Friday December 15th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Mar hadii gudidii culimada ee dastuuriga ahaa la magacaabay waa in wasaaradii diinta la baabiiyaa oo shaqadeedii iyo xafiisyadeediiba lagu wareejiyaa culimada la magacaaby sababahan dartood

0
Sunday June 18, 2017 - 19:14:02 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mar hadii gudidii culimada ee dastuuriga ahaa la magacaabay waa in wasaaradii diinta la baabiiyaa oo shaqadeedii iyo xafiisyadeediiba lagu wareejiyaa culimada la magacaaby sababahan dartood

    waxaan xukuumada jamuuriyada somaliland ku hambalyaynayaa magacaabista gudiga culimo aw diinka ee sharciga ah ee dhawaan la magacaabay Inkatoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaan xukuumada jamuuriyada somaliland ku hambalyaynayaa magacaabista gudiga culimo aw diinka ee sharciga ah ee dhawaan la magacaabay Inkatoo
waxaan xukuumada jamuuriyada somaliland ku hambalyaynayaa magacaabista gudiga culimo aw diinka ee sharciga ah ee dhawaan la magacaabay
Inkatoo aan aaminsanahay in lala soo daahay. Waxaanan ku dari lahaa in lagu daro. culimada cabanaysa ee qaadiriyada qaybtoodii



Iyadoo sida ugu dhaqsaha badana loo horgayn doono golaha guurtida si ay waajibaadkooda sharci uga gutaan

FAA'IIDADA AY DALKA U LEEDAHAY GUDIGA CULIMADU

runii lama soo koobi karo faaiidada ay gudigan culima aw diinku u leedahay dalka laakiin hadaynu qaybo ka mida soo qaadano

Ugu horayn waxaynu la soconaa in dalka ay kusoo badanayaan firqooyin diimeed oo maalinba maalinta ka danbaysa soo badanaya
Taasoo khalkhal ku keeni karta caqiidadii suubanayd ee diinta islaamka isla markaana ay. Ayku. Wareereen dadwaynii caamada ahaa

Waxaanay gudigani dawo ka tahay in ay shacabka u bayaamiyaan in cid kastoo suna khilaafa oo magac diimeed huwana ay ka hadlaan dadkana uga digaan


Waxaa kale oo gudigan culimo aw diinku ay dawo ka noqonayaan isu soo dhawynata. Waxyaabaha yar yar ee lagu kala aragti duwan yahay. Maadaama ay gudiga culimada. Ay kuwada jiraan dhamaan qaybaha kala duwan ee culimada dalkeena

Waxaa kale oo gudiga culimo aw diinku shaqadooda koobaad noqonaysaa in ay saxaan dhamaan xeerarka dalka kuwa jira iyo kuwa la samayndoonaba
Isla markaana ay ka nadiinfin doonaan qodobo kastoo ka hor imanaya diinta islaamka. Si toosa iyo si dadbanba

Waxaa kale oo ay ka hawlgali doonaan inay baadhis ku sameeyaan dhamaan cilaajyada faraha badan ee dalka ka jira iyo dadka daweeya cudurada. Jinka sixirka iyo isha. Iyagoo hubin doona kalana saari doona ka suniihii diinta wax ku dawaynaya iyo kuwa junuuda iyo sixirka wax ku dawaynaya. Ee adeegsanaya waxyaabo xaaraana

Taasoo aynu ognahay in muran badani todobaadadii u danbeeyay kasoo noqnoqonayay. Isla markaana ay dadwaynii ku dhaga barjoobeen wixii saxnaa iyo wixii qaldanaa

Waxaa kale oo gudigani marjac unoqonayaa dhamaan wixii fatwo diimeeda
Waxaanay aad u yaraynayaan in. La buunbuuniyo waxyaabaha lagu kaka argti duwanyahay ee xaga madaahibta ah waxaanay kor u qaadi doonaan in la oogo sunahii rasuulka CSW

Waxaa kale oo xusud mudan in gudigani maadaama ay madaxbanaan yihiin ay xukuumada lafteeda ka qabanayaan wixii qaladaad ah ee ka yimaada ee meel ka dhac ku ah diinta islaamka. Taasoo aanay awoodi jirin wasaarada diinta iy awqaaftu maadaama iyada lafteedu waa wasaaradee ka tirsanayd golaha xukuumada

Hadaba hadaan intaa ku soo koobo faaiidada gudiga culimo aw diinka ee sharciga ah iyadoo aanan dhamayn karayn faaiidadooda. Bal hadana aan soo koobo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la baabiiyo wasaaradii diinta iyo aw qaafta isla markaana shaqadeedii iyo bajadkeediiba lagu wareejiyo gudiga culimada ee la magacaabay.
 

Wasiirada xukuumadu waxay ka tirsan yihiin golaha xukuumada waxaanay madaxwaynaa la doortay u matalaan. Siyaasada wasaaradaa loo magacaabay inay ku hagaan dalka

Waxaa kale oo ay masuul ka yihiin wasiiradu. in ay si dadban u matalaan oo ay isku xidhaan beelaha ay kasoo jeedaan Iyo xukuumada ay ka tirsanyihiin
Sidaa darteed waxaa wasiirka diinta Ee dalka diinta uga masuulka ah ku waji gabax ah in loo diro beeshiisii waayo waxaa la saaray masuuliyadii diinta. Sidaa darteed suura gal maaha in sheekh loo magacaabay diintii inuu masuul ka noqdo hadana lagula xisaab tamo reer yar oo hoose

Waxaa kalo oo iyana xusid mudan in beeshii loo tiriyay ay kula xisaabtamayso maxaad noo qabatay maxaad noo shaqaalaysiisay
Taasoo ku kalifaysa wasiirkii dhamaa ee sheekha ahaa ee diinta masuulka ka ahaa inuu qabyaaladeeyo si uu isaga aamusiiyo beeshiisan la xisaabtamaysa. Waxaanay taasi ku keenaysaa inuu Wixii shaqo ah ee uu arkaba uu ardaagiisa ka fuur yeelo

Wixii sadaqo ama sako ah ee soo galana uu ka fuur yeelo tolkii ilayn siyaasadii ayuu u matalaaye sida wasiirka imka xilka hayoo kale

Waxaa kale oo jira in wasiir kastaa oo diinta loo magacaabaa ay qasab. Ku tahay inuu firqooyinka diimeed ee jira mid noqonayo.

Waxaanay taasi xukuumada ku keenaysaa in firqooyinka kale ay xukuumada u arkaan inay u kala hiilinayso ama lakala safantahay culimadii dalka
Waxaanay taasi xukuumada ku keeni kartaa oo kale in qaybo culimada ka midi ay cuqdad u qaadaan dawladii oo ay isku dhacaan. Sida qaadiriyadan cabanysoo kale

Sidaa darteed waxaan xukuumada aad ugu adkaynayaa in ay kaka dirto wasaarada diinta iyo awqaafta isla markaana. Ay shaqadeedii iyo xafiisyadeedii iyo bajadkeediiba ay ku wareejiso gudigaa madaxbanaan ee culimada dalka ee firqo kasoo diimeed iyo gobol kastaaba ay jiraan

Waxaa kale oon tusaale u soo qaadanayaa waxaa jira marar ay isku dhacaan ama is fahmi waayaan. Golayaasha dalku arin. shareecada ku saabsiisan

Tusaale. Waxaa dhawaan golaha wakiilada loo soo gudbiyay xeerka bangiyada ganacsiga oo ay xukuumadu u soo gudbisay golaha waxaana xeerkaa ka dhashay buuq fara badan. Oo ay samaynayeen qaybo culumada dalka Ka. mida oo u arkayay in ay ribo ku jirto xeerkaas baananka maadaama ay ribo ku jirtana ay xaaraan tahay in golahu ansixiyo

Waxaanay xubnihii golaha wakiilada ee xeerkaas taageersanaa ay ku doodayeen in aanay xeerkan ribo ku jirin. Isla markaana dawlaha islaamkoo dhana ay ku dhaqmaan xeerkan
Waxaanay xubahaasi ku eedaynayeen culimadii kasoo hor jeeday xeerkan in ay difaacayaaan bangiyada dalka hore uga sii jiray ee dulsaarka badan leh isla markaana ay sheer. Ka yihiin oo ay difaacayaan dantooda gaarka ah
Ee aanay xaaraani ku jirin Xaaraani

Markii hadaba ay is qabteen golahii wakiilada iyo culumada qaarkood isla markaana ay isku. Khilaafeen masalo shareecada ku saabsiisan
May jiri cid madax banaan oo aqoon. diimeed leh oo kala dhex gashay

wasaaradii diinta ee arintaasi shaqadeeda ahaydna way ka gaabsatay maadaama ay xeerkan xukuumadu soo gudbisay.
Wasaaraduna golaha xukuumada ay ka tisnatahay

Waxaan hadaba sidaa u leeyahay. Haduu uu jiri lahaa gudidan culimo aw diinka ah ee dastuuriga ahi ee madaxabanaani way kala dhex gali lahaayeen waxaanay si cad u sheegi lahaayeen in wadaadadu danaysataal cid difaacaya yihiin

iyo inay golaha wakiiladu ay doonayaan inay ansixiyaan. Xeer aan diinta waafaqsanayn

Sidaa darteed waxaan ku soo gabagabaynayaa in gudigaa culinada la xoojiyo oo dhaqaalihii ay ku shaqayn lahaayeen loo sameeyo laguna wareejiyo bajadkii wasaarada iyo xafiisyadeediiba
Wasaaradaa diinta iyo awqaaftana. meesha laga saaro
Xilkeediina gudigaa culimo aw diinka lagu wareejiyo

...cheif caaqil axmed ciise cumar..

 
 

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO