Friday May 25th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Booska Hebel baan ku socdaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

0
Monday November 27, 2017 - 22:53:15 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booska Hebel baan ku socdaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

    Marka isbedel sidan oo kale dhaco oo xukuumaddii hore bedelayso xukuumad kale waxa inta badan dhaca in dad faro badan oo dibadda joogay oo u badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka isbedel sidan oo kale dhaco oo xukuumaddii hore bedelayso xukuumad kale waxa inta badan dhaca in dad faro badan oo dibadda joogay oo u badan

Marka isbedel sidan oo kale dhaco oo xukuumaddii hore bedelayso xukuumad kale waxa inta badan dhaca in dad faro badan oo dibadda joogay oo u badan kuwo xisbiga taageera inay ololaha u galaan sidii ay shaqo uga heli lahaayeen ama xil uga qaban lahaayeen xukuumadda cusub ee dhalatay, waxaanay dadkaasi sii eegtaan booska ay doonayaan si hadhow booskaasi loogu bedelo ama loogu magacaabo marka xisbigoodu guulaysto.

Ninba nin buu ku xisaabtamayaa booska uu joogo ama uu hayo, kama fikirayo in shaqo kale ama meel kale sii xaadh xaadho ee boos uu joogo nin ay ilmaadeer yihiin buu niyada iyo maankaba ku hayaa,isagoo u arkaya in wakhtigii ololaha aanu xisbiga la shaqayn amaba ka aragti duwanaa markii uu xisbigiisa u shaqaynayey amaba aanu tacab galin xisbiga uu taageeraha u yahay wakhtigii ololaha.

Waxa kale oo jira caqabad kale oo bulshaddu saamayn ku leedahay in qof kasta oo xisbiga taageerayey ku qasbaya inuu hungureeyo inuu madax noqdo mar hadii uu xisbigiisa guulaystay, waxaanay dadka kala kulmaan cadaadis ah maxaad u soo dhimanaysay ee aad xisbiga iskugu wareerinaysay hadii aanad waxba ka noqonayn iyo hadii aanad xukuumadda cusub ku jireen oo laguugu guurayo maxaad habeen iyo maalin aad u ordaysay, taasina waxay keenta hadii uu xukuumadda ka mid noqon waayo inuu u arko in lagu guuray oo uu mucaarad ku noqdo hogaamiyihii uu soo saaray ama nin cidlo lagaga tagay.

Hogaamiyaha la doortaana waxay ku adagtahay in wixii la shaqaynayey oo dhan uu xukuumadda ku wada daro, ilayn dadkii hore usii shaqaynayey ee dawladda ku jiray iyana laga wada dareerin maayo, waana caqabad kala haysta madaxweynihii la doortay iyo dadkii u shaqayaneyey.

Aan ku soo noqdo sheekadaynii, qof kasta wuxu sii qorshaystay hebelka lagu bedeli lahaa, dadku way kala duwan yihiin dadka qaar waxay la tahay oo uu xukuumadda u galayaa wax ka qabso sida hebel ba guryo uga dhistay, kaliya intaas baa u muuqata, haddaba, Ninka sheekadani ku socoto oo aan magaciisa usoo gaabinayo Moogane (Moogane waxaan ugu bixiyey aduunka mooyee aakhiro warba uma hayo), Moogane wuxuu ka mid yahay dadka sidaas u fikiraya ee isagu sii qorsheystay booska uu doonayo,waxa uu ku socda nin ay isku xaafad yihiin oo agaasime waaxeed ka ah wasaarad dhaqaale leh, agaasime waaxeedkani waxa uu mudadii uu xilkaasi hayey dhistay guri iyo dhul badan oo uu magalada ka iibsaday, Moogane waxa uu sii qorshaystay inuu isna laba guri iyo lacago badan ka dhigto mudadda uu joogo maadaama oo isna sidan oo kale ku soo socoto uu ka ka gaadhsiiyo wixii uu urursan karo.

Mar uu dad ay asxaabyihiin u waramayey Mooge waxa uu yidhi "anigu xisbiga waan u soo halgamay, waxaana ololahaasi iyo dagaalkaasi oo dhan u galay sidii aan booskaasi hebel la igu bedeli lahaa, waayo isagu guryo iyo hanti badan buu ka dhistay dee anna intaas in leeg baan uga baahanahay inaan ka urursado”

Nin ay saaxiib ahaayeen oo meesha fadhiyey ayaa ku yidhi "waar dee waynu ognahay agaasime waaxeedku lacagta uu qaato hadii uu sodan sanno ururiyo guri iska daaye jago ma iibsan karo, marka hadii uu guri dhistay ilayn xoolihii umadda uun buu boobay oo waa la iska garanayaye, waxaan kuula talin lahaa ilaahay baa wax aad cunto ku siinne, ha ku fikirin in sidaas uu wax u boobay u boobtid oo guri iyo hanti ka urursato xoolaha umadda hadii kale kun xanuun iyo ubadka oo ka xanuunsado uun baad ku dhamayn lacagtaasi umadda ee aad sii qorshaysatay inaad ku macaashto oo hantiile ku noqoto”

Mooge oo saaxibkii u jawaabay waxa uu yidhi "saaxiib xaaraantan aad ka hadlaysa ma cid ka madhan baad aragtay, sookuwan quraankii lacag laga dhigay ee kii doolar haysta uun quraankii baranayo kii kale ee aan dollar haysana suuqa meehanaabayo, soo kuwan kuwii diinta inoo joogay aad arkaysid sida uu macaashayaan iyo siday hawlaha u wataan,nin kasta oo ganacsidde ahiwuxu macaasha boqolkiiba saddex boqol soo kuwan maalin taajir wada noqday ee masaajidkana safka hore kaaga horeynaya, adeernoloshii baa adkaatay oo wax walba kugu kalifaysa hadda ma gaajaad u dhiman, ta labaad umaddaas oo dhan ninna mushaharkiisa kuma noolla eenin walba meesha uu haysto uun buu tukaan ka dhex dhigtay dee kuwaas sida la yidhaahdo uun baa anna lay odhan, midda kale ilaahay waa dambi dhaafe oo wuu kaa dhaafi karaa dambiyadda waa Qafuurul raxiim.”

Dadka inta badan caadaysta musuqmaasuqa ama cunista hantidda dadweynaha marka aad ka waaniso xaaraanta iska daa, waxay inta badan ku doodaan ilaahay waa wax kaste cafiye, wax walbana wuu cafinayaa waa Qafuurul raxiim, waana kalmadda ay niyada ku haystaan in wax kasta oo ay cunaan laga cafinayo.

Sheekadani waxay tusaale u tahay nolosha dhabta ah ee wadanka ka jirta, isbedel kasta oo dhaca shakhsiyaad kooban uun bay bedel u tahay, qof walibana wuxuu u ordayaa uun inuu dhaco ama uu boobo hantidda ummadda, qof walba wuxuu ku xisaabtamayaa sidii uu hebel u bedeli lahaa, laakiin ma jirto isbedel nololeed oo la doonayo, inkastoo dadku ku hanweyn yihiin in madaxweynaha cusub noqdo mid si weyn wax uga bedela hab dhaqankaasi mudadda dheer soo taxnaa ee nin waliba xafiiska uu joogo uu boqorka ka yahay,isla markaana ilaa aad caanihiisa u dhiibto aanay adeegaasi ku dhamaanayn taas oo dadku ku qasban yihiin in xafiiska marka aad tagto qofka jooga shahaadiisa sii diyaariso, waxaan sheekadan ku soo xidhayaa ilaahay ha laga baqdo arsaaqdana alla bixiyee ninna yaanu ka welwelin inuu gaajo u dhinto ee ha ka walwalo inay xaaraani calooshiisa gasho.

By:Barkhad-Ladiif M. Cumar

Email:barkhadladiif@hotmail. com



Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
WAREYSIYO