Monday December 11th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Taxaabistaydii Iyo Tacaddigii Aan Arkay: Bilawgii Dhegaysiga Dacwadda. Qaybta 7aad

0
Wednesday January 11, 2017 - 15:46:56 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxaabistaydii Iyo Tacaddigii Aan Arkay: Bilawgii Dhegaysiga Dacwadda. Qaybta 7aad

    Taxaabistaydii Iyo Tacaddigii Aan Arkay: Bilawgii Dhegaysiga Dacwadda. Qaybta 7aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taxaabistaydii Iyo Tacaddigii Aan Arkay: Bilawgii Dhegaysiga Dacwadda. Qaybta 7aad

4kiiSeptember 2016kamaalin Arbaca ah ayaa mar kale la ii qaaday Maxkmadda, waxaana subaxnimadaas xafiiska joogayGarsooreYaxye Xuseen Yuusuf. Waxa uu ii ballan-qaaday in dhakhso loo bilaabi doono dhegaysiga dacwadda la ii haysto, waxa uu intaas raaciyay in xafiiska xeer-ilaalinta la keenay gal-dacwadeedkaygii, isla markaana aanu hubin in qof lagu qoray."Farxaan Mire Cismaan ayaa oogista dacwadda ku qoran”ayaan idhi.

Kokii uu wacay taleefanka Farxaan, waxa uu arkay in uu xidhan yahay. Sidaas awgeed ayaa dib la iigu celiyay. Saddex maalmood kaddib waxa la ii xaqiijiyay in Garsoore Khaalid Cabdi Shiil loo xilsaaray garnaqa/dhegaysiga/xukunka dacwadda la igu oogayo. Haa… Xuuraanka iyo dhega-dhegaynta kiiskaygu wuu badnaa, mar kastana tallaabada la qaado waan ka war hayn jiray.

Wuxuu ahaa garsoore magaciisu igu cusub yahay, laakiin markii aan maskaxda tuujiyay waxa ii muuqatay in ay walaalo yihiin jaallahay/walaalkay Siciid Cabdi Siil, Maamulaha Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar, malahaygina wuu rumoobay. Saw tii hore loogu maansooday:

Waxyi iguma soo dego haddana, wax ima seegaane!

15kiiSeptebmer 2016kawaxa C.I.D iigu yimi Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo uu la socdo darawiilkiisa gaarka ahi. Intii aanu soo gaadhin halkii aan ku xidhnaa, waxa uu soo maray xafiisyada ciidanka, halkaasna waxa lagu siiyay warbixin ku saabsan sababaha la ii taxaabay. Hadalladan ayaanu is-weydaarsannay:

"Adeer ii warran?”

"Waa nabade. Ii warran maxaad samaysay?”

"Adeer, in muddo ah ayaa xadhig la iigu hanjabayay. Anigu waxa aan qoray dhambaallo aan ku dhaliilayo madaarka Hargeysa iyo wasaaradda duulista”

"Meel ayaad ka dhacday. Madaarka wax badan ayaa laga qabtay. Imaka ma Maxamed Yuusuf ayaan u tagaa?”

"Haa adeer, u tag maamulaha madaarka Hargeysa”

Kolkii uu doonay in uu Xaajigu dhaqaaqo ayaa ay la hadleen qaar maxaabiista ka mid ahi "Adeer, ma inankiinna oo qudha ayaad u timi?”. Waa uu hakaday, kaddibna inta ay isu sheegeen ayaa uu dhegaystay cabashadooda iyo waxyaabaha ay u xidhnaayeen. Waxa uu nagu sagootiyay duco-waayeelnimo. Inkasta oo uu karaankii dedaalay, waanwaantiisa waxa cubba-dhawray qolyihii aan u xidhnaa.

Isla subaxnimadaas uu Xaaji Cabdi ii yimi, waxa isoo booqday Xildhibaan Weli Axmed Xaawa oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland. Xildhibaanku waxa uu sheegay in ay u tageen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, isla markaana uu u sheegay in aan u xidhanahay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka. Isaga oo la-yaabban tacaddiga ay sameynayaan dhallinyarada xilka loo dhiibay, kuna nuuxnuuxsanaya in aanay daba-galka hawsha ka hadhi doonin ayaa uu xildhibaanku i sagootiyay.

Kolkii aan xidhnaa muddo bil ku dhow, ee aan la bilaabin dhegaysiga dacwadda ayaa si diblomaasiyad leh qoyska loo soo dhex mariyay heshiis nuxurkiisu yahay in aanan waxba ka qorin Wasaaradda Duulista, Wasaaradda Madaxtooyada iyo Ciidanka Booliska. Sidoo kale waxa qaar ka mid ah walaalladay loo soo jeediyay in ay qoraan warqad ay ku dammaanad-qaadayaan in aanan wax dambe oo dhaliil ah baahinnin. Laakiin arrinkaas waxa aanu u daruurnay gaashaanka, waanan qaaddacnay. Waxyaabaha aanu ku garnaqsannay waxa ka mid ahaa in aan ahay xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbi Mucaarid ah, sidee ayaa qof xisbi ka mid ah looga horjoogsan karaa in uu xukuumadda toosiyo?

Dhambaalladani ma ay noqonnin kuwo noo cuntama oo aanu sinaba u liqi karno, cid kastana waxa aanu hor dhignay "Heshiisku iyo dammaanaddu dhib malaha. Horta yuu u xidhnaa? Yaa taxaabistiisa ka dambaysay?Cidda uu wax ka tirsanayaa, miyaa ay daw-bixin diyaar u tahay?”. Inkasta oo ay dhexdhexaadintan qabyada ah si toos ah ama si dadban u galeen masuuliyiin dawladda xilal ka haya, cuqaal, ganacsato iyo odayaal tol ahi, waxa ay noqotay hal bacaad lagu lisay. Arrinkina waxa uu isugu biyo-shubtay in sharciga lagu kala baxo.

Waa ay adagtahay in maxbuus dawladdu haysataa ku dhiirrado maxkamadda, laakiin waxa aan lahaa"Calool-adayg waa Alle wehelkii”. Iska bax iyo iska gal, waxa ka wanaagsan inaad maxkamad ku qaabbisho ragga dhuumaalaysiga ciyaaraya, ee dhagarta kuu maleegay.

24kiiSeptember 2016ka, maalin Sabti ah ayaa la ii qaaday maxkamadda Gobolka Maroodijeex, si loo bilaabo dhegaysiga dacwadda la igu eedeeyay. Subaxnimadaas waxa goobjoog ahaa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Suxufi Cabdicasiis Bashiir Nuur (Aasaasaha Mareegtawww.xogreebnews), qoyskayga iyo saaxiibbo kale. Kolkii aanu galnay xafiiska Garsoore Khaalid Cabdi Shiil ayaa uu yidhi "Dad badan oo qoyska ah ayaa diyaar u ah in ay dhegaystaan dacwadda, waxa aynu tegaynnaa Hoolka Maxkmadda Rafcaanka”.

Kolkii uu garsooruhu si rasmi ah u naadiyay bilawga dhegaysiga dacwaddayda aan eedaysanaha ka ahaa, isla markaana uu dhibbane ka ahaa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu metelayo xafiiska xeer-ilaalintu, oo summaddeedu ahayd 959/2016, xeer-ilaalintana uu tixraaceedu ka ahaa 1052/2016 ayaa uu xafiiska xeer-ilaalintu ii bandhigay eedo dhawr ah. Waxa aan u kala saaray kuwo run ah oo aan qoray, kuwo wanjal ah iyo qaar sidii aan u dhigaylaga dhalan-rogay.

Waxa goor dambe noo yimi Qareennadii ii doodayay oo codsaday in dib loo dhigo, maadaama oo ay ka dib-dhaceen dhegaysiga dacwadda, waxa kale oo uu baadhaha dacwaddu sheegay in uu maraggii kowaad ee eeddaydu diiday in uu maxkamadda yimaaddo. "Maamulaha Madaarka dhawr jeer ayaan u tagnay. Isaga oo maqlaya taliyaha rugta booliska madaarku ayuu yidhi anigu ma imanayo maxkamadda, markaa waa in tallaabo laga qaado. Si cad ayuu noogu gacan-saydhay”ayaa uu yidhi Laba Xiddigle Maxamed Nuur Kaariye (Maxamed-dheere).

 



 


La soco qaybta siddeedaad haddii Eebbe idmo

 

 

Siciid Maxamuud Gahayr

 

 

saedmgahair@hotmail.com

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO