Thursday May 25th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Dawladnimadu "Waxey ila Tahay" Kuma Shaqeyso. Distoor Ayey Ku Dhaqantaa

0
Thursday January 12, 2017 - 09:15:19 in Wararka by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladnimadu "Waxey ila Tahay" Kuma Shaqeyso. Distoor Ayey Ku Dhaqantaa

    Dawladnimadu "Waxey ila Tahay" Kuma Shaqeyso. Distoor Ayey Ku Dhaqantaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Dawladnimadu "Waxey ila Tahay" Kuma Shaqeyso. Distoor Ayey Ku Dhaqantaa

Ilaahey abaarta ha inaga qaado oo dhibaatadaa dadkeena heysaa dheef xalaal ah ha uugu bedelo. Dadka dhibaatadu heysataa inaga ayuunbey inala mid yihiin, balse nasiibka uunbaa iyana miyi dejiyey, inagana magaalo ina dejiyey. Waxa dhici kari laheyd ineynu halkooda ku jiri laheyn iyana halkeenaa ay ku jiri lahyeen. Ilaahey roob uumuu waayin, balse inaga ayaa la inagu imtixaamayaa. Gurmadka loo gurmanayo dadka abaartu heyso shuruud kuma xidhna. Waxa ay aheyd inan hawlaheena kale oo dhan hakino oo loo kaco dadkaasi. Waxa ay aheyd in miisaaniyadda dawladda ee 2017 ee iminka la ansixiyey Wasaarad kasta laga jaro 10% oo loo qoondeeyo taakuleynta abaaraha. Waxa ay aheyd in xildhibaanada iyo wasiirada oo ah dadaka uugu mushahar badan ay 3 bilood mushaharkooda iska gooyaan oo an uugu deeqaan gurmadka abaaraha. Waxa ay aheyd in ardeyda la baro isu naxariisashada oo inta sanaaduuq la dhigo iskuulada la yidhaa ardeygii kari kara kun shilin iyo wixii kale ee uu karo ha ku rido. Warran Cadde deyrka idaacadda waxa uu ku dhisey ardeyda ayuu weydiistey in mid kastaa keeno xabbad laban ah. Waxa ay aheyd in ummadu ay maalin jaadka ka soonto oo lacagtii ku bixi jirteyna loogu deeqo abaarta. Waxa ay aheyd in reer kasta oo magaalo jooga oo ladan uu marti geliyo reer abaarta ka soo qaxey oo bal ugu yaraan uu daaradda seexiyo, waa reer miyi oo daaradaasi oo ay seexdaan ayaaba ka badan. Bariiska yare e an cuneynana wey ianala cuni lahaayeen. Waxaasi oo dhan waxa inaga indho tirey siyaasada iyo kursi. Shicibka waa ka daacad oo dadkooda ayay u naxayaan. Siyaasiga kursigaasaa u muuqda, haddii uu arko in fursaddii uu ku heli lahaa kursigu yartahay, xaalkiisu waa aloow dhagaxyo soo daadi.

Bilk a hor dad woxoogaa ah ayaa laga soo rarey bari oo la geeyey galbeed. Dadkaasi iyaga oo lagu sido baabuur waraad ah sidii lo’ la dhoofinayo ayaa inta Hargeysa la dhex mariyey la geeyey bannaano cidlo ah. Baabuurtaasi inta ay New Hargeysa ka soo galeen iyaga oo dadkii saarnaa janbiyada heystaa ayay ka baxeen abaarso dadkuna laamiyada ayey taagnaayeen oo wey daawanayeen. New Hargeysa illaa Jigjiga yar mey jirin cid tidhi waar bal joojiya baabuurta dadkani waa tolkayo oo dalka wey nala leeyihiine hanala qadeeyaane. Hargeysa ayaan joogey markii baabuurtaasi magaalada dhex mareysey. Sidii xabashi la soo qabqabtey ayaa loo daawanayey. Xitaa lama diyaarin biyo ay cabbaan iyo meel ay ku nastaan.

Doodda socota ee ah doorashada xilligeeda halla qabto iyo dib haloo dhigo abaaraa jiree, waxa ay fiicnaan laheyd haddii ay jiraan abaabul xoog leh oo dadkaasi wax lagu tarayo oo lagu mashquulsanyahay. Intan doodeysaa melena kagama jiraan gurmad abaareed. Aroortii waxa lagu mashquulsanyahay shir jaraa’id. Galabtiina jaad ayaa la cunayaa oo waxa loo tashanayaa wixii berry la yeeli lahaa. Dooddii waxa ay iskugu soo biyo shubatey reer magaal dhergey oo murmaya oo doorasho u tartamaya. Madaxdii xisbiyada qaarkood waxa doodoodu noqotey dadkiiba ma joogaan dhulkii ay iska diiwaangeliyeene, yaa codeynaya. Arinkuba codeyn ayuu ku soo ururey. Lamaba hadal hayo, labada bilood ee soo socda maxaa dhaqaale iyo miisaaniyad an u heynaa abaarta. Inteenan doodeysaa Hargeysa ayaynu wada fadhina oo inan doodno ayaabu kharash badan oo warbaahinta an siino iyo wakhti badani inagaga dayacmaa. Ilaahey kama yeelee, haddii abaartu bixi weydo oo 3 bilood oo kale doorashada dib loo dhigo, weli ma roob ayaa la sugayaa mise dawladnimada ayaa la adkeynayaa oo gurmadka ayaa la badinayaa. Marka arinkuba taaganyahay dadkii codeyn lahaa abaar ayaa jilcisey, waxa kuu soo baxaya in dadkan doorasho uun lagaga faa’iideysanayo, balse aan lexejeclo laga laheyn.

Abaarta Ilaahey ayaa keena, isagaana qaadi kara. Balse Ilaahey ummadda ayuu isu direy. Dawladnimo ayaynu sameysanney. Dawladnimadana waxa an u sameysanney iney u adeegto ummadda inta u baahan gacan qabashada. Inta ladani dawladda waxyar ayay uuga baahanyihiin, sida amniga iyo nidaamka. Dadka ladani adeygga wey iibsan karaan. Dadka dawladnimada u baahani waa inta jilicsan ee ay reer miyigu kow ka yihiin. Dawladnimada oo wiiqantaa abaar ka xun. Waxa dawladnimada iyo distoorka loo sameystey si looga baxo fikirka shakhsiga amma kooxda oo uu ina hago nidaam inoo dhex ah oo an kuligeen u hoggaansanno. Waxa waajib ah in 5 malyuun ee kala fikirka ah ee kala dabeecadda ah in ay kuligood raacaan nidaamka iyo dsitoorka. Haddii kale 3 da xisbi uun noqon meyso ee qof kasta oo kalena waxa ay isaga la tahay ayuu ku soconayaa. Taasina waa fawdo. Doorashada oo dib loo dhigaa waa bilowga fowdo cusub. Tusbax furmey ayay taladu inaga noqoneysaa, sida nidaam iyo distoor loogu soo noqdaana wey adkaaneysaa, waayo sharcigii waxa bedelaya fikir iyo caadifad. Shirkii magaalada Sheekh ee 1991 illaa kii Boorama ee 1993 illaa maanta oo 25 sanadood dawlad la ahaa, hadalkeenii iyo qaab dawladeedkeenii waxa uu dhaafi laayahay dad go’aankoodu ku dhisanyahay "Aniga waxey ila Tahay”. 5 ta malyuun ee mujtamaceena qof walba waxbey la tahay. Ma dadkoo dhan ayaa la wada dhageysanayaa markaa? Ardeyga imtixaanka dhaca fasalkii uu kal hore fadhiyey ayaa lagu celiyaa. Siyaasiga dhacaa, hore ayaabu u sii socdaa. Rubuc qarni dawladnimo ah ayaa weli waxey ila tahay la marayaa. Markad dhinac ka eegto waa saaqidnimo siyaasadeed.

Abaar iyo shaqo la’aan waxa lagaga bixi karaa Ilaahey gargaarkiisa. Fulinteedana dawlad adag iyo distoor la raaco ayaa sameyn kara. Doorashada oo an kolba dib u dhigano, farriin noocee ah ayay u direysaa Soomaaliya iyo waddamada kale ee jaarka ah? Berri waxba iskaga kaa tirin maayaan. Waayo 25 sanadood dabadood ayaan rabnaa inaan dalka ku maamulno "Waxa ay ila tahay”. Berri haddii laba beelood collaadi ka dhex dhacdo oo ay yidhaahdaan doorashada dib halanoogu dhigo inta an heshiineyno, maxaa loogu jawaabayaa. Waxa laga yaabaa inad tidhaahdo, ninku miyuu waashey xagguu isu barbar dhigaya abaarta iyo beelaha colaadooda. Halkey ku qorantahay inaan la is barbardhigin, ileyn weynagan go’aanadeenii ku saleyneyn fikir iyo waxey inala tahey uune. Melena kuma qorna in markasta oo doorasho timaadaba an marmarsiyo u sameyno.

Nigeria dalka kala badhkii dagaalo ayaa ka socda hadana doorashada waa la galey oo weliba xisbigii mucaaradka ahaa ayaa heley. Liberia iyada oo dagaal ka socdo ayaa doorashada la galey. Ivory Coast waa la mid oo doorasho ayaa la gaely iyada oo hadana dagaal ka dhacey. Dalka Sierra Leon doorasho ayaa laga galey iyada oo dagaal socdo oo lagu kala baxey. Inagu caajisnimadeena iyo qorshe xumadeena ayaynu maalin kasta qiil uuga dhignaa hawl inoo qabyo ah ah. Maamul xumada iyo qorsha xumadu abaarta iyadaa ka daran. Abaar iyo shaqo la’aan iyo dhibaato waxa lagaga bixi karaa dawladnimo iyo nidaam adag. Waxa dhici karta in dadka qaarkii ay daacad ka tahay oo ay lexejeclo ay dadkooda ka qabaan ay abaarta in laga hawl galo door bidayaan. Waxase jirta mid taasi barbar socota oo ah in dawladnimadu wiiqanto. Haddii dawladnimadu inaga jilicdo amma baaba’do, abaari wey soo noqnoqon.

Abaartu umada kale oo badan oo inala mid ah ayey ku dhacda. Waxa ay kaga baxaan qorshe iyo shaqo adag. Inaga abaarta saameynteedu waxa ay inagu heshey dayacnaan, maamul jileec, qorshe xumo iyo hadal aan ficil lagu dareyn. Dawladnimo iyo fikir meel ma wada galaan haddii uu fiicanyahay iyo haddii uu qaldanyahayba. Dawladnimo waa wixii lagu heshiiyey oo la fuliyo. Waa nidaamka oo la adkeeyo. Waa isla xisaabtan. "Waxey ila Tahay: maaha.

Maxamed Cali Bile

qorane.bile@gmail.com


Heeco


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:DUCMANTERY Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Gurigii Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu Taaga Jamhuuriyada Soamaliland Sanadkii 1991
Halkan Ka Daawo: Fanaanka Weyn ee Cabdijabaar Al Khaliiji oo Hees Cusub oo Loogu Talo Galay 18 MAY Hadda Daawaha Ka Soo Rogay Heestan oo Loogu Magac Daray ( DHARAAR WEEYE SUNTAN)
Halkan Ka Daawo : Warbixin Dhismaha Wadada Sanaag Iyo Togdheer Oo Wakhtigan Bulshadu Si Weyn Ugu Raysatay Dadka Ku Safra Wadada Iyo Bulshada Degaanadaasi Oo Si Weyn U Mahadiyay Mashruuca Guuleystay Ee Wadadaasi
Halkan Ka Daawo: Jaaliyada Habar jeclo Iyo Subeer Awal oo Kulan London Iskugu Yimi Kaga Tashanayaan Sidi Hawlaha Xisbiga KULMIYE Loo Dardar Gelin Laha
Halkan Ka Daawo:Gudoomiyaha Degmada DHOQOSHEY Oo Ka Warbixiyay Mashaariic Horumarineed Oo Xukuumadu Ka Wado Degmada Dhoqoshey+Muxuu Ka Yidhi 18ka MAY Ee La Joojiyay
HALKAN KA DAAWO: QOYSAS ROOBAB KA DA AY GOBALKA SANAAG XOOLIII ABAARAHA UGA HADHAY KA MADHIYEEN IYAGA OO XAALAD ADAG OO DHANKA NOLOSHA KU JIRA UNA BAAHAN TAAKULO
Halkan Ka Daawo:Warbixin Laga Diyaariyay Raxmaadka Eebe Ee Ka Da,ay Inta U Dhaxaysa Degmooyinka Garadag Iyo Ceel Afweyn Ee Gobolka SANAAG
Halkan Ka Daawo:Warbixin Naxdin Badan Oo Laga Diyaariyay Dadka Xooluhu Ka Dhamaadeen Ee Kunool Gobolka Togdheer,Iyo Xukuumada Oo Ay Ka Codsadeen Gurmad Deg Dega
Halkan Ka Daawo:Barnaamij Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Mashaariicda Ururka Qurba Joogta Gurya Samo Ka Hiir Geliyey Degaanka Dhagax Dheer Ee Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo: Wassirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxamoud Adan Jama Galaal Iyo Wasiirul Dawlaha Xanaanada Xoolaha oo Dawooyin Iyo Dhakhaatrir Gaadhsiiyay Degmooyinka Qorilugud Ballidhiig Iyo Xaaji Saalax
WAREYSIYO