Thursday June 29th, 2017
Burcoonline
Telesom
Eurosomtravel
Somali Flags
eurosomtravel.com/

SHIRKA BALI DHIIG WA DHUXUL DANBAS HUWAN ! By Dr mustafe cabdilahi xuseen GURAAYE

1
Wednesday June 14, 2017 - 12:55:28 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHIRKA BALI DHIIG WA DHUXUL DANBAS HUWAN ! By Dr mustafe cabdilahi xuseen GURAAYE

    Waxan halkan ka salaamaya dhamaan umadda reer somaliland xukuumada iyo shacab , qaran joog iyo qurba joogba waxa kale oo aan salaamaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama Vapor Smoking
Waxan halkan ka salaamaya dhamaan umadda reer somaliland xukuumada iyo shacab , qaran joog iyo qurba joogba waxa kale oo aan salaamaya

Waxan halkan ka salaamaya dhamaan umadda reer somaliland xukuumada iyo shacab , qaran joog iyo qurba joogba waxa kale oo aan salaamaya dhamaan qaybaha kala duwana ee beelaweynta HABAR JECELO haday tahay aqooonyahanka ,siyaasiyiinta , ganacsatada , bahda dhaqanka ,dhalinyarada iyo haween weynaha qaran jooga iyo qurba joogba .

Waxa kale oo an halkan salaamaya dhammaan hawl wadeenada SHABAKADAN oo runtii umadda u soo tabiya warar iyo wacaal xaqiiq ah .

Intaas ka dib waxan maanta qalinka u qaatay inan wax ka dhaho shirka lagu magac dhabay GURYO SAMO 1 shirkaas oo la sheegay inay qabsanayaan DHALINYARADA BEELO WEYNTA HABAR JECLO loona qondeeyay inu ka qabsoomo Degmada BALI DHIIG ( BALI KHAYR ) oo ka tirsan gobolka tog dheer iyago ku mudeeyay 22 june 2017 inu qabsoom.

Haddab shirkan ayaa hadal hayntiisu maalmahan aad ugu badatay saxafad somaliland qaybaheed kala duwan haday tahay tan la daawado (televisions ka ) tan la akhristo ( websites and journalis) iyago ka bixinaaya faalooyin kala duwan kana tabinaya wajiyo kala gadisan .

Intanan si toos ah u guda galin lafa gurida shirkan bal aan yara dul istaago qiimaha iyo sooyaalka tariikheed ee ay leeyihiin degmada bali dhiig iyo dadka ilahay ku uumay ee nasiibka uu siiyay

Degmada bali dhiiga waa degmo guun ah oo ka tirsan gobolka togdheer ,waxayna juqraafi ahaan kaga beegantahay dhinaca koonfur bari , degmadan waxay ledahay taariikh aad u balaadhan oo guun ah taas oo ay ka dhaxashay dadka ilahay SWT halkaa ku uumay , bal intiina aan aqoonta u lahayn aan iskiin baro degmadan taariikhdeed iyo dadka ilahay ku uumay qiimahooda .

Degmadan waxa dega oo ilahay ku uumay qoys lagu magacaabo REER DAAHIR , waa dad ilahay ku galad wanaag , gobonimo , marti soor iyo magan galin cid kasta oo la dulmiyo oo ku eersata , waa dad aad u jecel daris wanaag iyo wada noolanshiyaha , wa umada ku suntan halgamadii kala danbeeyay ee soo maray dhulkan ilahay inagu uumay ee jamhuuriyada somaliland , halyeeyada iyo haldoorka ay dhashay degmadani ee umada afka somaliga ku hadasha ka dhex caan baxay ayaan jecelahay bal inan idin xusuusiyo ,kuwaas oo ku caan baxay waxyaabo kala duwan .



1. Ina sanweyne .

Wa Garyaqaanka ugu caansan inta ku hadasha afka somaliga AHN , waa shakhsiga ilaa maanta loogu soo hal qabsado marka la jooga madaalaha garnaqsiga iyo xaqsoorida , Garyaqaanku wax awoow u yahay madaxweynaha jamhuuriyada somaliland md axmed maxamed maxamuud aadan ( siilaanyo ) .


2. Aqoonyahan faarax oomar.

Waa aqoonyahanki qalinka kula dagaalamay gumeystihii ingiriiska ee gumaysan jiray dhulkan barakaysan ee somaliland waa halgamaa taarikh facweyn ku dhex leh taariikhda somaliland , AHN .

3. Abwaan. maxamed nuur fadal

Wa abwaan somaliyeed oo inta suugan ka ag dhawi ay aad u jecelyihiin sugaantisa , runti wax umada afka somaliga ku hadasha uga tagay sugaan ay ku doogantahay murti aad u shilis , waxu sido kale ahaa ganacsade ilahay siiyay xoolo aad u badan, AHN.


4.shiikh. cabdi kariim xasan xoosh

Waa shiikh ay wada garanayaan inta arrimaha diinta dhagadhagaysa , waxu hadda ku noolyahay magalada burco wana hogaamiyaha kooxda salafiyiinta ee jamhuuriyada somalialnd .


5. Muj. Maxamed kaahin axmed .

Waa Gudoomiye ku xigeenka xisbi xaaakimka kulmiye ,kana mid ahaa mujaahidiinti uga wax qabadka badan halganki dib u xoreynta somaliland ee SNM , wan siyaasi ruug cadaa ah .


6. Muj. Waraabe cadde

wa mid ka mid ah odayashi ka qayb qaatay halgankii dib u xoreynta somaliland waxanu ka mid ahaa mujaahidiinti uga caansan SNM AHN .


7. Qora. Maxamed baashe x,xasn .

Wa qoraa aad wada garanaysaan waxanu ka mid yahay qorayaasha ugu caansan gayiga somalidu degto waxa uu qoray buugag badan oo umada afka somaliga ku hadasha wax badan ka anfacay , buugi uga danbeeyay ee u qora ayaa ahaa :

AFKA HOOYO WA HODAN

degmada bali khayr ayaa dhashay dhamaan shakhsiyaadka aad wada akhrideen taariikhdood ee umada somaliland magaca weyn ku dhex leh , walaw aan taariikhdooda waxa badan ka xusin sido kale Degmadan ayaa marti galisaya shirar badan oo ay qabsatay beel weynta habar jeclo waxan ka xusi karaa kii lagu caana shubay suldaanki guud ee ugu horeeyay ay yeelato beesha habar jeclo suldaan cali A HN

Degmadaa dhashay shakhsiyaadka aan kor ku xusay isla markaan marti galisay munaasabadaha taarikhiga ah , ayaa nasiib darro waxa jira koox dhalinyara oo doonaysa in magaceeda iyo tarikhdeeda dhooqeeyaan , dhalinyaradaas oo shir aan cidna isla ogeyn oo dhalinyarada habar jeclo u dhameyn kula caraabay degaankaas , shirkaas oo daaha dabadiisa ka hagayaan xisbiga mucaaradka ah ee WADANI , qaban qabadiisana ay wadaan koox dhalinyara ah oo ka cadhooday xisbiga kulmiye,.

Hadaba waxan halkan uga baaqaya cid kasta oo jecel una damqanaysaa degaanka magac iyo maamuuska weyn leh inay u kacaan sidii ay shirka u baajin lahayeen , hadii aan maanta taas wax laga qaban waxa dhici doonta inay taarikh madaw ku noqon doonta degmada bali khayr isla markaan ay masixi doonto wanaagii aya caanka ku ahayd degmada bali dhiig .



Mahadsanid

Mustafe cabdilahi xuseen

B.sc. Medical microbiology

International university of Africa ( khartoum_sudan)

Burco _soamlialnd

Guraaye24@gmail.com

+252634476257

+252659111348


Bidvertise

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
Halkan Ka Daawo: Shirkad Cusub oo Lagu Magacaabo Tijaaro oo Wadanka China Lagaga Furay Iyado Kuu Fududeynaysa Ganacsigaaga Iyo Ganacsiga CHINA
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Iyo Guddida Guud ee Beelweynta Habar Jeclo oo Sheegay INaanay Ogolaan Doonin Dadka Shirarka MIdnimo Iyo Kuwa Dhalinyarada Ku Baaqaya
Halkan Ka Daawo:DUCMANTERY Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Gurigii Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu Taaga Jamhuuriyada Soamaliland Sanadkii 1991
Halkan Ka Daawo: Fanaanka Weyn ee Cabdijabaar Al Khaliiji oo Hees Cusub oo Loogu Talo Galay 18 MAY Hadda Daawaha Ka Soo Rogay Heestan oo Loogu Magac Daray ( DHARAAR WEEYE SUNTAN)
Halkan Ka Daawo : Warbixin Dhismaha Wadada Sanaag Iyo Togdheer Oo Wakhtigan Bulshadu Si Weyn Ugu Raysatay Dadka Ku Safra Wadada Iyo Bulshada Degaanadaasi Oo Si Weyn U Mahadiyay Mashruuca Guuleystay Ee Wadadaasi
Halkan Ka Daawo: Jaaliyada Habar jeclo Iyo Subeer Awal oo Kulan London Iskugu Yimi Kaga Tashanayaan Sidi Hawlaha Xisbiga KULMIYE Loo Dardar Gelin Laha
Halkan Ka Daawo:Gudoomiyaha Degmada DHOQOSHEY Oo Ka Warbixiyay Mashaariic Horumarineed Oo Xukuumadu Ka Wado Degmada Dhoqoshey+Muxuu Ka Yidhi 18ka MAY Ee La Joojiyay
HALKAN KA DAAWO: QOYSAS ROOBAB KA DA AY GOBALKA SANAAG XOOLIII ABAARAHA UGA HADHAY KA MADHIYEEN IYAGA OO XAALAD ADAG OO DHANKA NOLOSHA KU JIRA UNA BAAHAN TAAKULO
Halkan Ka Daawo:Warbixin Laga Diyaariyay Raxmaadka Eebe Ee Ka Da,ay Inta U Dhaxaysa Degmooyinka Garadag Iyo Ceel Afweyn Ee Gobolka SANAAG
WAREYSIYO