Thursday October 19th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

SOMALILANDTA BERRI QAABKA AY U EKAAN DOONTO - WAXA GUNDHIG U AH XALKA LAGU GEBEGEBEEYO MURANKA MAANTA KA ALOOSAN GOLAHA WAKIILLADA. (RASHEED A MEIGAG SAMATER)

0
Saturday August 12, 2017 - 10:14:25 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOMALILANDTA BERRI QAABKA AY U EKAAN DOONTO - WAXA GUNDHIG U AH XALKA LAGU GEBEGEBEEYO MURANKA MAANTA KA ALOOSAN GOLAHA WAKIILLADA. (RASHEED A MEIGAG SAMATER)

    SOMALILANDTA BERRI QAABKA AY U EKAAN DOONTO - WAXA GUNDHIG U AH XALKA LAGU GEBEGEBEEYO MURANKA MAANTA KA ALOOSAN GOLAHA WAKIILLADA. (RASHEED A MEIGAG SAMATER)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SOMALILANDTA BERRI QAABKA AY U EKAAN DOONTO - WAXA GUNDHIG U AH XALKA LAGU GEBEGEBEEYO MURANKA MAANTA KA ALOOSAN GOLAHA WAKIILLADA. (RASHEED A MEIGAG SAMATER)
Bulshada Somaliland waxa markale soo waajahday xaalad aan hore
loo saaadaalin, oo si lama filaan mar keli ah loogu waaberiistay,
kadib dhawr cishoo oo qudha markii Guddoomiyihii Golaha
Wakiillada hoggaaminayay muddo 12 sannadood ah Mudane
CabdiRaxmaan Maxamed Cabdillahiaan Cirro uu xilka ka degey,
muddadaasi Cabdiraxmaan gadh-wadeenka ka ahaa golahana aan
marnaba ceeb tanoo kale ihi ka soo yeedhin.
Garsoorka iyo caddaaladda Somaililand ayaa tijaabo culus soo
martay dhawr goor oo hore, taasoo ay u dambaysay Qaddiyaddii
ama gartii loo qaaday Mudane Jamal Ali Xuseen iyo Mudane Faysal
Cali Waraabe iyo Xisbiga UCID, bulshaduna indheer garad iyo inyar
garadba iyagoo soo wada tuban, ay khiyaamadii iyo wax-
isweydaarintu ka guulaysatay runtii, daacaddiina hungow mooyee
hiil ku weydey. Hase ahaatee garsoorkaasi wuxu si gaara u
saamaynayay mustaqbalka Murashaxii Madaxweyne ee waqtigaas
Mudane Jamal iyo taageerayashiisii oo keliya – halkase garsoorka
iyo go’aanka laga gaadho murankan maanta ka qarxay Golaha
wakiilladu, uu saamayn togan iyo mid tabanba ku yeelan doono
doorashada innagu soo fool leh bisha November ee sannadkan, iyo
guud ahaanba qaabka dal ahaan iyo dad ahaanba loogu noolaan
doono xuduudaha ay leedahay Somaliland.
Is weyddiintuna waxay tahay, arrintan oo jiritaankeena khusaysa
ayaa ah mid shacab iyo xukuumadba horteena ka dhacday,


muwaaddin kasta oo oo qaan-gaadh ihina waa ka garsoore, ee ma
waxaynu ahaannaa ummad qaladka iyo saxa aan kala aqoon - oo ay
isugu mid tahay labadu, amase aan lahayn dareenkii iyo damiirkii
loogu kala hiilin lahaa caddaaladda iyo caddaalad darrada, mise
belaayo madax la qabtay leedahaye - waynu horjoogsannaa markii
ay taagan tahay, oo ifkeenna iyo aakhiradeenna ayaynu u
tudhannaa?, oo weliba marka si hagar la’aan ah loo baadho,
ayaynu ciddii ku lug yeelatana farta ku fiiqnaa oo marinnaa hadba
waajibka inagala gudboon?...
WA Billaahi Tawfiiq
Rasheed Ali Maygaag Samater
Hoggaaamiyaha Jaaliyadda Somalida W.London
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
Halkan Ka Daawo: Shirkad Cusub oo Lagu Magacaabo Tijaaro oo Wadanka China Lagaga Furay Iyado Kuu Fududeynaysa Ganacsigaaga Iyo Ganacsiga CHINA
WAREYSIYO