Saturday March 25th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Travel UniQe
eurosomtravel.com/

Sadexda Xisbi Qaran Oo Markale Isku Af-garan Waayay Arimaha Doorashooyinka Iyo Madaxweyne SIILAANYO Oo Aqbalay Inuu Xafiiska Sii Joogo

0
Wednesday January 11, 2017 - 11:36:17 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadexda Xisbi Qaran Oo Markale Isku Af-garan Waayay Arimaha Doorashooyinka Iyo Madaxweyne SIILAANYO Oo Aqbalay Inuu Xafiiska Sii Joogo

    Sadexda Xisbi Qaran Oo Markale Isku Af-garan Waayay Arimaha Doorashooyinka Iyo Madaxweyne SIILAANYO Oo Aqbalay Inuu Xafiiska Sii Joogo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Sadexda Xisbi Qaran Oo Markale Isku Af-garan Waayay Arimaha Doorashooyinka Iyo Madaxweyne SIILAANYO Oo Aqbalay Inuu Xafiiska Sii Joogo

Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa wali isku mari la’ in doorashaddu wakhtigeeddii dhacdo iyo in la kordhiyo, waxaana maanta warbaahinta la hadleen iyagoo waxba ku heshiin.


Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa isagu sheegay in arrimaha doorashooyinka inay dhici karaan iyo inay wakhtigeeddii dhici karaan awood u leeyihiin guddida doorashooyinka,isla markaana loo dabo fadhiisto, halka labadda xisbi mucaaradka ay doonayaan in laga wada tashaddo wakhtiga munaasibka ah ee doorashaddu dhici karo, isla markaana lagu kaliyeen guddida doorashooyinka oo qudha.



 

 

"laba Rayi ayaanu maanta (shalay) isku keenay, anagu hadii aanu xisbi xaakinkii nahay waxaanu istaagnay mawqifka ah wakhtiga doorashadda iyo ka hadalkeedda waxa inoo haya guddida doorashoyinka, iyaga qiimayn kara iyagana ku dhowaaqi kara sidaas ha la yeello, marka kaasi uun baanu u hogaansamayna waxaana leenahay ha u dayno guddida doorashooyinka ee ku shaqadda leh arrimaha doorashooyinka, qoladda kale taanu qaadanay mid ka duwan bay qaateen waana ku tixgalinaynaa waana lagu kala aragti duwanaan karaa mar haddii xisbiyo la yahay, waxaase isla ogolnahay in aanu ka wada talino wixii qaranka iyo dadkaba dan u wada ah,”ayuu yidhi Muuse Biixi oo ku hadlayey afka xisbigai xaakinka KULMIYE.


Guddoomiyaha golaha Wakiiladda ahna, musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "waxaynu ognahay in xaaladdu abaartu sii xumaanayso xoolihii way dhamaadeen, dadkiina xalay (Habeen hore) baanu maqlaynay inay dad u geeriyoodeen abaaraha, waxaanu doonaynaaa in boqolkiiba toddobaadkan dadkii oo maqan in kaadhadh la qaybiyo, waxaanu doonayna in dadka la badbaadiyo mar labaad laga wada tashaddo wakhtiga ku haboon ee doorashadda la qaban karo.”


Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa isna qaatay mawqif la mid ah kan xisbiga WADDANI, waxaana uu sheegay inaanay wakhtigan haboonayn in dalka doorasho ka dhacdo, waxaana uu yidhi:


"arrinta taagan arrin uu guddida doorashooyinku ka talin karaan maaha waa arrin damiirku ka talin karo, maalin beesha caalamka loo habraddo maaha, waa maalin ilaahay laga baqo iyo dadka aanu doonayno inaynu madax u noqoto, waa in la horaysiiyo badbaadda dadka, wada tashiguna wuu noo soconayaa”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.


Hogaamiyaayaasha axsaabta Somaliland ayaa markii saddexaad kulan ka yeeshay qabsoomidda doorashada, hase yeeshee majiro wax go’aan ah oo ay illaa hadda isla qaateen.


Geesta kale warar ku dhaw Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in Madaxwayne Siilaanyo oo markii hore ku adkaysanayay in doorashadii wakhtigeeda ku qabsoonto uu iminka aqblay inuu lix bilood oo kale xafiiska sii hayn kari haddii ay sidaas go’aansadaan xisbiyada qaranku, balse wararka ayaa sheegaya inuu Madaxwaynuhu hal shardi ku xidhay kaasoo ah in xisbiyada mucaaridka ahi soo gudbiyaan codsi rasmi ah oo arrintaasi ku saabsan.

Heeco


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan ka Daawo:"Sidee Somaliland Iyo Khaatumo U Heshiin Karaan"Wareysi Xiiso Badan Oo Lala Yeeshay Xildhibaan Seleban Cali Koore Oo Ka Tirsan Golaha Baarlamanka Somaliland.
Halkan Ka Daawo: Dhamaan Bulsho Weynta Reer BURCO oo Si Mideysan Ugu Baaqday Xukummada Somaliland Inay Sii Dayso Samafale Cabdimaalik Muse Coldoon
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Cajiiba oo Laga Diyaariyay Muhiimada Saldhiga Military ee Berbera Laga Hirgelinayo Iyo Faidada Weyn ee Somaliland UGu Jirta Haddi ay Tahay Aqoonsi Iyo Tageero Military
Halkan Ka Daawo; Barnaamij Full Ah Xafladi Balaadhnayd ee Soo Dhoweynta Suldaan Ibraahin Adan Ismaacil ( DAL-DAL)
Halkan Ka Daawo; Haween Weynaha Qurbo Jooga Ka Soo Jeeda Degaanada Dhoqoshey Ballidhiig Iyo Xagal oo Madaxweyne Axmed Silaanyo Si Wehelinimo Ku Jirto ugu Diray Codsi Dheer Isago Degaanadi uu Ku Dhashay Ila Hadda Waxba uu Qaban
Halkan Ka Daawo: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Si Adag Uga Hadlay Mashariicda Berbera Laga Wado Digniin uu Diray Ragga Suuqa Wareegaysanaya ee Ka Hadlay Saldhiga Military ee Berbera Laga Sameynayo ( Iska Hadlow Ina Igarre) Dalka Dowlad aya Ka Talisa
Daawo Riig Biyood Dib U Habeyn Ay Xukumadu Ku Samaysay Iyo Warbxinihii Ugu Danbeeyay Ee Dhismaha Wadada Burco -Ceerigaabo
Halkan Ka Daawo: Qurbo Jooga Galbeedka Sanaag oo Dhaliil Xoogan uu Soo Jeediyay Xukummada Somaliland Iyo Guddida Abaaraha Sheegayna Inay Dadki Bakhtiyaya Ila Hadda Waxba La Gaadhsiin
Halkan Ka Daawo:Ururka Kaalme Kuwan Oo Guri U Dhisay Ninkii Silsiladu Lugta Goysay,Cabdle Oo Caafimaaday Iyo Arin Layaaba Oo Uu Dalbaday Ninkii Waalna Jiray+Maxay Tahay
HALKAN KA DAAWO HEES LOOGU TALO GALYA SHIRKADA BEEYADA EE ASLI MAYDI
WAREYSIYO