Thursday April 27th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Hargeysa Maanta Ma Waxa Haysa Maayir La'aan Mise Maareeyn La'aan? W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

0
Thursday January 12, 2017 - 09:55:58 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa Maanta Ma Waxa Haysa Maayir La'aan Mise Maareeyn La'aan? W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

    Hargeysa Maanta Ma Waxa Haysa Maayir La'aan Mise Maareeyn La'aan? W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Hargeysa Maanta Ma Waxa Haysa Maayir La'aan Mise Maareeyn La'aan? W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Hargeysa Maanta Ma Waxa Haysa Maayir La’aan Mise Maareeyn La’aan?W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

"Maqaal kasta oo aan qoraa waxa uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa.”

 

"Waddooyin burbursan, Xashiis buux-dhaaf ay , Mugdi iyo madow habeenimo, Bus iyo boodh maalintii ah, Maayir la’aan mise Maareeyn la’aan”.



Sidaan ka war hayno Hargeysi waa Caasimadii iyo Hogaankii waddanka waana meesha qudha ee ay ishu qabanayso ee kutaal waddanka, Laakiin sanadihii ugu dambeeyey Xaaladu sidaas way kaduwanayd oo Hargeysi waxay noqotay meel Aad uga hosaysa iskadaa Caasimadaha wadamada Afrikada bari ee la aqoonsanyahay oo iyaga sida ay u gaadhaa tahay mid aqoonsi ku xidhan, laakiin se in ay noqotay mid qiimo ahaan iyo Horumar ahaanba ka liidata kuwa Somalidu degto ee ku dhaqan bariga afrika, Qiimaha iyo Qaayaha aan ka Hadlaayo ee Sababta aan uga dhigaayo Koriin la’aanta Caasimadu waa mid ku guddo noqonaya Goalaha deegaanka Ee uu Garwadeenka kayahay Mr.Cabdirahamaan Soltec, Hadaladan aan sheegayaa maaha kuwo Malo-awaal ah ama aan Mucaaridad ku muujinayo laakiin waa mid xaqiiqadu ka muuqato Magaalada dhexdeeda, Taas oo xaalada hadda ay ku sugantahay Xaga Horumarka iyo Nadaafadu ay aad u liidato Bal eeg badhtamaha magaalada waxaa Shaqadii Nadaafada ee qashin gurka la siiyey Sharkado lugu sheegay in ay dawlada Hoose la galeen Heshiisyo kuwaas oo siday u badantahay aan gudan shaqadii loo xilsaaray taas oo daba shaqayntiina Maayirka iyo golihiisa deegaanku ay meesha ka maqantahay, Dhanka kale Magaalada Hargeisa waxaa ku yaala Dooxyo iyo Laago kuwaas oo Hadda la ceegaagaya qashin iyo gudaafad oo Xitaa wadiiqooyinkii ay bulshadu ka talaabi jirtay ay xidhmeen oo laga guuray, Bal fiiri goobta dooxa ee looga talaabo Maxkamada Hargeysa, Briijyada Hargaysa Hoostooda oo Biyo caafimaad daro keenaya iyo Qashin badani yaalo, Laagaha xaafadaha Dhexmara(Xar-wadda) oo iyaguna qashin iyo qudhun la ceegaaga, Mee Golihii deegaanka ee aanu dooranay? Maayir Soltec ma wuxuu ka bixi waayey muran iyo isqabqabsi isaga iyo golihiisa?. Magaalada ma wax ka jirta Maayir la’aan mise Maareeyn la’aan oo xil baan la iska saarahayn masuuliyadii umadda looqaaday?.


Waa ayaan darro in Kabkabkii dawlada dhex bixin jirtay ee wadooyinka aan looga faaidaysan sidii ugu haboonayd misana ay liitaan Dhismaha wadooyinkii Dalka Kuwodii ugu muhiimsanaa, Bal fiiri wadada isku xidha Saldhiga dhex ee Hargeysa Ilaa Biriijka weyn, iyo Wadooyinka degmooyinka Axmed dhegax iyo Maxamuud haybe, Dhanka kale Bal fiiri wadooyinka waaweyn ee dhex mara Xaafadaha Gacanlibaax, Dhismo la’aanta iyo burburka wadooyinka waxaa u dheer mugdiga iyo madowga xiliyada habeenkii ah, taas oo marmarka qaar dadka marayaa ay shitaan tooshashaka moobiladooda, halka xiliyada qaarna tuugtu ugusoo dhuumato bulshada rayidka ah gaar ahaan dumarka mugdiga kajira wadooyinka oo ay ka dhacaan hantida fudud ee ay sitaan,  Muddan maayir meeday xilkii aad bulshadan u qaaday? Haddaba waxay shacabki is waydiinayaan in Dhamaan golihii deegaanka ee aqoonta lugu tuhmaayey iyo khibrada ay u leeyihiin deegaamaynta iyo qurxinta maagaaladu in ay noqdeen kuwo aad u gabay shaqadoodii oo lugu hungoobay.


Haddaba Hargeysi ma waxay Sidaas u sii ahaan doontaa Mid ka dambaysa Magaalooyinka kale ee somalidu degto, Kuwaas oo wakhtigan Hadda ka horeeya Xaga horumarka ee Ku jira gacanta dawladahooda hoose, Laakin ogow muwaadin Dhismayaasha bilicda san ee kuyaal Hargeysa ee ay dhiseen dadka muwadiniinta dalka maal gashaday waa kuwo u dhigma kuwa kuyaal wadmada la aqoonsanyahay ee Barigan afrika ee aynu ka tirsanahay, laakiin qashinka iyo gudaafad xashiiska buux dhaafiyey wadooyinka, iyo burburka aan kaabista loo samaynahayn ee Wadooyinku waa kuwo ay nagaga horumarsanyihiin degmooyin Hargeysa ka heer hooseeya.

Waxaan kusoo gebogebaynayaa Qormadan kooban su’aal aan ku weydiinaayo Bulshada iyo Shacabka kudhaqan "Hargeysa Maanta Ma Waxa Haysa Maayir La’aan Mise Maareeyn La’aan?”

Wabilahi-tawfiiq


W/Q: Hamse Bashe Muhumed (Wiyeer yare)

E-mail: Wiyeeryare@gmail.com

Facebook: www.facebook.com/Wiyeeer

Web: www.wiyeeryare.blogspot.com

Heeco


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Barnaamij Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Mashaariicda Ururka Qurba Joogta Gurya Samo Ka Hiir Geliyey Degaanka Dhagax Dheer Ee Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo: Wassirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxamoud Adan Jama Galaal Iyo Wasiirul Dawlaha Xanaanada Xoolaha oo Dawooyin Iyo Dhakhaatrir Gaadhsiiyay Degmooyinka Qorilugud Ballidhiig Iyo Xaaji Saalax
Halkan Ka Daawo; Wariye Cabdiraxman Tirikko oo Wareysi Xiiso Badan La Yeeshay Siyaasiyad Aamina Saado oo Ka Tirsan Ururka NOW Kana Hadashay Arrimo Badan oo Xiiso Leh
Halkan Ka Daawo:Madaarka Burco Oo Maanta Si Rasmiya Loo Bilaabay Dhismihiisa iyo Bulshada Oo Si Weyn Usoo Dhaweeyay...
Halkan ka Daawo:"Sidee Somaliland Iyo Khaatumo U Heshiin Karaan"Wareysi Xiiso Badan Oo Lala Yeeshay Xildhibaan Seleban Cali Koore Oo Ka Tirsan Golaha Baarlamanka Somaliland.
Halkan Ka Daawo: Dhamaan Bulsho Weynta Reer BURCO oo Si Mideysan Ugu Baaqday Xukummada Somaliland Inay Sii Dayso Samafale Cabdimaalik Muse Coldoon
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Cajiiba oo Laga Diyaariyay Muhiimada Saldhiga Military ee Berbera Laga Hirgelinayo Iyo Faidada Weyn ee Somaliland UGu Jirta Haddi ay Tahay Aqoonsi Iyo Tageero Military
Halkan Ka Daawo; Barnaamij Full Ah Xafladi Balaadhnayd ee Soo Dhoweynta Suldaan Ibraahin Adan Ismaacil ( DAL-DAL)
Halkan Ka Daawo; Haween Weynaha Qurbo Jooga Ka Soo Jeeda Degaanada Dhoqoshey Ballidhiig Iyo Xagal oo Madaxweyne Axmed Silaanyo Si Wehelinimo Ku Jirto ugu Diray Codsi Dheer Isago Degaanadi uu Ku Dhashay Ila Hadda Waxba uu Qaban
Halkan Ka Daawo: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Si Adag Uga Hadlay Mashariicda Berbera Laga Wado Digniin uu Diray Ragga Suuqa Wareegaysanaya ee Ka Hadlay Saldhiga Military ee Berbera Laga Sameynayo ( Iska Hadlow Ina Igarre) Dalka Dowlad aya Ka Talisa
WAREYSIYO