Friday May 26th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Dhibaatada Abaartiyo Sicir-Bararku Aafo-Leh Ololaase Kabadaran

0
Wednesday January 11, 2017 - 12:51:41 in Maqaallo by John Smith
  • Visits: 86
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaatada Abaartiyo Sicir-Bararku Aafo-Leh Ololaase Kabadaran

    Waxa kuhabsaday wadanka iyo dhamaan geeska afrika oo dhan abaaro baahsan waxaa inoo dheer inaga sicirbarar iyo olole kaxoog badan abaarta. Waa sadex aafo oo isku mar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Waxa kuhabsaday wadanka iyo dhamaan geeska afrika oo dhan abaaro baahsan waxaa inoo dheer inaga sicirbarar iyo olole kaxoog badan abaarta. Waa sadex aafo oo isku mar

Waxa kuhabsaday wadanka iyo dhamaan geeska afrika oo dhan abaaro baahsan waxaa inoo dheer inaga sicirbarar iyo olole kaxoog badan abaarta. Waa sadex aafo oo isku mar haleelay umada reer somalialand xili ay xoolihii dhamaaden oo maciishadii kale ee dadku ku badbaadi lahaa ay cirka isku shareertay ayay xisbiyadii alooseen ollole aan loo fadhiyin waxay hanti iyo aduun ku bixiyeen mudaynta doorashada iyo sidii laga yeeli lahaa oo qudha waa lagu darayaa iyo lagu darimaayo isagoo midba dhiniciisa ka eegaya. Taasi waxay ku tusinaysaa inaan madaxdeenu wax dan ah kalhayn mustaqbalka iyo horumarka umadda iyo xataa noloshooda. Waxaynu nahay ummad iska nool oo aan wax qorsha lahyn "ceelna uma qodna cidina uma maqna” dawlada iyo shacabku kamay fakarin xalinta dhibaatooyinka dhacay iyo kuwa soo soosocda toona. Aafada ugu wayn ee somalida ku dhacday waa madaxda xumo. Maanta nolshii dadka mugidbaa kujira oo lama garanyo waxay ku danbayndoonto xoolana daa hadlkooda. Inagu shacab ahaan maxaynu yeellaa ma gacan shisheeyaa wax inoo qabanaysa misa nimankaa aynu arkaynu xisbiyadooda iyo xukuumadooda ayaynu sugnaa? Maaha inay dadku sugaan dawlada ee waa inay iyagu gacantooda wax kuqabsadaan waa inay kafekeraan sidii ay u maarayn lahaayen noloshooda sidii ay u xoojin laheeyeen waxsoorakooda xoolah iyo beeraha iyo sidii ay usamaysan lahaayeen ka hortag. Waa inay kafekeraan sidii ay udooran lahaayeen madax wanaagsan oo higsi iyo himilo leh oo dadka iyo dalkaba horumar gaadhsiin kara waayo madaxda somalidu imika waa ganacsato raadinaysa macaash badan . Ilahay AHN abawaankii waynaa Xaaji Aadan Afqalooc markuu ka hadlaayay aafadan wuxuu yidhi "Ninkastaaba meeshii lagu ogaa guray intii tiil” waligeen waxa ina hortaagan nin xoolhii ummada ukala qaybiyay calooshiisa iyo jeebkiisa. Waxaynu ka dhergasanahay shaqalaanta, musuqa iyo eexda ina hadheeyay. Waxan ku soo gabagbaynayaa meeriskan gabyga ah oo aan anigu leeyahay "Rabbaa inaga goyn kara dhibkoo faydi galab uune Guudkeena midha saaranoo sugaya ruux gooya Hadaad gacmaha kala maag is tidhi waa laguuguriye Guul dariyo ceeb xun iyo gunimo sow maaha. W Q: Sidiiq Cali Suudi

Heeco


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:DUCMANTERY Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Gurigii Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu Taaga Jamhuuriyada Soamaliland Sanadkii 1991
Halkan Ka Daawo: Fanaanka Weyn ee Cabdijabaar Al Khaliiji oo Hees Cusub oo Loogu Talo Galay 18 MAY Hadda Daawaha Ka Soo Rogay Heestan oo Loogu Magac Daray ( DHARAAR WEEYE SUNTAN)
Halkan Ka Daawo : Warbixin Dhismaha Wadada Sanaag Iyo Togdheer Oo Wakhtigan Bulshadu Si Weyn Ugu Raysatay Dadka Ku Safra Wadada Iyo Bulshada Degaanadaasi Oo Si Weyn U Mahadiyay Mashruuca Guuleystay Ee Wadadaasi
Halkan Ka Daawo: Jaaliyada Habar jeclo Iyo Subeer Awal oo Kulan London Iskugu Yimi Kaga Tashanayaan Sidi Hawlaha Xisbiga KULMIYE Loo Dardar Gelin Laha
Halkan Ka Daawo:Gudoomiyaha Degmada DHOQOSHEY Oo Ka Warbixiyay Mashaariic Horumarineed Oo Xukuumadu Ka Wado Degmada Dhoqoshey+Muxuu Ka Yidhi 18ka MAY Ee La Joojiyay
HALKAN KA DAAWO: QOYSAS ROOBAB KA DA AY GOBALKA SANAAG XOOLIII ABAARAHA UGA HADHAY KA MADHIYEEN IYAGA OO XAALAD ADAG OO DHANKA NOLOSHA KU JIRA UNA BAAHAN TAAKULO
Halkan Ka Daawo:Warbixin Laga Diyaariyay Raxmaadka Eebe Ee Ka Da,ay Inta U Dhaxaysa Degmooyinka Garadag Iyo Ceel Afweyn Ee Gobolka SANAAG
Halkan Ka Daawo:Warbixin Naxdin Badan Oo Laga Diyaariyay Dadka Xooluhu Ka Dhamaadeen Ee Kunool Gobolka Togdheer,Iyo Xukuumada Oo Ay Ka Codsadeen Gurmad Deg Dega
Halkan Ka Daawo:Barnaamij Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Mashaariicda Ururka Qurba Joogta Gurya Samo Ka Hiir Geliyey Degaanka Dhagax Dheer Ee Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo: Wassirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxamoud Adan Jama Galaal Iyo Wasiirul Dawlaha Xanaanada Xoolaha oo Dawooyin Iyo Dhakhaatrir Gaadhsiiyay Degmooyinka Qorilugud Ballidhiig Iyo Xaaji Saalax
WAREYSIYO