Tuesday October 24th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Bulsho wada siyaasi ah W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare) Q1aad

0
Saturday October 07, 2017 - 07:10:53 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 83
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bulsho wada siyaasi ah W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare) Q1aad

    Bulsho wada siyaasi ah W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare) Q1aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulsho wada siyaasi ah W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare) Q1aad

"Siyaasadan hadba doc aadaysee dulundulcaynaysa

Duug iyo inaan laga sugayn darajo lagu raago

Rafiiq daain ah haday dubaaqa kuu geliso

Doqoniimo weeyaan inaad daba ruclaysaaye

Qorshihii ku daashaday wakaa sii dabayshadaye

Waa siyaasad duqowday oon casriga doocna ku lahayne

Waa sun iyo deebaaq aan lahayn daawo bi'isaaye

……………………………….”Aadan Xeebab

 

Bulsho waa umad ama shicib ku dhaqan isla markaana deegaameeya deegaan, bulsho waa layahay waana lakala yahay, bulshada aan ka hadlayaa waa ta ku dhaqan deegaan weynahay Somaliland ee leh magaca iyo astaanta ama sumada ay bulshada kale kaga soocanyihiin.



Tani iyo dib usoo laabashadii ama dib usoo gudo galkii Somaliland, waxaa hadba isbadelayaayey oo maalinba heer taagnaa hab siyaasadeedka iyo kelmada sanadadan dambe dhegaheena kusoo badatay ee "Dimuquraadiyada”, taasina waxay ka dhigtay bulshadii guud ahaan gaar ahaan inta qaan-gaadhka ah rag iyo dumar-ba in ay u aaminaan in kelamadan ama nidaamkan "Dimuquraadigu” uu u yahay fure u furaaya xoriyada hadalka, sidoo kalena wuxuu bulshadii ka dhigay Bulsho wada siyaasi ah.


Bulshadan oo inta badan ah dhalinyaro da’a ahaan u dhexeeya 15 jir ilaa 45 jir, waxa ay fikir iyo maskaxba geliyeen ka hadalka iyo ka sheekaynta siyaasada, hadii siyaasada ay hadalkoodu u badantahay noqon lahayd, isbebedalka xaaladaha siyaasadeed ee wadamada caalamka waxa lugu tilmaami lahaa in ay yihiin dad aqoon iyo khibrad ka faaidaya, laakiin ka sheekaynta gudaha Somaliland, iyo hadba xisbi, taaso oo hadalku marka uu sii socodo ama lasii rog rogo ku dambeynaysa in uu isku bedelo qabiil la xamanaayo, mid guusha lasiiyo iyo mid kale oo la gumeeyo, taasoo marka aad marto goobaha marfishyada ee shaaha lugu cabo aad had iyo jeer ka dhex maqlaysid xisbi hebel iyo reer hebel, taasina waa aqoon daro kusoo ururtay bulshada maanta ee dhalinyarada u badan.


Waxa aynu si cilmiyeysan uga kala hadli doonaa Siyaasada iyo Siyaasiga "Politic and Politician” labadan shay waa dulucda qormadeenan maanta, waana halka inta badan dadkeenu ku hodmaan ama ku hungoobaan ka hadalkeeda taas oo inaga dhigtay in guud ahaan bulshadeenii, "Siyaasiyiintii xilalka hayey, Ardaygii waxbarashada dhiganaayey, Dhakhtarkii ama kii dadka daweynaayey, Ganacsadihii, Haweenkii guryahay lugu ogaa, Xirfadlayaashii iyo inta kale ee aan wax shaqo ah qabanini in ay wada noqodaan siyaasiyiin”,taas oo siyaasada aan weli qaangaadhka ahaynin ee Somaliland ka jirtaa ay marka dambe ka hadalkeedu isku bedeli doonto, reero iyo qabiilo xudun u ah jiritaanka xisbiyada Somaliland.


Qormadeena tan xigi doonta waxaynu si aqoon leh meel ugu tiirin doonaa in aynu kala saarno Siyaasada iyo arimaha kale ee bulshada, sidoo kale waxaynu bal ogaan doonaa "Siyaasiga iyo Siyaasadu” waxa ay yihiin…………Lasoco qaybta 2aad

 

Wabilaahi tawfiiq

Suxufi, Qoraa madax banaan

Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

E-mail:Xamse18@gmail.com

www.facebook.com/Wiyeeer

Hargeysa-Somaliland

 

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO