Tuesday August 22nd, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Somali Flags
eurosomtravel.com/

"Duruufo Nololeed Iyo Dayaan Siyaasadeed.!

0
Thursday January 12, 2017 - 09:43:40 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Duruufo Nololeed Iyo Dayaan Siyaasadeed.!

    "Duruufo Nololeed Iyo Dayaan Siyaasadeed.!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
"Duruufo Nololeed Iyo Dayaan Siyaasadeed.!

Duruufaha nololeed oo adag aawadood dadka somalidu waxa ay u soo joogeen maalmo iyo dharaaro aan xusuustooda la hilmaami karin, Waagii beryaaba waayahiisa leh. Waxa aan jecelahay in aan idinla wadaago Abaaro kala duwanaa oo kala magacyo duwanaa kuwaasi oo ku dhacay dadka somalida iyo deegaanadoodii. Ugu yaraan Sagaalkan Abarood oo kala ah abaartii xaaraama cune oo dhacday sanadkii 1914 , hawaara sanadkii 1923, adhi-gaba sanadkii 1934'' jiitama 1945'' siiga-case 1954'' gaadhi-gaadhisaar 1964'' daba-dheer 1974 ;; dhuumato 1980'' dhibijaale'' iyo abaartii ugu weynayd wixii la sheegaba oo ahayd soor iyo biyowaa'' oo dhacday sanadkii 1994. intuba waxa ay ahaayeen abaaro ay somalidii waagaasi ula baxday magacyadan iyada oo loo daliishanaayey xaalado taagnaa xiliyadaas.

Dhamaadkii sanadkii 2016 Somaliland waxa ka dhacay xaalado kala duwan oo Saamayn tooda iyo mahadhadooda lahaa. Xaaladahaas waxa ay isugu jireen kuwo diiftoodii muuqato iyo xaalado siyaasadeed oo cakiranaa. Waxa aynu si cad uga tilmaami karnaa xaalada abaareed ee Wakhtigan maraysa halkii ugu darnayd oo galaafatay naffo ibnu aadam ah iyo xoolihii la dhaqan jiray oo aan xisaab iyo cadad-toona lahayn.

Duruufta baahsan ee wakhtigan ka taagan guud ahaan deegaano tirro badan oo ka tirsan Dalka hawgu darnadaan deegaanada Gobolada bariga Somaliland waa tii ugu cuslayd ee soo marta 25-sanno oo ay Somaliland baarka ka goysay, Xaaladan oo ah mid u baahan ALLAH ka cabsi iyo gar-gaar ibnu aadantinimo oo aanay muuqan cidii hormuudka inoogu noqon lahayd.!

Abaarta iyo dhibta baahsan ee umadda haysata waxa daba socda dekaano siyaasadeed oo ka dhaxeeya asxaabta siyaasadda somaliland kuwaasi oo gaadhay heerkii ugu sareeyey abid iyaga oo aan joogin wakhtigoodii.

Duruufaha nololeed ee ku gedaaman dadka abaartan ku dhufatay oo ku kala daadsan gobolada Somaliland hawgu shisheeyo qoyska hawd guntii iyo sanaag ka qaxay oo ku sugan galbeed guntii si uu u doonto daaq iyo baad ay ugu nolaadaan xoolaha ah nolosha koowaad ee dadka somalida ahi ka dheefaan dhaqaalaha iyo munafaad kale oo tiro badan.

Wakhti xaadirkan oo aynu ku jirno sanad cusub oo ah 2017 waxa umadda xaalada sidaasi haysato dhegahooda ku dhacaaya guuxyo ay sheegayaan in dalku doorasho isu diyaarinaayo. Yaa codeyn doona !? Yaase uu u talin doonaa musharaxa guuleystaa !? Waa su'aalo muhiima una baahan jawaab in ay u helaan Xisbiyadda guc-lo orodka ugu jira Doorasho dhacda.

Waad ku mahadsan tihiin Akhrisiina Maqaalkan intiina fursad u heshay, Waxa aan ku soo gaabinayaa ALLAH Weyn intik aamintaa Awood leh, aynu ALLAH barino, u noqono, u toobad keeno si uu kurbada inooga qaado iyo xaalada culus, siyaasiyiintana waxa aan leeyahay waar umadiina u naxa oo joojiya hirdanka siyaasadeed ee aan joogin wakhtigisii.

Qorre Khaalid Ahmed Mohamed (Kh.Bakayle)


Burco-Somaliland.

Bidvertise


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
Halkan Ka Daawo: Shirkad Cusub oo Lagu Magacaabo Tijaaro oo Wadanka China Lagaga Furay Iyado Kuu Fududeynaysa Ganacsigaaga Iyo Ganacsiga CHINA
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Iyo Guddida Guud ee Beelweynta Habar Jeclo oo Sheegay INaanay Ogolaan Doonin Dadka Shirarka MIdnimo Iyo Kuwa Dhalinyarada Ku Baaqaya
Halkan Ka Daawo:DUCMANTERY Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Gurigii Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu Taaga Jamhuuriyada Soamaliland Sanadkii 1991
Halkan Ka Daawo: Fanaanka Weyn ee Cabdijabaar Al Khaliiji oo Hees Cusub oo Loogu Talo Galay 18 MAY Hadda Daawaha Ka Soo Rogay Heestan oo Loogu Magac Daray ( DHARAAR WEEYE SUNTAN)
Halkan Ka Daawo : Warbixin Dhismaha Wadada Sanaag Iyo Togdheer Oo Wakhtigan Bulshadu Si Weyn Ugu Raysatay Dadka Ku Safra Wadada Iyo Bulshada Degaanadaasi Oo Si Weyn U Mahadiyay Mashruuca Guuleystay Ee Wadadaasi
WAREYSIYO