Saturday November 18th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

SIDEE AYAAN WAKHTIGAYGA U MAAREEYAA? W/Q KADIM ALI

0
Wednesday November 08, 2017 - 10:36:35 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIDEE AYAAN WAKHTIGAYGA U MAAREEYAA? W/Q KADIM ALI

    SIDEE AYAAN WAKHTIGAYGA U MAAREEYAA? W/Q KADIM ALI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIDEE AYAAN WAKHTIGAYGA U MAAREEYAA? W/Q KADIM ALI
Maqaalka aynu qormadan ku soo qaadan doonaa waxa uu noqon doonaa: SIDEE AYAAN WAKHTIGAYGA U MAAREEYAA?
Wakhtigu waa shayga ugu qaalisan ee qofkastaa leeyahay. Wakhtigu waa galad ALLE oo u baahan in si wanaagsan looga faaidaysto, waana furaha aynu ku hagaajin karno nolosheena adduun iyo akhiroba.
Waxa dhab ah in qofkasta oo noloshan gaadhay heer la hiigsado lagana sheekeeyo , ay sabab u ahayd sida uu uga faaidaystay wakhtigiisa. Marka laga hadlayo maaraynta wakhtiga waxa loo maarayn karaa siyaabo kala duwan. Maqaalkan waxaynu ku qaadan doonaa qaar ka mid ah:
1- Samayso qorshe wakhti dheer ah oo hawl-fulineed oo ku salaysan hadafkaaga. Qorshahaas oo noqon kara sanad , afar bilood ama lix bilood. Qodobkani laba shay ayaa uu u baahan yahay , waa ta koowaade waa inaad taqaan marka hore noocyada ahdaafta ee kala duwan. Waayo inta badan nooc kasta oo noocyada ahdaafta ka mid ahi , waxa uu u baahnaanayaa acmaal u gaar ah. Sidoo kale waxaa dhici karta in ahdaaftaada qaar ay acmaal wadaagaan. Tusaale ahaan hadafkaaga ku saabsan Caafimaadkaaga waa uu ka acmaal duwanaanaya
kaaga ku saabsan waxbarashadaada.


( maqaal kale ayaynu ku qaadan doonaa noocyada ahdaafta insha Allah) Marka labaadna waa inaad qorshaysaa hadafkasta hawsha iyo acmaasha uu u baahan yahay in la qabto si loo gaadho. Waayo haddii aanad qorshayn ama aanad garanayn hadafkan sida loo gaadhayo , waxa kaaga lumaya wakhti badan inta aad kolba camal malayn ku dhisan ama aqoon darro ku dhisan , aad ku tijaabinayso gaadhista yoolka aad doonaysay inaad gaadho. Laakinse bal ila eeg markaad garanayso waxaad doonayso ( HADAF) , garanaysana wadadaad u maraysay ( ACMAAL) Tusaale ahaan waxaad doonaysay inaad miisaan iska rido 15kg..(HADAF)..muddo lix bilood gudaheed ah . Waxaad u baahan tahay markaas inaad cunada iska yarayso , inaad jimicsato ama GYM gasho, IWM. (ACMAAL)

2- Samayso jadwal todobaadle ah oo aad ku qorayso acmaasha aad u baahan tahay inaad samayso todobaadkan si aad ahdaaftaadii kala duwanayd u gaadho. Sida aynu ogsoon nahay bilaha iyo sanadkuba waxay ka kooban yihiin todobaadayo. Sidaa
 darteed acmaashii aad qorshaysay u qoondee wakhti todobaad kasta , ilaa laga gaadhayo xilligii aad doonaysay inaad yoolkaaga gaadho.
(OGSONOOW 6 BILOOD =24 TODDOBAD). Tusaalihii hore waxaynu ku soo qaadanay inaad doonaysay inaad 15kg iska yarayso muddo lix bilood ah. Imikana waxaad is weydiinaysaa qodobkan labaad su’aashan oo kale : maxaan qabtaa todobaadkan iyo 23ka todobaad ee soo socda (acmaal) si aan ahfaadtayda u gaadho? Tusaale hadafkii ahaa iska rid 15kg) Todobaad kastana diyaari acmaasha ku haboon ee ku gaadhsiin karta hadafkaaga. Sidoo
kalena Todobaad kasta ama bilkastana is weydii s’aashan: Acmaasha aan todobaadkan ama bishan qabtay ma yihiin qaar hadafkaygii ii dhaweeyay? (Tusaale hadafkii ahaa iska-rid 15kg) ? Acmaashana Waxaad u samayn kartaa tusaale ahaan sida tan :

SIDEE AYAAN WAKHTIGAYGA U MAAREEYAA?

W/Q KADIM ALI

Saddex maalmood GYM-ka tag , habeenkii cashada iska daa , IWM. Qodobkani waxa uu kaa caawinayaa inuu noqdo hadafkaagii ahaa "6 bilood ka dib” iyo ahdaaftaadii kaleba ay noqdaan qaar ay acmaal kooban oo aad si joogto ah u samayso todobaad kasta ay sabab u noqdaan inaad gaadho . 3- Samayso saacad gaar ah maalin kasta , ama todobbaad kasta hal maalin una qoondee camal u khaas ah.
Tusaalihii hore hadaan mar saddexaad soo qaato , maalinkasta oo jimce ah waa inaad ciyaartaa kubbad ama lugaysaa ilaa 1km si miisaan kaaga dhaco. Tusaale kale habeen kasta saacadu markay tahay 9ka habeenimo ilaa 10ka dhagayso TAFSIIRKA idaacada QURAANKA ka baxa , IWM. Qodobkani waxa uu ku haboon yahay hadafka noloshaada oo dhan wanaajinaya oo ah barashada DIINTA. Waxaana ila fiican inaynu ka dhigno wakhtigan mid gaar u ah Aakhirodeena. Waayo camalkani waxa uu noqon karaa mid u dhigma xadiiski rasuulka
(SCW) ee ahaa: ( camal la qabto waxa ugu wanaagsan ka uu qofka la imanayaa joogteeyo haba yaraado
camalkaasiye) (BUKHARI 6465). 

4- Ka faai’dayso wakhtiga ku haboon shakhsiyadaada. Qofkastaa waxa uu leeyahay xilli uu hawlo kala duwan qaban karo , una qaban karo si fir-fircooni ku jirto. Dadkuna intooda badan waxay u qaybsamaan laba : qaar subaxii fir-fircoon , iyo qaar habeenkii fir-fircoon. Markaas waa in qofkastaa ogaado xilliga uu ugu fir-fircooni iyo feejignaan badan yahay , si uu (ACMAASHA) ahdaaftiisa gaadh-siinayasa u qabto wakhtigaas. Tusaalihii hore waxaad doonaysay inaad iska rido miisan ah 15kg. Sidaaa darteed waa inaad baadhid xilliga aad u malaynayso inaad fir-fircoon tahay ee aad si wanaagsan u jimicsan kartid, ma subaxbaa , galab , mise waa habeen? Dabadeeto acmaashaas qabo xilligaas. Qodobkani waxa uu inaga caawinayaa inaynu ka faaidaysano wakhtiga aynu dabeecad ahaan ugu waxqabad badnaan karno. Taas oo meesha ka saaraysa inaynu camal qabano wakhti aynaa diyaar ahayn maskax ahaan iyo nafsi ahaan , waxaana aynu ka badbaadaynaa
wakhti inaga luma. Ugu dambayntii marka aynu doonayno in aynu gaadhno hadaf ka mid noocyada hadafyada , waxa aad u wanaagsan inta aynaa bilaabin in aynu marino kuna qiyaaso afartan si wakhti aanu inooga lumin. Sidoo kalena isticmaalno hababkasta oo aynu is leenahay wakhtiga ayay idinka caawinayaan inaad si fiican uga faaidaystaan. Waxaan ka soo qaatay buugga :

(10 shay oo aan jeclaa inaan ogaado inta aanan jaamacad bilaabin) (AF- CARABI ) (DR YASIR ABDIKAREM BAKAR). Kala socda maqaalkan & maqaalo kaleba labada toddobaad ee u horeeya bil kasta Website-yada ku baxa afka- Soomaaliga kana daalaco maqaaladii hore degelkan:
https://medium.com/@Kadim
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO