Monday December 11th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Yuusuf Shaacir oo wadadii Muuse Galaal la marayso. Tusalaayan iyo Tallo

0
Friday December 01, 2017 - 09:22:06 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Yuusuf Shaacir oo wadadii Muuse Galaal la marayso. Tusalaayan iyo Tallo

    Yuusuf Shaacir oo wadadii Muuse Galaal la marayso. Tusalaayan iyo Tallo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yuusuf Shaacir oo wadadii Muuse Galaal la marayso. Tusalaayan iyo Tallo
Salaamu Calaykum waraxmataulaah wa barakaatu .

Waxan mudo dheer arkayay qoralaadiisa ama waraysiyadiisa suugaanmeed ninka la yidhaahdo Yuusuf Shaacir oo isagu sidu sheego isku taxalujiyay ururinta suugaanta Soomaaliyeed . Suugaanta soomaaliyeed waa taariikhda soomaalida , oo dhacdo kaste oo tilmaam lahayd inta badan gabayo ayaa laga tariyay oo reerahay ama shikhsiyaadakay dhex martay dhacadadu is waydaarsadeen. Dhacdo kaste gabayadeeda ayaa laga garan karaa siday wax u dhaceen guud ahaan.


Gabayadii hore ee la tiriyay ama gabayaagii hore qiiimayntooda Isaaq iyo Daarood had iyo jeer way isku khilaafaan. Oo taasi waa caadi oo hada iyo jeer ninba ninkiisa ayuu buun buuniyaa oo libta siiyaa, inakstoo gabayada laftoodi ka markhaati kacayaan hadaba ninkay libtu raacday hasayeeshee taas ayadoo jirta ayaa sababta ka danbaysa gabayada la muran galin karo. Yuusuf Shaacir taa guud ee Isaaq iyo Daarood sugaantooda isagu ma dhex galo se meelo hoose oo u badan jilibada Isaaq ama gabayaaga isaaq gudahooda ayuu isagu badanaa u kala eexdaa oo halkaas wuxu la mid yahay Muuse Galaal oo la wada ogsoonyahay sidu gabayada GUBA gabi ahaanba uga reebay gabayaaagi Habar Yoonis ee loolanka Guba gaar ahaan beeshooda u khuseeyay, sida Jaamac Xirsi Dubad , Ismaaciil Cigaal Bulaale , Maxamed Fiin , Xayd Xirsi, Yawle oo silsiladii Guba ka dhigay in Salaan Carrabay oo kaliyaa Isaaq ba kaga jiray.
Mar u ninka Shaacir programa u duubayay T.V. yada somalida mid ka mid ah , isagoo ka faaloonayay dhacdooyinkii "kibirku" sabab u ahaa dagaalo rag badan ku dhinteen. Sida dhacdadii Suldaan Xirsi Amaan iyo Xaaji Guuleed Xaaji Axmed, Faarax Afxakame iyo Cali duulane , Mataan Ciideed iyo Ibraahim Jiir iyo Aadan Galaydh iyo Boos Cawar. Ayaa mar u ka hadlayay gabayadii laga tiriyay dhacdadaas danbe ee Mataan Ciideed ayaa wuxu yidhi " Nin Cadan joogay oo ina Dubbe la odhan jiray oo la yidhi " waar gabayna ma taqaanide" ayaa markaas gabay tiriyay u tilaamaya arintii Mataan Ciideed" (https://www.youtube.com/ watch?v=VHKjkvu0nO4, dhagayso midhidhka 5:00 markay cajaladu marayso)

Hadalka noocaas ah ma aqoon daro bay ka tahay? mise waxay ka tahay inu sidii adeerkii Muuse Galaal iska dhaadhiciyo nimanka Daarood oo waji-ka-macaash ka tahay?. Waxay aniga ila tahay inay kas iyo xin reereed ay ka tahay. Oo ninkaas isku taxalujiyay inu gabayo iyo taariikh ururiyo muu garan waayin GabayXoog ee waxay ka ahayd way iska caday.
Aadan Axmed Dube oo ku magac dheeraa Gabay-Xoog wuxu ahaa horyaalkii maansada gabayga soomaali qarnigii 19aad ( 1800-1900) oo muran l'a ah rag u ka mid yahay Raage Ugaas oo samiri waayay mooyaane , GabayXoog wuxu ahaa nin maansdiisu soomaalida gabayda ee qarnigaas wada gaadhay Dir iyo Daarood ba. Wuxu ahaa nin dagaan kaste oo soomaaliyeed gabayadiisu ku fideen , ka dibna Cadan iyo dibadaha maansadiisu gaadhay , oo isagu laftiisa dhulkaas oo dhan ka soo gabayi jiray . Aadan wuxu qiyaas dhashay 1820s wuxu na dhintay 1911. Mudo qarni-badhkii ka badan ayuu gabayay GabayXoog, gabayadiisa dhulka soomaaliyeed oo dhan ku fideen Isaaq Galbeed ilaa caro Mareexaan. Waxay silsilad dheer oo dagaalo fara badan dhalisay dhex mareen isaga iyo ninka la odhan jiray Raage Ugaas, Xasan Dalab ( Udurixmiin), iyo rag kaloo badan , haday dagaal noqoto iyo haasaawe kale iyo dhacdooyinkii kale ee qarnigaas rag dhex martay intaba gabayga GabayXoog kama maqnayn , dilkii Xirsi Amaan , Faarax Afxakame iyo Cali Duulane , Mataan Ciideed iyo xataa dumarkii quruxdooda reeru isku dileen sida Maryamo Xaashi oo Ogadeen ahayd oo maansadiisa dheer ka tiriyay lana magac baxday " Guluf-Tuuyo" 1870yadii. Waa gabadhu Cabdi Gahayr 70 sanadood ka dib gabaygiisa amaanta ah ee " lagu-mood" u ku soo darayo isagoo ogsoon sheekadeeda marku leeyay:

Lagu mood Maryama Xaashidii magaca dheerayde.

Cawd Ulayar gabayaa la odhan jiray oo Sacad Muuse ahaa ayay Nuur Dhagacun ( Nuur Ducaale Suldan Guuleed) oo Ciidagale ahaa oo isku wakhti ahaayeen GabayXoog ayaa labadaas gabayaa ee hore isugu goodiyeen kooda gabayahansan labadooda. Nuur Dhagacun waa ninku Salaan Carrabay gabaygiisa "silsilad" u ku hal qabsaday maansada siiyay isagoo laba meeris ku leh:
Salka gabayga Nuur Dhagacun baa saajic ku ahaaye .
Anna waan saxeexaa kolku suuro galayaaye.

Cawad Ulayar ayaa gabay u soo tirinaya Nuur Dhagacun isagoo markaas tilmaamaya Daarood iyo Isaaq gabayaagooda ugu caansan ee calanka maansada u sida oo u markaas isagu laftiisu u leeyay ragaas anaa ka mid ah Nuur na u ku leeyay rag baa kaaga horeeya curista maansada. Gabaygu ma dhama oo kolay rag kale waa ku soo darayaa, oo marka hore marku kuwa Daarood u tiriyo ayuu kuwa isaaq dhex galayaa , intan yar ee u ku tilmaamay gabayaga Isaaq waxa ka mid ah:
Gabay Hawle, Hagar Goonle iyo Hiirad iyo Raage

Iyo laba Hartiya oo fadhiya Hobiyiyo laaso
Iyo ina Dubbaa lagu hirtee haybta Sacad Yoonis
Iyo hanadka Liibaan dhaleen hilib wadaagayno.

Ina Dubbe waa Aadan Axmed Dubbe "GabayXoog" , ina Liibaan na waa Muxumed Liibaan Jadeer ( oo dhintay 1886 kii) . Taas oo kaliya markhaati uma aha maansada GabayXoog iyo ragaas qarnigaas ku hirdamayay gabayada soomaaliyeed. Dhul-Maraa la odhan jiray Luigi Robecchi Bricchetti (21 May 1855 – 31 May 1926)(https://en.wikipedia.org/wiki/ Luigi_Robecchi_Bricchetti) ayaa carrada soomaali safar ku maray , safarkiisii ugu horeeyay wuxu ahaa 1888kii, Berbera , Zeila iyo Harar ku maray. Safarkiisii labaadna wuxu ka bilaabay Banaadir 1890 , ka dibna ilaa 1891 Majeerteenia , dhulka Ogaadeen iyo Mareexaan iyo somaliland ba u ku gaadhay.
Wuxu Bircchetti kaga duwanaa dhul-mareenadii ka horeeyay ilaa 1821 ( Forbes oo xeebta Berbera wakhtigaas yimi asalkiisuna Ingiriis ahaa) , 1853-1854 ( Richard Burton oo isna Zeila ilaa Harar maray , ka dibna Berbera ka dhoofay) , 1884 F.L. James oo Berbera , Burco ilaa webi Shabeele, soo noqoshadiina soo maray Daroor banka Tuuyo ilaa Berbera ahaana dhul-mareenkii ugu horeeyay ee jiidaas mara). Waxa jiray ayaguna niman u badnaa siyaasiyiin Ingiriis sida Hunter oo ahaa sarkaalkii qabaailka soomaaliyeed la wada saxeexay heshiisyadii 1884-1887 . Ragaas oo dhan ninba wax soomaali ka qor , afkooda iyo sheekooyinkooda dhaqan. Xaga gabayada se nin aad u kuur galay Bircchetti cidi kagamay horayn. Gabayadu safarkiisii 1888kii u gacantiisa ku qoray isagoo markaas adeegsanaya farta-latinka , wuxu af-soomaali latin ah ku qoray dhowr gabay, gabay ay gabadhi u tirisay Ugaas Nuur Ugaas Rooble, waxa ka loo ka mid ahaa gabay gii Jaamac Ammume ( Jamaac Warsame Dhinbiil ) iyo gabay gabadhi ka tirisay dagaaladii Xirsi Amaan lagu dilay, Jaamac iyo gabadhu ba waxay ka soo jeedeen dhanka Xirsi Amaan ama Ba-Awal. Jaamac oo 17 jir ah ayaa laba ay walaalo ahaayeen u dilay nin abaanduule ahaa oo la odhan jiray Warsame-Dhakaar ama Dakaar oo ahaa Baha-Sugulle kana soo jeeda jilibka Guuleed xaaji Axmed . Labadii marku dilay ayuu weliba eri weedh yasid ah raaciyay isagoo leh " Habartaan goblay Amuume awaaraha hakaga baxdo" isagoo markaas liidaya Amuume ( Amuume naanaystu waa ninka aamusan ama codku ka soo bixin , Jaamac wuu cod yaraa sidaas baa naanaystu ugu baxday). J

Jamaac marku arintii u maqlay iyo hadalkii Warsame u raaciyay marku dilay walaaladii , Jaamac oo 17 jir ah wuxu ku tashaday inu ninkaas raadiyo. Wuxu rag waraystaba waxay u tilmaameen Warsame Dhakaar, nin oday ah ayaa yidhi " hadaynu jabno waa ninka aan hadhayn ee inagu daba jira , hadaynu wax jabinana waa ninka colka jabay ugu danbeeya een quusan". Jaamac oo waramihiisii habeenkii ka horeeyay dagaalka asmo loogu akhriyay oo lagula dardaaramay inaanu naago ka taaban warnka iyo hootooyinka ayaa faraskiisii subaxii soo fuulay , ayadoo ragii ka waaweynaa la yaabanyihiin Jaamac Amuume iyo faraskiisa iyo ninku u dan leeyay ee Warsame oo isaga iyo faraskiisuba dagaal iyo orod la sinayn kan Jaamac. Jaamac ninkii Warsame dil , faraskii Jaamacna faraskii Warsaame orod iyo wiifwiif ba ka badi. Markaas ayuu Jaamac gabayayaa , isagoo araarta hore faraskiisa la hadlaya, wuxu ka dib u gudbayaa dagaalka isagoo leh:

Isha bari hadii loo kaca iyo awrta reer Sugulle
Abbaanduulaa Guuleed hadii ubax loo goostay
Eebada hadii laysku riday iyo illig-yartii hooto
Kolku ina qolyeedkii sidii aarka nagu yeedhay
Abidkayba intii hore hadaan dabo adeegaayay
Anigoon aqoon jirin hadii lay ogaysiiyay.

Marku aakhirkii gartay Warsame oo u hore u aqoon , ayuu markaas faraskiisii sidu dagaalka ugala qayb galay iyo sidu uga aarsaday Warsame iyo weedhiisii liida ahayd u dhaadhacayaa iyo sidu aar gudashadii ka dib uga "oon beelay" af-xumadii Warsame.

Onkad baxay la moodyow hadii amar la qaadsiiyey
Doc aroorka uguma tago orodka saydhshaaye
Oogada haduu igala baxay agabarkaan joogay
Ana awlaxaan sitay hadaan oofta midig gooyay
Kol hadaan Warsame ajalay oo baho agoomeeyay
Kol hadaan ugaaskii ka dilay ololiyaynaayay
Kol hadaan ka oon baxay afkay aramidu jiiftay
Alxamdu-llilaah caawaba hadaan umalkii qaar reebay.

Gabayga iyo sheekada Warsame iyo Jaamac Amuume waayadii Kacaankii Maxamed Afweyne ee taariikhaha la kala boobayay ee dawlad ku sheegii "jaale-Daarood" iyo niman ay ka mid yihiin Idaajaa iyo Aw Jaamac Cumar Ciise iyo rag kaloo badan oo Daarood ah qalinkii iyo mindada-daabkeedii isla heleen , ayaa sheekadii Jaamac Amuume iyo Warsame ugu abtiriyeen Boos Cawar iyo Aadan Galaydh. Labada sheekoodna waxa horaysay tan Warsame iyo Jaamac oo ayadu ka qayb ahayd dagaaladii lagu dilay Suldaan Xirsi Amaan 1870yadii. Gabayguna u markhaati Jaamac Amuume u furayo 3da arimood ee kala ah , aarsi , af xumo , iyo faras laysku ciilay, 3daas ba gabaygu been ma sheegee Jaamac waa kaas sheegaya , halku Boos Cawar aan tiisu gabay lahayn ee weedho isaga loogu abtiriyay sheekadiisa ay ku soo darayaan nimankaas jaalayshaa ahi.

Waxan hordhacaas dheer uga dan leeyay inaan tusaaleeyo sidu sugaanta soomaaliyeed u dhex galay dhul-mareenka Bircchetti 1888-1891 kii. 1890kii ayuu Bircchetti Benadir, Majeerteenia iyo dhulka Mareexaan iyo Ogaadeen soo dhex maray. Laba nin oo gabayaa ahaa baa safakriisa ku jiray, habeen kaste markay reero soo dul dagaan ee la maqlo gabayaa baa cararada yimi siday soomaalidu suugaanta u xiisayn jirtay ayuu uga sheekaynayaa, habeen kaste na wuxu dhagaysan jiray gabayaaga dhulku marayo isugu faani jireen haday noqoto gabaynnimo iyo dumar amaan ba. Wuxu yidhi Bircchetti gabayada soomaaliyeed waxan aad u dhuuxay markaan marayay dhulka Ogaadeen iyo Mareexaan , waxayna iiga sheekeeyeen gabayaaga soomaalida ugu caansan .

" Waxaraga ugu caansanaa ka mid ahaa Raage Ugaas oo Ogaadeen ahaa toban sanadood ka hor dagaal lagu dilay . Aadan Axmed Dubbe oo Isaaq ah , jilibka Habar Yoonis , kuna magac dheer " Gabay Xoog" weli wuxu ku noolayay Maydh inkastuu haatan u gaboobay. Waagu dhaliinyarada ahaa gabayadiisaa waxa ka hinaasaday Raage Ugaas , dhaowr jeer waxay gabayadaasi sabab u ahaayeen colaad dhiig ku daatay iyo colaad fog oo aanay ka heshiin. Haduu ( GabayXoog) yahay qoraxada dhacaysa ee gabayga haatan waxa soo baxay rag ay ka mid yihiin Daahir iyo Xasan Dalab oo ayaguna Isaaq ah oo xidgiyo cusub ah oo dhaliin yaro ah. Muxumed Liibaan oo Isaaq , Habar Awal ah oo dhintay 3 ama afar sanadood ka hor wuxu ahaa abwaan midho culus oo gabaydiisu arami iyo murugo ( aftahanimo iyo xikmad ) badanyiin waxaanu ku caan yahay magaciisa Muxumed Liibaan Jadeer."Bollettino della Società geografica italiana, Volume 30. 1893.

la soco qaybaa kale. iyo talo iyo tusaalayn ta Yuusuf Shaacir ku socota.

Rashiid Jaamac.

 

kayse78@hotmail.com

 
 
 
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO