Friday December 15th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Dalku Laba Arimoodba Korneyl Muuse Biixi Ayuu Ugu Baahan Yahay Hogaamintiisa. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

0
Wednesday August 09, 2017 - 12:14:39 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 190
  • (Rating 4.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dalku Laba Arimoodba Korneyl Muuse Biixi Ayuu Ugu Baahan Yahay Hogaamintiisa. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

    Dalku Laba Arimoodba Korneyl Muuse Biixi Ayuu Ugu Baahan Yahay Hogaamintiisa. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalku Laba Arimoodba Korneyl Muuse Biixi Ayuu Ugu Baahan Yahay Hogaamintiisa. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Marka la leeyahay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Waa nin adeg maaha macnaheedu waa nin arxan aan lahayn balse waxay ujeedadu waa nin ku ad-adeg waxa uu gacanta ku hayo xaga go,aan Qaadashada iyo hir-galinta runta waxa looga baahan yahay, Hadaba Somaliland waxay hada tabaysaa madaxweyne adeg , go,aan leh, wadaniyada ku fiican, ku calool-san kartidiisa iyo aragtidii uu mujaahidnimada u soo marey oo ay ku weyn tahay hour-marinta dalkan waxa ka dhiman, Runtii dawladnimo haabkeed waan haynaa iyo san-saayo qaranimo balse waxa wali inaga dhiman nidaamka iyo haykalka kala danbeynta dawladnimo, Si ay meesha uga baxdo in shakhsiyad laga laaluusho dawladnimada ama maslaxadu badato taasoon dadka badankoodu qalad u fahmeen, Amaba in cid la raali galiyo, Ruknigani wuxuu tir-tirayaa waxasoo dhan waxana si toos ah u bilaabmeysa Luqadii Dawladnimada oon jixin-jixiyo laheyn ka xidhis.

 

 

Markaa maanta waxaan ka faalooni sida ay Somaliland ugu baahan tahay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi inuu ka noqdo madaxweyne hogaaminaya, Horta shakhsiyada muuse biixi waa mid dadaal badan oo hir-galisa aragtidiisa isagoon cidnaba u daba-fadhiisan ilaa iyo kornaylnimadiisii academicka aheyd waxa lagu xasuustaa inuu ahaa nin dadaal badan, daacad ka ah hawshuu gacanta ku hayo , karti badana leh, aqoon wanaagsana u leh hogaaminta iyo hagista taasina waxa kuu cadaynaya waa kornayl waxbarasho ku soo qaatey wadamada ruushka iyo mareykankaba waa quwadihii dunida isu hayey, milatarigu waa hoogaamiyaha ugu wanaagsan haduu hab dawladeed hago inta taariikhda caalamka la hayo, qaar baa yidhaa waa askari runtiina askari iyo milatari way kala duwan yihiin , askar badanina dunida in badan bay soo hageen bal taariikhda dib u milicsada.

 

 

Waxaan hada si toos ah ugu dhabo-gali sababta uu dalku ugu baahan yahay muuse biixi cabdi Waa laba arimood oo kala ah SHarciga Hir-galintiisa qalad iyo saxba wixii cadaaladu fareyso umaraa-adda Iyo kan labaad oo ah Sugida Amniga oo faro-adeg gala maxaa wacey waxaa inagu gadaaman duruufo fara-badan oo ka jira mandaqan geeska ee aynu qaybta ka nahay kuwaasoo la saadaaliyo iney kooxo kala duwani ay saameyn ku yeelan doonaan mustaqbalka sida ururada islaamiga ama kooxaha diinta ku gabadda (Religious groups or Islamic organizations) hadaba si caqabadahan looga bad-baado waxaan u baahan nahay madaxweyne adeg oo aan cidna ka gabaneyn sharcigana umada u simaya oon kala qaad-qaadeyn, kala jeclaysaneyn.

 

 

1: Tan SHarciga Iyo Madaxweyne Muuse

 

 

 

Sharciyada inuu hir-galinayo waa hubaal madaxweyne muuse haduu eebe libinta kursiga ku galado waxaana kuu cadeynaya imika muuse biixi cabdi dadka waxba uma balan-qaado xataa kuwa ugu dhaw-dhaw ee la shaqeeya , cidna sad dheer ma siiyo umada kale xisbiga gudahiisa sababtuna waa sharciyada iyo shuruuda caalamiga ayaa simaya umada bah-wadaagta ah, lamana areg isagoo sharciga saxda ah ka leexanaya markaa umadu waxay u baahan tahay nin adeg oo sidaasoo kale sharciyada ula xidhiidhiya isagoon cidna ku xad-gudbeyn aan sad dheeriyana siineyn cid kale oo loo wada siman yahay saqiir iyo kabiirba , waa taa hadaba rukni ka mid ah rukniyada ay Somaliland ku tabeyso hogaaminta madaxweyne muuse hadii calaf ku leeyahay hanashada kursiga ugu sareeya Somaliland , inkastoo uu isagu yahay ka kaliyaatee dalku u baahan yahay musharaxiinta tartamaya , Dhinacan sharciga oo xaqqiiqatan dawladnimadeena wiiqay looma baahna shakhsi in la raali-galiyo ama reer lagaga baqo waa shuruucdu shaqeysaa.

 

 

2:Tan Amniga Iyo Madaxweyne Muuse

 

 

 

Waxay noqotey amniga iyo arimaha la xidhiidha secuirtyiga iyo doorka muuse biixi cabdi wuxuu dhisi adkaynta amniga iyo ciidamada qalabka sida kuwaasoo lagaga gaashaaman karo duruufaha badan ee ku gadaaman geeska iyo mandaqadeena kuwaasoo salka ku haya kooxo urur-diimeedya ah oo daneeya saameynta siyaasada geeska, hadaba hadii uu nin adegi yimaado sida muuse biixi oo kale kama ogolaanayo iney inaga dhex abuurmaan ama saameyn inagu yeeshaan, waa milatari khibrad gaamurtey leh oo salka iyo baseka u adkeynaya ciidamadeena si cudud balaadhan u yeeshaan oo iska caabida dhamaan cadawyada ama cidii soo daakhisha umuuraha qarankani taasi waa rukniga aminiga oo sii quwadeysan doona hadduu eebe idmo.

 

 

Kuwani waa qodobada aan ku xulaney in aaney jamhuuriyada Somaliland waqti-xaadirkan ka maar-meyn hogaamin Mujaahidka Muuse Biixi Cabdi oo ku suntan hogaamiyenimo buuxda.

 

 

 

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Diplomatic Analysts

Gabiley/Somaliland.


Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO