Tuesday December 12th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

QOL-QOL JOOGA SOMALILAND OO QUUS KA TAAGAN INAY QAATAAN WARQADDA DIIWAANGELINTA ,KAADHKA DHALASHADDA IYO KAADHKA COD-BIXINT||||.

0
Sunday August 06, 2017 - 17:01:30 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QOL-QOL JOOGA SOMALILAND OO QUUS KA TAAGAN INAY QAATAAN WARQADDA DIIWAANGELINTA ,KAADHKA DHALASHADDA IYO KAADHKA COD-BIXINT||||.

    QOL-QOL JOOGA SOMALILAND OO QUUS KA TAAGAN INAY QAATAAN WARQADDA DIIWAANGELINTA ,KAADHKA DHALASHADDA IYO KAADHKA COD-BIXINT||||.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QOL-QOL JOOGA SOMALILAND OO QUUS KA TAAGAN INAY QAATAAN WARQADDA DIIWAANGELINTA ,KAADHKA DHALASHADDA IYO KAADHKA COD-BIXINT||||.

Tan iyo intii la asaasay tartanka xisbiyadda badan 2001,oo laga guuro nidaamkii guurtidu wax ku

Soo dooran jirtay ,muwaadiniinta reer Somaliland ee loo yaqaano qol-qol jooga waxaa qalbigooda

Gashay rajo aad u wanaagsan iyo mustaqbal ay ku xisaabtamaan mar haddii ay yihiin 85%

dadka codaynayaa qol-qol joog in murashax kasta oo han madaxwayne lihi uu mudnaanta

koowaad siinayo

Muwaadinka dhabta ah ee passporkiisu yahay Somaliland ee wadanka aan dhinacna uga bixin oo

saamiga Xukuumadda ay ka helayaan75%haddii ay noqon lahayd wasiiro,wasiiro ku

xigeen,wasiiru dawlayaal,agaasime guud,badhasaabyo,Barlamaankana ay ku yeeshaan70%,iyo

hay,adaha ajaanibka oo ay ku yeeshaan80%,waxaa bilaabmay tartankii ururadda oo ay ku

tartamayeen dawladaha hoose 2002,waxaa la doonayey inay xisbi ahaan u soo baxaan sadex

xisbi, sadexddii xisbi ahaan u soo baxayna ay noqdeen xisbigii udub,xisbiga kulmiye iyo xisbiga

ucid.

Waxaa la gudo galay doorashaddii madaxtooyadda 2003,haddana waxaa la gudo galay tartankii

Golaha wakiiladda 2005, waxaa dhowr jeer dib u dhacday doorashaddii madaxtooyadda oo la

doonayey inay mar labaad ku beganto2008,waxayna doorashaddii madaxyooyaddu ay

qabsoontay2010,

Doorashaddii deegaankana waxay dhacday2012,intaas oo doorasho waxaa dhabarka u ritay oo

habeenkii saqda dhexe kayuuga ama safafka u hoyanayey oo ay dhaxantu iyo hu’la’aantu ku

dhacaysay

Muwaadinkaas marka dan la leeyahay laga dul dhareerinayo oo la odhanayo muwaadin

isdiiwaangeli,muwaadin kaadhka dhalashadda qaado,muwaadin kaadhka cod-bixinta qaado.

Goormuu muwaadin noqday ma marka dan laga leeyahay,marka danta laga leeyahay laga dhamaystana

Sida hangoolka loogu tuuro guriga qol-qolkiisa,ee markii loo baahan yahayna la soo qaado

miyuu qolqol joogu noqday,weli intaas oo doorasho dhacday oo muwaadinkaas xalaasha ah ee

wadankiisa aaminay ee aanu habeena ka maqnaan ,waxaa kaga nasiib iyo ayaan batay qurbo-

joog wuxuu ka shaqeeyo aan la ogayn,ma hilib doofaar ayuu iibiyaa,ma qamri,xashiishad,iyo

bulaacaddo ayuu ka shaqeeyaa,ma habro gaboobay oo gaalo ah ayuu u maydhaa iwm,qurbo

joog haddii uu doono diinta islaamka ka fog ku

dhaqankeeda oo xalaashaday waxyaalihii Allaah(Swt) xarimay sida

qamriga,xashiishadda,qaadka, sigaarka,zinadda iyo muusikadda,oo dhaqano xun xun ama

afkaaro gaalo wadanka la imanaya,halkii qurbo-joog diin leh oo dadnimo leh,oo akhlaaq leh,

Dal jacayl leh oo sahcabwaynihiisa ay walaalaha yihiin ee qol-qol jooga wixii uu ku dhaamo

U qabanaya haddii ay noqoto dhinaca aqoonta cilmiga maadiga,dhinaca horumarka.

Waa ayaan darro iyo doqonimo aad u wayn in murashax-kastaaba uu siin waayo mudnaanta

koowaad Qol-qol jooga ama muwaadinka dhabta ah 75%,qurbo-joogana 25% la siiyo mar

Haddii ay asal ahaan wadanka Somaliland ka soo jeedaan oo aan yagana la faquuqin.

 

15 wasiir oo qol-qol jooga ah,15 Agaasime guud oo qol-qol jooga ah iyo 62 golaha

wakiiladda oo qol-qol joog ah oo Baasaboorkoodu yahay somaliland waxay wax badan ka Bedeli

lahaayeen Caalamka, oo wadamadda reer galbeedka,reer barriga,afrika iyo wadamadda muslimka,Somaliland yagaa u baahan,oo Somaliland waxay ku taalaa goob istaraatiiji ah ama

Gobol aad u mihiim ah oo isku xidha afrika ,wadamadda carabta,iyo qaaradda yurub.

Masuuliyiintaas qol-qol jooga ahi ee baasaboorkoodu Somaliland yahay waxay khasab kaga

Dhigi lahaayeen caalamka aynu xidhiidhka la leenahay inay ku khasbanaadaan inay

Baasaboorkeena wadamadda caalamka lagu safro,halka intii ay Somaliland la soo noqotay

Xornimadeedii masuuliyiinta qaranka somaliland iskaga dambeeyey ha noqdaan m/waynayaal,

Wasiiro ilaa agaasimayaal guud lagu safro passport-yaal ama baasabooro Ajaanib ah oo qaar

Yurub yihiin,qaarna maraykan,qaarna itoobiya,jabuuti iyo soomaaliya.

Qol-qol joogu waxay rajo aad u wayn qabeen oo ay aad iyo aad ugu taamayeen tartankii Labaad

Ee doorashadda M/waynenimadda ee uu u tartamayey rug cadaaga wayn ahna hogaamiyihii ugu

Mudada dheeraa halgankii SNM,awood milaterina u yeelay jabhaddii SNM,oo uu u badheedhay

In dalka gudihiisa laga dhex-dagaalamo,kuna dhiiraday inuu Milaterigii Soomaaliya oo ahaa

Awooda Sadexaad ee qaaradda Afrika,inuu jabhaddii Snm ku amro inay madax-madax isugu

Tuuraan Labadda gobol ee milateriga soomaaliya awooda ku leeyahay waa Gobolka Togdheer

Ee caasimadiisu tahay Burco,iyo Gobolka Waqooyi galbeed ee caasimaddiisu tahay hargaysa,

Shacabwaynaha qol-qoljoogu rajo aad u wayn ayey ka sugayeen Axmed-Siilaanyo marka

Uu doorashadda M/tooyadda ku guulaysto inuu saamiga xukuumadda ka dhigi doono 75%

Shacabwaynaha qol-qoljooga,balse mar suurto gelin oo xukuumaddiiba waxay inteeda

Badan noqotay Qurbo-joog,maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii xumaanayey rajaddii

Ay ka qabeen qol-qoljoogu siyaasiyiintooda markay indhahooda ku arkeen ama ay idaacada,

Tv-yadda ay ka dhegaysteen Wasiiradda,agaasimayaasha iyo badhasaabyadda la magacaabay

Kuwa la magacaabay yagoo qurbaha ku maqan la magacaabay,qaarna ay dalka yimaadeen intaan

Lagu dhawaaqin liiska wasiiradda,agaasimayaasha iyo badhasaabyadda.

Xukuumadkastaaba waxay dhiiri gelisaa tahriibta sababtoo ah haddii qol-qoljooga mudnaanta

koowaad la siin lahaa oo saamiga xukuumadda iyo barlamaanka ay u badan lahaayeen sidaan

wedkayga u hubo waxaa suurta gal ah inta tahriibtaa inay noqon lahayd 1% ,halka manta inta

tahriibtaa ay yihiin 35%.

Xisbi kasta ama murashax kastaaba aqoontiisa gaabani waxay siisay inuu yidhaahdo qol-qol

joogoow qaado kaadhka cod-bixinta balse aanu ku dhiiran Karin inuu si cilmiyeeysan u qanciyo

oo ay is-waraystaan qol-qol jooga oo uu yidhaahdo waar qol-qol joogoow intaas oo doorasho si

wanaagsan ayaad kaadhka u qaadateen,oo si wanaagsan ayaad u codayseenee maxaa idiinku

dhacay 2016-2017,halkee bay sartu ka qudhuntay????”””

Qol-qol joogu quus aad iyo aad u wayn ayey ka taagan yihiin qaadashadda kaadhka dhalashadda

iyo qaadashadda kaadhka cod-bixinta ,waxayna jecel yihiin yagoo isku duuban inay la

xisaabtamaan sadexda xisbi qaran ama qol-qol joog kastaaba xisbiga uu taageersan yahay

yagoo isku duuban shuruud adag ay kala saxeexdaan inta laga siinayo saamiga wasiiradda,

Agaasimayaasha guud,inta laga siinayo xildhibaanadda wakiiladda,inta laga siinayo

xildhibaanadda deegaanka.

Qol-qoljoogii waxaa reer miyigoodii ku dhacay abaar aad u dabo dheeraatay oo xoolihii

wadankeenu uu qaniga ku ahaana meesha ka baxeen ama ay dabar go’een,gaajo,haraad,nafao

daro ay isu raacday oo weliba ay ku habsadeen xanuun shuban biyood ah oo waayeel,dhalinyaro

Iyo caruurba xabaalaha geliyey,waxna ay la ildaran yihiin xanuunkaas haleelay oo ay u baahan

yihiin xanaanayn aad u saraysa,daryeel caafimaad oo nadiif .

Waxaa iswaydiin leh qol-qol jooga ku dhaqan wadanka gudihiisa miyi iyo magaalaba suurta gal

ma noqonaysaa inaanu caqligoodu shaqayn oo dadba ninkii murashax ah sida xoolaha iska daba

Galaan,oo aanay shuruud adag la gelin murashax kasta oo han M/waynenimo doonaya???????

Haddii qol-qol joogu intay kaadhka cod-bixinta qaataan oo ay jeebka gashadaan oo ay codayn

waayaan ma u malaynaysaan inay doorasho dhacayso oo goobkastaba la waayo qol-qol joog soo

xaadira?????????””””””””””””.

Mise murashaxiintu intay doorashadda dib u dhigaan ayey doonan doonaan qurba jooga dibaha

ku maqan oo lagu qiyaaso 15%?”

Wadankastaaba wuxuu mudnaanta koowaad siiyaa muwaadinkiisa dugsi hoose,dhexe,sare ilaa

Jaamacad ka soo baxay wadankiisa,baasaboorkiisuna yahay baasaboorka wadanka.

Barlamaanka Somaliland waa in sharci adag la dhigo oo qeexaya in saamiga xukuumadda

Xildhibaanadda mudnaanta koowaad la siiyo qol-qoljooga,haddii talaabadaas lagu dhiirado

Qofkasta oo muwaadin ah ama qol-qoljoog ahi wuxuu aamini lahaa wadankiisa,haddii sidan

foosha xun ee ay wax u socdaan la sii xoojiyo la dhiirigeliyo in mudnaanta koowaad la siiyo

Qurbo jooga waxaa rajo beel noqonaya in qofkastaaba wadankiisa ka qaxo oo uu ka door bido

Saxaraha liibiya si uu uga sii gudbo wadamadda reer yurub,si berri ka maalin uu u noqdo

qurbojooga wadanka oo ay u dhoowaanayso xilalka wasiir,badhasaab iyo agaasime guud,

Wadankan ay yeelan doonaan qaxoontigan faraha badan ee bilaa sharciga kaga soo talaabaya

Itoobiya,oo ay noqoto sidii Magaaladda Diri-dhaba ee lagu soo daad-gureeyey oromo aad u fara

badan oromadaas oo markii dambe ee ay ka bateen soomaalida diri-dhaba oo la is-laayey waxaa

La sameeyey in cod loo qaado labada qolo,qoladda deegaanka koowaad noqonaysa,halkii ay

soomaalidu ku adkaysan lahaayeen cod nalooma qaadi karo ee deegamadda diri-dhaba ha ka

Baxaan oromaddu,calaa kuli xaal cod ayaa loo qaaday,codkii wuxuu noqday in oromaddu tiro

aad u badan oo lagu qiyaaso 60% inay ka noqdeen diri-dhaba,waa arrimaha itoobiya ku

taamayso Sidii ay u heli lahayd xeeb aad u dheer oo aan dhiig ku daadan inay dadkeeda kugu

Soo daad-gurayso oo maalinkastaaba sadex boqol oo qof oo bilaa sharci ahi wadanka soo galaan

Toban sano gudahoodna waxay noqonayaan 1080,000 qof milyan iyo sideetan kun oo qof.

Xoghayihii maraykanka u qaabilsanayd afrika jandaaya waxaa laga hayaa ma dhacayso ma dhici

karto,dhegahayguna maqli maayaan itoobiya86000,000sideetan iyo lix milyan ah oo aan xeeb

lahayn,waa inaad sida ugu dhaqsaha badan xeebaha idiin dhoow dagaal aan dhiig ku daadan

Ku qabsataan idinkoo toban milyan oo shacab ah ku daad guraynaya.

 


Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO