Saturday October 21st, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

"Kenya, Somaliland, Qabyaaladda iyo Doorashada!" M. Haaruun – 8 Aug, 2017

0
Wednesday August 09, 2017 - 10:30:38 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Kenya, Somaliland, Qabyaaladda iyo Doorashada!" M. Haaruun – 8 Aug, 2017

    "Kenya, Somaliland, Qabyaaladda iyo Doorashada!" M. Haaruun – 8 Aug, 2017

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kenya, Somaliland, Qabyaaladda iyo Doorashada!" M. Haaruun – 8 Aug, 2017
Afartaas kalmadood ee cinwaanka ku sheegan hadii
aad si fiican u dhadhamiso, waxa kuu soo baxaaya
meelo badan oo ay afartaasi iska soo galaan, amaba
qaraabo/ehel ka yihiin. Eeg, Kenya iyo dadkeedu aad iyo
aad ayaa ay u walwalsanyihiin. Sababtaas darted ayaa codbixintii
maanta loo hawl geliyay 150 kun oo cidan ah si ay amniga u
ilaaliyaan. In ka badan afartan kun iyo sided boqol oo goob
doorasho ayaa ay ka codaynayaan 19 milyan oo ka mid ah 45
milyan ka Reer-Kenya. Dadaal badan oo dhinac walba leh ayaa la
sameeyay si natiijada loo hubiyo, boqolaal milyan oo lacag ah ayaa
lagu kharash gareeyay, kumanaan goob-jooge ayaana la geeyay
goobahaas tirada badan. Si kastaba, doorashada Afrika ma aha mid
hawl yar, waxaana xoog u fudud in ay dagaal beeleed isu bedesho,
oo nafo badan lagu waayo.
Sababo badan ayaa keena dirirta ka dhalata doorashada, (Post
election conflict), laakiin waxa ugu daran hal sabab, taas oo kuwa
kale oo dhan tiir-dhexaad u ah. Sababtaasi waa in kooxda xukunka
haysaa ay si bilaa xishood ah, oo bilaa tudhis ah xukunka isugu
dhajiso, ayna doonaan in natiijada doorashadu noqoto midda ay
‘iyaku’ rabaan uun, Waxa ayna ku doodaan in meeshu Afrika ay
tahay! Doodda ah, "Meeshu waa Afrika” waxa ay xambaarsantahay
micnayaal kala duwan, laakiin waa micnayaal dhamaantood wada
xun, waxaana ka mid ah in aanu xishood jirin, damiir jirin, dadnimo
jirin, sharcina jirin. Meel aan intaasi ba jirin sidee kursigaaga u bixin
kartaa? Geesta kale, sidee kuwa kula tartamayaa u aqbali karaan
jujuubka iyo boobka noocaas ah, ee fikirkaas foosha xumi na ka
dambeeyo, ee la isla ogyahay? Labadaas dareen dhexdooda ayaa
dagaal beeleedka iyo dirirtu ka bilaabataa. Sidaas o ay tahay, Kenya
dadaal badan, oo badan, oo dhinac kastaba leh ayaa ay samaysay si
aan natiijada loogu murmin, oo aanay masiibo u dhicin sidii 2007
kii. Xata ilaa xad ayaa ay gaadhsiiyeen in natiijada lagaga
dhawaaqo goob-doorashada, oo website kana la geliyo si aanu u
imanin muranka ah isu geyntii baa la qalday. Xataa Kenya
shuruucdii waddanka ayaa ay is bedel wayn ku sameeyeen, oo
cidda musuq samaysa, amaba olole beelaysan iyo kicin bulsho ku
kacda, sharci ayaa ka yaala. Gaadiid dawladeed oo hebel loogu
shaqeeyo, idaacad afka kooxda xukunka haysata uun ku hadasha
oo buunbuunisa habeen iyo maalin, iyo shirar beeleed xukuumaddu
ku bixiso lacagta dadwaynaha na hadalkoodba daa.


Somaliland u kaalay – xiin doorasho oo waalan ayaa ka socda, wax
uga meel yaalla masiibooyinka bahashaas la socda na ma jiro haba
yaraatee. Waxa taas ka daran, si badheedh ah ayaa jihadii qaladka
ahayd ee la eedi jiray loogu socdaa, wixii sharci iyo anshax jiray oo
dhan na waa laga talaabsaday, oo meel baa la iska digay, kooxda
xukunka haysa ayaana ugu daran! Somaliland ha loo tudho, oo ha
loogu tudho in sharciga la dhawro. Intaas uun baa ay ku badbaadi
kartaa. Kulmiye intaas ma laga helaayo hadii ay wax kastaa
dhacaan. Warbaahinta qaranka keligiin ma lihidin ee foolxumada
daaya ma laga helaayo. Baabuurta dawladda iyo cashuurta
dadwaynaha idinku ma lihidin ee joojiya in ad qof ugu ololaysaan
laga heli maayo. Xialalka qabyaaladaysan, ee aad maalin kastaba
magacaabaysaan joojjiya ma laga helaayo. Xadhigga iyo weerarka
aad mucaaridka, xafiisyadooda iyo xataa calamadooda ku haysaan,
ee aan kala joogsiga lahayn joojiya ma laga helaayo. Kolkaa maxaa
la doonayaa? Meeshu waa Afrika ha igu odhahn. Ogow in jujuubka
iyo sharci jabinta khasaare ka dhasho, khasaarahaas na aynu wada
leenahay. Hadii aad Kulmiyaha intiisa caqliga leh tahay, intaas wad
ila garan, hadii kale na mooyi.
W.Q: Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO