaa labada xil ee

uu ugu adeegayo danaha xisbigooda. Waliba waxaana berigaas lagu xaman

jiray inay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye gaashaan-buuraysi ahaayeen,

maadaama uu saddexdii dhadhaar ee xukuumadda mid kamid ah ku fadhiyo

isagu.

Aynu ku soo noqonno muddo kordhintan imika la hadal hayo iyo kala aragti-

duwanaanshaha xisbiyada Qaranka. Horraantii sanadkii tagay ee 2016ka

markii dalka Somaliland gaar ahaa gobolada galbeedka ah ay ku dhufatay

abaartan ina haysa qeybteedii koowaad, oo dad badan oo ku dhaw 10 ku

le’deen, xoolihiina ay ku idlaadeen isla markaana ay bilaabantay diiwaan-

gelinta codbixiyayaasha ayaa waxaa la soo jeediyay in la hakiyo diiwaan-

gelinta oo cid walba ka hawl-gasho gurmadka abaaraha, waxaa ka soo

horjeestay xisbiga WADDANI oo yidhi yaan la joojine hala wado. Kamay

ahayn axmaqnimo sidaan isleeyahay anigu. Muddo bil ah ayaa la yara

hakiyay oo haddana dib loo bilaabay.

Markii abaarta qeybteedii labaad ku dhufatay gobolada beriga oo ilaa imika

haysa ayaa waxaa soo dhawaaday wakhtigii doorashada oo muddo ka yar

saddex bilood hadheen ayaa waxay xisbiyada iyo komishanka

doorashooyinku kulan ka yeesheen arimaha doorashooyinka iyo abaaraha.

Labada xisbi mucaarid waxay codsadeen in doorashada dib-loo- dhigo oo

muddo lagu daro halka xisbiga talada hayana uu leeyahay anaguna

sharcigaanu ilaalinaynaa oo wakhtigeedii baan diyaar u nahay in la qabto.

Komishankuna waxay yidhaahdeen anaga habkii iyo hannaankii doorashadu

waa naga diyaar oo 20ka January Ayaanu bilaabaynaa kaadh baddalkii.

Aragtidayda xisbiyada mucaaridka ahi markay leeyihiin abaarbaa jirta ee

qodobada dastuurka ee muddo kordhinta ha la raaco oo yaan wakhtigeedii la

qaban, kama aha inay sharciga iyo dastuurka ixtiraamayaan ee dadweynaha

abaartu saamaysay ayaa ah deegaanaday filayeen inay waxbadan ka heli

doonaan wakhtiga codeynta, sababtaasayna ugu adkaysanayaan in

doorashada dib-loogu- dhigo ilaa muddo cayiman. Markay xukuumaddu

leedahay anaguna sharcigaanu ilaalinaynaa oo in wakhtigeedii la qabto

Ayaan rabnaa kol haddii komishanku aanay waxba ka qabyo-ahayn

doorashada ha la galo kama aha sharci ilaalin, cid ka jecel xukuumadda

muddo-kordhin ma jirto ee waxay dadka tusayaan sawir ah anagu waxaanu

rabnaa in doorashada wakhtigeeda aan la dhaafin halka mucaaridkuna uu ku

adkaysanayo ha la kordhiyo, waxaanay rabaan dadka iyo xisbiyada

muraacidka ah inay iska horkeenaan.

Haddaba waxaa halkaa ka bilaabmay in dhallinta kala taageersan xisbiygada

qaranku ay aragtiyo kala duwan ka dhiibtaan arrinta cusub ee muddo

kordhinta ah. Dhallinta taageersan xukuumaddu iyo xisbiga KULMIYE waxay

ku an-dacoonayaan oo ay ku dhaleecaynayaan xisbiyada mucaaridka ah inay

baqayaan oo ay doorasho diid yihiin. Qaar ka mid ah dhallintaasi waxay ku

tilmaameen inay tahay ugub aan hore loo arag in xisbi mucaarid ahi uu

muddo-kordhin dalbado. Halka taageerayaasha xisbiyada muraacidka ah ee

UCID IYO WADDANI ay iyagu ku matalayaan filimka in sharciga iyo

dastuurka loo hoggaan-samo oo la dib-loo- dhigo doorashada. Halka qaar kale

oo kamid ah taageerayaasha iyo masuuliyiinta xisbigu ay KULMIYE ku

eedaynayaa inaanu waxba isla hayn oo uu ka faa’iidaysanayo abaarta.

Waxaan ku soo gunaanadayaa in ay axsaabta qaranku dhammaantood u

hoggaansamaan sharciga aynu dhigannay oo uu sal-u- yahay dastuurku.

Haddii la kordhinayo iyo haddii la wakhtigeeda la qabanayana laga wada

yeesho wada tashi iyo is-af- garad waafi ah. Dadka na laga daayo loollanka

madhalayska ah.

Hadday axsaabta qaranka ka dhab-tahay in dadka abaaruhu saameeyeen

wax loo qabto waa inay muxaafid iyo mucaaridba la yimaadaan nidaamkii

lagaga bixi lahaa, waxna loogu qaban lahaa masiibooyinkan soo noq-

noqonaya.

Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

Action50@gmail.com

Hargeysa, Somaliland
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO