Monday June 26th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Telesom bixisaye Caydha gaadhsii

0
Tuesday January 10, 2017 - 10:05:15 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Telesom bixisaye Caydha gaadhsii

    Telesom bixisaye Caydha gaadhsii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Telesom bixisaye Caydha gaadhsii
Telesom bixisaye Caydha gaadhsii
Bahda Saxaafada hufan waad salaaman tihiin, waanad ku mahadsan tihiin sida fiican ee dadkiina iyo dalkiina uugu heelan tihiin.

Waxaan hanbalyo iyo boogaadin halkan uuga dirayaa shirkadda adeega shacabka ee Telesom, sida wanaagsan ee ay uugu deeqdey dadkooda tabaaleysan lacag dhan 500'000 USD.
Mana aha markii uugu horreysey ee ay sidaa qiimaha leh u garab istaagto walaaladooda baahan, hase yeeshee middan uugu danbeysey waa arrin farxad iyo yididiilo gelineysa inta khayrka iyo wanaaga jecel, kuna dhiirineysa inta weli dabada xaska kula jirta ee awooda iney iska gooyaan Deeqdaas oo kale, intey dibadda iyo gacmo shisheeye ka sugi lahayn, shirkaddo iyo Hay'ado la faca oo la mida oo inoo soo gurmada, waxa ku dayasho mudan in kuweena dalko dadkooda garab istaagaan oo u huraan waxay hayaan.
Waanu ku diirsaney waanan ku faraxney sida geesinimada leh ay uugu tabaruceen, waxaanse leeyahay, waxaan ku garaadeystey yaraanteydii iyadoo Abaaro waddanka ka jiraan, Caano boodhe, Subag Badhar la odhan jirey iyo Timirtii Basra oo la leeyahay (Ciraaq keentaye, Caydha yaa siin) waad wada garaneysaan Ujeedada iyo Nuxurka hadalkaasi, oo aan ku dari lahaa (Telesom bixisaye Caydha gaadhsii) xaga wanaagsan marka laga eego.
Saddex Erey oo dhanbaalo ah:
1- Allaah ha idin barakeeyo, dhammaan Agaasimaha ilaa shaqaalaha, inta go'aanka iyo fulintiisa ka qayb-qaadatey, Naartana ha ka xorreeyo Maqaarkiina, Magaciina kor ha u qaado .
Maalintii uu Cusmaan RC anbabixiyey ciidankii "Cusrah" wuxuu Rasuulku scw uugu duceeyey, kuna siiyey Bilad qaaliya (Cusmaan ma dhibto ama ma dhibeyso wuxuu sameeyo Maanta kadib).
2- Guddida Abaaraha, dadaal ayaad muujiseen, hase yeeshee dadkeenu wey hadal badan yihiine, warkiina iyo wax-qabadkiina hala maqlo oo Dadka u soo bandhiga, mana aha xayeysiis iyo is tus, waase kalnsooni iyo inaad dadkii wax idiin soo direy ama idiin dhiibey ku war celisaan,
3- Dadweynaha kale ee ama gudaha ama dibadda joogana waxaan leeyahay, waa laynoo wada baahan yahay, xataa haddii aanad maanta wax ka qaban karin, hadalka wanaagsan iyo taageeridu waa qayb waxtarka ka mida, sida hadalka qalooca iyo dacaayaduhu u yihiin dumin iyo Qalbi jabin.
Ugu danbeyn waxaan kusoo gunaanadayaa Ereygii Abwaankii xaaji aadan afqalooc
Dadka kale ninkiisii wax tara, way tamadiyaane.
Idinkuna caqliga taamudka ah waad ku tumataan.
Dardaarankeenu waa Wanaaga aynu taageerno, xumaantana ka dhiidhino.
Wabillaahi tawfiiq.
Saad ina Kaarshe Cade
Z├╝rich/Switzerland
subaan99@yahoo.de


Bidvertise


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Shirkad Cusub oo Lagu Magacaabo Tijaaro oo Wadanka China Lagaga Furay Iyado Kuu Fududeynaysa Ganacsigaaga Iyo Ganacsiga CHINA
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Iyo Guddida Guud ee Beelweynta Habar Jeclo oo Sheegay INaanay Ogolaan Doonin Dadka Shirarka MIdnimo Iyo Kuwa Dhalinyarada Ku Baaqaya
Halkan Ka Daawo:DUCMANTERY Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Gurigii Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu Taaga Jamhuuriyada Soamaliland Sanadkii 1991
Halkan Ka Daawo: Fanaanka Weyn ee Cabdijabaar Al Khaliiji oo Hees Cusub oo Loogu Talo Galay 18 MAY Hadda Daawaha Ka Soo Rogay Heestan oo Loogu Magac Daray ( DHARAAR WEEYE SUNTAN)
Halkan Ka Daawo : Warbixin Dhismaha Wadada Sanaag Iyo Togdheer Oo Wakhtigan Bulshadu Si Weyn Ugu Raysatay Dadka Ku Safra Wadada Iyo Bulshada Degaanadaasi Oo Si Weyn U Mahadiyay Mashruuca Guuleystay Ee Wadadaasi
Halkan Ka Daawo: Jaaliyada Habar jeclo Iyo Subeer Awal oo Kulan London Iskugu Yimi Kaga Tashanayaan Sidi Hawlaha Xisbiga KULMIYE Loo Dardar Gelin Laha
Halkan Ka Daawo:Gudoomiyaha Degmada DHOQOSHEY Oo Ka Warbixiyay Mashaariic Horumarineed Oo Xukuumadu Ka Wado Degmada Dhoqoshey+Muxuu Ka Yidhi 18ka MAY Ee La Joojiyay
HALKAN KA DAAWO: QOYSAS ROOBAB KA DA AY GOBALKA SANAAG XOOLIII ABAARAHA UGA HADHAY KA MADHIYEEN IYAGA OO XAALAD ADAG OO DHANKA NOLOSHA KU JIRA UNA BAAHAN TAAKULO
Halkan Ka Daawo:Warbixin Laga Diyaariyay Raxmaadka Eebe Ee Ka Da,ay Inta U Dhaxaysa Degmooyinka Garadag Iyo Ceel Afweyn Ee Gobolka SANAAG
Halkan Ka Daawo:Warbixin Naxdin Badan Oo Laga Diyaariyay Dadka Xooluhu Ka Dhamaadeen Ee Kunool Gobolka Togdheer,Iyo Xukuumada Oo Ay Ka Codsadeen Gurmad Deg Dega
WAREYSIYO