Monday December 11th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Soomaalida Iyo Cilmiga Bulshada

0
Friday December 01, 2017 - 17:21:05 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Iyo Cilmiga Bulshada

    Soomaalida Iyo Cilmiga Bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalida Iyo Cilmiga Bulshada
Cilmiga bulshada waxaa loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay culuumtii ugu horreeysay ee aadanuhu uu baadho, waa cilmi daraaseeya aragtida kala duwan iyo xidhiidhka, qofka kala dhaxeeya bulshada iyo deegaankiisa. Aadmigu waxa uu baadhitaan dheer ku sameeyay xilliyadii kala duwanayd ee lasoo dhaafay mawduucyo khuseeya dhanka bulshada ee fikirka, waxqabadka oo keeni kara inuu aadanuhu uu gaadho ilbaxnimo casri ah oo xoogga saareysa xidhiidhka wanaagsan ee fayow ee aadanaha dhexdooda ah, waxaana la qabtay shirar caalami ah oo looga hadlayey in lagu gaadho nabad iyo wada noolaanshiyo, halkaana waxaa kasoo dhex baxay fahamka cilmiga Bulshada. Aniga oo ka mid ah dadka bartay Cilmiga Bulshada Qayb ka mid ah ( Sociology And Social Anthropology ) Kana qalin jabiyey Jaamacadda Rift Valley Dire-Dawa Campus August 2016 waxa aan yara iftiiminayaa muhiimada uu leeyahay Cilmiga Bulshadu oo aanay Soomaalidu wax badan ka fahamsanayn. Qeexidda Cilmiga Bulshada (Definition of Social Studies)


Cilmiga Bulshada(Sociology) waxa uu leeyahay qeexitaano fara badan laakiin ka ugu muhiimsani waxa uu leeyahay waa Diraasadda qaab cilmiyeed loo baadho hab dhaqanka shakhsiyaadka bulshada ka tirsan iyo aasaaska bulshadu ay u qorsheyso noloshooda, waxaanuu cilmigani muhiimad siinayaan daraasadda xidhiidhka qofku uu la leeyahay bulshada, waxyaabaha saameynta ku leh xidhiidhkaasi iyo cid kasta
kaalinta ay ka ciyaari karto . Waa cilmiga rogroga si qoto dheerna u daraaseeya xidhiidhka gaarka ah ee ka dhexeeya dadka iyo waxa ka dhalan kara ee muuqaalka bulshada ah ee lagu kala duwan yahay ee bulsho kastaana u gaarka ah xilliguna uu bedelo, u fiirsiga gaarka ah
iyo daraasadda habdhaqanka qofka oo ugu dambeyn lagala soo baxayo heerka uu gaadhsiisan yahay horumarka iyo dib u dhaca bulsho kasta.
Muhiimad Noocee ah buu Leeyahay Cilmigan (Importance of Type) Qof kasta oo aqoon duruqsan u leh Cilmigan kama qarsoona kaalinta iyo muhiimadda balaadhan ee cilmiga bulshada uu leeyahay iyo sida uu u saameeyo nolosha qofka iyo bulshada iyo horumarka fakarka bulshada. Ibnu-Khalduun ayaa ku sheegay kitaabkiida Muqadamada : "Ogow in cilmigani uu yahay mid cusub oo layaab badan,

faa’idooyin-kiisuna ay aad u ballaadhan tahay”. Mar uu ka hadlay cilmiga cusub ee uu dunida ku soo kordhay ee cilmiga bulshada ah.
Hadaba, muhiimadda aadka u weyn ee cilmigani leeyahay oo aad u farabadan, anigu waxaan ku soo ururinayaa qodobadan:
1. Waxa uu hal waddo iskugu soo ridaa oo uu is waafajiyaa mu’asasaadka diiniga
ah, kuwa dhaqaale, kuwa siyaasadeed iyo kan barbaarineed ee bulshada.
2. Waxa uu ka qeybqaataa cilmigani in xal loo helo mushkiladaha dhanka Akhlaaqda ah ee bulshada ku dhex faafsan, kuwa sida aan habbooneyn
saameynta ugu leh iyo sida togan amaba taban uga dhex jira bulshada. Qodabkani waxa uu ina tusinayaa ii haddii aynu Soomaalida nahay dhibaatoyinka fara badan ee dhanka akhlaaqda ah ee ina haystaa ay sabab u yihiin aqoon la,aanta inteena badan inaga haysta Cilmiga Bulshada.
3. In si qoto dheer oo mug leh loo fahmo qawaaniinta bulshada hagta.
4. Xaqiijinta xidhiidhka ka dhexeeya qofka iyo bulshada uu la noolyahay oo uu si
gaar ah u eego.
5. Sameynta dhisidda aragtiyo bulsheed oo laga soo dheehday waayo aragnimo iyo tijaabooyin lasoo maray si guul darrooyinka soo noqnoqda looga gaashaanto. Qaybaha uu Leeyahay Cilmigan (Parts of This Knowledge) Cilmiga bulshada waxaa saameyn ku yeeshay, sida ku dhacay culuum fara badan, kacdoonkii dhanka warshadaha, waxaa batay muhiimadda la siinayo cilmigan iyo goobaha uu taabanayo oo aad u tiro badan , waxaa dhacday in dhinacyo kala duwan uu u qaybsamay, waxaana qaybihiisa ka mid ah: Cilmiga bulshada ee dhanka Diimaha, Cillmiga bulshada ee dhanka siyaasadda, Cilmiga bulshada dambiyada oo xoogga saara in ay daraasad ku samayso sababta dambiyada iyo heerka saameyntooda, Cilmiga Bulshada reer Miyiga oo ka hadla reer miyiga iyo dhaqankooda khaas ahaan reer guuraaga, Cilmiga bulshada ee Barbaarinta oo ka had la kobacinta Shakhsiyadda qofka, Cilmiga bulshada ee reer magaalka, Cilmiga bulshada Warshahadaha, dambeyn Cilmiga Bulshada Qaanuunka iyo qaar
kale oo badan.

Culumadii Ugu Caansaneyd Cilmigan (The most famous scholars of this
knowledge) Culimo Fara badan ayaa ku caan baxay Cilmigan waxaana ka mid ah:
1. Ibnu-Khalduun: magacisu waa Cabdiraxmaan Ibnu Khalduun, waxa uu ku dhashay dalka Spain sanadkii 1332 miilaadiyada, waxaana loo aqoonsan yahay inuu yahay aasaasaha dhabta ah ee cilmiga bulshada, dhagaxii ugu horreeyayna dhigay cilmigan, sidaas oo kale waxa uu ka mid ahaa culumadii Taariikhda iyo dhaqaalaha.

2. Auguste Comte: Waa caalim Filasuuf ah oo u dhashay dalka Faransiiska, waa caalimkii bixiya magaca cilmiga Bulshada ee maanta loo yaqaanno.
Kaalinta (Contribution) oo Cilmiga ku lahaa waxa ka mid ah in uu Bulshada u qaybiyey laba qaybood A) Qayb loo yaqaano (Statics) oo macnuhu yahay is badal la,aanta
bulshada.
B) Qayb loo yaqaano (Dynamics) oo macnuhu yahay is badalka bulshada.


3. Herbert Spencer: Waa mid ka mid ah mufakiriintii ugu waaweynayd ee dalka Ingiriiska, waxa uu saameyn ballaadhan lahaa dhamaadkii qarnigii 19aad, waxaana loo aqoonsan yahay inuu yahay aabihii labaad ee cilmigan bulshada, kadib Auguste Comte. wuxuu rumaysnaa inuu bulshada isu
barbar dhigi karo noolaha nool.
4. Emile Durkheim: waxa uu ahaa nin faranciis ah oo filasoof ah aqoona u leh Philosophy, cilmiga bulshada, waxbarashada, daraasaadka diinta, sidoo kale waa ninkii sameeyay waxa loo yaqaano Labor Division (Qaybta Shaqaalaha). Sidoo kale waa ninkii lahaa abla ablaynta waxa loo yaqaano Suicide (is dilid) afar qayboodna wuu u qaybiyey.
5. Karl Marx: ninkan contributionka uu lahaa waxa ka mid ahaa
Alienation
Oo macnaheedu yahay ka dhex bixida bulshada ama takoorka
Prepared By: Mustafe Dahir Ali
Qualification: Bachelor Degree of Sociology & Social
Anthropology (Rift Valley University Ethiopia)
Mobile: 063-4330090/063- 4394262 or 065-9114647/065-
4330090
Email: msociologist1@gmail.com

ALLAH MAHAD LEH
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO