Tuesday August 22nd, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Gummaadkii Geedaha iyo Gurmadkii Ka Dambeeyay !

0
Thursday January 12, 2017 - 09:50:46 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gummaadkii Geedaha iyo Gurmadkii Ka Dambeeyay !

    Gummaadkii Geedaha iyo Gurmadkii Ka Dambeeyay !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Gummaadkii Geedaha iyo Gurmadkii Ka Dambeeyay !
Debis, waa magaalo ka tirsan degmada Cadaadley ee gobolka Maroodi-

jeex ee Somaliland, waxaana ay ku dhawaad 90KM koonfur bari kaga

beegantahay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Magaaladani waxa ku nool dad xoolo dhaqato iyo beeralay iskugu jira,

waxaana juquraafi ahaan magaaladani ay tahay buuraley.

Deegaankan ayaa waxa ka hirgalay mashaariic dhanka horumarinta ah


gaar ahaan ilaalinta deegaanka, kuwaasi oo dib loogu soo noolaynayo

dhirtii dhimatay iyo kuwo cusub oo dib loo beerayo si loo ilaaliyo

deegaanka, iyadoo halkaasi laga dhisay Dhaamam iyo Barkado lagu

keydiyo biyaha si loogu waraabiyo dhirta halkaasi laga beeray isla

markaana ay dadka deegaanku ka faa’idaystaan.

Mashruurcan oo ay hirgalisay wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa

waxa maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee marka

magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano SDF. Waxaana mashruucani uu

noqday mid dadka deegaanku ay si wayn uga faa’idaystaan isla

markaana ay ka helaan shaqo-abuur iyo deegaan wanaagsan oo

cagaaran.

Cawil Cabdi Xayd oo ah madaxa mashruuca seeraha Debis ayaa sheegay

in deegaanka mashruucani laga hirgaliyay uu ka kooban 23-KM oo isku

weer ah, iyadoo hadda la doonayo in laga dhigo mid gebi ahaanba

cagaaran isla markaana ka badqaba aafada xaalufinta deegaanka, sida

garaacista dhirta iyo wixii la mid ah.

Dhirta haatan laga beeray deegaankan ayaa waxay ka koobanyihiin;

Qudhac, Maraa, Galool, Qansax, Cadaad iyo Sogsog – sida uu markale

sheegay Cawil Cabdi Xayd.

Deegaankan haatan laga hirgaliyay mashruucan dhiraynta ayaa waxa uu

ahaan jiray deegaan dhirta lagu kobciyo kaddibna loo qaybiyo gobollada

waqooyi ee dalkii la isku odhan jiray jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, dadka deegaankan oo intooda badani ahaa kuwo dhirta

garaaca isla markaana dhuxul ka sameeya si ay nolol maalmeedkooda

ugala soo baxaan ayaa waxa haatan intooda badani ay joojiyeen

garaacistii dhirta iyo xaalufitintii deegaanka, iyadoo markii mashruucan

la bilaabay uu shaqo abuur badan ka dhashay isla markaana ay halkaasi

shaqo badan ka heleen dadkii dhuxusha garaaci jiray.

"Anigu waxaan kamid ahaa dhuxulaysatadii ama dadka dhuxusha

garaaca imikana waxaan ahay nin mashruucan ka shaqeeya oo

wasaaradda deegaanka u shaqeeya” Sidaasi waxa yidhi Khadar

Maxamed Cawaale oo mashruucani ka faa’idaystay isla markaana kamid

ah shaqaalaha joogtada ah ee haatan mashruucaasi ka hawl-gala.

Ugu dambeyntii, dadka deegaanka ayaa waxa ay codsadeen in loo dhiso

goobo waxbarasho iyo caafimaad maadaaama deegaanku aanu lahayn

goobo waxbarasho iyo caafimaad. Waxayna codsigooda usoo jeediyeen

hay’adda SDF iyo xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale, dadka deegaanku waxa ay codsadeen in loo kordhiyo tirada

shaqaalaha mashruuca ka hawl-gala, maadaama haatan ay shaqaaluhu

ku yaryihiin.

W.Q: Khaalid Foodhaadhi

Khaalidfoodhaadhi@gmail.com
Bidvertise


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
Halkan Ka Daawo: Shirkad Cusub oo Lagu Magacaabo Tijaaro oo Wadanka China Lagaga Furay Iyado Kuu Fududeynaysa Ganacsigaaga Iyo Ganacsiga CHINA
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Iyo Guddida Guud ee Beelweynta Habar Jeclo oo Sheegay INaanay Ogolaan Doonin Dadka Shirarka MIdnimo Iyo Kuwa Dhalinyarada Ku Baaqaya
Halkan Ka Daawo:DUCMANTERY Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Gurigii Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu Taaga Jamhuuriyada Soamaliland Sanadkii 1991
Halkan Ka Daawo: Fanaanka Weyn ee Cabdijabaar Al Khaliiji oo Hees Cusub oo Loogu Talo Galay 18 MAY Hadda Daawaha Ka Soo Rogay Heestan oo Loogu Magac Daray ( DHARAAR WEEYE SUNTAN)
Halkan Ka Daawo : Warbixin Dhismaha Wadada Sanaag Iyo Togdheer Oo Wakhtigan Bulshadu Si Weyn Ugu Raysatay Dadka Ku Safra Wadada Iyo Bulshada Degaanadaasi Oo Si Weyn U Mahadiyay Mashruuca Guuleystay Ee Wadadaasi
WAREYSIYO