Saturday November 18th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

LIISKA TIRADDA DADKA QAATAY KAADHKA CODAYNTA DOORASHADDA M/TOOYADDA EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND . Qalinkii:Saxafi Madax-Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Axmed-SakatuurI Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Rep.

0
Monday November 06, 2017 - 09:11:58 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LIISKA TIRADDA DADKA QAATAY KAADHKA CODAYNTA DOORASHADDA M/TOOYADDA EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND . Qalinkii:Saxafi Madax-Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Axmed-SakatuurI Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Rep.

    LIISKA TIRADDA DADKA QAATAY KAADHKA CODAYNTA DOORASHADDA M/TOOYADDA EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND . Qalinkii:Saxafi Madax-Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Axmed-SakatuurI Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Rep.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

LIISKA TIRADDA DADKA QAATAY KAADHKA CODAYNTA DOORASHADDA M/TOOYADDA EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND . Qalinkii:Saxafi Madax-Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Axmed-SakatuurI Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Rep.

Doorashadda Madaxtooyadda inagu soo fool leh oo ay ku tartamayaan sadexda xisbi qaran ee

kala ah Xisbiga Kulmiye oo 15 jirsaday,Xisbiga Ucid oo 15 jirsada,iyo Xisbiga Wadanni oo xisbi

ahaan u soo baxay bishii december 2012 oo 5 jirsaday,haddaba waxaa iswaydiin leh xisbi

Waliba wuxuu wataa barnaamij siyaadeed uu doonayo in lagu doorto,xisbiga kulmiye wuxuu la

Yimi barnaamij siyaasadeed aad u huban oo la taaban karo,barnaamijkaas oo u qaybsan laba

qaybood oo kala ah 1-Todobaddii Sano ee Xisbiga kulmiye Somaliland xukumayey oo uu

M/wayne ka yahay Rugcadaaga wayn ee qaaradda afrika iyo caalamkaba ku baaqiga ah,rug

cadaagaas oo ah M/wayne Axmed-Siilaanyo wuxuu todobaas sano uu wadanka gaadhsiiyey

horumar aanay weligeed gaadhin somaliland tan iyo intii ay xornimadda ka qaadatay

gumaystihii Ingiriis oo laga joogo 57 sano,Mudane M/wayne Axmed-Siilaanyo wuxuu wadanka

ka hirgeliyey horumar wayn oo muuqda oo aan ahayn malo awaal,1-Idaacadda Quraanka

kariimka oo Goboladda somaliland iyo Caalamkaba laga dhegaysto,2-Derajadda Ciidamadda

qaranka,3-Mushahar kordhinta ciidamadda iyo shaqaalaha dawladda,3-deegaamadda

somaliland oo uu ku guubaabiyey shacabwaynaha inay ku dhiiradaan inay wadooyin

samaystaan,xukuumadduna wixii awoodooda ah ay kala qayb-qaadanayso,4-mashruuci waddo

ee ugu waynaa uguna dheeraa oo laga hirgeliyey wadada isku xidha burco iyo ceerigaabo oo

lagu qiyaasay 300 km,wadadaas oo iskugu jirta laami iyo caro-tuul,oo caro tuulkuna sadex

meeloodoow ay laba meelood hadhsan yihiin sidii jay iyo daamur loogu shubi lahaa,5-

Cashuuraha berriga oo xukuumadda kulmiye dardar gelisay,oo wakhtigii hore aan guryaha

kiradda ah, hoteladda iyo dukaamadda aan cashuuraha si buuxda oo dhamaystiran looga qaadi

jirin,6-Cusbitaaladda dawladda oo dayactir aad u wayn iyo casriyeeyn lagu sameeyey,7-

Mashruuca ugu wayn biyo balaadhinta caasimadda somaliland ee hargaysa oo kow iyo toban

ceel laga hirgeliyey deegaanka xuumba wayne laguna talo galay sidii ceelashaasi loo soo

gaadhsiin lahaa degmooyinka hargaysa ee biyo la,aantu hayso,sidii guri kasta loo gelin lahaa

qasabado ay ka cabaan biyo nadiif ah,8-Wasaaradaha dawladda oo lagu sameeyey dib u dhis

casriya,9-Xisbiga kulmiye wuxuu ka hirgeliyey Deegaamadda Somaliland badankooda 200 ceel

oo laga cabo biyo macaan oo nadiif ah,10-Dhaamam la hirgeliyey iyo kuwo la hirgelin doono

mustaqbalka soo socda ,11-Waxbarashadda dugsiyadda h.dhexe iyo sare oo laga dhigay

bilaash,inkastoo aan jeclaa in macalimiintu la mushahar noqdaan macalimiinta dugsiyadda

gaarka loo leeyahay si loo helo arday aqoontoodu aad u dhisan tahay,jaamacadahana ardayga

dugsiyadda dawladda dhamaysta hoose/dhexe iyo sare jaamacadda bilaash looga dhigo,laguna

dhiiri geliyo in wasaaradaha dawladda ,hayadaha iyo xawaaladaha ay ka shaqayn karaan

ardayda ka soo baxda dugsiyadda iyo jaamacadda dawladda,si dugsiyadda dawladdu ay qiimo

aad u wayn ugu fadhiyaan shacabka Somaliland iyo qarankaba,12-Mashruuca Seerayaasha oo

lagu talo jiro in sida ugu dhaqsaha badan loo hirgeliy,si looga gaashaanto abaartii damqashadda

badnayd ee reer miyiga xooluhu ka dhamaysay,sidii loo xoolahayn lahaa dadkii xooluhu ka

baxay,loona samayn lahaa seerayaal mustaqbalka ay xooluhu ku baxsadaan Insha-Allaah,13-

Garoomadda dayuuuradaha loo laga dhigay garoomo casriya oo caalamiya oo dayuuradaha ugu

waawayn caalamku ay soo cago dhigtaan garoonka dayuuradaha Ee Ahmed-Silanyo

International Airport Berbera,iyo garoonka casriga ah ee caalamiga ah ee Egal International

Airport Hargeisa,14-Mashruucii ugu balaadhnaa ee ay maalgashanayso oo ay hirgelinayso

company-ga DPWORLD oo ah company caalamka badankiisa ka dhistay dekeddo casriya,iyo

Balaadhinta iyo Casriyeeynta Dekedda Berbera, si ay berberi u noqoto dekedda ugu wayn ugu

balaadhan qaaradda Afrika,mustaqbalkana laga hirgeliyo tareen isku xidha berbera ilaa

afrikadda galbeed

si mustaqbalka ay u noqoto isha keliya ee ay ka ganacsadaan 30 dawladood oo afrika ku yaala,

15-Mashruucii labaad ee ugu balaadhnaa ee lagu wareejiyo dawladda imaaraadka carabta

garoonka dayuuradaha ee berbera si ay uga samaystaan saldhig milateri,saldhigaas oo la isku

dhaafsaday sidii ciidamadda qaranka loo siin lahaa tababar aad u heer sareeya,iyo hub casriya

 

oo ay mustaqbalka dhoow u soo xidhan karaan xuduudaha somaliland la

wadaagto,jabuuti,soomaaliya itoobiya iyo wadanka yamanta ama yemen oo somaliland la

wadaaga dhinaca xuduudka badaha ,

16-Xisbiga kulmiye wuxuu kor u qaaday awoodii ciidamadda milateriga,ciidamadda

booliska,ciidamadda badda,ciidamadda cirka iyo ciidamadda sirdoonka.

17-Xisbiga Kulmiye wuxuu ku guulaystay beelihii dhulbahante ee gobolka sool dagaaladdu ku

dhexmarayeen sidii nabad buuxda looga dhex dhalin lahaa beelahaas walaalaha ah ee wadaaga

muslinimo,dhiig iyo dhalasho,wuxuu kaloo xisbiga kulmiye ku guulaystay colaadii ceel-afwayn

ka jirtay ee laba beelood oo walaalo ahi dagaalo ku dhex mareen,xisbiga kulmiye waa xisbi ka

shaqaynaya nabadgelyadda beelaha dhul-daaqsimeedka ama magaalooyinka wada degan sidii

dhexdooda looga dhalin lahaa nabad buuxda,isdhexgalka shacabka,la dagaalanka diin

la,aanta,qabyaaladda,iyo waxyaalaha maandooriyaha ah.

Xisbiga kulmiye wuxuu kambaynka ku gelayaa wax muuqda oo la hirgeliyey iyo wax soo socda

oo la hirgelin doono Insha-Allaah,kaambaynkooduna waa wax muuqda oo shacabwaynaha reer

Somaliland ay marqaati ka yihiin,uguna dhoowdahay inay shacabwaynaha reer Somaliland

badankoodu ay noqdaan kuwo u codeeya xisbiga kulmiye,si uu u dhamaystiro waxyaalaha

qabyadda ah ee ay ka duulayaan todobada tiir ee shanta sano ee soo socota sidii loo

dhamaystiri lahaa,tiirarkaas haddii aan qaar ka mid ah yara taabto,inkastoo todobaas tiir ay u

cad yihiin buuga barnaamij siyaasadeedka xisbiga kulmiye 2010 ilaa 2022,oo si wanaagsan oo

hufan ay uga baaraan degeen aqoonyahano reer Somaliland ah oo isugu jira qurbo joog iyo

Wadankiisa joog,barnaamijka mustaqbalka shanta sano ee dambe haddii xisbiga kulmiye

taladda wadanka mar labaad ku guulaysto wuxuu hirgelinayaa sidii 350 ceel biyood laga qodi

lahaa deegaamadda balaadhan ee Somaliland,waxaa mihiimadda koowaad ama mudnaanta

koowaad la siinayaa sidii xooga loo saari lahaa Wax soo saarka wadanka sida beeraha,xoolaha,

Kaluumaysiga,wadankana laga hirgelin lahaa laba warshadood oo waawayn oo kaluumaysi,

Xisbiyaddu marka ay yihiin xisbiyo siyaasadda u bisil oo bisayl qaangaadhnimo leh wuxuu iska

ilaaliyaa wixii af xumo,cay,edeb darro iyo dafiraad cad oo waxqabadkasta oo xisbi xaakim

sameeyey kama hor yimaado,sababtoo ah xisbiyaddu waa ciyaartooy ku wada jiraa garoon

kubadda cagta,oo xisbiga la yimaada waxyaalo anshaxa islaamka ka hor imanaya oo ay ka

midka yihiin 1-Xisbiga kulmiye todobaddii sano wuu u fayl garoobay wixii horumar ah haddii ay

noqon lahayd dhinaca waxbarashadda,biyaha, caafimaadka,wasaaradaha

dawladda,wadooyinka,dekeddii iyo garoonkii dayuuradaha ee berbera oo la boobay oo

gacanta loo geliyey wadanka imaaraadka.

2-Saami qaybsigii gobolka awdal,sool,buuhoodle iyo barriga sanaag oo dhegaha laga furaystay beelahaas deegaamadaas ka soo jeeda.

3-Xisbiga wadanni ma hayo barnaamij siyaasadeed ay shacabwaynaha reer Somaliland ku

qancaan oo ay codkooda ku siiyaan,waxaan cay,af-lagaado,been abuurad iyo inuu dafiro

todobaddii Sano ee xukuumadda kulmiye Somaliland ka hirgelisay horumarkii ugu waynaa

uguna balaadhnaa tan iyo intii Somaliland ay xornimadeeda ka qaadatay gumaystihii ingiriis

26/june/1960,Xisbiga kulmiye waa xisbi ay ku jiraan rugcadaayo bisiyal siyaasadeed leh oo wax

la tuuraaba aanu xisbigu ku jirin,waxaanan u malaynayaa xisbiga kulmiye inuu noqon doono

xisbiga ugu da,da wayn ee jiri karaya boqolaal sano Insha-Allaah,sida labadda xisbi ee wadanka

maraykanka ugu wayn ee aan ka bixin saaxadda siyaasadda.

Xisbiga Ucid wuu ka da,wayn yahay kana barnaamij wanaagsan yahay,mana ahaa xisbi ka soo

horjeeda wixii horumar ah ee xisbul xaakimka kulmiye ku talaabsado,xisbiga ucid waa xisbi

qaranimadda Somaliland aad ugu dhegan oo aan lagu xaman inuu xidhiidh la leeyahay

cadoowga Somaliland ay leedahay waa soomaaliyee .

Wakhtigan ay tartamayaan sadexda murashax ee u tartamaya doorashadda madaxtooyadda Mudane Muuse Biixi Cabdi,Mudane Faysal Cali Xuseen,Mudane C/raxmaan C/llaahi Maxamed

Sadexdaas shaqsi inkastoo ay yihiin rag miisaan ku leh qaranka Somaliland haddana marxaladda

lagu jiro ee soomaaliya loogu tababarayo milateri awood leh oo soo celiya wadankii la isku

odhan jiray Soomaaliya ama midnimaddii soomaaliya ee somaliland ku jirtay intii ugu

dambaysay 1990,wadanku wuxuu u baahan yahay Murashaxaas uu shaybaadhay M/wayne

Axmed-Siilaanyo Waa Mudane Muuse Biix Cabdi oo ah nin milateri ah,oo ka qayb qaatay

halgankii SNM,kana qayb qaatay shir gudoomiyena ka ahaa doorashaddii Gudoomiyihii ugu

dambeeyey Jabhaddii SNM oo lagu doortay inuu noqdo gudoomoyihii bedeli lahaa

Gudoomiyihii hore ee ugu mudada dheeraa SNM waa M/wayne Axmed-Siilaanyo,wuxuuna

codkiisa uu siiyey isagoo C/raxmaan Axmed Cali ay tartamayeen Maxamed Xaashi Cilmi halkii uu

inaadeerkii codka siin lahaa wuxuu siiyey isagoo eegaya hadafka wayn ee SNM ay doonayso oo

ah sidii ay wadankooda hooyo u soo ceshan lahaayeen yagoo isku duubaan,ka dibna wuxuu ka

mid noqday odayaashii ka qayb qaatay shirkii beelaha Somaliland lagu heshiisiinayey laguna

walaalaynayey ee ka dhacay magaaladda burco 1991,ka dibna lagu dhawaaqay gooni isu taaga

jamhuuriyadda Somaliland 18 may 1991,iyo shirkii labaad ee ka dhacay 1993 ee lagu soo

doortay Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,wuxuuna noqday wasiirkii arrimaha

gudaha,Shaqsiyaad saaxadda siyaasadda ka dhacay ayaa waxay kaambayn ka dhigteen wadanku

askari uma baahna,wadanka maraykanka wakhtigii uu xornimadda ka qaatay 1776

boqortooyadd ingiriiska,wadanka maraykanku wuxuu ahaa sagaal gobol,sagaalkaas gobol

todoba ka mid ah ayaa doonayey inay ka baxaan nidaamka federaalka oo ay noqdaan wadamo

madax banaan waxaa dagaal aad u qadhaadh la galay madaxwaynihii ugu horeeyey oo ahaa nin

milateri ah,wuxuuna goboladdii ku soo celiyey awood milaterinimo,wadanka maraykanka

waxaa soo maray 45 madaxwayne,waxaa milateri ahaa 33 madaxwayne oo saamayn badan

wadankooda iyo caalamkaba ku soo kordhiyey,wadanka bakistaan wuxuu horumaraa dhinaca

milateriga marka ay madax ka noqdaan milaterigu,Somaliland uma maahna hogaamiye jilicsan

oo aan lahayn ku dhac,oo aan la hayn go,aan qaadasho,oo aan lahayn qaranimadda iyo gooni

isu taaga Somaliland ka dhab sheeg oo yaan cadoowga Somaliland aanay kaa helin

daldaloolooyin lagaa dhigto tuumbo la soo dhexmaro.

 

Maqaalkayga waxaan ku soo geba-gebaynayaa natiijadda xisbiyaddu ay kala helayaan

doorashadda inagu soo fool leh Insha-Allaah ee lagu wado inay dhacdo 13/11/2017,aniguu

weliba natiijadda doorashadda u badiyey xisbi aan lahayn rug cadaayo nustambeed u ah,xisbi

aan lahayn barnaamij siyaasadeed oo qaranka Somaliland iyo shacabkoodaba u dan ah,waa

xisbi lagu yaqaan cay,dafiraad ,aniguu xisbigaas wadanni u sad buriyey halkii aan u sad burin

lahaa xisbiga ka akhlaaqda wanaagsan ee ucid,balse aan xisbiga ucid ka raaligelinayo natiijadda yar ee aan siiyey.

 

 

 

 

T-GUUD CODADKA LUMAYA KULMIYE


Gobolka Awdal 102571 5000 48785
GOBOLKA M/jeex 249229 20,000 114614
Gobolka T/dheer 147440 10,000 68720
Gobolka Sanaag 80334 5,000 37667
Gobolka SooL 63698 31849
Gobolka Saaxil 60817 30409

Totalka Guud 704089 40,000 332044

T-GUUD CODADKA LUMAYA WADANNIGobolka Awdal 102571 32524
GOBOLKA M/jeex 249229 76410
Gobolka T/dheer 147440 55813
Gobolka Sanaag 80334 25111
Gobolka SooL 63698 21233
Gobolka Saaxil 60817 20272

Totalka Guud70408940,000 231363

T-GUUD CODADKA LUMAYUCID
Gobolka Awdal 102571 16262
GOBOLKA M/jeex 249229 38205
Gobolka T/dheer 147440 12907
Gobolka Sanaag 80334 12556
Gobolka SooL 63698 10616
Gobolka Saaxil 60817 10136

Totalka Guud 704089 40,000 100682


KULMIYE WADANNI UCID
49.80% 35% 15%

CODADKA AY KU KALA GUULAYSTEEN SADEXDA XISBI QARAN .

1-XISBIGA KULMIYE 49.80%


2-XISBIGA WADANNI 35%

3-XISBIGAUCID15%

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO