Tuesday October 24th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Sideebay soomaaliya iyo soomaaliland ugu heshiin karaan saami qaybsiga hawada labada dal ?

0
Sunday October 08, 2017 - 08:19:01 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sideebay soomaaliya iyo soomaaliland ugu heshiin karaan saami qaybsiga hawada labada dal ?

    Sideebay soomaaliya iyo soomaaliland ugu heshiin karaan saami qaybsiga hawada labada dal ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sideebay soomaaliya iyo soomaaliland ugu heshiin karaan saami qaybsiga hawada labada dal ?
Waxaynu ogsoonayahay in soomaaliya 1960kii ku andacootey in dalka waxloogu qaybiyo 8 gobol oo laba kamid ahi waqooyi yihiin , lix kamid ahina soomaaliya yihiin taasoo ahayd mid reer soomaaliland lagu khiyaameeyey wakhtigaas si xisaabtu u noqoto 4/3 oo macneheedu yahay inay afar meelood marka loo qaybiyo sadex iyagu qaataan halka reer waqooyi qaadanayaan hal keliya . Waxaan kaloo ogsoonahay in shirkii ceel dooreed ee lagu go, aan saday waxa loogu yeedho 4.5 soomaaliland inta la qaybiyey madixii keliyahaa ee ku jireyna la qoray aadaris laguna daray dad reerkoonfur ah si loogala dagaalamo mustaqbalka inaanay cod buuxa yeelan siyaasiyan iyo iqtisaadiyan midna . Waxaan kaloo ogsoonayahay inay soomaaliya burburisey wadahadalkii labada dal kaasoo ay doonayso inay soomaaliland ku cadaadiso inay ka tanaasusho waxyaabo badan oo mustaqbalka reerkoonfurka laf dhuun gashay ku noqonaaya marka siyaasad laysku hor fadhiisto ayna doonayaan sidii ay uga hortegi lahayd inay wax nowdaan . Dhamaan waxyaabahaasu waxay ka turjumayaan inaanay reerkoonfuri dagaal buuxa kula jirto soomaaliland siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba si aanay madaxa kor u qaadin . Hadaba waxaa la bilaabay gudi farsamona loo saaray wadahadalkii hawada ee labada dal si loogalasoo wareego hayadaha qaramada midoobey ee gacanta ku haya , waxaase meesha taala oo aan laysku mari doonin qaybsiga dhaqaalaha kasoo baxa hawada oo noqon doonta meesha sartu ka qudhmayso . Soomaaliya markeeda hore uma aqoonsana soomaaliland dawlad madax banaan oo ay laba is leeg wax u qaybsanayaan ee waxay u qabtaa dawlad goboleed ka cadhooday oo ay xukunto sida ay marwalba ka dhawaajiso, sidaasi darteed waxay miiska soo dhigayaan arimahan hoosku qoran si mid ahaan loo doorto isla markaana soomaaliland marlabaad loogu khiyaamayn lahaa.


1: in labada dal waxku qaybsadaan dawlad goboleedyo soomaalilandna tahay mid lamid ah .

2: in waxlagu qaybsado hanaanka 4.5 ee beelaha soomaaliya ku heshiiyeen

3: in waxlagu qaybsado 8 sideedii gobol ee lixdankii wax lagu qaybsaday

4:in waxlagu qaybsado 16 kii gobol ee dawladii siyaad bare ka tagtay

5: in wax lagu qaybsado inta madaar ee dalka ku taal .

Taasoo noqonaysa inaad sheegato 6 madaar iyana sheegtaan 30 madaar ama waxku dhow oo dhamaanba soomaaliland ladoonayo in cidla lagu diro iyo arimo kale oo lamid ah oo ay faaiido ku doonayaan . Hadaba soomaaliland waa inay ka digtoonaataa dabinkasta oo soomaaliland loo dhigaayo isticmaashaana awoodeeda dawladnimo oo aanay marnaba gorgortan ka gelin wax ay xaq u leedahay inuu wadamo kale kala dhexeeyo sidii lixdankii loogu khiyaameeyey . Isla markaa aanay soomaaliland marnaba muujin wax tanaasulaad ah oo danbe maadaama tanaasulaadkii soomaali doonka ahaa ee lixdankii maanta halkaa inala marayo welina aynaan garanayn waxaynu ku danbayn doono .

Qore:siyaasi madax banaan
Baadhe siyaasadeed
Maxamed aadan axmed
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO