Monday January 23rd, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Travel UniQe
eurosomtravel.com/

Gudida Abaaraha Oo Gogasha Uga Kici Waayay Dadka ilmadu Gobolaysay Iyo Abaar Gagagmo Reebto Ah Oo Gubtay Nolosha Dad Iyo Duunyo.

0
Thursday January 12, 2017 - 11:18:25 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudida Abaaraha Oo Gogasha Uga Kici Waayay Dadka ilmadu Gobolaysay Iyo Abaar Gagagmo Reebto Ah Oo Gubtay Nolosha Dad Iyo Duunyo.

    Gudida Abaaraha Oo Gogasha Uga Kici Waayay Dadka ilmadu Gobolaysay Iyo Abaar Gagagmo Reebto Ah Oo Gubtay Nolosha Dad Iyo Duunyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Gudida Abaaraha Oo Gogasha Uga Kici Waayay Dadka ilmadu Gobolaysay Iyo Abaar Gagagmo Reebto Ah Oo Gubtay Nolosha Dad Iyo Duunyo.
Abaarta Ba,an Ee Ka Taagan Gobolada Bariga Somaliland Waxay Sababeen Dhimashada Dad Iyo Duunyo,Taas Oo Ay Ugu Wacan Tahay Biyo La,aanta Iyo Abaarta Is Barkatay Ee Halakaysay Dadka Reer Guuraaga AH Waxaana Maalinba Maalinta Ka Danbaysa Isa Sii Taraaya Oo Xoogaysanaaya Biyo La,aanta Haysa Dadka Ay Haleeleen Abaartu,Kuwaas Oo Ay Ka Muuqato Dayac Iyo Darxumo Lasoo Darsay

Inkasta Oo Aafada Abaarta Alle Keenay (SWT) Hadana Dadku Kama Rajo Dhigin Baryada Ilaahay Waayo Waxay Dareen San Yihiin In Alle Uun Ka Dul Qaadi Karo,Taas Waxaa Barbar Socda Sida Diintuba Sheegtay In Laysku Eegaayo Adoomada Ilaahay Say Isu Caawiyaan Mid Wax Haysta Iyo Ka Saboolka Ahi


Madaxweynaha Somaliland Isaga Oo Ka Damqanaaya Dhibaatada Soo Wajahday Dalka Waxa Uu Magacaabay Gudida Taakulaynta Iyo Gurmadka Abaaraha Heer Qaran Kuwaas Oo U Jeedkeedu Ahaa In Ay Nafta Barbar Dhigaan Dadkaa Abaartu Halakaysay Balse Waxaa Muuqata Inay Jiraan Gaabis Iyo Gurmad La,aan Balaadhan Oo Aanay Gudidu Uga Hawl Galin Sidii Loogu Baahna

Waxaanay Si Cad Ugabeen Hawlihii Loo Igmaday Ee Samata Bixinta Dadka Iyo Duunyada Haraadku Laayay Marka Loo Eego Sidii Ay Uga Hawl Galeen Abaarihii Ka Dhacay Gobolada Galbeedka Somaliland,Iyaga Oo Safar Guure Iyo Galab Carwa Ku Mari Jiray Deegaanada Ay Dhibaatadu Haleeshay ,Ilaayo Hada Oo ABaarta Gobolada Bari Ay Marayso 6 Bilooda Aanay Mar Qudha Is Oran Soo Eega Dadka Iyo Duunyada Ay Isku Baahaysteen Abaarta Daran Iyo Biyo La,aantu Marka Laga Reebo Safarkii Madaxweynaha Somaliland Ku Maray Gobolada Bariga Oo Gudida ABaaraha Kaga Jirtay Hal Xubini

Hadadaba Waxaa Xusid Mudan Isla Markaana Shacabka Somaliland Is Weydiinayaan Maxaa Sabab U Ah In Gudida Abaaruhu Dheg Jalaq Usiin Waayaan Abaaraha Ka Taagan Gobolada Bariga,, Inta Badan Marka Ad Timaadid Goobaha Lagu Hadal Hayo Arinkan Waxa Ay Kusoo Ururinaan Dadweynuhu Sadex Qodob Oo Kala Ah, 1. Gudida Ma Waxa haysta Aqoon Daro Gobolada Bari Ah 2,Ma Waxa Jirta hagrasho iYo Daacadnimo La,aan 3.Maxa Anay Aaminsananay Abaarta Ka Jirta Gobolada Jirta Gobolada Bari, Su,aalahaas Iyo Kuwo Kale Oo Badan ayay Iswaydiinayaan Bulshada Ku dhaqan Gobolada Bariga Somaliland lamana Garanayo Sababta Ay Uga Gabiyeen Gurmadka Iyo Taakulaynta Loo Fidinayo Dadka Ay Abaartu Saamaysay,

Si Kastaba Ha Ahaatee,Gudida ABaaraha Heer Qaran Ee Shaqadoodii Gabay Waxaa Gudoomiye Ka Ah Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland,Iyada Oo Ay Sidaasi Tahay Mar Qudha Lama Arag Isaga Oo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ka Damqanaaya Xaalada Abaareed Saamaynta Ba,an Ku Yeelatay Gobolada Bariga Somaliland,Waxaanu Shaqadaasi Kaga Mashquulay Mashruuca GPLG Ee Dawladaha Hoose

Burcoonline.com
Office/Burco
Cabdiraxmaan Tiriike



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


HALKAN KA DAAWO HEES LOOGU TALO GALYA SHIRKADA BEEYADA EE ASLI MAYDI
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan oo Ku Saabsan Shidaal Baadhisti oo Dib Looga Bilaabayo Somaliland
Halkan Ka Daawo:WARBIXIN Mahadhooyinkii Xasuusta Ku Reebay Dadweynaha Reer Burco Sanadkii 2016 Iyo Muuqaaladii Ugu Quruxda Badna Ee Ka Hirgalay Sanadka 2016-2017
Halkan Ka Daawo: Wasiir Cadaani Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay Iyo Xubno Shaqaalihisa Ka Mida Oo Cisbitaalka Hargaysa Yaala Oo Uu Ka Hadlay Waxa Uu Ka Og Yahay.
Halkan Ka Daawo: Wariye Cabdimaalik Muse Coldoon oo Wareysi Exclusive ah La Yeeshay Qoyski Mucjisado BURCO Ku Dhacday ee Raashinko Is Bedelayay
Halkan Ka Daawo: Hees Iyo Ciyaar Jaandheer aad Uu Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo: Wareysi Xiiso Badan oo Shabakada BurcoOnline News La Yeelatay Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer By Wariye Khaliil
Halkan Ka Daawo: Shabakada Burcoonline News oo Wareysi La Yeelatay Gudoomiyaha Degmada Dhoqoshey oo Ka Warbaxiyay Xaalada Abaaraha ee Degmadaasi By Wariye Cabdi Tiriko
Halkan Ka Daawo: Wareysi Xiiso Badan oo Shabakada Burcoonline News La Yeelatay Xooghaya Guud ee Xisbiga UCID Md Yuusuf Googooye oo Arrimo Badan oo Xiiso Leh Ka Hadlay By Wariye Cabdi Tiriko
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE: NAXDIN Xaalada Abaaraha Bariga Somaliland oo Lagu Tilmaamay Mid La Mid Ahayd Abaarti (Daba-dheer) iyo Xaalada Degaanadaasi oo Wariyaashi Argagax iyo Naxdin Ku Riday
WAREYSIYO