Friday May 25th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Abwaanka Caanka Ah Ee Yuusuf Shaacir Oo Qalinka U Qaaday Gabay Cusub Oo Ka Turjumaya Wakhtiga Iyo Marxalada Ka Taagan Somaliland

0
Wednesday November 29, 2017 - 16:04:42 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 1107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Abwaanka Caanka Ah Ee Yuusuf Shaacir Oo Qalinka U Qaaday Gabay Cusub Oo Ka Turjumaya Wakhtiga Iyo Marxalada Ka Taagan Somaliland

    Gabyaagii Gobaysane: Qamaan Bulxan (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille "Shaacir")

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabyaagii Gobaysane: Qamaan Bulxan (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille "Shaacir")

Wiil taaninimo loo qiroo sida talmiiggaasa

Aan lagu taxwiyin oo lagdini timaha boodhaynin

Mid uun baa tab kula soo baxoo laga tixraacaaye

wallee inan ragaw tala aduun taada uun maaha.

Gu’gii la baxay Gobaysane oo ku beegnaa hillaaddii 1865 waxa dhashay ama kacaamay gabyaa caan ah oo ay Soomaalidu murtidooda si weyn ugu hal-qabsato. Waxaa raggaa ka mid ahaa maansayahankii weynaa Alle ha u naxariistee Qamaan Bulxan Yuusuf oo ku dhashay deegaanka Qabri-Dahare oo ka tirsan Gobolka Qoraxay ee Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

AHN Qamaan waa gabyaa lagu tixgeliyo gabay-murtiyeedka. Xeeldheerida suugaanta Soomaalidu waxay ku jir taa sarbeebta, sogordaha iyo sandahnaanta. Qamaan wuxuu saf ka hore kaga jiraa suugaanyahanka ay maansadoodu intaaba midaysay. Waxaana lagu majeertaa maansooyinkiisa murtida iyo mahadhooyinka reebay ee maahmaahda iyo halqabsiga loo sooqaato. Maqaalkan kooban suugaantii Qamaan kuma soo wada qaadan karno, waxanse jeclaystay in aynu milicsano maansooyin muhiim ah oo qaarkood dadka badankiisu yaqaanaan iyo silsiladihii ama doodihii ay ka midka ahaayeen.

Aan ku bilaabo gabay duur xulkiisu ahaa dood dhex martay libaax iyo dam’eer iyo habka farshaxannimada ah ee uu u dhigay. Wuxu yihdi:

Libaax iyo waxaa seertay miir sogob dam’eeraade

Wuxuu yidhi samaan aan cabnee suluq ka dhawr miirta

Waxay tidhi sadkay gaan ba’ sane ha ina sooyaamin

Wuxuu yidhi si kas taad fashaba biyaha hayna wada seejin

Waxay tidhi armaad sibir-qaskaa sir uga jeedaaba

Wuxuu yidhi haddaad sidatan tidhi sahay ka qaadoo tag

Waxay tidhi inkas taad sidaa tidhi sayndhaw daynmaayo

Dabadeedna suluf tii lugtiyo galisay suulkiiba

Isaguna kusara joogsayoo madaxa saydh yoo dil

Qamaan xilligii uu noolaa waxaa geyiga ka curtay laba silsiladood oo waaweyn. Ta hore waxay caan ku tahay Halac-Dheere. Halac wuxuu taariikhda ku galay hunguri waynaan. Wuxuu ahaa reer Doolood. Waxaanu ardaa-dhig u raacay nin ay isxigeen oo gabadh ka doonay Suldaan Cali Yuusuf oo xaruntiisu ahayd Hobyo. Cali Sharma’arke oo ka mid ahaa odayaasha Hobyo ayaa wax ka tilmaamay hungiri waynaanta Halac-Dheere. Waxaanu yidhi:

Gobanimo in ay hiba tohoo hore naloo siiyay

Halac-Dheere nimankii wax badan hayn jiraan ahay’e

Qamaan Bulxan ayaa ka soo jawaabay tixdaa Cali Sharmaarke waxaanu gaashaanka ku dhuftay gobanimada uu sheegtay.

Halkaad Cali Sharma’arkaw natidhi waa huf iyo beene

Gobanimo haday hibo tahoo hore laguu siiyay

Hoh maxaad u tidhi wiil martiya hilib intaad siisay

AHN. Cali Dhuux Aadan oo la safan tixdii hore ee Cali Sharma’arke, kana hor jeeda Qamaan Bulxan ayaa isna yidhi:

Halac oo hir dheer la egi haduu hogob ka soo muuqdo

Idinkoo la hayb ahiba waa wada habaartaane

Harti maxaad ku geli Eebeheen horor hadduu keenay

AHN Sayid Maxamed ayaa isna soo galay. Waxaanay u ekaatay in laba dhinc loo kala saftay waxaanu yidhi:

Koluu Hiirad oo kale noqdoo ibil la haaneedo

Huwan muu u kaco kuma qadeen hodan-qabeenkiiye

Hobyo maxaa u dhigay uumiyuu kala hoyaad roone

Silsiladdii Guba amaRayid

Waagii ay Daraawiish jabtay, hadhaageediina Iimay iyo Carro-Ogaadeen u kacay, ayaa Ingiriisku qalqaaliyay duulaan ballaadhan oo ku-talogalkiisu ahaa in ay soo qabtaan Sayid Maxamed. Sheekooyinka qaar waxay wariyaan Cali-Dhuux iyo col uu wataa in ay qayb ka ahaayeen gulufkaas. Inkastoo colkaasi aanu ku guulaysan qabashada Sayid Maxamed, wuxuu cagta mariyay Qamaan Bulxan iyo beeshiisu wixii ay maadh adduun lahayd, waxaanay qaadeen geela labaxay Hagoogane. Waa dambe ayaa Cali- Dhuux Aadan ibo furay silsiladdii Guba. Waxaanu si ban’ u guubaabiyay beesha uu ka soo jeedo Qamaan Bulxan. Laakiin xusuusta Qamaan kama bixin geelii hogaagane iyo kaalintii uu ku lahaa Cali-dhuux Aadan, waana ta uu ku salaynayo jawaabtiisa Dhiiftoon. Wuxu yidhi:

Duunyada fardood maalintaad dalabku qaadaysay

Sidii duul Amxaara’a markaad nagu dabraynaysay

Aad duubi waynaw sangaha nagu dabaalaysay

Intaad haatan ii laba diblayn muudamqado jiidhku

Baadida nin baa kula daydaya daalna kaabadane

Aan doonahayn in aad heshana daa’in abidkaaye

Dadkuna moodi duul wadadhashaan wax u dahsoonayne

Dalo malaha aakhiro haddii loo kitaab dayo’e.

Barni Sheekh Cabdulle oo qurux iyo qaayo meel isu taagtay ayuu guursaday Qamaan Bulxan. In muddo ah markii uu qabay ayay socdaal gaaban ku gaadhay reera hoodii. Nasiib-darro war dhiilo leh ayaa Qamaan loo soo sheegay kaas oo ah in uu nin kale guursaday Barni. Qamaan Bulxan Jiif iyo joogba waa qaban waayay waxaanu noqday duleed-yuurur. Haybe Cabdulle oo ay saaxiib ahaayeen ayaa ka codsaday in uu giriga u raaco. Kadibna tixdan ayuu Haybe jawaab uga dhigay, waxaanu yidhi.

Gartayweeye Haybaw in aan goroda laadshaaye

Waxba gogosha haydhigin hurdadu waygu gabilay’e

Rag waxgaadhagabadhuuqabooguurninl agusheegay

Iyo gabasmariidloo u gala guunjigiihilibka

Ugudboonelabadaahalbuugamaladi idaaye

Anigunagedaasaanaheeguriga hay gaynin

Qamaan Bulxan wuxuu aad uga horjeeday hogaamiyihii Daraawiishta Sayid Maxamed waxaanu qayb ka ahaa Kala-kicii Gurdimi ee lagu shirqoolay Sayid Maxamed inkastoo aan lagu guulaysan dilkii Sayidka,dhawr tixood ayay is dhaafsadeen Qamaan Bulxan iyo Sayid Maxamed .Tixdii aynu qormadan kuballaysinay oo duurxul iyo sarbeeb ahayd ayaa Qamaan tiriyay.

Tamed aada adigoo ahoo fara ku taagaystay

Tunka yaa ku soo qaban haddaa tered ku xaajooto

Miduun baa tusmada kaara roo lagugu taagaaye

Wallee inan Ragaw tala aduun taada uun maaha

Tixdaa Qamaan Sayidku majeclaysan waana ka soo jawaabay isagoo yidhi:

Qamaanaw qoon-xumadu wey ku ambin doontaaye

Adinkaaga lagu madiro uubiyo ceel’e

Maandhaw afkaagaad u dhiman aakhiraw samane

Qamaan Bulxan yaa isna ku soo noqday waxaanu yidhi

Alle-celi codkana waa yaqaan waana caytamay e

Carabkiisa saw umabiqiyo codadka nuu baani

Nin hadduu cimriyooo waxbadan cagaha meel saaro

Koluun baa carshiga mawd ka yimi cunaha taabtaaye

Waxbadan baad cokani-dheelmatee calaf go’ baa taagan

Waxaa xiisaheeda leh aragti kale oo labadooduba muujiyeen mar Qamaan Bulxan oo Herer ku xidhan loo soo sheegay geerida Sayid Maxamed, warkaa soo been-abuur ahaa. Qamaan majeclaysan waana rumaysan waayay tix kale ayuu sidan ku yidhi:

Dhawaaqaale xaajada tagtiyo Adari dhuuxeeda

Dhulkaa ii dalooshamay hadday dhab u ekeeyeene

Dhagbaa waagu ii yidhi sidaan dheel u yuururay e

Sayid Maxamed wuu dhaqanyahee dhimay nin kiisheegay

Rabi dhinaca naar hawdhigee wuuna dhuunmuday e

Lib tuu dheelmiyo taandhigaa ii dhawaaq -siman’e

Sayid Maxamed markii loo mariyay gabaygii Qamaan wuxuu ku jawaabay: Daraaweeshay markii la xujeynayay Qamaan Bulxan haddii aynu dili lahayn Darwiish dhintay buu noqon lahaa.

Sidaan hore u soo sheegay, qormo iyo laba toona lagu ma koobi karo murtida iyo maansooyinkii Alle ha u naxariisto’e Qamaan Bulxan. Isaga iyo raggii la ayniga ahaa waxay ahaayeen hormuudka dhidibbada u aasay suugaanta Soomaalida sida uu Hadraawi ku xusay maansadiisa Hal-abuur.

Hal-abuurka niman baa

Hawraar u bixiyoo

Haaneedka Raagaa

Qaban jiray hadhuubkoo

Cali-dhuuxna hooduu

Ragba kaga horeeyoo

Hidda-raacQamaan bay

Habar wada jeqeenoo

Hadda gabay Salaan baa

Dhigijiray higgaadoo

Hami Faarax Nuur baan

Ladijirin habeenoo

Hitiqsiga Gamuuntaa

Habrashada aqoonoo

Mahadhada kalgacalkiyo

Hodan iyo xusuusaha

Cilmi haadka duuluu

Fari jiray hayaydoo

Sayid Maxamed hawlaha

Halgankiyo dagaalkuu

U hor kacay Daraawiish

Hurintiisa jiiftaa

U ahayd halhaysoo

Ugu dabayn waxaan hanbalyo iyo bogaadin gaadhsiinayaa saaxiibkay Axmed Cabdi Haybe oo dhawaan soo saaray buug uu ku ururiyay maansooyinkii Qamaan Bulxan, nuqul ka midana hadyad ahaan iigu soodiray.

Yuusuf Cismaan Cabdule (Yuusuf-Shaacir)

27ka November 2017

Hargeysa

shaacir12@gmail.com


Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
WAREYSIYO