Monday December 11th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Qormo Kooban Oo Hugotusaale u ah Madaxweynaha La Doortay.

0
Wednesday November 29, 2017 - 15:01:41 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 89
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qormo Kooban Oo Hugotusaale u ah Madaxweynaha La Doortay.

    Qormo Kooban Oo Hugotusaale u ah Madaxweynaha La Doortay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormo Kooban Oo Hugotusaale u ah Madaxweynaha La Doortay.

Wiil shan jir ah oo Aabihii u dhago-nuglaa ayaa Aabihii dhawr jeer ka codsaday, ‘in uu baaskiilad u soo iibiyo”. Markii codsigaasi soo noqnoqday ayuu odaygii suuqa galay oo ka soo iibiyay baaskiilad laba kursi leh, taas oo uu ugu talogalay in wiilka ka yar oo laba sanno jir ah uu la wadaago.


Dhacdadaasi waxa ay keentay arrimo haddii si qoto-dheer loogu fiirsado laga dhex dareemi karo khatarta caddaalad-darrada iyo sinnaan la'aantu ay leedahay:

…Wiilkii yaraa waxa uu diiday in uu kursiga danbe fadhiisto, sababata oo ah waxa uu u arkaayay in laga doorbiday ka weyn. Waad dareemi kartaa wiil labo jir ah oo aan hadalka si fiican u baran, waxa uu itaal biday dagaal iyo xafiiltan, markii laga xoog roonaadayna ‘Oohin iyo Cadho joogto ah.



Keliya cadhadii kuma ay koobnaan wiilka uu ficiltanku ka dhexeeyo ee waxa uu calool-xumo u qaaday Aabihii. Dhinaca kale, hooyaddiina waxa ay la safatay wiilkii guri-danbayska ahaa, iyada oo hiiftan iyo canaan joogto ah ku asqaysay Odaygii islahaa naxariis u same carruurtaada.

Odaygii markii uu hadhsan waayay, farxadii iyo raynrayntii guriguna ligligatay ayuu go’aansaday in uu baaskiilad labaad u soo iibiyo wiilka yar.

Dulucda sheekadaas kooban waa dhibka iyo cawaaqib xumada caddaalad-darrada iyo sinnaan la’aanta u leedahay yar iyo weynba. Sidaas awgeed, madaxweynaha la doortay waxa la gudboon in dadka uu mas’uulka ka yahay - sida uu ballanqaaday, lagana rajaynayo - uu u caddaalad falo inta karaankiisa ah.

Waxa dhici karta in dadka qaar ka mid ah ay ugu manno sheegtaan waxa aanu kugu soo saarnay cod, maskax iyo maal, iyaga oo ka rajaynaya abaal-gud u gaar ah. Nasiib-wanaag inta aan ka aqaanno madaxweynaha la doortay, Mudane Muuse Bixii Cabdi – halku-dhegyadii ololuhuna tibaaxayeen waa arrin aan ka suurtogalayn, waayo waxa uu og yahay in xaalku ku danbayn doono sida qoyskaas aynu kor ku soo xusnay iyo si ka xun.


Faa’iidooyinka caddaalada iyo Sinnaanta waxa inagaga filan qisadan: ‘Markii uu Cumar Bin Khadaab (Illaahay ha ka raali ahaadee) la wareegay maamulka muslimiinta ayaa boqorkii dawladdii Beershiyaanka – oo wakhtigaas ku jirtay kaalinta uu hadda ku jiro Maraykanku - u soo diray mid ka mid ah hoggaamiyayaashiisii ugu geesisanaa oo la odhan jiray Hurmusaan, waxaana uu yimi magaalada Madiina oo ahayd caasimaddii dawladdii Muslimiinta. Hurmusaan markii uu soo gaadhay aqalkii Cumar ayaa loo sheegay in uu masjidka ku maqan yahay, haddana waxa uu ka waayay masjidkii, waxana uu ugu danbayn helay Cumar Binu Khadaab oo geed hoostii jiifa, labadiisii kaboodna barkaday, kolkaas ayuu aad uga yaabay ninka magaciisu gaalo oo dhan uu ka yaabiyay cabsi ay ka qabaan awgeed iyo sida uu geedkan isaga hoos jiifo.

Ninkaas geesiga ah, waa Hurmusaanee, ayaa waxa laga qoray hadal taariikhda galay oo macnihiisu yahay; "Caddaalad ayaad samaysay, kolkaas ayaad aammin noqotay oo cabsi ka nabadgashay, dabadeedna waad seexatay (geed cidlo ah hoostii)”.


Caddaaladdu keliya maaha in kuraasta sarsare si siman loogu qaybiyo beelaha, ee waxa loo baahan yahay in dadku u sinnaadaan dhinac walba, sida ilaha dhaqaale, ganacsi, deeqaha waxbarasho, shaqo-abuur, caafimaadka iyo guud ahaan kaabayaayasha nolosha iyo horumarka oo dhan.


Fiiro-gaar ah: Qormadan iyo aragtida ku duugan aniga ayay gaar ii tahay.

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO