Sunday December 17th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

HADDII DOORASHADU XILIGEEDII KU DHACDO 28.3.2017KA MAXAA DHACAYA ? HADAYSE DIB UGA DHACDO MAXAA DHACAYA ?

0
Tuesday January 10, 2017 - 10:43:28 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HADDII DOORASHADU XILIGEEDII KU DHACDO 28.3.2017KA MAXAA DHACAYA ? HADAYSE DIB UGA DHACDO MAXAA DHACAYA ?

    HADDII DOORASHADU XILIGEEDII KU DHACDO 28.3.2017KA MAXAA DHACAYA ? HADAYSE DIB UGA DHACDO MAXAA DHACAYA ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HADDII DOORASHADU XILIGEEDII KU DHACDO 28.3.2017KA MAXAA DHACAYA ? HADAYSE DIB UGA DHACDO MAXAA DHACAYA ? Waxaa soo dhowaatey wakhtigii loo qabtay inay dhacdo doorashada soomaaliland ee madaxtooyada taasoo hore loogu qoondeeyey inay dhacdo 28.3.2017ka , ayna inaga xigaan mudo kayar sadex bilood taasoo u baahan in labilaabo ololihii doorashada iyo in lagu dhawaaqo in dibloo dhigo inta ay dadku ka doogayaan masiibada Ku habsatey ee uu dadkiina Ku dhintay duunyadiina Ku dhamaatay. Hadaba waxaynu u cuskanaynaa maqaalkan distoorka dalka iyo aragtida siyaasada oo laga sahamiyo bulshada dhexdeeda waxaynuna u kala qaadaynaa laba qaybood oo kala ah kuwa cinwaanka Ku suntan

1: MAXAA DHACAYA HADII DOORASHADU XILIGEEDII KU DHACDO?
Xeerarka dalku waxay dhigayaan 1: in qofkastoo soomaalilandar ihi waxna doorankaro lana dooran karo , taasoo hadana lawada ogyahay in dadkii is diiwaan geliyey inay waxdoortaan ka tageen meeshii ay isku diiwaan geliyeen kuwaasoo qaarna xadka soomaaliland ka bexeen si ay naftooda iyo hantidooda u badbaadiyaan qaarna caydhoobeen oo soogaleen magaalooyinka waaweyn si ay naftooda ugu badbaadiyaan , taasoo aanay heli karayn inay goobohoodii Ku noqdaan si ay u doortaan cidii hogaamin lahayd , helina doonin inay codeeyaan taasoo jebinaysa qodobkaas.2: waxaa jira qodobada doorasho loo joojinkaro inay Ku jiraan aafo qaran oo dalka Ku habsatey sida abaaraha maanta taagan iyo dagaalo dalku galo 3:waxaa lasoo saaray xeer odhanaya inaan qofna meeshiisii uu deganaa mooyaane meelkale ka footeyn karin hadana waxay gudida kimishinku cadeeyeen inaan 65% dadkii reermiyiga ahaa ee nolosha iyo dhaqaalaha dalku Ku xidhnaa ahaana mujtamaca soomaaliland 70% aanay meeshii lagu diiwaan geliyey joogin . Dhamaan qodobadaasu waxay albaabka u xaadhayaan in aanay doorashadu dalka ka dhici karin ilaa inta qofkastaaba meeshiisii Ku noqonayo taasoo qaadan karta sanado badan , sidaasi darteen haduu madaxweyne axmed maxamed maxamuud Ku adkaysto inuu doorashada wakhtigeedii rido wuxuu jebinayaa dhamaan sadexdaa qodob ee distuurka dalka kuyaal inkastaanan anigu ka filanayn inuu jebin doono hadana hadiiba ay dhacdo waxaa cadaan ah inuu madaxtooyada ka jiro inqilaab aan dhiig kudaadan oo lagu khasbayo madaxweyne siilaanyo inuu doorashada rido taasoo maslaxadi ugu jirto xisbiga kulmiye siday u arkaan iyagu , asaanay marnaba sidaas u dhici doonin , sidaasna waxaa Ku guulaysanaya mid kamid ah xisbiyada mucaaradka iyadoo dadku u arki doonaan inaan xisbiga kulmiye musharixiisu ee aadugu hawlan inay doorasho dhacdo ay shacabka soomaaliland u arkaan inuu cadawgooda yahay ee uusan nasteexooda ahayn Halka mucaaridku isku raaceen inaysan doorasho xiligeeda dhici karin ,inqilaabkuna maaha sida soomaalidu u taqaan oo keliya ee waxaa jira ugu yaraan 5 nooc oo waxloo inqilaabo oo mid mooyaane intooda kale dhiig Ku daadan caalamkana ka dhaca.
2:HADII DOORASHADU XILIGEEDII KU DHICI WEYDO
MAXAA DHACAYA
Hadii doorashada dibloo dhigo waxay qaadanaysaa ugu yaraan 2ama 3sano inta qoyskastaaba tuuladiisii Ku noqonayo taasoo aanla hubin goorta ay Ku beegmayso , hadaba markaana waxaa dhacaya soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ninka ii xiiraya iyo ninka igu xoqaya waan kala aqaanaaye xisbiga kulmiye oo inbadan Ku celceliyey doorashadu wakhtigeeday dhacaysaa iyadoo aanay ahayn xili doorasho larido shacabka soomaaliland waxay markaana u arkayaan inuusan xisbigaasi marlabaad kafaalad qaadan Karin umada soomaaliland waxaana xaqiiqo ah inay ka codayn doonaan , oo marka lagu hayo qofka erey aad diido kuugu tiraaba isna aad maalintiisa lasugi doonto waayo soomaalidu waxay tidhaahdaa waraabuhu marka la dilayo qofkii yidhaahda kadaa ayuu dhankiisa isu buriyaa taasoo shacabka soomaaliland khaasatan gobolada bari kadhigmayaan. Hadaba waxaan xisbiga kulmiye kula talinayaa inuu shacabka soomaaliland ka raali geliyo hadalada aanay raali ka ahayn ee wakhtiga xun sifiicana uga qayb qaato taakulada dadka abaaruhu aafeeyeen . xisbiyada mucaaradka ahna waxaan usoo jeedinayaa raganimada halkaa kasii wada , mucaarad iyo muxaafidba waxaad u socotaan waa shacabka soomaaliland sidaad usoo gaadhsiin lahaydeen aduunka intiisa kale , xukunkase waala kala dhacsanayaa ninba taagtii ninba tamartii hatalaabsado
QORE : MAXAMED AADAN
SIYAASI MADAX BANAAN
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO