Friday May 25th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

soomaaliland oo si sahlan isaga furtay albaabkii citiraafka

0
Sunday June 11, 2017 - 11:50:49 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    soomaaliland oo si sahlan isaga furtay albaabkii citiraafka

    soomaaliland oo si sahlan isaga furtay albaabkii citiraafka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

soomaaliland oo si sahlan isaga furtay albaabkii citiraafka

Soomaaliland waxay caanku ahaan jirtey oo looga bartay inay is hortaagto waxkasta oo Ku salaysan siyaasad oo ay usoo jeediyaan wadamada siyaasada aduunka hogaamiyaa , waxaa kaloo looga bartay inay is hortaagto wixii ay uga shakido inay islaamnida iyo bani ,aadam nimada waxyeelayso , waxaana loo aqoonsaday wadanka ugu dhegaha adag aduunka taasoo ay aduunka tustay inaanay yeelayn waxay doonaan mooyaane wax kale . Soomaaliland waa dalkii ugu horeeyey caalamka qarnigii 18 aad gumaysigii ingiriiska heshiis caalami ah badda guudkeeda kula saxeexday , markii ingiriisku xoriyadooda siiyey soomaaliland waxay diidey waxkasta oo jiritaankoodu ku dhismaayo taasoo ay keliftey aqoondaro siyaasadeed iyo dhega adayg islaamnimo Ku salaysan.

Hadaba intii ay xoriyadeeda dib ulasoo noqotay waxaa xukunka isaga danbeeyey dhawr nin oo qaarkood aanay siyaasadaba aqoon fiican u lahayn iyo kuwo xanbaarsan fikrado kale oo aan maslaxad u ahayn soomaaliland iyo gooni isutaageeda ,waxaa isna soomaray ina ibraahin cigaal oo ay ka hortimi caqabado siyaasadeed oo dhab ah iyo kuwo isaga iyo qarbiga hore u dhex maray oo ay hore ugu kala aaminka bexeen iyo shacabka oo aan sinaba loo loodin karayn waxay go,aan sadaan oo loo hirgeliyo mooyaane. Hadaba intii uu xukunka dalka hayey ruugcadaaga siyaasadeed ee madaxweyne siilaanyo wuxuu ahmiyadiisa siyaasadeed isugu geeyey inuu soomaaliland gacanta u geliyo hogaamiyayaasha siyaasada iyo dhaqaalaha caalamka si ay soomaaliland u hesho hogaan siyaasadeed oo u horkaca siyaasadeeda iyo in loo sameeyo maalgelin caalami ah si loogusoo saaro khayrasdkeeda, sidaasi darteed caalamku wuxuu markiiba u balaqay albaabada siyaasada iyo dhaqaalaha isla markaana waxaa lagula kacay tijaabooyin siyaasadeed oo lagu xaqiijinayo inay soomaaliland tahay tii hore looyiqiin iyo inay tahay mid duruustii qadhaadhaa ee siyaasadeed iyo dhaqaale la,aaneed waxku qaatay maantana ah kuwo hogaansamaya sida caalamka maanta loo maamulo .

Madaxweyne siilaanyo wuxuu ogolaaday dhamaan waxyaabaha maslaxada dalkiisa lagu xidhay sida saldhiga berbera , soosaarista khayraadka , balaadhinta dekeda oo shuraako lagu yahay , taasoo damaanad qaadaysa in soomaaliland amni ahaan iyo siyaasad ahaanba loo aamino sidii horumar loo gaadhsiin lahaa .


Hadaba arinkan maanta ka bilowday wadamada khaliijka ayaa isna noqday mid burbur Ku keeni kara dhamaan heshiisyadaa iyo maalgelintaa aynusoo sheegnay haddii soomaaliland diido inay siyaasada aduunka Ku raacdo mawqifkooda hadase waxay noqotay mid siyaasadeedu ka wanaagsan tahay dawlado badan oo caalamka Ku yaal waxayna damaanad buuxda siisay siyaasada caalamka iyo in lagu aamini karo siyaasad iyo dhaqaale hadba kii loodhiibto , taasoo ay u bilaabmayso weji cusub oo dhamaan wadamada aduunku ugu soo hiloobaan iyadoo aan looga baahnayn tijaabo danbe oonka ahayn in madaxweynihii qabsadaaba qaato amarada lasiiyo keliya . kolkaa waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa madaxweyne axmed maxamed maxamuud iyo xukuumadiisa ee iska horqaaday caqabadii ugu weyneyd ee siyaasadeed ee kalasoo gudboonaatey arimaha dawladaha khaliijka , shacabka soomaalilandna waxaan usoo jeedinayaa inay Ku taageeraan dawladooda iyo mowqifka ay iska taagtey arinkaas iyo inaynu soomaaliya Ku kala mowqif duwanaano maadaama aynaan isku siyaasad ahayn , una diyaar garooba citiraaf iyo waxsoosaar degdega .

Qore : maxamed aadan axmed
Siyaasi madax banaan
Ahna baadhe siyaasadeed.

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
WAREYSIYO