Sunday December 17th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Doorashada, Duruufaha Abaarta, iyo Damacca Kulmiye! Qalinka: M. Haaruun

0
Thursday January 12, 2017 - 10:01:33 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada, Duruufaha Abaarta, iyo Damacca Kulmiye! Qalinka: M. Haaruun

    Doorashada, Duruufaha Abaarta, iyo Damacca Kulmiye! Qalinka: M. Haaruun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada, Duruufaha Abaarta, iyo Damacca Kulmiye! Qalinka: M. Haaruun
Hadalada ku saabsan abaaraha iyo kuwa ku saabsan doorashada

ayaa maalmahan si isku mid ah dhegaha dadka u haysta. Gudigii

doorashadu waxa ay leeyihiin dadkii kaadhadhka cod-bixinta la siin

lahaa qabo badan oo ka mid ahi waa baro kaceen, deegaamadii laga

diiwaan geliyay ee kaadhadhka lagu siin lahaa na ma joogaan. Tani

ma aha hadal siyaasadeed uu xisbi gooni ahi soo saaray ee waa


xaqiiqo ay faafiyeen Gudiga Doorashadu. Kolkii warkaas la maqlay,

waxa loo kala baxay Kulmiye oo leh gar iyo gardarro ba doorashadii

ha la qabto, iyo Waddani oo leh, maya ee sidaas ha laga daayo.

Waddani waxa uu leeyahay, sax na ah, abaartu ha jabto, dadkii na

deegamadoodii ha ku soo laabteen, laakiin Kulmiye sidaas ma

jeclaysan. Waxa muuqata in Kulmiye uu kursigu u muuqdo, laakiin

aanay dadka kala yaacay ee deegaamada Bariga iyo dhibaatadoodu

u muuqanin. Si kasta oo Kulmiye uu hadalka u qurxiyo, eedda ah in

aanay dadka tabaaloobay danaynaynin sinaba ma uga baxan

karaan. Doorashadu waa sharci ee yaanay muddo dhaafin ayaa ay

ku doodeen, laakiin isla iyaka uun baa hore iyo dib ba sharciga u

jabiyay, iyada oo aanay duruufi jirin na doorashadii mudaysnayd

June 2015 dib u dhigay. Iyaka ayaa wixii ay Riyaale ku ceebayn

jireen ku kacay, lacag badan na ku bixiyay in sharciga la jabiyo.

Kolkii dib u dhigistii ay khasab iyo sharci-darro ku socodsiiyeen, ee

loo balamay in March 2017 la wada qabto doorashadii

baarlamaanka iyo madaxtooyada, isla iyaka uun baa hadana

buriyay. Waxa ay u arkeen in aanay sidaas dani ugu jirin Kulmiye,

iyaka ayaana xoog iyo xoolo ku bixiyay in labada la kala qaado.

Labada jeer ba ma ahayn rabitaanka Waddani, wax duruuf ah oo

kalifay na ma jirin. Maanta oo ay sabab sharciga ku qorani jirto,

dadkii na duruufaysanyahay, miyaa Kulmiye laga yeelayaa ciddii

qaxday yeelkadeed ee doorashadii waa sharci ee yaanay dib u

dhicin? Jawaabtu waa maya. Hadii uu Kornayl Muuse xisbigiisa soo

jiidhsiiyay musharaxnimo jujuub ku timid, ma waxa uu moodayaa in

uu wadanka oo dhan jujuubi karo? Mar labad, aniga oo huba

jawaabtu waa maya! Sacabka gacan keliya laguma tumi karo. Saw

sidaas ma aha? Doorashadu laba dhinac oo ku tartama ayaa ay u

baahantahay. Kulmiye keligii doorasho ha qabsado Hadii uu rabo.

Maalin horaysay waxa aan si kaftan ah u sheegay in ay isku micno

uun yihiin ereyada - geesi/deeqsi, fulay/bakhayl, iyo abaarta iyo

Kulmiye. Hadda iyada oo aan kaftan ahayn, waxa muuqata in uu

Kulmiye maanta ku dagaalamaayo in abaarta ay dani ugu jirto, inta

wakhtiga adagi jjiro na uu macaashi karo.

Hanka xumi ha beenoobo!

M. Haaruun – mbiixi@gmail.com
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO