Friday August 18th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Tix Gabay ah By Jaamac Maxamed Bile ( Cagaf- Cagaf )

0
Wednesday January 11, 2017 - 15:57:05 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Tix Gabay ah By Jaamac Maxamed Bile ( Cagaf- Cagaf )

    Tix Gabay ah By Jaamac Maxamed Bile ( Cagaf- Cagaf )

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Tix Gabay ah By Jaamac Maxamed Bile ( Cagaf- Cagaf )
Tixdan magaceedu waa gurmad waxay fasiraysaa abaarta daran iyo

Saamaynta ay ku yeelatay shacabkeenna iyo sida ay waajib u tahay in aynu

U gar-gaarno ilaahay baa gargaarlehe, kol haddii aanay jirin taakulo dhinaca

maamulka ah.

1)- Abaaraha ka dhacay ee arliga ololiyee qiiqay

2)-Oonkiyo harraadkaa Bulshadu wada alaamayso


3)-Adduunkaa dhammaadiyo Oheey ehelka caydhoobay

4)-Arrimaha murgiyo eelka jira aragga yooyaalsan

5)-Argagaxa duruufaha qalbigu ka anfariiraayo

6)-Aafada dhacdiyo oohintiyo ayni xumadeeda

7)-Umulaha jashiyo caydigaa oomatada waayay

8)-Ummaddaa tabaaladu heshee aad u darayaysan

9)-Cidda keliya ee loo irkado ee ku wada aadi

10)-Eebbaha awoodda iskaliyo amarka weeyaane

11)-isagaa arsaaqdiyo anfaca uumyaa tar’e

12)-Isagaa abuuraha dhammaan uumay keligiiye

13)-Isagaa ahaw shaygu yidhi ku idmanaadaaye

14)-Ibta madarka ha inoo furee badiya aamiinta

15)- hadii uu hogaankii anbaday qaranku eegaayay

16)-Oo uu xilkii loo egmaday dhaafay aragiisu

17)-Ammaanada ilaah jeer hadduu aad u fududaystay

18)-Haddii uu ilaawoo inkiray shacabka eedaadsan

19)-Waayaha ilmada iyo xilliga iilashada wayda

20)-Inu ololeyaal iyo xaflado ku alalaaseeyo

21)-Aakhiro inuu nacay ifkana alamsi-boobaayo

22)-Rabbi wuu ogyahay aadmiguna wayla qirayaaye

23)-Adyadaha dammiirkiyo shakhsiga lagu abbaaraayo

24)-Geerida agteedii nin xumi ka ag ciyaaraayo

25)-Imtixaanka shacabkaa mutee loo arxamiwaayay

26)-Ishu macallin idilkiinna waa wada arkaysaane

27)-Bal ogaada oo waa abkiyo eheladeeniiye

28)-Isirkiyo duntiyo waa halkaad ka unkanaydeene

29)-U gurmada allaha khaaliqaa idin abaal sine

30)-In yar kii hayiyo ruux malyuun lagu ammaanaystay

31)-Qof kasteba itaalkiisu waa laguma eedaane

32)-Ha yeesho’e dadaal bay arini ku aflax gaadhaaye

33)-Is xilqaama oo ururiyoo aad wax ula gaadha

34)-Iimaanka negi waa arsaaq aad u waafiyahe

35)-Abidkii ibliiskuu bakhayl ka ag dhowaadaaye

36)-Iska naara shaydaanka oo ooga sadaqaatka

37)-Rabbi aaminkiisaa wax wayn lagu ahaadaaye

38)-Innaguna islaam baynu nahay diin ilaah qiraye

39)-Iska jira anaaniga naftoo eega waxa taagan

40)-U gurmada intii dagan allaa idin barwaaqayne.

Jaamac Maxamed Bile ( Cagaf-cagaf ) 10/01/ 2017
Bidvertise


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
Halkan Ka Daawo: Shirkad Cusub oo Lagu Magacaabo Tijaaro oo Wadanka China Lagaga Furay Iyado Kuu Fududeynaysa Ganacsigaaga Iyo Ganacsiga CHINA
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Iyo Guddida Guud ee Beelweynta Habar Jeclo oo Sheegay INaanay Ogolaan Doonin Dadka Shirarka MIdnimo Iyo Kuwa Dhalinyarada Ku Baaqaya
Halkan Ka Daawo:DUCMANTERY Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Gurigii Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu Taaga Jamhuuriyada Soamaliland Sanadkii 1991
Halkan Ka Daawo: Fanaanka Weyn ee Cabdijabaar Al Khaliiji oo Hees Cusub oo Loogu Talo Galay 18 MAY Hadda Daawaha Ka Soo Rogay Heestan oo Loogu Magac Daray ( DHARAAR WEEYE SUNTAN)
Halkan Ka Daawo : Warbixin Dhismaha Wadada Sanaag Iyo Togdheer Oo Wakhtigan Bulshadu Si Weyn Ugu Raysatay Dadka Ku Safra Wadada Iyo Bulshada Degaanadaasi Oo Si Weyn U Mahadiyay Mashruuca Guuleystay Ee Wadadaasi
WAREYSIYO