Saturday October 21st, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

"Saldhigiyada Milatariguna Welwelkooda Iyo Manfacoodaba Way Leeyihiin" Dr. Sacad Cali Shire

0
Thursday January 12, 2017 - 09:12:01 in Wararka by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Saldhigiyada Milatariguna Welwelkooda Iyo Manfacoodaba Way Leeyihiin" Dr. Sacad Cali Shire

    "Saldhigiyada Milatariguna Welwelkooda Iyo Manfacoodaba Way Leeyihiin" Dr. Sacad Cali Shire

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Saldhigiyada Milatariguna Welwelkooda Iyo Manfacoodaba Way Leeyihiin" Dr. Sacad Cali Shire

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa xaqiijiyey in Dawladda Imaaradka Carabtu ay Saldhig Millateri ka dhisanayso Magaalo xeebadka Berbera, isaga oo xusay in go’aan qaadashada uu leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo iyo golaha sharci dejintu.

Dr. Sacad oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa aya sheegay dawladda Isu-taga Imaaraadka Carabtu ay xukuumadda Somaliland waydiisatay saldhig millatari oo ay ka samaysato garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera, waxaanu yidhi, "Waa run, way jirtaa in dawladda Imaaradku ay na waydiisatay saldhig millateri, waana war la wada ogyahay, Waddanka Imaraadku waa wadan aynu saaxiib nahay, wayna is waydiistaan wadamada saaxiibka ahi Saldhig mellateri, go’aanka saldhiga waxaa iska leh madaxweynaha iyo labada gole baarlamaan.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay walaac la sheegay in dawladda Itoobiya ay ka qabto saldhiga Millateri ee dawladda Imaraadka Carabtu ay ka dhisanayso gudaha magaalada Berbera, isaga oo arrintaasi ka hadlayay na waxa uu yidhi "labada waddan-ba waa wadamo aynu saaxiib nahay, saldhigiyo mellaterina welwelkooda iyo manfacoodaba way leeyihiin, innaga waxa Somaliland ahaan inoo yaala sidii aynu labadooda u ilaashan lahayn, Itoobiya waa waddan badda ka xidhan, markaa waxay isticmaalaan Dekadda Jabuuuti, qorshuhuna wuxuu yahay inay ta Berbera isticmaalaan, markaa wax kasta oo samaynaaya marinada ay la leeyihiin baddaha kolay dee werwerkeeda ayay leedahay.”

 

Dr. Sacad, dhinaca kale wuxuu ka hadlay Suldaanka falaagada ah, Suldaan Abibakar Cilmi Wabar, oo la sheegay inuu hurinayo xiisad colaadeed oo hor leh, taas oo uu ka wado xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana ku sugan dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya, waxaanu yidhi "warkaasi wuu jiraa, sababta uu u yimid ,cidda ka danbaysa iyo waxa uu doonayo meel lagu caddeeyey anigu runtii ma ogi, laakiin hore ayeynu uga wada hadlaynay, anagu raali kama nihin inay Itoobiya ka soo gasho cid naga soo horjeeda, inaguba sida aynaan u ogalayn in cidda Itoobiya la dagaalantaa aanay waddankeena soo marin, heshiisna hore ayeynu uga galnay, waxaanan rajaynayaa in heshiiska cid waliba fulin doonto.”


Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO