Saturday November 18th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Ururka qareenada Somaliland oo Shacabka ugu Baaqay In Nabada La Ilaaliyo Maalinta Doorashada

0
Sunday November 12, 2017 - 10:12:56 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 88
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka qareenada Somaliland oo Shacabka ugu Baaqay In Nabada La Ilaaliyo Maalinta Doorashada

    Ururka qareenada Somaliland oo Shacabka ugu Baaqay In Nabada La Ilaaliyo Maalinta Doorashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka qareenada Somaliland oo Shacabka ugu Baaqay In Nabada La Ilaaliyo Maalinta Doorashada

Ururka Qarenada Somaliland wuxuu halkan hambalyo iyo mohad naq uga dirayaa dhamaan shacabka reer Somaliland howshii baaxada lahayd e ololaha doorashada e ay sida quruxda badan uga qayb-qaaten kuna ololeeyen si nabad galyo ah una muujiyeen taageeridooda saddexda xisbi qaran islamarkan u muujiyen rabitaankooda xaqa doorashada waa wax lagu farxo oo muddan in looga mohad celiyo waxaanan leenahay ummada reer Somaliland hambalyo ku waara nolol iyo nabad.


Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA MudaneMaxamed Maxamuud Xaashi (Timo)ayaa maanta shirkaasi Jaraa'id ku qabtay Magaalada Hargeysa, Waxaanu si gaar ah hambalyo uga ugu dirayna hogaamiyeyasha saddexda xisbi qaran sida quruxda badan e dimocraadiyada iyo horumarka hanaanka siyasadeed e ay ugu soo bandhigen doodii wax qabadka hogaamineed e uu mid waliba rabo inuu ku hogaamiyo ummada reer Somaliland haddii u guulaysto iyo qaabka ay u maamuleen ololaha doorashada oo ah howl runtii baaxad leh.



Waxaanu halkan ummada Reer Somaliland uga dirayna fariin ku Aadan wajiga labaad e doorashada oo bilaabmaya maalinta isniinta e bishu tahay 13/11/2017

Waxaanu leenahay walaalayaal tartarkii ololuhu wuu dhamaaday waxa loo dareeraya coddayntii waxaad xaq u leedahay inaad coddayso kuna coddayso nabad galyo una coddayso murashaxa aad taageersantahay codkaaguna waa muhiim waxaanu muhiim noqonaya ood murashaxaga iyo ummada reer Somalilandba ku taageeri karta markad nabad-galyo iyo nidaamka sharci ku coddayso.


Maalinta coddaynta dhammaanteen waxaynu nahay masuuliyiin ka masuula nabadgalyda iyo danta caamka ah e ummada waxaynu dhinac ka wada nahay caddowga Somaliland waxaynu wada ilaashanayna qaranimadena suuban , waxaynu muujinayna horumarka siyaasadeed e aynu bislaanay iyo awooda shacabka reer Somaliland waxaynu u hiilinayna qaranimada iyo dowladnimadena suuban, inaad xisbi u coddaysa wax xaq dastuuri ah oo aad leedahay,waxaase xaq laguugu leeyahay inaad ixtiraanto xaqa doorashada e uu walaalka leeyahay isna inuu u coddeeyo xisbiga u taageero iskuna ixtiraamtan xaqa taageerida iyo coddaynta.


Saddex murashax kii soo baxaaba waa madaxwaynaha Ummada reer Somaliland e aad ka mid ka tahay waa madaxwaynahagii beel iyo qabiiltoona uma aha madaxwayne balse waa madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland.


Murashaxiinta tartamayaa waa shakhsiyaad oo ummada waxay ka yihiin shakhsi bale waxa muhiim ah inaynu ilaalino waxa inaga dhexeeya oo ah qaranimada iyo jiritan isku duubnida Ummada reer Somaliland e walaalaha ah sidaasi ayuu horumarku ku jira noloshadu ku jirta aqoontaada wax barasho ku horumaraysa qayrkana ku dhaafi karta


Waxaanu leenahay muwaadin ku coddee nabad galyo oo la shaqee haya’daha amniga iyo komishanka qaranka e howsha wada waa muhiim inaad garab istaagto maamulkaaga xaqa coddaynta waa noloshada mustaqbal ilaasho qaranimada iyo wada noolaansha walaaladaada jar ah waa fariin muhiim ah muwaadin.


Hogaamiyeyasha saddexda xisbiga qaran e sida fiican usoo tartamayna waxanu leenahay walaalayaal ummada u sheega inay ku coddeeyan nabad-galyo oo dhamman taageerayaashiina ku wacyi galiya inay ku coddeeyan nabadgalyo iyada jiritankeenu ku jira murashaxa maanta laga guulaystaa waa madaxwaynaha bari oo ummada hadday manta ka coddaysay baribay kuu coddayn hanoqonina siyaasiga manta oo kaliya e noqda siyaasiga manta iyo bari iyo sahan danbe.


Ugu dambayntii,Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA wuxuu Guddiga Doorashooyinka Qaranka ugu baaqay dadaal go'an qadasho cadaladed habrasho la”an gusha Somaliland gacantina ayey ku jirta e guul iyo gobanimo.

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO