Friday May 25th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

DOORASHADII MAXAY INOO IFTIIMISAY?

0
Wednesday November 29, 2017 - 16:00:12 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DOORASHADII MAXAY INOO IFTIIMISAY?

    DOORASHADII MAXAY INOO IFTIIMISAY?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DOORASHADII MAXAY INOO IFTIIMISAY?
Sida dhacdo walba wax looga barto, doorashadii Somaliland ka qabsootay waxay inoo iftiimisay arimo
badan oo murugsanaa oo siyaasad ahaan mahmiyad weyn ku fadhiya waayo waxay saamayn weyn ku
yeelan doonaan guud ahaan.
Dal ahaan nidaamkii cusbaa ee loo adeegsadey diiwaan galintii codbixiyaasha waxay banaanka soo
dhigtay tiro aad ugu dhow codbixiyeyaasha dalka tiradaas oo aad ugu fog tirooyinkii ka soo baxijirey
doorashooyinkii horey dalka uga qabsoomay.
Waxaa weliba soo baxdey in miisaanka siyaasadeed ee Awdal noqon karo kan xaqiijin kara cidda
guushu raacayso sobobtuna waxa weeyi marka lagu foorarsado sida codadka beelaha dhexe u
qaybsameen.Laakiin waa haddii boqolkiiba 60 in ka badan Awdal meel wada marto.
Dhinaca Awdal haddaan jaleecno, waxaa soo shaac baxay in Beelaha Habar Cafaan oo dadka qaar
miisaankeeda is diidsiin jireen inay tahay cududa Gobolka marka si dhab ah loogu foorarsado natiijada
Awdal ka soo baxdey. Aqlabiyada Beeshaasi waxay codkooda siiyeen Xisbiga Kulmiye halka ilaa 12
kun oo codna uugu deeqeen xisbiga Wadani.
Olalihii doorashadu wuxuu shaaca ka qaadey in siyaasiga ruugcadaaga ah Abdillahi Dheere (Wasiirka
Waxbarashada) oo ku duulaaya balasha Suldaanka Guud ee Galbeedka Suldaan Dhawal uu ahaa
shaqsiga ugu fadalo cadaa ee khibradiisa iyo kartidiisa soo bandhigay guusha Kulmiyana aabaha ka
ahaa.
Doorashadii waxay dibada soo dhigtay karti daro iyo maamul xumo ay soo hooyeen nimankii Xisbiga
Kulmiye u igmadey hawlaha Kambaynka iyo doorashada. Nimankaas oo kale ah Axmad Xaaji Daahir
iyo Axmad muunin Seed.
Mudane Axmad xaaji Dahir waa nin run ahaantii markii Rayaale dhacay siyaasada meel ku tiiriyay.
Markuu dib siyaasada u soo galey wuxuu siyaasada ka amba qaadey halkii uu kaga tagay markii
Rayaale wasiirka u ahaa. Axmad habdhaqankii siyaasadii Udub ayuu ku dhaqmay isagood moodo inuu
hurdo ku jirey taniyo wakhtigii Kulmiye xukunka la wareegay. Hantidii dhaqaale ee Xisbiga ayuu ku
bixiyay amba gacanta u gashay dad wacad ku marey inay Saylici iyo Biixi dhulka la simaan. Axmad
Xaaji Daahir ayaa si cad uuga hor yimid talooyinkii ka soo yeedhayay Wasiir Abdillahi Dheere oo
khabiir ku ah siyaasada Galbeedka aragti fiicana u leh shaxda siyaasadeed ee dalka iyo tan gobolka.
Ninka kale waa Axmad Muumin Seed oo lagu yaqaano shaqsi barbarmarsan fahanka siyaasadeed,
waana ninka loo aanaynaayo maamul xumada muraaqibiintii xisbiga Kulmiye oo sagaashan ka mid ah
uu u igmadey shaqsiyaad u adeegaayay Wadani. Seed oo jabka siyaasadeed caado ka dhigtay wuxuu
barbar maray muraaqibiintii Kulmiyaha Awdal sii diyaarsadey, kuwaas oo weliba lacag la’aan iyo
isxilqaadnimo ku shaqeeyay ayagoo fashiliyay shirqoolo badan oo Seed ka masuul ahaan.
Sida ay xaqiijinayaan warar ku dhow-dhow hogaanka Kulmiye ee Awdal, dhalinta xisbiga ayaa
hogaanka saree e Xisbiga ee heer Qaran gaar ahaan Gudoomiye Muse Biixi ka wargaliyay dhiilata ay
ka masuulka yihiin Axmad Xaaji Daahir iyo Axmad Muumin Seed oo sida la aaminsan yahay aad u
wiiqay Xisbiga.
Doorashadu waxay weliba iftiimisay habdhaqan aad u foolxun oo ka soo yeedhay beelaha musharaxa
labaad ee Wadani ku meersanaa amba uu ka soo jeeday. Habdhaqanadaas oo marag ay u tahay markii


ay tahniyadaynayeen Madaxweynaha guushu raacdey ayagoo si doqoniimo ah ka gaabsadey inay u
tahniyadeeyaan Saylici oo tolkood ah kana guulaystay inankooda. Gafkaasi maalintuu dhacay waxaa
weliba la galey gaf kale oo nuxurkiisu ahaan in la xusi waayo beelihii kale ee Wadani o codeeyay,
xafladaasna waxaa ka maqnaa siyaasiintii beelaha kale ka soo jeeday ee Wadani u ololaysay. Taas
ayaa marag ka ah abaal la’aan iyo ula kac ay ku muujinayeen cadaawada ay u qabaan siyaasiinta kale
ah Saylici iyo Cabdillahi Dheere.
Dhacdooyinkaa ayaa noqotay mid ka yaabisay dhamaan ummada Somaliland balse soo bandhigtay
habdhaqan hoosta ka xariiqaya halka ay aadamo ahaan taagan yihiin. Waa habdhaqan ka baxsan
edebta siyaasadeed iyo tan bulsho. Waa habdhaqan cay ku ah dhaqanka dahabka ah ee ay leeyihiin
shacbiga Galbeedka Somaliland oo taariikh ahaan hal-abuur u leh murti badan oo aas-aasi u ah qaab-
dhaqmeed sal ay u yihiin edeb, ixtiraam iyo ilbaxnimo karaamo sare leh sida: ‘Waad baaha looma
bahalo cuno; Hadaad dhimanayso dhareerkaa layska duwaa; Beeni maxay qaban, Booramaan ka
imidee”.
Isku soo wada xooriyoo, doorashadii dalka ka qabsoontay waxay noqotay mid guud ahaan guul ku
dhamaatay, casharo badana laga bartay isla markaas waxbadan u iftiimisay Madaxweyne Muuse Biixi
oo dhawaan soo dhisi doona xukumada dalka hogaamin doonta wixii ka dambeeya Disember afar iyo
tobankeeda.
Abris Awdal
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
WAREYSIYO