Thursday May 25th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Dadku hadhinto waxna hadoorto, damiir xumada dalka maanta taalla !

0
Thursday January 12, 2017 - 09:23:25 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 91
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadku hadhinto waxna hadoorto, damiir xumada dalka maanta taalla !

    Dadku hadhinto waxna hadoorto, damiir xumada dalka maanta taalla !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Dadku hadhinto waxna hadoorto, damiir xumada dalka maanta taalla !

 

Xaaladdii abaartu, xadkii noole adkaysan lahaa ayay dhaaftay. Wararka saacad walba ka soo dhacay baadiyaha sideedda gobol ee abaartu saamaysay , waa kuwo welwel daban ku abuuraya qofkasta oo damiirkiisu shaqaynayo.

 

Aniga sigaara ayaay ii taabanaysaa xaaladdu oo ugu yaraan saddex jeer ayaan gaadhay inta badan deegaanada abaartu ka jirto, wakhti aan ka socday talafeeshinka dawladda. Waxaan ka soo waramay deegaanno ciidda, dhirta iyo xooluhuba dhinteen , dadkanu geeri qarka u saaranyahay.

 





Xilliga aan ka hadlayaa, waa 20kiiNovember ee sanadkii hore oo hadda laga joogo laba bilood oo maalmo dhiman. Bal qiyaas halka uu xaal marayo maanta. Waa hubaal in xoolihii reer guuraaga aanu ka hadhin baaqi laysku hallaynkaro, waxaase werwerka ugu wayn abuuraya dhimashadii dadka oo toos u bilaabantay isla markaana tirdu ay kordhayso.


Safarkii madaxwaynaha Somaliland, guddoomiyaha Kulmiye iyo inta badan golaha wasiiradu ay ugu baxeen gobolada bari , marka la eego durufta culus ee haystay dadka iyo duunyadaba, hadalladii madaxwaynaha iyo masuuliyiinta ee ahaa ‘’ Waannu gurmanaynaa, oo dadkayaga waxba kala hadhi mayno’’, bulshada Somaliland iyo cidkasta oo isha ku haysay safarkaas ,waxa ay niyadda geliyeen in dalku wajahayo xaalad deg-deg ah xukuumadduna ay gurmad xooggan u fidinayso bulshada u dhimanaysa baadka iyo biyo la’aanta. Hase ahaate, taa bedelkeeda maxay tahay xaajadan ugubka ah ee xisbul xaakimka kasoo yeedhaysa ee uu weliba ku adkaysanaya?

 

Anigu, waxaan qayb ka ahaa warbaahin raacday waftigii madaxwaynaha . Ilaa hadda ma rumaysan karo madaxwayne Siilaanyo, ayaa doorasho gelinaya dadkii taabalaysnaa ee deegaanadooda ka hayaamay abaarta culus ee caydhaysay darteed.



Shacabka uu madaxwaynuhu u tagay oo aan markaa wax buuran lagaadhsiin, waxay sugayaan balantii ahayd ‘’ Xaaladdiina ayaanu doonaynaa in aanu ogaano, kadibna iidiin soo gurmanno oo waxba idin kala hadhimayno’’ oo madaxda wadanka uga saraysaa ay ku nuux-nuuxsanaysay.

 

Taariikhda mahadhada ahi maantookale ayay qorantaa. waajibka ugu wayn ee ummad ahaan ina saarani , waa gurmad loo dhanyahay iyo qaylo-dhaan la gaadhsiiyo, dadlalka jaarka ah iyo Dunida inta dhaqaale ku taageeri karta dadkeenna dhimanaya.


Waxba yaan qalinku ila taraarin, damiirkeennu ha ina kala dooransiiyo laba mid; in ummadda loo damqado iyo in la taageero talada siyaasiga ee u dhigan‘’dadku isga oo dhimanaya madaxwayne ha ii doorto’’

Heeco


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:DUCMANTERY Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Gurigii Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu Taaga Jamhuuriyada Soamaliland Sanadkii 1991
Halkan Ka Daawo: Fanaanka Weyn ee Cabdijabaar Al Khaliiji oo Hees Cusub oo Loogu Talo Galay 18 MAY Hadda Daawaha Ka Soo Rogay Heestan oo Loogu Magac Daray ( DHARAAR WEEYE SUNTAN)
Halkan Ka Daawo : Warbixin Dhismaha Wadada Sanaag Iyo Togdheer Oo Wakhtigan Bulshadu Si Weyn Ugu Raysatay Dadka Ku Safra Wadada Iyo Bulshada Degaanadaasi Oo Si Weyn U Mahadiyay Mashruuca Guuleystay Ee Wadadaasi
Halkan Ka Daawo: Jaaliyada Habar jeclo Iyo Subeer Awal oo Kulan London Iskugu Yimi Kaga Tashanayaan Sidi Hawlaha Xisbiga KULMIYE Loo Dardar Gelin Laha
Halkan Ka Daawo:Gudoomiyaha Degmada DHOQOSHEY Oo Ka Warbixiyay Mashaariic Horumarineed Oo Xukuumadu Ka Wado Degmada Dhoqoshey+Muxuu Ka Yidhi 18ka MAY Ee La Joojiyay
HALKAN KA DAAWO: QOYSAS ROOBAB KA DA AY GOBALKA SANAAG XOOLIII ABAARAHA UGA HADHAY KA MADHIYEEN IYAGA OO XAALAD ADAG OO DHANKA NOLOSHA KU JIRA UNA BAAHAN TAAKULO
Halkan Ka Daawo:Warbixin Laga Diyaariyay Raxmaadka Eebe Ee Ka Da,ay Inta U Dhaxaysa Degmooyinka Garadag Iyo Ceel Afweyn Ee Gobolka SANAAG
Halkan Ka Daawo:Warbixin Naxdin Badan Oo Laga Diyaariyay Dadka Xooluhu Ka Dhamaadeen Ee Kunool Gobolka Togdheer,Iyo Xukuumada Oo Ay Ka Codsadeen Gurmad Deg Dega
Halkan Ka Daawo:Barnaamij Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Mashaariicda Ururka Qurba Joogta Gurya Samo Ka Hiir Geliyey Degaanka Dhagax Dheer Ee Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo: Wassirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxamoud Adan Jama Galaal Iyo Wasiirul Dawlaha Xanaanada Xoolaha oo Dawooyin Iyo Dhakhaatrir Gaadhsiiyay Degmooyinka Qorilugud Ballidhiig Iyo Xaaji Saalax
WAREYSIYO