Friday May 25th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Isbedellada Bariga dhexe iyo isbedelada Soomaaliland

0
Sunday June 18, 2017 - 19:14:02 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Isbedellada Bariga dhexe iyo isbedelada Soomaaliland

    Bilowgii 1990s waxa Dunida Carabta ka dhacey Arrimo aan hore loo saadaalin oo ugu horreysay Dagaalkii Ciraaq ku qabsatey Waddanka Kuwait waxa xigtey Dagaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bilowgii 1990s waxa Dunida Carabta ka dhacey Arrimo aan hore loo saadaalin oo ugu horreysay Dagaalkii Ciraaq ku qabsatey Waddanka Kuwait waxa xigtey Dagaal

Bilowgii 1990s waxa Dunida Carabta ka dhacey Arrimo aan hore loo saadaalin oo ugu horreysay Dagaalkii Ciraaq ku qabsatey Waddanka Kuwait waxa xigtey Dagaal Saf ballaadhan ah oo Xulafadii Mareykan hogaaminyey iyo inta badan Dowladaha Carabtu ay ku eekeeyeen Dowladdii Ciraaq ee uu ka talinaye Saddaam Xuseen, haddiiba Kuwait laga saareyna Dagaalku intaa kuma joogsan ilaa Saddaam Xuseen loogu galey God la sheegey inuu ku dhuumaaleysaney waxa ila Xog-ogaal ahi ay sheegaan in bilowgii Dagaalka ay Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ku dhiirri gelisay Saddaam Xuseen in uu Weeraro Kuwait taas oo uu kaga Aar- gudanayey Dibin-daabyooyin oo ka tirsanayey Kuwait intii uu ku foognaa Dagaalkii uu kula jirey Waddanka Iiraan haddaba is-qabqabsigii Dowladaha Carabtii intaa kuma dhammaan waxa uu maalinba meel ka qarxana waxa ay soo gaadhey Maanta in Ammiiraradii Khaliijka ay isu biyeystaan waana halkii ugu danbeysay meel bed-qabta Dunida Carabta iyada oo aynu ka dheregsanahey waxa ka dhacey Ciraaq, Suuriya Suudaan Masar iyo in badan oo ka mid ah Dawladihii Carabta, Haddaba waxa iyana intaa Barbar socdey is-marin waa la mid ahaa oo Soomaalida dhexdeeda ka socdey aakhirkiina keentey in Soomaaluland oo 26June1960 ku biirtey Somalia ay Dib ugu dhawaaqdo in ay ka noqotey israacii lixdan kii, In kasta oo Bilowgii Sagaashanaadkii Soomaaliland ay ka dheceen Dagaallo sokeeye oo lagu hoobtey haddana waxa muddo ka dib Soomaaliland ku guuleysatey iney dhistaan Dowlad si dimuqraadiga isugu Wareejiyaan Afar Madax weyne 1:Cabdiraxmaan Axmed Cali
2:Maxamed Ibrahim Cigaal
3:Daahir Riyaale Kaahin
4:Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadda ah Madaxweynaha Soomaaliland.Waxa aynu odhan karnaa waxaa uu Madaxweyne Siilaanyo helay Fursaddii ugu wacneyd ee Madaxweyne Soomaaliland ahi helo isaga oo la wareegey Dowlad wax kastaa uu dhan-yihiin Parliament,Maxkamado iyo dhammaan Hay adihii Maamulku, Nasiib darro e ma ay noqon sidii la filayey in looga faamiideysto Fursaddaa Dahabiga aheyd iyada oo Sababtana loo aaneynayo in Madaxweynihii la doortey how-gab noqdey Maamulkii Waddkana ay la wareegeen Familygiisa iyo Koox Wasiiro ah oo iyaku qadhaabsi doon ah. Taasina waxa ay Sababtey in ay meesha ka baxaan Haydihii Sharciga sida Parliamentkii Maxkamadihii iyo Guurtidii, Qabyaaladdiina Cirka isku shareerto, Dad weynihiina ay la soo gudboonaato Jaha-wareer Siyaasadeed lana kala garan waayo Cidda dhab ahaan Waddanka xukunta.Ugu danbeyntii iyada oo la saadaalinayo in ay Waddanka doorasho ka dhacdo dabayaaqada Sannadkan 2017 ayaa waxa muuqata in ay adkaan doonto Habsami u socodka doorashooyinka Asbaabaha aynu kor ku xusneyd owgood


QORE:Ibrahim Diiriye
London:UK

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
WAREYSIYO