Tuesday December 12th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

" Waxaan Doonayaa Madax aan Dulaysnayn " W/Q: Saciid Cagjar

0
Saturday August 12, 2017 - 18:20:43 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Waxaan Doonayaa Madax aan Dulaysnayn " W/Q: Saciid Cagjar

    " Waxaan Doonayaa Madax aan Dulaysnayn " W/Q: Saciid Cagjar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Waxaan Doonayaa Madax aan Dulaysnayn " W/Q: Saciid Cagjar "Xilkuba baabuur miyaa Bangalo meel laga dhistiyo Ma beeso ku raadsa-baa Xilkuba wax ku boob miyaa Xilkuba bohol qodo miyaa Xilkuba basar xumo miyaa? Bulshada ku canaad miyaa ?"


Tan iyo markii Somaliland dib u hanatey madax-bannaanideeda Sannadkii 1991-kii 18-kii May , waxay soo mudatay jid dheer kaas oo aan cidina ugu manno sheeganayn haddii ay tahay nabadeyntii, hubka dhigistii maleeshiyaadkii hubaysnaa, abuurista laamaha dawladda iyo hawl-gelinta Goleyaasha dastuuriga ah



Beesha caalamku waxay indhaha ka qarsato Jamhuuriyadda Somaliland-ba, waxay ka adkaysan weyday markii Somaliland ay noqotay laambad ilayskeedu iftiimiyay mandaqadda xasaraduhu ka oogan yihiin ee Geeska afrika. (BC) waxay Somaliland ku darsadeen hirgelinta mashaariic xadidan oo u badnaa dhismaha dugsiyadda waxbarashada, xarumaha caafimaadka iyo kuwo kale oo aan sidaas u sii ridnayn isla markaana wax aad u yar ka noqonaya tacabka Somaliland iskeed u qabsatay.


 

Taas ayaa sababtay in ay ka furtaan Xafiisyo ay ku maamuulaan kuna darsaan danahooda Siyaadeed ee Mandaqada iyaga oo bulshadda iskaga dhiga kuwa wax u qabanayaa waxaanay goobahaasi huwan yihiin danno siyaasadeed iyo diimeed waxa ay xad-gudubyo aan kala go’ lahayn u gaystaan Umadda ku abtirsata Jamhuuriyadda Somaliland .

 

Qof aan is dulayn ilaahay ma duleeyo, Ruuxa aadamaha ahi sidda uu u sharfo naftiisa si lamid ah ayey bulshada kale u sharfaan,

haddii uu qofku is dhigo meel aan munaasibkiisa ahayn majiro cid ka kicinaysa, qofku guriga uu deggan yahay haddii uusan ka nadiifin qashinka iyo cayayaanka kusoo xad-gudba waxaa uu ka qaadaya cudur iyo cabsi mana jirto cid u nadiifinaysa ama u difaacaysaa

Waxaan qalinka warqada u dul dhigay oo maqaalkan ugu xardhay inaan wax ka tilmaamo hab-dhaqanka foosha xun ee iga muuqda Madaxda ugu saraysa Wasaaraddaha dalka qaar. " Anoo Beena waas ka diday maxaa bidhiq qaad u tegay "

Waxaay madaxooda hoos dhigaan sidii neef gawrac sugayaa Xafiisyadda aan soo sheegay iyaga oo aan waxba ka qaban Karin tacdiyada iyo boobka ay laamihaasi ku hayaan bulshada, taa bedelkeeda waxa ay isku duleeyaan madaxda xafiisyadda waxna kagama helin waxaa wejigooda ka muuqto baqdin aannad garanayn halka bahda lagaga saaray.

Marka aad rumaysan tahay qofnimadaad iyo mansabkaga ayaad qaadi kartaa talooboyin aad shacabka wax ugu qaban karto bal Akhriste Sawiro waxa kala haysata Xafiisyadda dhifka ah ee Visaha dal ku galka siiya dalkeen raba inay wadamadooda u tagaan waxbarasho , Caafimaad , iyo ganacsi kuwaas oo aan ogolayn Passporka Somaliland marka laga reebo Qunsuliyada Dalka Itoobiya oo si toosa ah u aqoonsan Passporkeena .nin Askari ah ayaa laga hayey "qoriga umaan qaadan dulaynta dadkayga inaan daawado”.

Maalin walba waxaa dalkeena sifo sharciga baalmarsan kusoo gala boqolaal qof oo aan sidan wax dal ku gal marka ay shacabkeenu maraa sifaha sharciga ee dal loogu Socdaalo waxaay la kulmaan waxyaabo aannu abid sawiran ama la kulmin qof dhulkiisa hawl uga baahday Sababto ah Madaxdeeni ayaa Isdulaysay oo garan la’ waxa xilka loogu dhiibay iyo cidda ay u shaqeeyan malaha waxa ay u yaqaan xoolo uruursi waa halkii abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey ka lahaa


"Xilkuba baabuur miyaa
Bangalo meel laga dhistiyo
Ma beeso ku raadsa-baa
Xilkuba wax ku boob miyaa
Xilkuba bohol qodo miyaa
Xilkuba basar xumo miyaa?
Bulshada ku canaad miyaa ?” Sidaa darteed inta ay madax badan dulaysan tahay lama beegsan karo halkay guushu taal. Waxaan hadalka kusoo af xidhayaa " Ruux haddii la doortoo
Darajadii la saariyo
Xilkii daryeelo waayo
Dab dhaxmooday weeyee”

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO