Thursday April 27th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Shakhsiyaad Xidhan Shaadhka KULMIYE Oo Ku Hawlan Dhiciseynta Saldhiga Milatari Ee UAE Ka Furanayso Berbera

3
Thursday January 12, 2017 - 09:32:05 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Shakhsiyaad Xidhan Shaadhka KULMIYE Oo Ku Hawlan Dhiciseynta Saldhiga Milatari Ee UAE Ka Furanayso Berbera

    Shakhsiyaad Xidhan Shaadhka KULMIYE Oo Ku Hawlan Dhiciseynta Saldhiga Milatari Ee UAE Ka Furanayso Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Shakhsiyaad Xidhan Shaadhka KULMIYE Oo Ku Hawlan Dhiciseynta Saldhiga Milatari Ee UAE Ka Furanayso Berbera

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu dedaal weyn geliyay inuu awooda saaro muddada uu xilka hayo sidii uu wax uga qaban lahaa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalkan curdinka ah. Si taas loo helo waxa uu madaxweynuhu awooda saaray inuu jabiyo darbigii Somaliland ka hortaagnaa inay kasbato maalgashiga dawladaha qaniga ah ee Khaliijka carabta.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu dedaalkaas ka bilaabay dalka Imaaraadka carabta oo markii u horreysay ogolaaday inay Somaliland ku yeelato xafiis qunsuliyadeed oo ka shaqeeya isku xidhka danaha labada dal, kaasi oo uu u magacaabay Baashe Cawil Xaaji Cumar, iyadoo muddadii laba sanno ku dhawaadka ahayd ee xafiiskaasi jiray Somaliland ay u suurtogashay inay cilaaqaad adag la yeelato Imaaraadka Carabta. Waxa iskaashigaas xoogeystay uu keenay in dawladda Imaaraadku noqotay dawladda kaliya ee ka soo jawaabta baaqyada abaaraha ba’an ee dalka ka jira ee taakulo kala duwan ka geysatay samatobixinta dadka abaaruhu tabaaleeyeen. Sidaas oo kale waxay Somaliland kala shaqeeyaan mashaariic dhawr ah oo ay ka mid yihiin hirgelinta ceel biyoodyo laga binaynayo gobollada dalka.

Heshiiskii Casriyaynta Dekadda Berbera:

Bishii May ee sannadkii 2016 waxa dawladaha Somaliland iyo shirkadaha dekadaha ee imaaraadka ee DPWOLD, kala saxeexdeen maalgashigii ugu ballaadhnaa ee shisheeye ee waligeed Somaliland hesho oo ay ku maalgelinayaan marsadda Berbera. Waxaanna ku baxaya adduun lagu qadaray $442 Milyan oo doollar oo lagu casriyaynayo dekadda Berbera. Heshiiskaas oo noqday mid Somaliland u fura in sharaa’iga waaweyn ee caalamiga ahi ku aaminaan inay maalgashan karaan.

Heshiiskan waxa ku jira la dhiso jidka isku xidhaya magaalo xeebeeda Berbera iyo Itoobiya, kaasi oo isna ah faa’iido kale oo sahlaya inay marsadda Berbera adeegsato Itoobiya iyo dalalka kale ee mandaqada ee aan lahayn badduhu.

Heshiiska Saldhiga Milatari ee Imaaraadka:

Waxa kaloo isna dhammaad ku dhow in qalinka si rasmi ah loogu duugo heshiis kale oo waxtar dhaqaale iyo mid siyaasadeedba u leh Somaliland, kaasi oo Imaaraadka carabtu kaga furanayo magaaladda Berbera saldhig milatari. Heshiiskan waxa uu Somaliland u noqonayaa fursad siyaasadeed oo kaalin togan mustaqbalka ka qaadan kara ka midho dhalinta qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland.

Heshiiskan waxa uu kor u qaadayaa qiimaha iyo mustawaha siyaasiga ah ee Somaliland ka ciyaarayso mandaqadda. Waxaanna saldhiga milatari heshiis ku ah oo soo dhaweeyay dalalka jaarka ee masaalixda siyaasadeed iyo kuwa nabadgelyo innaga dhaxeeyaan oo ay ugu horreyso dawladda Itoobiya.

Heshiiskani waxa tababaro noocoodu sareeyo iyo dhaqaale ka helaya ciidammada ilaalada xeebaha iyo laamaha ammaanka ee Somaliland oo uu noqonayaa mid dhaqaale abuur u noqda bulshadda magaalada Berbera oo dhaqaale ka soo galayo xarakaadka dadka badan ee imanaya saldhigan.

Waxa mashaariicda laga dheefayo heshiiskan ka mid ah in la dhisayo waddo tareen oo isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Diridhabe.

Kooxaha ka soo horjeeda Saldhigan:

Waxa indhawaaleba isa soo tarayay kooxo caaridaya oo ka soo horjeeda saldhigan, waxaa kooxdan hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre oo ku hawlan tallaabooyin lagu mijoxaabinayo heshiiskan. Waxa iyaguna dayaacado ummadda lagu shaki gelinayo oo looga gol leeyahay in la kala kiciyo heshiiskan wada warbaahinta taageerta xisbal-xaakimka KULMIYE, waxaana warbaahintan ka mid ah wargeyska HUBAAL oo isaguna dacaayadeynaya Heshiiskan. Waxaanna la isweydiinayaa sababta warbaahintii iyo shakhsiyaadka kale ee dawladda ka tirsani ay ugu hawlan yihiin inay burburiyaan heshiis ahmiyad dhaqaale iyo mid siyaasadeedba u Leh Somaliland?

 

Mohamed Ismail Carte

Hargeysa/Somaliland


Heeco

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Barnaamij Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Mashaariicda Ururka Qurba Joogta Gurya Samo Ka Hiir Geliyey Degaanka Dhagax Dheer Ee Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo: Wassirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxamoud Adan Jama Galaal Iyo Wasiirul Dawlaha Xanaanada Xoolaha oo Dawooyin Iyo Dhakhaatrir Gaadhsiiyay Degmooyinka Qorilugud Ballidhiig Iyo Xaaji Saalax
Halkan Ka Daawo; Wariye Cabdiraxman Tirikko oo Wareysi Xiiso Badan La Yeeshay Siyaasiyad Aamina Saado oo Ka Tirsan Ururka NOW Kana Hadashay Arrimo Badan oo Xiiso Leh
Halkan Ka Daawo:Madaarka Burco Oo Maanta Si Rasmiya Loo Bilaabay Dhismihiisa iyo Bulshada Oo Si Weyn Usoo Dhaweeyay...
Halkan ka Daawo:"Sidee Somaliland Iyo Khaatumo U Heshiin Karaan"Wareysi Xiiso Badan Oo Lala Yeeshay Xildhibaan Seleban Cali Koore Oo Ka Tirsan Golaha Baarlamanka Somaliland.
Halkan Ka Daawo: Dhamaan Bulsho Weynta Reer BURCO oo Si Mideysan Ugu Baaqday Xukummada Somaliland Inay Sii Dayso Samafale Cabdimaalik Muse Coldoon
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Cajiiba oo Laga Diyaariyay Muhiimada Saldhiga Military ee Berbera Laga Hirgelinayo Iyo Faidada Weyn ee Somaliland UGu Jirta Haddi ay Tahay Aqoonsi Iyo Tageero Military
Halkan Ka Daawo; Barnaamij Full Ah Xafladi Balaadhnayd ee Soo Dhoweynta Suldaan Ibraahin Adan Ismaacil ( DAL-DAL)
Halkan Ka Daawo; Haween Weynaha Qurbo Jooga Ka Soo Jeeda Degaanada Dhoqoshey Ballidhiig Iyo Xagal oo Madaxweyne Axmed Silaanyo Si Wehelinimo Ku Jirto ugu Diray Codsi Dheer Isago Degaanadi uu Ku Dhashay Ila Hadda Waxba uu Qaban
Halkan Ka Daawo: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Si Adag Uga Hadlay Mashariicda Berbera Laga Wado Digniin uu Diray Ragga Suuqa Wareegaysanaya ee Ka Hadlay Saldhiga Military ee Berbera Laga Sameynayo ( Iska Hadlow Ina Igarre) Dalka Dowlad aya Ka Talisa
WAREYSIYO