Saturday November 18th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Dhimirka iyo Xirfadaha Xidhiidhka La leh

0
Tuesday November 07, 2017 - 09:08:41 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimirka iyo Xirfadaha Xidhiidhka La leh

    Dhimirka iyo Xirfadaha Xidhiidhka La leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhimirka iyo Xirfadaha Xidhiidhka La leh

Iyada oo uu dhimirku kamid yahay xannuunada ugu halista badan ee dalkeena haysta, waxa lagama maarmaan noqotay in aqoon iyo waayo agarnimo dheeraad ah loo yeesho xirfadaha ay bah-wadaagta la tahay.

·Xirfada Addeega Bulshada iyo Dhimirka

Xirfada Adeegga Bulshadu (social work) waxay qayb libaax ka ciyaaraysay awood-siinta joogtada ah ee dadka qaba xannuunka dhimirka. Adeegayaasha bulshadu waxay ka qayb qaataan talo bixinta, adeeg diyaarinta iyo soo kabashada xannuunada kala duwan ee dhimirka. Adeegga bulshadu waxa uu isku xidhaa baahiyaha guud iyo kuwa gaarka ah ee dadka la dhibban xannuunka dhimirka iyaga oo la shaqaynaya xarumaha dhimirka, haay’adaha, waaxyaha dawlada iyo shaqaalaha heeganka ugu jira la dagaalanka xannuunka dhimirka.

·Xirfada Caafimaadka iyo Dhimirka

Caafimaadku waxa uu kamid yahay baahiyaha aasaasiga ah ee aadamuhu uu u baahan yahay. Caafimaad la’aantii waxqabad muuqda iyo mid qarsooniba ma dhacaan. Haddaba, qofka ama dadka dhimirka la xannuusanayaa waxay u baahan yihiin in lala tacaalo xannuunada kale ee weheliya dhimirka sida dhaawacyada iyo cuduradda kale. Dhawaanahan waxa soo badanaayay in laysku xidho dhimirka iyo adeegyada caafimaad ee deg dega ah.

·Sharciga iyo Dhimirka

Qof kasta oo dambi laga galaa ama isagu gala waxa uu u baahan yahay adeeg sharci oo badbaadiya naftiisa, hantidiisa iyo qoyskiisa. Maadama oo qofku aanu ka maarmi karin adeegyada sharci, qofka qaba dhimirku waxa uu u baahan yahay adeeg sharci oo uu helo haddii uu ku jiro dacwad ama ay jirto eedaymo lagu soo eedeyay qofka dhaawaca maskaxeed soo gaadhsiiyay dhibanaha.

·Cilmi-nafsiga iyo Dhimirka

Wada shaqaynta la’aanta dareenka qofka iyo waxyaabaha uu nolosha ka filayo oo dhici waaya ayaa mararka qaar keeni kara xannuunada dhimirka. Xaaladahan waxa lagu dawayn karaa aqoonta cilmi-nafsiga (psychology) oo ka gun gaadha xal u helida dhaawacyada ku yimaada maskaxda iyo dareenka qofka ee nolosha.

·Dhaqaalaha iyo Dhimirka

Kor u qaadista shaqaalaha ka hawl gala xarumaha dhimirka, shaqo abuurista dadka kasoo kabta xannuunada dhimirka, uqoondaynta dadka dhimirks miisaaniyad si loogu taageero iyo la kobciyo waxqabadyada dhaqaale ee ka caawinaya inay helaan dawooyin tayo leh iyo inay noqdaan qaar awood u leh inay suuqyada ganacsiga door muhiim ah ka ciyaaraan.

·Deegaanka Habboon iyo Dhimirka

Deegaanka cagaaran, xasiloon ee nadiifta ahi door muhiim ah ayuu ka ciyaaraa caafimaadka maskexeed ee dadka dhimirka la nool. Maanta dalkeena waxyaabaha adkeeya in la arko qof dhimirka ka bogsada waxa kamid ah iyada oo aanay jirin deegaan xasiloon oo ay uu ku ilaawo dhacdooyinkii xumaa ee saamaynta taban kulahaa naftiisa/nafteeda. Deegaanka oo la bedelaa waxa kale oo ay horseedi kartaa in goobaha buuqa iyo qaylada badan laga fogaado, in qaadka layska daayo, in dhibaatooyinka kale ee horseedi kara dhimirka sida sigaarka, goobaha dambiyadu ku badan yihiin, iyo dhammaanba dhacdooyin maskaxda boogaha ku yeeli kara.



Si kastaba ha ahaatee, lama soo koobi karo guud ahaan xirfadaha ku xeeran dhimirka kuwaas oo si toos ah iyo si dadban ban u taageeri kara dhaqdhaqaaqyada lagu caawinayo dadka dhimirka la nool dhaqaale ahaan, bulsho ahaan, daawo ahaan iyo nafaqo ahaanba.

Qoraaga: Maxamed Rashiid Xuseen

Ciwaanka:mohamedrashid402@gmail.com063-4002027

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO