Tuesday October 24th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

: GALOOL IYO WUXUU GUDO.

0
Monday October 02, 2017 - 13:07:09 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    : GALOOL IYO WUXUU GUDO.

    Giriyaad hadduu taagan yahay geela dhalayaaye Guyaaddii halkuu daaqi jirey gelengel weeyaane

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Giriyaad hadduu taagan yahay geela dhalayaaye Guyaaddii halkuu daaqi jirey gelengel weeyaane

Giriyaad hadduu taagan yahay geela dhalayaaye
Guyaaddii halkuu daaqi jirey gelengel weeyaane
Gorofkiyo tigaaddii halkuu goosan jirey waayo
Garanwaa markii uu ka baxay wuu gunuunucaye
Goodiga Banyaro reerka degey gu' iyo jiilaalba
Hadday Garo irmaan tahay riyuhu godol ma qaadaane
Galoolkiyo Maraagii markay gudimadii xiirtay
Dabaylaha gurxamayaa hadday gelelefaayaane
Gabaahiir hadday taagan tahay geed qalaad yimi
Gabadanada waataa fadhida gawre dhaxameede
Gafuurra xun hadday yuururtaa geli habaas weyne
Hadday garasho leedahay dhirtaba lama garaaceene
Maxaan uga gabyaa waa horaa go'ay Madheedhkiiye...


Abaaraha dalka ka taagan waxa u sabab ah geed la gooyo mooyaane geed la beeraa ma jiro. Markii aan u fiirsaday geedka loo yaqaan galoolka oo ku jira dhirta sii dabar go'aysa ayaan eegay qaybta uu ka qaato nolosha Soomaalida siiba tan baadiyaha. bal inta aan ka xasuusto aan hoos ku sheego. Wixii aan ka tegey amma aan qalday iyo wixii kaleba ku soo dara.

i. MAYDHAXDA GALOOLKA: Xadhkaha miyiga lagu isticmaalo intooda badan waxa laga soohaa maydhaxda Galoolka sida dufka oo laga sameeyo Kebdaha. Xadhkaha awrta lagu raro, haamaha, saababka, heeryada xadhkaha lagu xidho waxa u badan kuwa galoolka laga soohay. Tan kale, maydhaxda Galoolka waa la diirtaa oo waxa ay leedahay dhadhan fiican marka la calaashado. Sida sheekadii ahayd "Naa Laago, Laago waa laan galool ah, oon weli la diiran, naa mayla diiran ? kula diiran maayo, oo maxaad ku diidday? anigayska diidaay, oo maxaad ku diiran? gees goodirkayga, wuu kaa gammuurmi, Reer Cali ...... Jidib u doonan, oo xalayba guuryee, Xamaraan u fuuli (Faras), Xamarooy dirkaa be, goormay dayaantay, oo dooxa raacday dib laguuma fuulo.

ii. XIDIDKA : waxa laga goostaa dhigaha aqal Soomaaliga, Faralaab sida Bakooradaha amma ulaha xoolaha lagu raaco.

iii. JIRRIDDA : Waxa laga diirtaa maydhax iyo rogob, waxa laga shitaa dhuxusha ugu fiican iyo dogobyada dabka lagu shito kuwa loo yaqaan biixida.Waxa kale oo Galoolka marka uu qalalo ka faa'iidaysta shimbiraha oo dhashoodka ku koriya daldaloolka jirridda Galoolka.

iv. CANBUUSHA: Waxa laga gurtaa Canbuusha iyo Xabagta la cuno.

v. DHIMBIISHA: Oo jiilaalkii xoolaha, ugaadha iyo xayawaanka qaarkood cunaan.

vi. LAAMAHA : oo laga goosto ulaha, Hankoolka, Daab gudimada, Lulaha, Budadka iyo oodda reerka lagu oodo amma waabka laga sameeyo ee loo yaqaan dhacanta.

vii. ASALKA: oo laga sameeyo jillawda galoolka kaas oo lagu nadiifiyo haamaha iyo hadhuubada.

viii. CALEENTA : Xoolaha oo dhammi way cunaan caleenta Galoolka oo jiilaalkii ayaa loo garaacaa marka dhulku xaaluf noqdo.

ix. CADAY: Xididkiisa iyo laamahiisa curdinka ayaa laga goostaa caday.

x. HADHKIISA: Xoolaha iyo xayawaanka kale waxa ay galaan hadhkiisa.

xi. DHILLOWYAHANKA: Geedka loo yaqaan Dhillowyahanka oo ah (Parasite) amma ku dulnoolaade waxa uu ka baxaa geedka Galoolka oo ah marti qaade (Host) kaas oo jiilaalkii xoolaha looga soo jaro laamaha galoolka oo uu ka baxay. DHILLOW YAHANKAA DHIRTUUN KA BAXEE MAXAA DHEXDA IIGU KAA MARAY.

xii. QOOFAL: Waa nooc ka mid ah seetada awrta lagu xidho oo si gaar ah oo farshaxannimo ku jirto looga sameeyo maydhaxda amma xadhkaha galoolka taas oo ka adag kana fiican seetada xigga laga sameeyey.

xiii. XAABADA: Waxa uu galoolku leeyahay xaabada iyo xansaska la shito tan ugu fiican oo hore u olosha qiiq badanna aan lahayn sida qori dogobka, biixida iyo qoryaha ardaaga lagu shito.

xiv. QODAXDA: Haddii irbad la waayo waxa lagu toshaa dharka siiba dadka baadiyaha ku nool.

Suugaanteenna marka dumarku caws, kebed amma maydhax diiranayaan suugaan badan ayaa isku maaweeliyaan taas oo geedka Galoolka la yidhaa ku aroorta. waxa aan odhan karaa geedkaasi nolosha Soomaalida 65% ayuu saameeyaa laakiin sida muuqata maalinbaa iman doonta in dhulka laga waayo geedkaas qiimaha badan.

KAYD MAXAMED CABDALLA

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO