Friday May 25th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Sheekh Saleeban Ma Ka Abaal Guday Ragii Siyaasada Soo Galiyey Mise Uu Ku wacad Furay Qormo Xiiso Leh

0
Wednesday June 14, 2017 - 16:31:02 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Saleeban Ma Ka Abaal Guday Ragii Siyaasada Soo Galiyey Mise Uu Ku wacad Furay Qormo Xiiso Leh

    Sheekh Saleeban Ma Ka Abaal Guday Ragii Siyaasada Soo Galiyey Mise Uu Ku wacad Furay Qormo Xiiso Leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Saleeban Ma Ka Abaal Guday Ragii Siyaasada Soo Galiyey Mise Uu Ku wacad Furay Qormo Xiiso Leh Sheekh Saleeban Ma Ka Abaal Guday Ragii Siyaasada Soo Galiyey Mise Uu Ku wacad Furay Qormo Xiiso Leh Agaasimaha Diinta Iyo Waqaafta Somaliland Sheekh Saleeban Siciid Cali Waxaa Uu Ku dhashay Duleedka Magaalada Abdaal Sanadkii 1978kii waxaanu ku barbaaray deeganada udhexeeya Hargaysa iyo Berbera waxaa sheekhu kasoo jeeda qoys reer guuraa ahaa oo kamid ahaa dadka xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan deeganada buuraylada Ku teedsan Deeganka Sheekh Abdaal Saleeban waxaa soo galay magaalada Berbera sanadkii1995kii 
waxaa hore usoo bartay oo yaqaanay Quraanka Kariimka Ah kadibna waxaa horeba ka galay Madarsadda Aflax oo ku taalay masjid jaamaca wayn ee magaalada Berbera taasi oo uu ka noqday Barre Ku Xigeen Ama Ka Dhagayste Quraan oo ah marka uu ardaygu madaxa lasoo galayo Macalinimo intaas kadib waxaa kamid noqday ardayda quraanka Barta Ardayda Madarasadaasi Waxaa sidoo kale noqday macalimiinta masaajidka shide Yare ee magaalada Berbera casharada ka dhiga intaasi kadiba wuxuu ku jiro madarasaha quraanka iyo culimada la jecelyahayba sanadkii 2006 Ayuu isku dayey inuu noqdo gudida culimada magaalada Berbera oo mansab ugu sareeyey wakhtigaasi balse masuurageline waxuu iska ahaa culimada iska degan masaajid ee laga ducaysto dadkuna casharka shifada ah uga codsadaan inay utufaan sheekhu 
uu sidoo kalena ahaa culimadii akhriyi jirtay mawliidka Nebiga Dadka reer guuraga ahi jeclaayeen Sheekh Saleebaan ayaa siyaasadda mar kaliya kaga soo booday kadib markii loo soo magacaabay sanadii 2007-dii Iskuduwaha Diinta Iyo Awqaafta Gobolka Saaxil balse waxaa uu ahaa macalinkiisi waynaa ee dhanka siyaasadDa Gudoomiyihii Gobolka saaxil Mudane Ramaax Cali Hayste Oo ahaa hagihii ugu horeeyey ee indhaha siyaasadDa u kala furay waxa uu ahaa masuulkii ugu horeeyey ee madaxtooyada geeyey ama galiyey 
sheekh Saleeban isagoo wakhtigaasi ahaa isku duwaha wasaarada Diinta iyo Waqaafta Gobolka Saaxil. Sheekh saleeban oo isku darsaday Diin iyo afmiishaarnimo waxa uu hoos ula hadlay marwada Kowaad ee dalka Aamina Waris Jirde oo ay hayb ahaan isku dhawyihiin isagoo isla markiiba ka dhaadhiciyey inuu la shaqayn doono waliba uu yahay nin ololaha iyo guulwadaynta ku fiican taasina ay xisbiga KULMIYE iyo gobolka Saaxil isku xidhi doonto waxa kale oo uu si adag ugu xidhmay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wakhtigaa ahaa wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo isagana uu usoo balanqaaday inuu ufududayn doono wax kasta oo gobolka Saaxil kaga xidhma Sheekh Saleebaan intaasi kadibna 
waxa si deg deg ah loogu magacaabay Mareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera markii ay xukuumadii iyo xubnihii wakhtigaasi ubogeen guulwadanimadiisa ilaa masaajida gashay oo khubadaha jimcaha kaga dhex ooyi jiray kuwaasi oo ay kamid ahaayeen khudbadihii taariikhda Galay kuwii ay ku jirtay "Allow Madaxwayne Siilanyo Iyo Aamina Waris Ubadsii" Sidoo kalena waxaa uu yidhi " Siilanyo Iyo Nebi Maxamed Csw Sadex Meelood ayey Iska Shabahaan" 
waxaa kale oo uu qorshihiisa lahaa masaajid Loogu Magac darray (Masjid Siilaanyo Oo dekeda ku dhexyaala) Sheekh Saleebaan intaasi kadib waxaa ku dhex fasaqay siyaasada oo aanu wakhtigaa waxba ka fahamsanayn wuxuuna noqday shakhsiyaadka loogu necebyahay gobolka Saaxil kadib markii laga yaabay sida ugu dhaqmaayo beenta ,Boobka Hantida Umada ,Guulwadaynta Iyo basaasida dadkiisa uu kasoo jeedo iyo xukuumada isagoo sidoo kale noqday shakhsiyada kaliya ee madaxdu iska eegto ama ka xan qarsadaan markay sheekaysanayaan waayo dhagta kaliya ee birta dhaafin karta shakhsiyaadka xukuumad la shaqeeya oo warkiisa ayaa meel dheer gaadha. Siyaasad ahaan waxay isugu nebcaayeen gobolka saaxil mareeyihii hore dekeda Berbera Eng Cali xoor xoor wuxuuna ahaa masuulka kaliya ee isaga caal waayey Dabagalkiisa iyo siyaasad xumadiisa 
waxaa kale oo ay sidoo kale col ahaayeen Gudoomiyaha Degmada Berbera Cabdishakuur Cidin. Arinta xiisaha leh ayaa waxay ahayd Kadib markii uu xilka kusoo guulaystay mareeye Saleeban wakhtigaa waxaa markiiba munaafaqdiisi ka Bilaabay ninkii jarabiyey ee salaanka siyaasada cagta usaaray Mudane Ramaax oo sabab u noqday in gobolka laga bedelo kadib markii uu usoo raacay Cabdilaahi Abokor Oo ay hayb dhow Yihiin mareeye Saleeban kaasi oo ay Ramaax isku maandhaafsanayeen wakhtigii wasiirka amniga ahaa faragelinta doorashadii golaha deeganka Berbera 
halkaasi oo gacanta iskula tageen Cabdilaahi Abokor Iyo Ramaax,Siyaasi Saleeban ma eegin saaxiibnimadii hore waxaa uu qaybyaalad hoose ku raacay siyaasigii ay isku hayb dhawaayeen taasina waxay keentay in moos dheer laga tuuro Badhsaab Ramaax. Balse Ramaax ma hadhine 
markii xilka wareejinayey ayuu Magac Taariikhda Galay oo cadaynaya munaafaqda iyo is rogrogida Saleebaan ubixiyey Wuxuuna Cod dheer ku yidhi (Musse saabiri )kaasi oo hada bulshadu hoos ugu dhigto ama ku xamato Waxaa kale oon halkan kusoo bandhi doona boobka uu sameyey intuu mareeyaha ahaa iyo hor wakhtigii iskh duwaha ahaa oo timir iyo caawimooyin badan dadka danyarta ahaa ka cunay iyo sidoo kale hawl dhex martay nin kamid ahaa culimada tabliiqa oo ilaa hada Berbera Laga Sheekaysto Maxamed Geele Shire Berbera Shaadali1@gmail.com baalcade143@gmail.com

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
WAREYSIYO