Saturday October 21st, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Shacabka Hargeysa Oo Khaatiyaan Ka Taagan Kooxo Baangado Iyo Tooriyo Ku Hubaysan Oo Hadhka Cad Dadka Ku Baadhanaya Goobaha Shaaracyadda Ah

0
Saturday August 12, 2017 - 09:42:44 in Wararka
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Hargeysa Oo Khaatiyaan Ka Taagan Kooxo Baangado Iyo Tooriyo Ku Hubaysan Oo Hadhka Cad Dadka Ku Baadhanaya Goobaha Shaaracyadda Ah

    Shacabka Hargeysa Oo Khaatiyaan Ka Taagan Kooxo Baangado Iyo Tooriyo Ku Hubaysan Oo Hadhka Cad Dadka Ku Baadhanaya Goobaha Shaaracyadda Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Hargeysa Oo Khaatiyaan Ka Taagan Kooxo Baangado Iyo Tooriyo Ku Hubaysan Oo Hadhka Cad Dadka Ku Baadhanaya Goobaha Shaaracyadda Ah

Waxa mudooyinkii u danbeeyey magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland kusoo badanayay dhalinyaro,Baangado,Budad iyo Tooriyo ku hubaysan oo hadhka cad ee cadceedu soo jeedo dadka ku baadhanaya goobaha dariiqyada ah ee magaalada Hargeysa.

Waxaana ay dhalinyaradaasi inta badan dadka ay qabtaan waydiiyaan Moobilada gacanta iyo wax alle waxii ay haystaan,iyaga oo waxyeelooyina u gaysta dadka diida inay bixiyaan alaabtaas ay markaasi qofku wato.

Shacabka magaalada Hargeysa ayaa iyagu khaati ka taagan kooxo dhalinyaro ah oo u wada socda koox koox,kuwaas oo dadka si badheedha u baadhanaya,isla markaana dadka ku baadha goobaha madow iyo wadooyinka xaafada Hargeysa,iyaga oo taasina ay dheertay in suuqa badhtankiisa ay dadka ku baadhaan,waxaana ay dadka xoog kaga qaadaan wax kaste ay siitaan oo u badan waliba dhanka Moobilada gacanta.

Sakariye Axmed oo ku nool magaalada Hargeysa oo salaadii subax kadib moobilkiisa gacanta iyo lacag yar oo uu sitay lagaga qaaday badhtamaha magaalada Hargeysa ayaa nooga waramay dhacdadan iyo goobta lagu baadhay waxaana uu yidhi

"Wakhti ku beegan markii salaada subax laga soo food qaaday,ayaa aniga oo maraya badhtamaha magaalada Hargeysa gaar ahaana laamayda hor marta dugsigan Sheekh Bashiir ee Hargeysa,ayaa waxa iga soo hor baxay dhalinyaro ilaa shan ah,way I hareereeyeen,waxay igu qabteen badhtanka Laamayda oo markaasi waliba ay dad kalena marayeen,way I baadheen markaas waxay igala baxeen moobilkii aan gacanta ku sitay iyo lacag yar oo aan jeebka ku sitay,aadyar ayay iska talaabsadeen walaal,taas waliba waxa dheer cid kaste way baadhanayeen”

Sakariye isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray "Waxaan u cararay dhinaca saldhiga dhexe ee Hargeysa oo markaas cabaar ii jirey,askarta markaasi ku sugnayd way hurdeen,gaadhkii ayaa ii toosiyay saddex askari ,askartii oo markaa midi qori ku hubaysan yahay,nimankii dhalimyarada ahaa intay ka baydheen laamayda ayay saldhiga dhinaciisa danbe mareen,dadkii ayaanu tohoyanay,waxay ku beegmeen dhinaca bacadlaha Waaheen,halkii ayaanu raad gurney,goobta aanu marnaba waxaan kula kulmaynay dad ay iyagana gacanta sii mariyeen oo ay baadheen,ilaa masjid Jaamaca Hargeysa,halkaas ayaanu kasoo noqonay runtii arrintaasi yaab ayay igu riday,markaas anigu waxaan ku kalahayay madarasad Quraanka aan ka dhigto oo ku taala Tolowga,ama meel u dhaw Bariishka weyn ee Hargeysa "ayuu hadalkiisa kusoo koobay Sakariye Axmed.

Dad badan ayaa bulshada Hargeysa kamid ah ayaa ay dhacdadan oo kale ku dhacday,waxaana dhalinyaradan ay dhib badan ku hayaan bulshada caasimada Hargeysa,iyaga oo sidoo kalena xilliyada ay aadka dadka u baadhaan ay tahay wakhtiyada habeenkii ah,waxaana ciidamada Booliska Somaliland oo labadii habeen ee u danbeeyey hawl gallo adag ku jiray aad arkaysaa gaadiidka ciidanka oo gaaf wareegaya xaafadaha magaalada Hargeysa islamarkaana qabqabanaya dhalinyarada koox-kooxda u wada socda ee jidgooyada dadka u gala wakhtiyada habeenkii ah.

Foore


Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO