Monday December 11th, 2017
Burcoonline
Telesom
freee space
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Xildhibaanka waa runtii,yaad bogaadinaysaan?

0
Monday December 04, 2017 - 11:47:13 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanka waa runtii,yaad bogaadinaysaan?

    Xildhibaan Dheeg waa Raggii hore,waa Raggi Hilib Geella cuni jirey,waxaad ku garanaysaa,wuxuu yidhi "waar Ninka Cadka qaatay ha bogaadinina ee Ninka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Dheeg waa Raggii hore,waa Raggi Hilib Geella cuni jirey,waxaad ku garanaysaa,wuxuu yidhi "waar Ninka Cadka qaatay ha bogaadinina ee Ninka

Xildhibaan Dheeg waa Raggii hore,waa Raggi Hilib Geella cuni jirey,waxaad ku garanaysaa,wuxuu yidhi "waar Ninka Cadka qaatay ha bogaadinina ee Ninka hanneeyey wanaagiisa afka haka dhigina" Abwaanka waxaan kaloo dhegeystey isagoo jooga meel aan weli laga maqal 'Aakhiro Nin aan Geel lahayn lama ammaaneyn' iyo Nayroobi oo uu hadana madaxa saartey (marba meelbay joogtaaye) dhacanta Daa'uud.

Dr C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),Murashaxa Xisbiga Waddani wuxuu inoo soo gaabiyey hawl dhib badnaanlahayd oo khatar badnayd,wixii taageerayaal maal,muruq iyo maskaxba la garab taagnaa,way adkayd wixii oo tacab ahaa,wixii filasho iyo guul u joog ahaa inuu go'aan adag ku qaato isagoo dadkiisa iyo Qarankiisa abaal gashanaya.Dhamaanteen aynu Bogaadino oo uga mahadnaqno tudhaalihiisa.


Waxaynu isagana Bogaadinaynaa Mudane Faysal Cali Waraabe oo isaguna,inkastoo aynu isi siinay markiiba ogolaaday natiijadii,markasta oo ay soo gaadho yaa maali jirayeey isagaa ugu horeeya.

Waxaynu u ducaynaynaa Madaxda la doortay,Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne ku xigeen Saylici in ilaahay u iftiimiyo Aragtida,Xikmadna siiyo ay naftooda iyo tan dadkooda ay ku hogaamiyaan,in Illaahay siiyo Garasho wanaagsan oo go'aanada u fududeeya,in Illaahay siiyo Dulqaad,Samir,Akhlaaq iyo Daacadnimo ay dadkooda kuhagaan.inIllahay siiyo Xirfad ay dadkooda ku kasbadaan.Aamiin yaa Xakiim,Ar Raashid,An Nuur,Al Muqsit,Al Waliy,As Sabir,Al Majiid,Al Wajiid,Al Wakiil,Al Xakiim,Al Risaaq.

Madaxweynaha la doortay wuxuu ku dhaqaaqay waddo yididiilo leh,marba hadii uu durtaba ka qaybgalay Afar madalood oo muhiim ahaa If iyo aakhiroba.Waxay ahaayeen Laba Aas oo uu ka duceeyey iyo Laba ardaa oo uu ka mahad naqay. Talada Madaxweynaha cusub waa lagu badiyey,yeelkeede ,Madaxweyne sidii Cigaal ha u hadal caddaan,sidii Siilaanyana ha u macaanaan.Muusahaaga ahow.

Ugu dambayntii waxaynu u mahadnaqaynaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Xukuumaddiisii,waxaynu Alle uga baryeynaa Madaxweynaha iyo Marwadiisaba inta Noloshooda ka hadhay inay Sharaf ku noolaadaan ,Aakhira Ehlu Janada ka mid noqdaan.

Bashiir Tarabbi Oogle,
bogleh69@gmail.com
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO